SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

 
  • Ra’isul Wasaare Cali Max’ed Geedi oo  soo dhaweeyey Xafiiska Jaamacada Carabta ka furaneyso..

  • Shirkii Wasiirada arimha dibadda ee IGAD oo la sheegay in uu ahaa Qorshe ay wadatey

  • Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobey oo sheegay

  • Dowladda Itoobiya oo aad uga xumaatay weerarkii lagu qaadey

  • Shaaweeye iyo Firimbi oo ka qaybgalaya Shir Caalami ah oo ka dhacaya Swedan

WARARKII MAANTA::: Nov 10, 2005

Ra’isul Wasaare Cali Max’ed Geedi oo  soo dhaweeyey Xafiiska Jaamacada Carabta ka furaneyso..

Ra’isul Wasaare Cali Max’ed Geedi ayaa shalay Magaalada Jowhar kulan kula yeeshay wafdi ka socday Jaamacadda Carabta oo uu hoggaaminayay wakiilka Jaamacadda Carabta ee Soomaaliya Samiir Xusni, waxaana kulankaa la iskula soo qaaday sidii Jaamacadda Carabtu ay door muhiim ah ugu yeelan lahayd arimaha Soomaaliya iyo waliba sidii ay u fulin lahayd balanqaadyadii ay bixiyeen wadamada Jaamacadda Carabta shirkii Al-Jaris ee ahaa in Wadamada Carabta Soomaaliya ka taakuleeyaan dhinacyada dhaqaalaha iyo dib u dhiska.

            Waxaa kalloo la iskula soo qaaday kulankaasi sidii Jamacadda Carabtu ay xafiis uga furan lahayd Magaalada Jowhar oo xarun u ah qayb ka mid ah Dowladda Federaalka, waxaana lagu waramay in maalmaha soo socday ay Jaamacadda Carabtu ay xafiis ka furan doonto Magaalada Jowhar, waxayna mas’uuliyiinta Dowladda Federaalka sheegeen in xafiiskaa furitaankiisa uu ka soo qaybgali doono xoghayaha guud ee Jaamacadda Carabta Caamir Muusa  

Shirkii Wasiirada arimha dibadda ee IGAD oo la sheegay in uu ahaa Qorshe ay wadatey

            Warar aanu ka helnay dalka Jabuuti ayaa waxay sheegayaan in wararkii maalmahan la hadal hayay Magaalada Jowhr lagu qabanayo shirka wasiirada arimaha dibadda ee IGAD ayaa waxay sheegayaan in shirkaasi uu ahaa mid ay wadatay Dowladda Itoobiya oo aysan ka warqabin wadamada kale ee IGAD. Waxaa lagu waramay in Dowladaha qaarkood ay layaab ku noqotay qabasahda shirkaasi, waxayna qaarkood ay sheegeen in shirkaasi uu ahaa mid siyaasadeed oo la sheegay in ay kuwada heshiiyeen Dowladaha Itoobiya iyo Dowladda Federaalka ee fadhigeedu yahay Magaalada Jowhar. Sharciga u yaala wadamada IGAD ayaa waxa uu sheegayaa in aan shir lagu qaban karin wadan ay ka socdaan ama ay ka jiraan dagaalo sokeeye iyo waliba is qabsi siyaasadeed, iyadoo la og yahay in Wadamada IGAD ay ku kala qaybsameen shirkii dib u heshiisiinta Soomaaliyeed ee lagu soo gebagabeeyay wadanka Kenya. Afhayeen u hadlay Dowladda Federaalka ayaa waxa uu sheegay in shirkaasi uu u baaqday arimo dhinaca farasamada ah, isagoo sheegay in dhawaan deg deg loo qaban doono, wuxuuna meesha ka saaray in shirkaasi uu u baaqday kaddib markii ay diideen dhowr Dowladood oo ka wada tirsan Wadamada IGAD. Dowladaha Jabuuti iyo Eretrea ayaa iyagu afka ku dhiftay in aysan ka warqabin qabashada shirkaasi, isla markana waxay sheegeen in xitaa aan la soo wargelin. Shirkaani haddii uu qabsoomi lahaa waxa uu dhabar-jab ku noqon lahaa xubnaha Dowladda ee ku sugan Magaalada Muqdisho, iyadoo xubnaha Dowladda ee ku sugan Jowharna uu u noqon lahaa mid ay siyaasadda kaga guuleysteen kooxda ku sugan Muqdisho. Inkastoo Jowhar ay tahay magaalo martigelinta karta shirkaasi marka loo fiiriyo dhinca ammaanka, haddan Magaalada Jowhar ma ahan Magaalo ay u wada dhan yihiin tasiilaadkii lagu qaban lahaa shir caalami ah

Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobey oo sheegay

            Danjiraha Qaramada Midoobey u fadhiya Soomaaliya oo dhawaan uu magacaabay Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed ayaa xubnaha Golaha Ammaanka ka codsaday in Qaramada Midoobey gacan ka gaysato sidii ay uga qaybqaadan lahayd dib u dhiska dalka Soomaaliya.

            Danjire Cilmi Axmed Ducaale ayaa waxa uu sheegay in Qaramada Midoobey ay iska hilmaantay arimaha Dalka Soomaaliya, isla markaana ay ka baxday balanqaadyadii ay horey u sheegtay ee ahaa in ay gacan siin doonto Dowladda Federaalka.

            “Waxaa ka codsaneynaa Qaramada Midoobey in Soomaaliya laga qaado cunaqabteynta hubka si ay u fududaato in Soomaaliya ay galaan ciidamo nabad ilaalin ah si ay u sugaan ammaanka guud ee dalka, isla markaana hub ka dhigis ugu sameeyaan kooxaha Soomaaliyeed”.

            Cilmi Axmed Ducaale waxa uu sheegay in Qaramada Midoobey looga baahan in ay xafiis ay ka furato Magaalada Jowhar maadama Ururka Midowga Afrika uu ka furtay Magaalada Jowhar, waxaa kalloo Qaramada Midoobey ka codsaday inay wax ka qabato burcad baddeedka halista ku ah Maraakiibta beesha caalamka iyo kuwa Soomaaliya.

Dowladda Itoobiya oo aad uga xumaatay weerarkii lagu qaadey       

            Afhayeen u hadlay Wasaaradda arimaha dibadda ee dalka Itoobiya ayaa waxa uu sheegay in Dowladda Itoobiya ay aad uga xumaatay qaraxii lala beegsaday safarkii Ra’isul Wasaare Cali Max’ed Geedi ee Magaalada Muqdisho.

            Dowladda Itoobiya waxa ay qaraxaasi ku tilmaantay mid ay ka dambeeyaan kooxo argagixiso ah oo doonaya in ay carqaladeeyaan hanaanka dib u heshiisiinta Soomaaliyeed, isla markaana doonaya in ay fashiliyaan Dowladda Federaalka.

            Afhayeenku waxaa kalloo uu sheegay in Dowladda Itoobiya ay ka soo horjeedo cid kasta oo wax u dhimeysa nabadgelyada iyo horu u socod ka Dowladda Federaalka, isagoo sheegay in Qaxaasi uu saameyn ku yeelan doono Wadamada geeska Afrika

Shaaweeye iyo Firimbi oo ka qaybgalaya Shir Caalami ah oo ka dhacaya Swedan

Waxaa xalay Magaalada Nairobi ee dalka Kenya ka ambabaxay wafdi ay hogaaminayeen Duqa Magaalada Muqdisho Ibraahim cumar Sabriye (Shaaweeye) iyo Guddoomiyaha G/Banaadir C/llaahi Xasan Ganey (Firimbi) waxayna ka qaybgalayaan shir caalami ah oo ka dhacay dalka Sweden.

            Shirkaan ayaa waxaa looga hadlayaa caasimadaha adduunka, wuxuuna furmayaa maalinta Sabtida ah ee bishu tahay 1211/2005, iyagoo labadaan mas’uul ay martiqaad ka heleen Dowladda Sweden waxa uuna dhabar-jab ku noqon doontaa maamulkii uu u magacaabay Ra’isul Wasaaruhu Gobalka Banaadir  Geedi, kaasoo uu madax u ahaa Maxamuud Xasan Cali Cadde (Gaabow).

            Cadde Gaabow oo haatan ku sugan Magaalada Jowhar ayaa wax war ah ka bixin bixitaanka Shaaweeye iyo Firimbi, iyadoo mar la wareystay Firimbi uu sheegay in marka uu dhamaado shirkaasi ay soo mari doonaan wadamo badan oo ay ka mid yihiin Finland, Holland, Germany, Italy, Ingiriiska iyo wadamo kale oo ka tirsan Jaamacadda Carabta

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

Email amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 10, 2005

C/llaahi Yuusuf oo sheegay in Muqdisho ay ku sugan yihiin Kooxo farabadan oo Argagixiso ah
»DFKMG oo baaritaan ku samaysneysa qaraxii Muqdisho
»Ra’isul Wasaare Cali Max’ed Geedi oo dib ugu laabtey Jowhar
»Shariif Xasan oo shalay dib ugu soo laabtay Muqdisho
Wararka oo dhan oo ka akhri halkan.... Guji... Nov 9

Dahabshiil Holland oo bishan khidmadii hoos u dhigtay boqolkiiba 50%
Shirkada Dahabshiil ayaa waxay dadka deggan Holland ku war gelineysaa in... Guji... Nov 9

Gaadiid badan oo gumaysiga lagaga gubay Ogaadeenya
iyo Qalalaasihii Itoobiya oo meel xun maraya... Guji...

 


Dr. Alnajjar oo Aad uga Dayriyey Xaalada Soomaalida....
»Cusmaan Caato: C/laahi Yuusuf dagaal ayuu isu diyaarinayaa
»Saddex markab kalluumaysato oo lagu afduubay Soomaaliya
Wararka oo dhan ka akhri halkan... Guji... sept 2

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD