SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

JAWAAB QARAWGA WAHAABIYADA IYO CALAN LEYDA!!

Mahad oo dhan allaah ayaa iska leh naxariis iyo nabad galyo nabi Muxamad korkiisa allaah yeelo.

Maqaalkaygii TAARIIKHDA WAHAABIYADA ayuu walaalkeen wallays dhibsaday taariikhdana qofku ha dhibsado ama ha jeclaado waxaa haboon sida ay tahay in looga hadlo mana iga ahayn caadifad aan cid u qabo laakiin waxay iga ahayd amaana cilmiga oo aan gudanayay.

Maqaalkiisa wuxuu i xusuusiyay sheeko dhex martay Wadaad jamaacad Tabliiqa ah iyo Macalin Dugsi

wadaadki tabliiqa wuxuu yiri walaalow maad illaahay dartii noola baxdid.

macalinkiina wuxuu yiri walaalow Qurankaan,salad iyo kutubta aan dadkan barayo  illaahay dartii ayay iga tahay

wadaadkii tabliiqa walaalow diintaan waa lagu liibaanaa dadka yagiina uma soo jeedaan adigiina sidaan ayaad u hadlaysaa ayuu yiri

macalinkii yaab badanaa war tan miyaysan diin ahayn meeshi ayana lagu kala tagay

hadlakaan labada nin dhex maray iyo hadalka muxamad bin cabdiwahaab iyo muxamad bin sacuud ay is yirahden markay heshiiskii darciyay kala saxiixanyeen waa isku dhow yihiin maqaalakii aan balan qaday ayaan ku arki doonta sida uu ahaa hadalkaas.

walaalkeen "Haddii aad dooneyso inaad wax ka ogaato shakhsi waxaa haboon in aadan warka ka qaadan dadka necybkiisu indha tirey iyo kuwa jaceylkiisu maan dooriyey"  waxaan u malaynayaa in uu ku jiro kuwa jecelkiisu indho tiray maxaa yeelay wuxuu yiri "Muxamad Bin Cabdiwahaab wuxuu ahaa madhabta xanafiyada" Bal hadalkaas haka jawaabo Muxamad Bin Cabdiwahaab laftiisa.

"afarta madhabood waa wadooyin shaydaan jeexay iyo hawooyin kala tagsan"wuxuuna ku yiri kitaabkiisa (sitaatu usuulil cathiimad) halkaan waxaan ka cad labo arimood mid

1-in uu jecayl dartiisa arintan uga soo suko maray oo uu arkay waxa sheekhiisu yiri.

2-ama sida uu yiri waxbaan baaray uusanba waxbo baarin oo uu is yiri shiikhaagii ayaa la haystaaye difaac.

marka anaga ma waxaan raacnaa hadalka muxamad bin cabdiwahab oo uu dhaxalka uga tagay oo qoran mase warka difaaca ah ayaan qaadana.

WAHAABIYADA CASRIGA IYO MADAAHIBTA

bal wahaabigan kale ee Axmed Ibnu Saalax asagana muxu ka qabaa oo uu qoraal ahaan wahaabiyada kale ugu qoray"afarta madhabood waxay la mid yihiin diintii Cabdimudhalib,Abuu jabal,Abuulahab iyo waliib binu muqiira"wuxuuna ku yiri kitabkiisa (Taxkiimu Naadhir B154)

hadaba walaaley muxuu oran doonaa tanina waa dacaayadii laga faafiyay mase waa dhaxal qoran oo aan b 

waxan leeyahay walaalkey wakhtigii dacaayada ma ahan wakhtiga lagu jiro qofkana waxaa fiican in uu wacyiga jira la socdo.

wuxuuna walaalkey ila qiray in suufiyada laga faafiyay warar daacayad ah oo tiro badan.

wahaabiyo sidaan ayaan laga sheegay waa dhamaatay wixii aad qorateen weeye waxa aan hada halkaaan ku soo qoray hadaba hadaadan horey waxba u baarin dib ugu laabo kuwa aan ku tilaamay meelna isku soo raaca adiga iyo culimadaada ayaan leeyahay.

Wabillaahi Towfiiq

C/razaq Sh.Xusen Muse Garweyne
inahusein@hotmail.com
Nairobi Kenya

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 9, 2005

» MAQAALKII WALLAYS: QARAWGA WAHAABIYADA IYO CALAN LEYDA!! | Wallays

» QORAALKII GARWEYNE: Taariikhda wahaabiyada | Garweyne

» QORAALKII FAHAD: SUUFIYADA IYO BISHA SOONKA.

 


Dr. Alnajjar oo Aad uga Dayriyey Xaalada Soomaalida....
»Cusmaan Caato: C/laahi Yuusuf dagaal ayuu isu diyaarinayaa
»Saddex markab kalluumaysato oo lagu afduubay Soomaaliya
Wararka oo dhan ka akhri halkan... Guji... sept 2

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD