Duufaantii Labaad oo Bil
Gudaheed ku soo wajahan Dalka Mareykanka
Xuseen Yaasiin
Gode-Gode
Dawlada Dalka
Mareykanka ayaa ku dhawaaqday in xaalad deg-deg ah lagu
soo rogay labada Gobol ee kala ah(Texas iyo Lousiana) oo
ay duufaamo ku soo fooleeyihiin maalininada Sabtida ee
soo socota,warkaan ayaa laga soo xigatay khubarada ku
xeeldheer arimaha Dabeylaha iyo duufaanada.
Xeeldheerayaasha
saadaasha Hawada ayaa saadaaliyey in duufaantan loogu
magac-daray Rita,oo la qiyaasayo in saacadii ay goyneyso
xawaare lagu qiyaasay 270-km ay dhaaftay halbeega lagu
qiyaaso Duufaanada iyadoo gaartay darajada loo yaqaan
Category-5, taasoo sababi doonto in biyaha badu dul
maraan Magaalooyin qaarkood, isla markaana waxa ay
bur-bur baaxad leh u geysan kartaa ceelal badan oo ah
kuwa keydka shiidaalka, iyadoo 23% Ceelasha shiidaalka
ay ku yaaliin Gobolka Texas oo ka mid ah labada Gobol ay
duufaantani ku soo beegan tahay.
Shiidaalka Aduunka ayaa
la saadaalinayaa in uu cirka isku shareero iyadoo durba
laga dareemay suuqyada lagu kala gato shiidaalka inay
soo wajaheen sicir barar,maadaama la qiyaasayo in
duufaanta Rita ay bur-bur u geysan doonto keydka
shiidaalka Mareykanka oo uu saldhigiisu yahay Gobolka
Texas.

Dadkii oo ka sii qulqulaya
guryohoodii, Houston, tx.
Madaxweynaha Dalka
Mareykanka George W.Bush ayaa shaaca ka qaaday in
Dawladiisu go,aansatay in ay xaalad deg-deg ah,(State-of-Emergency) ku
soo rogtay, Gobolada ay Duufaanta Rita ku soo beegan
tahay,isagoo amar ku siiyay in dhamaan Shacabka ku
dhaqan Gobolada Texas iyo Lousisana,ay u dhaga
nuglaadaan fariimaha iyo waanada ay soo jeedinayaan
Madaxda Gobolada,si ooga bad-baadaan inay mar-labaad soo
noqoto dhibaatadii laga dhaxlay Duufaantii kol-hore ku
dhufatay New-Orleans ee la magac baxday Katrina,ayuu
yiri Madaxweyne Bush.
Ciidamo dheeraad ah
ayaa ku qul-qulaya labadaas Gobol,si ay ooga hortagaan
in aysan dhicin bililiqo,iyagoo amar lagu siiyay in ay
aragti ku toogtaan cidii ay ooga shakiyaan burcadnimo.
Dhinaca kale Shacabka
Duufaanta Rita ka qaxaya, waxaa ka mid ah Madaxweyne
Bush,hooyadiis BarBara Bush iyo aabihiis Goerge,Bush oo
iyagu ku nool xaafada lamagac baxday Crow-Ford oo ka
tirsan Gobolka Texas oo ay asal ahaan ka soo jeedaan
Reer Bush.
Guntii iyo Geba-Gebadii
dabeylaha iyo duufaanada ayaa mudooyinkan lagu asiibay
Dalka Mareykanka oo isagu aaminsan inuu yahay Dawlada
aduunka ugu awooda badan,waxaase muuqata inaysan wax
quwada laheyn,marka ay timaado tan Rabbi oo aan kala
aqoon Wadan xoog leh iyo wadan daciif ah.
Hadaba dhamaan
Soomaalida ku dhaqan Gobolada kala ah
Texas,Alabama,Lousiana,iyo Misisipi waxaa la gudboon
inay u hogaansamaan amarada ka soo baxaya Culimada ku
xeeldheer Dabeylaha iyo Duufaanada.
Xuseen Yaasiin
Gode-Gode