WARARKA MAANTA::: Nov 28,
2005
C/llaahi
Yuusuf Axmed oo ka
qaybgalaya kulan lagu dhex
dhexaadinayo Ismaaciil Cumar
Geele iyo Milass Zanawi..
Warar aanu ka helnay
Magaalad Sanca ee dalka
Yemen waxay sheegayaan in
Madaxweynaha Dowladda
Federaalka C/llalahi Yuusuf
uu dhawaan ka qaybgali doono
kulan lagu dhex dhexaadinayo
Madaxweynaha wadanka Jabuuti
Ismaaciil Cumar Geele iyo
Ra’isul Wadanka Itoobiya
Miless Zanawi kaddib markii
dhawaan labada wadan ay soo
kala dhex gashay xurguf.
Waxaana kalankaani uu ka
dhacayaa Magaalada Sanca
bisha soo socota, waxaana
isugu yeeray hoggaamiyaha
wadanka Yemen Cali Cabdala
Saalax. Labada Dowladood ee
Jabuuti iyo Itoobiya ayaa
waxay xurguftoodu ka
bilaabatay dekedda dalka
Jabuuti oo ah meesha ugu
weyn ee Dowladda Itoobiya
kala soo degto badeecooyinka
iyo shidaalka, kaddib markii
Dowladda Jabuuti ay
kordhisay canshuurtii
dekeddaasi.
Dowladda Itoobiya waxay
maalmahan wax kala soo
degeysay dekadda Magaalada
Barbara ee Maamulka isku
magacaabay Soomaaliland,
hase yeeshee badeecooyinka
ay haatan kala soo degeyso
dekadda Barbara waa mid
maraya dhul aad u fog oo
nabadgelyadiisa aan la
xakameyn karin, waxaana la
filayaa in labada dowladood
(Itoobiya & Jabuuti) ay
aqbalaan dhex dhexaadinta ay
wadaan Madaxweynaha wadanka
Yemen Cali Cabdala Saalax
iyo Madaxweynaha Wadanka
Soomaaliya C/llaahi Yuusuf
Axmed, iyadoo markii ugu
horeysay noqon doonto
15-sano kaddib in Madaxweyne
Soomaaliyeed uu dhex
dhexaadin ka galo labo
dowladood oo is haysta.
Dowladda Jabuuti waxa ay ku
andacooneysaa in canshuur
kordhinta ay ka timid
shirkadda maamuleysa dekadda
dalka Jabuuti oo ah shirkad
laga leeyahay wadanka
Imaaraadka Carabta oo iyadu
qandaraas gaaraya 20 sano
qaadatay, waxayan
labaatankaas sano dekedda
Jabuuti ka dhigi doontaa
dekedaha ugu casrisan
Qaaradda Afrika.
Golaha Midnimada iyo
Badbaadada Soomaaliyeed oo
ka soo horjeestey hadalkii.
Golaha
Midnimada iyo Badbaadada
Soomaaliyeed wuxuu aad uga
xunyahay, wax layaab lehna
ku noqotay in Cali Max’ed
Geedi oo mas’uuliyad Qaran
sheeganaya uu war-baahinta
Caalamka (B.B.C, 11/11/2005)
ka sii daayo hadal ay ku
inkirayo, ku dafirayo
xaqiiqada qadiyadda aaya ka
talinta gobalada
Soomaaliyeed ee wali ku jira
gacanta Gumeysiga laga soo
bilaabo 15-kii November 1884
shirkii ka dhacay Baarliin
(Scramble of Africa) ilaa
hadda... [Warsaxaafadeedka
oo dhan halkan ka akhri...]
Xulka Qaranka Soomaaliya oo
guul ka soo hooyay kulankii
Jabuuti.

Xulka Qaranka Soomaali-ya oo
ka qaybgalaya tartanka
Qaramada Bariga iyo
Bartamaha Afrika ee ka
socday wadanka Rwanda ayaa
shalay kulankiisii ugu
horeeyay waxa uu la yeeshay
xulka wadanka Jabuuti
waxaana kulankaasi ka
qaybgalay dadka Soomaaliyeed
ee ku dhaqan wadanka Rwanda
iyo dad kale oo Soomaali ah
oo ka tagay wadanka deriska
la ah dalka Rwanda kuwaasoo
watay calanka Soomaliya.
Cayaarta oo aad u kululeyd
ayaa qaybtii hore ee
cayaarta waxaa gool qurux
badan u dhaliyay Xulka
Qaranka Soomaaliya
ciyaaryahan C/xakiim oo ah
ciyaaryahan ka yimid wadanka
Ingiriiska, waxaana qaybtii
hore ee cayaarta lagu kala
nastay hal iyo eber oo uu
laha xulka Qaranka
Soomaaliya.
La tashiyo kaddib waxaa la
isku qaaday weerar iyo
weerar celis, waxaana xulka
wadanka Jabtuui u
suurtagashay in ay dhaliyaan
goolkii barbardhaca, wax la
is hardiyo oo la is
weeraraba waqtigii
dheeraadka ahaa ayaa gool
qurux badan waxaa u dhaliyay
Xulka Qaranka Soomaaliya
Ciyaaryahan Shaarkey,
waxaana goolkaasi uu ahaa
goolka guusha, waxayna
cayaartu ku soo gebagabowday
2-1 oo uu ku adkaaday xulka
Soomaaliya.
Is bedel ayaa ku yimid
jadwalka Tartanka Bariga iyo
Bartamaha Afrika, iyadoo
markii hore loo qaybiyay
saddex guruub ayaa haatan
waxaa loo qaybiyay labo
qaybood, qaabta A oo ay ku
jirto Soomaaliya ayaa waxaa
kalloo kula jira Wadamada
Itoobiya, Suudaan, Uganda
iyo Jabuuti.
Is bedelka Jadwalka waxaa
keenay kaddib markii
tartanka uu ka haray xulka
Qaranka Wadanka Kenya oo uga
haray sababo dhinaca
dhaqaalaha ah.
Kulanka labaad xulka Qaranka
Soomaaliya waxa uu la
ciyaari doonaan maalinta
berito ah xulka Wadanka
Suudaan oo ah xul aan la
dhayeelsan karin.
Shiiikh
Muxiyadiin Shiikh “Shiikh
Max’ed Faarax waxa uu ahaa
nin soo dhaweeyay
Soomaaliyoo dhan, maantana
dadkii uu maalkiisa ku
sharfay ma dhici karaan
Shiikh Muxiyadiin Shiikh
Max’ed Faarax oo ah Curadkii
Shiikh Max’ed Faarax ayaa
shir jaraa’id oo uu shalay
ku qabtay Magaalada Muqdisho
uu kaga hadlayay xerada la
isku haysto ee ku taala
Degamada Wardhiigley ayuu ku
sheegay in Aabbihiis Shiikh
Max’ed Faarax uu ahaa nin
Mu’min ah oo wax bixin jiray,
dadkana aamini jiray
“haddaba ahan waqtigi
xaadirkaan in dhulka lagu
jiido oo isagii iyo Kheyrkii
uu waday meel looga dhaco”
ayuu yiri Shiikh Muxiyadiin
oo hadalkaas ula jeeday shir
jaraa’id oo uu dhawaan isna
qabtay Max’ed Shuqul Shiikh
Aadan Dheere oo sheegay in
iyagu ay leeyihiin xeradaas,
balse Shiikh Muxiyadiin waxa
uu sheegay in Aabbihiis uu
aaminay Shiikh Aadan Dheere,
isagana uu soo korsaday
gabdhihiisa uu ku daray oo
carruur u dhaleen, sidaas
owgeed ayuu ku sheegay in
aan haatan dambi laga gelin
Shiikh Max’ed Faarax oo loo
daayo meeshii uu diinta ku
fidinayay, “dad diinta
fidiyana waa uu ka tagay”
ayuu yiri Shiikh Muxiyadiin.
Sidoo kale Shirkaas jaraa’id
waxa uu uga hadlay isagoo
garbihiisa ay fadhiyeen qaar
ka mid ah carruurtii Shiikh
Max’ed Faarax oo ay ka mid
ahaayeen Cali Shiikh Max’ed
Faarax iyo C/risaaq Shiikh
Max’ed Faarax ayay baaq
waxay ugu soo jeediyeen
xertii Shiikh Max’ed Faarax
in ay yimaadaan xarunta
Madaxweynaha Dowladda
Federaalka Soomaaliyeed,
isagoo ugu baaqay Dowladda
Federaalka in ay shacabka
Soomaaliyeed daacad u noqoto
oo wax Alla iyo wixii ay
mucaawino ku soo helaan ay
shacabkooda dhiban ay wax
ugu qabtsan, si loo helo dad
la aamin karo iyo dad wax
aaminaba ayuu hadalkiisii ku
soo gebagabeeyay Shiikh
Muxiyadiin Shiikh Max’ed
Faarax oo shirkaas Jaraa’id
ku qabtay xarunta Shiikh
Max’ed Faarax ee Isxijiwaaq
ee xaafadda Gubta
Isxijiwaaq ee ku taala
xaafadda Gubta, inta laga
xalinayo buuqa xarunta
Wardhiigley. Wuxuu ugu
dambeyntii baaq u soo
jeediyay dhamaan Shacabka
soomaaliyeed oo uu ugu
baaqay in ay taageeraan
Madaxweynaha iyo Ra’isul
Wasaaraha iyo Ra’isul
Baarlamaanka, isagoo ducoo
dheer Illaahey uga baryay
ummadda Soomaaliyeed in
towfiiq hal ah siiyo, oo
dowlad caadil ah Illaahey
uga dhigo dowladaan.
“Ma aheyn markii
hore in la soo doorto
Madaxweyne iyo Ra’isul
Wasaare iyo Guddoomiye
Baarlamaan haddii la diidayo”
ayuu yiri Shiikh Muxiyadiin
Shiikh Max’ed Faarax oo aad
ugu nuux nuuxsaday in la
taageeryo
C/risaaq Jurile
“Xubnaha ku sugan Muqdisho waan
ku martiqaadney Siminaarka balse
waxay noola yimaadeen.
C/risaaq Cismaan Jurile oo ah
wasiirka qorsheynta ee Dowladda
Federaalka ayaa faahfaahin ka
bixiyay sababaha keenay in
xubnaha Dowladda ee ku sugan
Muqdisho loo diido in ay ka soo
qaybgalaan siminaarkii looga
hadlayay horumarinta Soomaaliya
ee ka dhacay dhawaan Magaalada
Nairobi oo ay soo qabanqaabisay
hay’adda UNDP, waxaana ka
qaybgalay siminaarkaasi wasiiro
ka socday Dowladda Federaalka ah
ee fadhigeedu yahay Magaalada
Jowhar. “C/risaaq Jurile waan ku
marti-qaadnay xubnaha Dowladda
ee ku sugan Muqdisho in ay ka
soo qaybgalaan siminaarkaasi,
balse waa ay diideen, waxayna ku
marmarsiyoodeen waxyaabo aan la
qaadan karin” ayuu yiri C/risaaq
Jurile oo intaa raaciyay “ma
ahan meeshu Maqaayad ninkii
doono uu iska soo galo, ee waa
in ay jirtaa kala dambeyn”.
Xubnaha Dowladda ee ku sugan
Muqdisho ayaa la sheegay sababahay u
diideen waxay tahay in uusan
Wasiir ku marti-qaadi karin
Wasiir kale siminaar ay wado
hay’ad caalami ah, waxayna
sheegeen in hay’adda UNDP ay u
muuqato mid aan dhex dhexaad ka
ahayn arrimha Soomaaliya, kaddib
markii ay diiday in ay casuumaad
u soo dirto.
Shariif Xasan
Shiikh Aadan oo shalay Booqdey
dadkii waxyeeladu ka soo gaartey
dabkii..
Guddoomiyaha Baarla-maanka
Shariif Shiikh Aadan oo ay la
socdeen xubno ka tirsan labada
gole ee Magaalada Muqdisho ayaa
shalay booqasho ku tagay xeradii
uu dhawaan dabku qabsaday oo ay
ku jireen dadka soo barakacay,
wuxuuna guddoomiyuhu soo eegay
guryihii halkaasi ku gubtay iyo
waliba dadkii ay dhibaatadu ka
soo gaartay dabkaasi.
Guddoomiyaha Baarla-maanka ayaa
markii uu halkaasi tagay waxa uu
la kulmay deeqo la soo
gaarsiinayo dadkaas ay
dhibaatadu ka soo gaartay dabka,
wuxuuna sheegay in shacabka
Soomaaliyeed ay xiligaan dambe
fahmeen in ay isku gargaaraan ha
joogeen dalak gudihiisa iyo
dibaddiisa.
“Waxaan idin leeyahay dowlad
waxba ha ka sugina ee waa in aad
adinku is gacan qabataan oo aad
iska kaalmeysaan” ayuu yiri
Shariifku oo ugu baaqay
ganacsatada Soomaaliyeed iyo
Jaaliyadaha dibadaha ku nool in
ay dadkooda ay u soo gurmadaan.
Banaanbax looga
soo horjeedo gowricii loo
geystey..
Waxaa maalintii
shalay ahayd Magaalada Muqdisho
ka dhacay Banaanbax looga soo
horjeedo gowricii dhawaan loo
gaystay labo dhallinyaro
Soomaaliyeed, wuxuuna
banaanbaxaasi ka dhacay
wadooyinka Magaalada Muqdisho
waxayna dadku ku dhawaaqayeen
ereyo ay ka mid ahaayeen “waa in
cadaaladda la hor keenaa dadkii
ka dambeeyay gowracaasi” “waa in
aysan dib u soo laaban tacadiyo
noocaan oo kale ah” iyo ereyo
kale.
Dadka
banaanbaxayay oo u badnaa
beelaha Jareer-Weyne ayaa waxay
sheegeen in shacabka
Soomaaliyeed loo baahan yahay in
ay ka hortagaan dhibaatada loo
gaysanayo dadka aan hubeysneyn.
Bulshada ku nool
Magaalada Muqdisho ayaa si weyn
uga xumaaday falkii lagu
gowracay labo dhallinyaro
Somaaliyeed, waxayna ku
tilmaameen mid xadgudub ku ah
shareecadda Islaamka iyo
xeerarka dhaqanka Soomaaliyeed.
Labada
dhallinyarada ah oo Ilma adeera
ahaa ayaa magacyadooda waxay
kala ahaayeen Xaaji Saalax
Ibraahim Xaaji Cali iyo Abuukar
Xaaji Xasan Xaaji Cali waxaana
maalintii doraad ahayd
Isbitaalka Keysaney ku geeryooda
ninkii saddexaad oo ilma adeer
la ahaa labadii ee horey loo
gowracay, wuxuuna u dhintay
dhaawac culus oo soo gaaray,
kaddib markii uu iska tuuray
gaari ay wada saarnaayeen labada
kale, kaddib markii uu ogaaday
in la dilayo, waxaana markii is
tuuray la daba dhigay rasaas oo
ka haleeshay caloosaha.
W/D Amiin Yuusuf
Khasaaro
Email
amiinkhasaaro@hotmail.com
Faafin: SomaliTalk.com | Nov 28,
2005
Injineer
Soomaaliyeed oo Lagu Diley Diinsoor
Eng. Max'ed
Ibraahim Dheel oo 15 sano ku maqnaa dalka Mareykanka ayaa waxa uu Degmada
Diinsoor ugu soo laabtay sidii uu gacan u siin lahaa dadkiisa, waana la
diley, warkaas iyo Muqdisho oo uu wiil naftiisa ku waayay Xabad Sigaar ah...
ka akhri..
HALKAN... GUJI... Nov 7