SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Hiiraan yaa Hogaamiya?

"Waxaa naxdin ah in beelaha reer Hiiraan laba goor mas hal god ka wada qaniino". Dr.Xiji   aqoonyahan reer Hiiraan ah oo jooga Australia.

Waxaa diyaariyey
Hussein abdi-karim (Gendisch )
huss.gendisch@mci.com
Raleigh, NC, USA

Oktoobar 2005

Markii aad maqasho Hiiraan, waxaa markiiba kugu soo dhacaya heestii uu tiriyey abwaan Maxamed Ibraahim Warsame, (Hatraawi) ee Beletweyne ama Beerlula hadba sidaad u taqaan. Sida magaalooyinkii ka horeeyey loogu nisbeeye Magaca dadka degan ka sokoow hees caan soomaliya oo dhan ka gashay  baal dahab ah oo magaaldaas lagu yaqaan, sida Ceelbuur iyo heestii salaat Maxamed Shardi iyo mu’aliifkii Cali Diiriye Cali Gaaab tiriyey bartamihii 1960maadkii ee barisamaadkii soomaliya oo ah taariikh ahaan  inta la xasuusan yahay heestii ugu horeesay ee magaalo lala misaalo quruxda dumarka . Buur Hakaba ee Hassan  Aden Samater,heestii qoryooley, tii qalaafo iyo ugu danbeeyntii midi hoobalka caanka ah ee Cabdiqadir omar Macallim Mashaqo “ Jubba” ee Daawo dacalada,  arintuse maanta  waa ka duwan tahay taariikhihii hore ee amaanta magaalo iyo dadka degan oo waxaa dhaxal wareejin gali raba guud ahaan gobolka hiiraan gaar ahaan magaca beelaha degan . Goloblka Hiiraan waa dhul barwaaqo ah  marka loo fiiriyo soomaliya inteeda kale. Waxaa aad ugu wanaagsan laba ka mid ah sedexda aduuunyo camal laga dhigto  xoolo dhaqashada , beeraha iyo kaluumeeysiga . Waxaan shaki badan ka jirin in ay degan yihiin  reero taariikh dheer ku leh halgankii Soomalida ee xurnimo doonka iyo xarumo laga barto diinta islaamka oo looga sii gudbo Xamar ama galbeed . Waxaa ay ka kooban tahay sedex magaalo oo kale ah Beletweyne, Buulo berti, iyo Jalalaqsi. Waxaa degaan ahaan degan beelo aan sidaa u kale go'ayn dhalasho ahaan,  sida Xawaadle, Gugundhabe ( baadicade, gaaljecel, iyo jajeelo), Ujuuraan, Carab iyo Jereer wayne oo intooda badan ku nool agagaarka wabiyada. Gobolku xuduudo wuxuu la leeyahay gobolo iyo qowmiyado kale duwan oo soomaliyeed , dhinaca Dhuusa-Mareeb( beesha cayr)  dhinaca Ceelbuur waxaa ay xuduud la leeyihiin beesha Murusade tasoo uu khadka kale bara uu maro bartamaha magaalda Maxaas ee gobolka Hiiraan, governo fudacirion italiano  pp  236. 1952. Waxaa taariikhda Soomalida aanay marna hilmaami karin taarrikhda beelaha degan gobolka Hiiraan iyo sida ay uuga qayb qaateen dib u soo celintii qarankii lumay ee Soomaliyeed. Laga bilaabo dowladii Cali Mahdi, tii Carta  iyo  shirkii ugu danbeeyey ee Kenya ee  lagu dhisay dowlada had jirta ee TFG. 

Dagaaladii sokeeye iyo Hiiraan . 

Inkasta ee beelaha reer Hiiraan  ay doorka hore kaga jiraan dhaq dhaqaaqii lagu riday dowladii soomaliyeed ee kacaanka waxaa hadane aan marna suurta gal ahayn inaan iska hilmaano dhibaatadii loo geystay walaalaha reer Hiraan kadib markii rag reer Hiraan ah oo la jiray darteed  iyo kale qaybsanaanta dhexdooda ah ay u suurta gashay Genaral Caydiid in uu xoog ku qabsado gobolka Hiiraan oo halkaas ka talinayey mudo lix bilood ah, tasoo ay u suurta gashay beesha reer Hiiraan in ay dib iskaga kiciyaan. Waxaa sidoo kale dhibaatooyin dagaala sokeeyey ka soo gaaray walaalaha waqooyiga muqdisho taasoo keentay in reer Hiiraan wada jirkii walaalaha beesha Hawiye shaki ku yimaado, waxaan marna suurta gal ahayn in loo nisbeeyo dhibaatadii ka soo gaartay degaalkii sokeeye mid ay cid gaar ah ka danbeeysay, waxaase taasi keentay in beelaha reer Hiiraan isku tashadaan oo ay dib ugu noqdaaan meelihii ay ka soo bilaabeen halgankii lagu qasaaray ee lagu kiciyey kacaankii 21 Oktoobar. 

Hogaanka siyaasadeed ee beelaha Hiiraan waxaa uu taaba galay markii Col. Hassan Cabdulle Qalaad isku dubariday xoogga ciidanka oo ku soo celiyey amaanka magaalada Beletweyne kadibna la sameeyey wada tashiyo wada noolaasho gobolada ku dhow dhow Hiiraan iyo dowlada Itoobiya ha yeeshee waxaa soo baxay hogaan la’aan siyaasadeed kadib geeridii Col.Hassan Qalad kaasoo ahaa nin qunyar socod dantiis yaqaan ah oo aan marna isu dhiibin hogaan gobol kale iyo mid qaran sheegta oo aan loo dhamayn intaba tasoo u suurta galin waysay kadib markii loo doortay madaxwaynihii Cabdiqaasim Salad Hassan inuu booqdo magaalada Beletweyne tasoo noqotay dharbaaxadii ugu horeeysay beelaha Hiiraan ay ku dhiftaan dowladii Cabdiqaasim salaat/cali khaliif.  Kadib geeridii Col. Qalaad waxaa soo baxday in beelaha reer Hiiraan oon intooda badani haysay hogaan la’aan siyaasadeed ay beesha Xawaadlana ku soo biirto isku dhex yaac iyo la’aan hogaan siyaasadeed. Waxaa wax lala yaabo ah in Col. Cabdilaahi Yousef Axmed markii uu ka hadlayey beelaha Hawiye uu yiraahdo anigu beesha Hiiraan dega maba garanayo isagoo ku sii daray Xawaadle maba aqaan tasoo hadalkiisii ilaa maanta uu duuban tahay, tasoo uu ula jeeday yasmo uu beelaha ku yasayo sidii lagu yiqiin kuwii isaga ka horeeyey. Cabdilaahi Yousef waxaa ay askar wada qorteen maalin kaliya oo loo wada diray layli sarkaal kuwa ugu horeeyey wax loo tababaro ciidankii xooga dalaka soomaliyeed oo qaarkood ay wali nool yihiin sida   Col. Dr. Xasan Maxamoud Sabriye ( Gaamuur) , Gen. Noor Cadoow Cali  ilaah ha naxariissto. Waa is waydiine kumuu ahaa siyaasigii kula tartamay madaxwaynihii ugu horeeyey  Aden Cabdille Osman Jamhuuriyada Soomaliya ee la dhisay july 1960?.  Miyuusan ahayn Sheikh Cali Jimcaale oo laga soo doortay gobolka Hiiraan. Xageey ka yimaadeen ragii halgankii kacdoonka shacabka ka soo qayb qaatay side Duuliye Sare Cabdi Cismaan Faarax  (Cabdi qooray), Col. Faarax Gubadleey Iyo kuwo kale oo aanan halkaan ku soo koobi Karin oo reer Hiiraan ah?. 

Waysha Gowrac Dibigu ha ku quusto ! 

Sida aad la wada socotaan Cabdilaahi Osoble Siyaad iyo wiilkiisu waxaa ay ku dhasheen gobolka Bay/Bakool iyo Muqdisho kuna soo barbaareen. Odaygu waxaa uu ku bartay Jaamacadii Umadda Soomaliyeed kana tirsanaa waqti dheer dowladii Maxmaed siyaad Barre waxaa uu waqti dheer ku tartamayey inuu siyaasada dib ugu soo noqdo isagoo geeridii Col.Qalaad kadib lasoo baxay dar dar cusub una suurta gashay inuu wiilkiisa ku bedelo halgamaagii geeriyooday. Waxaase soo ifbaxayey inaanay jirin isku xirnaan siyaasadeed ee siyaasigaa cusub ee loo magacaabay Wasiirka Waxbarashada iyo ragga iyo dumarka udhashay kana soo jeeda gobolka Hiiraan.  Kuwaas oo uu ka mid yahay ragga looga baahan yahay in uu furdaamiyo xal koodana keeno. Hadii aan dib u soo qaadano dhaliilaha la soo gudboonayday ee sida xun loogu fashilmay waxaa ay kale yihiin kuwa soo socda. 

1. Magacaabidii gudoomiyaha Gobolka Hiraan, oo cid lagala tashaday aanay jirin, inkasta oo aanu qaranku ahayn mid ay ka shaqayso central government oo xoog leg oo la qaatay Federalism waxaa laga rabay in Wasiirada iyo Xildhibaanadu ka soo jeeda Hiiraan ay iyagau dhistaan hogaan maamul siyaasadeed oo gobolku leehayay oo aanay u wakiilan Cali Maxamed Geedi iyo Cabduliaahi Yusuf midkoodna hadii ay u magacaabayaana iyaga lagu ixtiraamo maadaama ay ka soo jeedaan gobolka Hiiraan. Taasina ma dhicin, waxaa ay u muuqatay in beelaha reer Hiiraan yihiin kuwo sidii laga doono laga yeelo waxaana ay jidka u furtay hagardaamooyin kale oo beesha la soo gudboonaaday, kadib markii la magacaabay  Yuusuf Axmed Hagar( Dabogeed).

2. Maalintii lagu dhawaaqay in la dhisayo ciidan Qaran ee la yiri qabaa'ilka dowlada raacsani ciidan ha keenaan waxaa soomali isla dhexmartay in qiyaano dabo socoto oo la qorayo ciidan reer Puntland ah oo la doonayo in ciidan qaran laga dhigo, Cabdilaahi Yusufna diyaar u ahayn in ciidan Soomaliyeed oo amar ka qaata owsan dhisi doonin maadaama uu ka mid ahaa ragii baabi’iyey ciidankii Qaranka dhowr jeerna ku soo duulay isaga oo ay la socdaan ciidankii Xabashida ee Minguste Haile  Mariam iyo kwii Tigreeyda ee Soomali ilaa iyo maanta ku haya dhaca iyo boobka iyo kufsashada gabdhaha Soomaliyeed ee Kilinka Shanaad. Beesha Hiiraan waxaa ay Cabdilaahi Yusuf u diyaarisay 1000 askari oo ka soo jeeda gobolkooda. Kadib markii hubkii Itoobiya laga keenay oo loo qaybiyey  ciidankii reer Puntland waxaa uu u sheegay Wasiiradii reer Hiiraan iyo taliyeyaashii Cabdilaahi Yusuf in aanayn hub siinayn oo ay Xamar tagayaan iyagoo sacbooley ah. Taasoo uu ka waramay Wasiirka waagu ku baryey ee hon.Ibraahim Xabeeb Nuur oo dhowr biloodkii ka horeeysay booqasho ku yimid kana codsaday beelaha reer Hiiraan in ay taageeraan dowlada Cabdilaahi Yousef Axmed. Kadib markii Madaxwaynaha laga warsaday BBC waxaa uu sheegay in sarkaalka aanu garanayn waxa uu ka hadlayo. Maalmo kadibna waxaa ay Madaxweynaha iyo Gudoomiyaha Gobolka SH/DHEXE Maxamed dheere ugu hanjabeen BBCda Col.Omar xaashi aadaan oo ah siyaasi qaali ah oo udhashay reer Hiiraan isla markaasna lasoo baxay siyaasad ka madaxbanaan tan quursiga ee Dowlada Cabdullahi Yusuf/Cali Geedi.

3. Kadib markii dagaal beeleed dhexmaray beelaha gobolka Shebeelaha Dhexe ee Agoonyar iyo Warsangeli/Abgaal  ee la geeyey dad dhaawac ah oo ka soo jeeda beesha Agoonyare e uu ka dhashay Cali Mahdi Maxamed magaalada Beletweyne , waxaa dhacday in reer Hiiraan aan dhaawicii ay u soo gudbiyeen Maxamed dheere isagoo adeegsanaya Yousef debageed tasoo  ah wax aan taariikhda ka dhicin in qabaa'il is degaalsan dhaawacooda la isku gudbiyo si loo dhameeystiro ama loo maxbuuso, arintaasna waa mid u taala reer Hiiraan hogaankooduna waanu waxba ka qaban ilaa maanta ama ka hadlin.

4. Kadib markii iyagoo aad uga xun ay reer Hiraan go’aan sadeen in ciidankooda loo qaado Jowhar si rag ka mid ah dowlad u ilaashadaan danahooda siyaasadeed, waxaa dhacday in ciiidamadii reer Hiraan markii ay arkeen sida loola dhaqmaayo dib ugu laabeteen intoodii badneyd golboladii ay ka yimaadeen. Waxaa soo baxday in la xiro oo xabsiga la dhigo G/sare Cali Xasan (Cali Shiino), oo ah saraakiisha aad looga yaqaan gobolka ee hadane loo masaafiriyo gobolkii uu ka yimid tasoo u eg in Jowhar aanay soomaliya ku oolin ama meel  beelaha reer  Hiraan lagu gumaado ayka midtahay, kuwa reer Puntlandna ay awood qaran ku haystaan. Waa yaabe hadii aanay siyaasiyiinta  reer Hiiraan u isitaagin sharafta iyo magaca dadka ay matalaan yaa u istaagi doona?. Miyaaney ahayn in ay dib iskaga noqdaan gobolkii ay ka yimaadeen tani dowlad ka raaci mayso e.  Hadii afarta Wasiir ee ka soo jeeda Hiiraan iyo xildhibaanadooda aan warkooda qiimo ku fadhin Jowhar miyaaney ahayn in ay Xamar yimaadaan oo xaal siiyaan walaalkood Hon. Omar Xaashin Aadan. Hadii aanay meel la yaqaan siyaada ka istaagin oo hortooda markii afaraad sharaftooda la dhaamay waxaa ay ila tahay in ay sugayaan maalintii Wasiiradooda dhulka lagu jiidi lahaaa ama uu Maxamed Dheere garaaci lahaa sida ilmo yare oo uu dhalay,waxaan dhowr mar is wadiiyey hiiraan yaa hogaamiya iyo in ay dib ugu noqon doonto isbarbaryaacii halgankii cardiid garaad kadib ee keentay in dib loo qabsado xuduntii beelaha reer koofureedka. Waxaa warkiisa ka dhadhandasay cali cabdilaahi osoble oo maalmo ka hor lahaa hadii ibraahim hareed nuur hor istaago ciidamada reer Hiiraan waxaan ugu iman doonaa beletwene kasoo aan ahayn war uu ku hadlo wasiir aqoon yahan ahi hadana inuunuu wali sabrin ,waxaan leeyahay walaalkay cali osoble waxaa hortaada ah buqtaqbal aad u wanaagsan ee magacaaga iyo kii aabahaaba ilaali oo ha u hadlin sidii Maxamed dheere iyo odayga siyaasada siloon Cabdilaahi yousef axmed. waxaa leeyahay walalaalaha Hiiraanoow ficil la’aan kuma ogayn beesha e hurdada ka kaca oo mar danbe yaan  hal god afar jeer mas idinka qaniinin.

Dhamaad. 

Waxaa diyaariyey
Hussein abdi-karim ( Gendisch )
huss.gendisch@mci.com
Raleigh, NC, USA

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan....

Faafin: SomaliTalk.com | Oct 4, 2005


»CIIDAMADA QARANKA OO LOO ABAABULAYO QAABKII USC | C/risaq
»
Madaxda PL  oo Jowhar Lagu Maamuuso, kuwa kalena la Xiiro  | c/waxid
»INJ. MUNYE OO FOGEEYAY EEDEYN LOO SOO JEEDIYAY | Abucar
»Jini Boqor oo Muqdisho looga baxshay ALLE BOQOR | C/raxman
»Dib u heshiisiinta Soomaaliya: Maxaa qaldan? | Raage
»Somaaliya Katarina iyo Rita | Amiin Yuusuf

»Waraaq furan oo ku socota Ururka midnimada islaamka | Saciid
»HALKEEN XALKA KA RAADINAA??? | Xuseen
»
Hargeysaay hambalyo | C/Raxmaan Taysiir
»Dalka Yaa Iska Leh, Dadka Yaa Umaqan | Axmed Cali
»Xasuuqii Malka-durduro | Warfaa 
»Morgan oo Noqday Makaalintii Barre Hiiraale | Maxamed
»Qarnigaan qabiil ku faan qiimo Ma leedahay | Mowlidyare
»MIDOWGA AFRIKA: MIDNIMO KATALIN MISE MINDIYO AFAYN? | Garaad
»
DIGNIIN CULUS: AIDS-KA & SOOMAALIDA | Dhagaafe
»S.Y.U.P oo War ka Soo Saaray Doorashada ka Dhacday Somaliland
»Gabadhii xumaan damacda: "nin iga weyn ayaa lagu dari lahaa"| Ikram
»
MAQAALADA KALE EE MAANTA::: KA AKHRI HALKAN... GUJI..


Dr. Alnajjar oo Aad uga Dayriyey Xaalada Soomaalida....
»Cusmaan Caato: C/laahi Yuusuf dagaal ayuu isu diyaarinayaa
»Saddex markab kalluumaysato oo lagu afduubay Soomaaliya
Wararka oo dhan ka akhri halkan... Guji... sept 2

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD