Cadde Muuse oo Shaqadii Ka
Fariisiyey Gudoomiyii G/Bari, Yuusuf Wacays Dhado
SomaliTalk.com |
Boosaaso | Jan 11, 2006: Wareegto ka soo Baxday
Xarunta Madaxtooyada Magaalada Boosaaso oo uu ku
Saxiixanyahay Maaxweynaha DGPL Gen: Maxamuud Muuse Xirsi
Cade ayaa Waxaa lagaga Fariisiyay Shaqadii Gudoomiyii G/Bari
Yuusuf Wacays Dhado. Waxaa Jagadaa lagu soo magacaabay
Muuse Geele Faroole oo ahaa Agaasimaha Horumarinta
Reermiyiga ee Wasaarada Dowladaha Hoose iyo Horumarinta
Reer Miyiga intii aan hada loo magacaabin Jagadaa
Gudoomiyaha G/Bari.
Muuse Geele ayaa hore u
soo qabtay Duqa Magaalada Boosaaso, Agaasimaha Guud ee
Wasaarada Kaluumaysiga Bada iyo Dekadaha Muuse Geele
ayaa Jagooyinkii uu ka soo Qabtay Goobahaa uu aad uga
muuqday aydoo ay Dadka soo Dhaweeyeen Magacaabida
Gudoomiyaha G/Bari.
Dhanka kale
Gudoomiyihii Hore Yuusuf Wacays Dhado oo Saxaafada ay
wax ka waydiisay ka qaadida jagadaa ayaa ku jawaabay in
ay tahay Xilku Waregto uuna raali kayahay in uu Xilka
wareejiyo.
Madaxweynaha DGPL Gen:
Cade ayaa la filayaa in uu Maalmaha soo socda uu
magacaabo Golihiisa Xukuumada ayadoo uu Xilkii hore uga
qaaday Wasiirkii Kaluumaysiga Bada iyo dekadaha Ismaciil
Buraale ayadoo jagadaa aan wali qof lagu magacaabin,
Jagadaa Wasiirka Kaluumaysiga Bada iyo Dakadaha ayaa
waxaa hunguri kaga jiraa Mas'uuliyiin badan oo hada ku
sugan Magaalada Boosaaso kuwasoo garab ka dhiganaya
Qabaa'iladooda, lakiin uu Madaxweynuhu sheegay inuu
Xiligaan ay tahay Fursadii Aqoon yahanada oo Golaha
Wasiirada oo Dhan lagu soo Magacaabi doono Aqoon si
horumar loo gaarsiiyo Dalka iyo Dadka.
Dadweynaha ayaa ku
guuxaya in uu Madaxweynaha uu hore in badan u sheegay in
uu Masuuliyiinta Jagada ka qabanaya Dowlada uu ku soo
xulidoono aqoon iyo Wax garad lakiin uu san ka rumayn
Hadalkaas hadda ka hor.

Gudoomiyaha G/Bari oo kahadlaya Munasabadii
Ciida
Gudoomiyaha jagada Laga
qaaday Yusuf
Dhado oo maalintii Ciida ka hadlay (goobtii Ciida oo uu Joogey Cadde Muuse) ayaa Tilmaamay in Dadweynuhu ay eeganayaan waxa uu soo magacabo iyo sida ay
noqdaan aydaoo Dadweynuhu ay u haraad Qabaan Maamul Daacada, Gudoomiyaha ayaa
Madaxweynaha ka codsaday in uu Dadweynaha u keeno Xukuumad Wanaagsan uuna ku soo
xulo Aqoon iyo Wax qabad. |
WARAR MAANTA:: Jan 11, 2006
- Munaasabadii
Ciida iyo Boosaso Khudbadihii Culimada iyo Madaxda DGPL
-
C/laahi Yuusuf iyo Shariif Xasan oo Yemen kulan kula yeeshey saraakiil
Mareykan ah ..
- Xirsi
Aadan Rooble oo Neyroobi kula kulmay Wasiirka Gaadiidka Badda iyo....
-
Xubnaha labada gole ee ku sugan Muqdisho baaq u jeediyey…
- Max’ed
Dheere oo magaalada Neyroobi kulaan xasaasi ah kula yeeshey…
-
C/laahi Firimbi “Shacabka waxay diyaar u yihiin in ay guryahooda ugu
galaan kuwa..”
Munaasabadii
Ciida iyo Boosaso Khudbadihii Culimada iyo Madaxda DGPL
- Madaxweynaha Puntland oo laga codsaday in uu Dadweynaha u keeno Xukuumad Wanaagsan uuna ku soo
xulo Aqoon iyo Wax qabad.
SomaliTalk.com | Bosaso:
Talaadadii (jan 10) ayaa magaalada Boosaso
looga Ciiday si wada jira aydoo Munasabadii Ciida ay ka soo Qayb galayn Madaxda
ka kala socota DFKG Soomaliyeed iyo DGPL iyo Shacbi waynaha Magalada Boosaso.

Munasabadii Ciida ayaa waxaa Saladii Ciida ka
hor ka hadlay Shiikh Yuusuf Heeryo oo Madxweynaha ka codsaday in uu wax ka qabto
Nabadgalyada iyo Dhaqalaha.
Waxaa saladii kadib laga Akhriyay khudbadii
Salaada Ciida ka dambaysay oo uu Akhriyay Sheekh Cabdirisaaq, khudbadaa ayaa
waxa uu kaga hadlay Fadliga maalinta Ciidu Adxa iyo Wanageeda. Waxaa kadib
halkaa ka hadlay Suldaan Cabdisalaan Suldaan Maxamed oo ku hadlayay Magaca
Culimada, Hogaamiye Dhaqameedyada, iyo Aqoonyahnada Gobolada Puntland, Suldaanka
ayaa in badan ka hadlay Dhibatada jirta iyo sida ummadu ugu garabsiinayso Ruuxa
Gardaran, waxaa kaloo Suldanku ka hadlay sida Madaxweynaha Ciidan Ciidi ka
horaysay uu ugu balan qaaday in u wadanka wax ka qaban doono Xaga Amniga iyo
Dhaqaalaha lakiin ay noqotay kadar kii hore.
Waxaa kaloo ka hadlay Gudoomiyaha G/Bari Yusuf
Dhado oo Tilmaamay in Dadweynuhu ay eeganayaan waxa uu soo magacabo iyo sida ay
noqdaan aydaoo Dadweynuhu ay u haraad Qabaan Maamul Daacada, Gudoomiyaha ayaa
Madaxweynaha ka codsaday in uu Dadweynaha u keeno Xukuumad Wanaagsan uuna ku soo
xulo Aqoon iyo Wax qabad.

Agaasimaha Madxtooyada DGPL oo akhrinaya khudbadii
Madaxweynaha DGPL

Cadde Muuse oo ka hadlaya munaasabadii ciida
Waxaa kale oo madaxdii halakaa ka hadashay ka
mid ahaa Wasiirka Diinta iyo Awqafta Barkhad oo u Tahniyadeyey Dadwenaha
Maalinka Ciida, Wasiirka ayaa ku soo Dhaweeyay Madaxweynah DGPL Gen: Cade oo
khudbadisii uu Akhriyay Agaasimaha Madaxtooyada DGPL Eng: Caydaruus, khudbadaa
ayaa waxa ay ka hadlaysay Waano, Mustaqbalka Puntland iyo Tahniyada Munasabada
Ciida. Kadibna waxaa hadalkii la wareegay Madaweynaha DGPL oo ballan qaaday in
uu ka shaqeyn doono Nabadgalyada soona dhisi doono Xukuumad Aqoon ku dhisan,
Wadanka uu u dooni doono Horumar iyo Mashaariic cidii ka hortimadana uu wax ka
qaban doono.




C/laahi
Yuusuf iyo Shariif Xasan oo Yemen kulan kula yeeshey saraakiil Mareykan ah
..
W/D Amiin
Yuusuf Khasaaro
Email amiinkhasaaro@hotmail.com
OGEYSIIS: LONDON, UK: RADIO FM AH
OO AFSOOMAALI KU HADLAYA
Waxaan dhamaan ummadda
Soomaaliyeed ee ku dhaqan wadanka UK, gaar ahaan magaalada
London ugu bishaaraynaynaa inaan bilownay barnaamij FM, kuna
baxaya luuqada Af-soomaaliga. Barnaamijkaan ayaa ku baahaya amaba
aad ka dhagaysan kartaan mowjada FM ee 104.4 oo aad ka maqli
kartaan inta badan magaalada London, maalin kasta oo Axad ah
saacadu markay tahay 17:30 illaa 18:00 amaba 5:30 galabnimo
illaa iyo 6:00 fiidnimo.
Waxii
faahfaahin oo dheeraad ha kala soo xiriir:
|
Wararka naga
soo gaaraya magaalada Cadan ee dalka Yemen waxey sheegayaan in madaxweyne
C/laahi Yuusuf Axmed iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka ay halkaasi kula kulmeen
saraakiil la socotay safaaradda Mareykanku uu ku leeyahay dalkaasi waxaana
la iskula soo qaaday kulankaasi sidii loo xoojin lahaa xiriirka dowladda
federaalka iyo dowladda Mareykanka, iyadoo mas’uuliyiinta dowladda ay
saraakiishaasi u faahfaahiyeen heshiiskii ay ku gaareen magaalada cadan ee
dalka Yemen, waxeyna u sheegeen in heshiiskaani uu yahay mid lagu soo
gabagabeynayo khilaafkii dowladda federaalka u dhaxeeyey muddadii sannadka
aheyd. saraakiisha dowladda Mareykanka waxey sheegeen in ay gacansiin
doonaan dowladda federaalka waxeyna soo dhaweeyeen heshiiskii ka dhacay
magaalada Cadan ee dalka Yemen, dhinaca kale madaxweynaha iyo guddoomiyaha
baarlamaanka ayaa Cadan kulan kula yeeshey guddi ay iska soo xuleen
qaxootiga Soomaaliyeed ee ku nool dalkaasi waxaana kulankaasi guddigaasi ay
ka codsadeen madaxweynaha iyo guddoomiyaha baarlamaanka in ay dowladda Yemen
kala hadlaan sidii daryeel loogu fidin lahaa, sidoo kal waxey warbixin ka
siiyeen qaabkii ay ciidamada ula dhaqmeen dadkii Soomaaliyeed ee ku hor
banaan baxayey xarunta Qaramada Midoobey ee u qaabilsan qaxootiga waxeyna
sheegeen in ciidamada booliiska ee waddanka Yemen ay dhibaato u geysteen
shacabka Soomaaliyeed waxeyna ka codsadeen in magdhaw laga siiyo dadkii ku
dhinta banaanbaxaasi.
Xirsi Aadan
Rooble oo Neyroobi kula kulmay Wasiirka Gaadiidka Badda iyo....
Xirsi Aadan
Rooble oo ah wasiir ku xigeenka Gaadiidka Badda iyo Dakadaha oo isagu ku sugan
magaalada Neyroobi oo qadka isgaarsiinta kula soo xiriiray wargeyska ayaa wuxuu
sheegay in magaalada Neyroobi uu kulan kula yeeshay Wasiirka Gaadiidka Badda iyo
dakadaha Cali Makweera.
Kulankaan ayaa
labada dhinac waxey iskula soo qaadeen sidii la isaga kaashan ahaa la dagaalanka
waxa ay ugu yeereen kooxaha burcad badeedka ah ee ku soo kordhay xeebaha
Soomaaliya.
Xirsi Aadan
Rooble waxaa uu sidoo kale magaalada Neyroobi kula kulmay mas’uuliyiin ka tirsan
shirkaddii laheyd Markabkii MV Samlow oo sannadkii hore kooxo burcad badeed
Soomaali ah ay ku afduubteen xeebaha Xarardheere wuxuuna wasiir ku xigeenka uga
tacsiyeeye dhibkii loo geystay.
Xirsi Aadan waxaa
uu soo dhaweeyey heshiiskii magaalada Cadan ku dhex maray madaxweynaha dowladda
federaaka C/laahi Yuusuf Axmed iyo guddoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan
Sheekh Aadan, hase yeeshee waxaa uu sheegay in loo baahan yahay faahfaahin in
laga bixiyo heshiiskaasi, si shacabka ay u ogaadaan waxa lagu heshiiyey.
Xubnaha labada
gole ee ku sugan Muqdisho baaq u jeediyey…
Warsaxaafadeed ku
aadan Ciidul-Adxaa oo ay soo saareen xubnaha labada gole ee ku sugan magaalada
Muqdisho, ayaa waxaa ay u rajeeyeen shacabka Soomaaliyeed in sannadkaan kiisa
kale ay ku gaaraan bash bash, barwaaqo iyo nabadgalyo.
Warsaxaafadeedkoodaasi waxa ay ku soo dhaweeyeen heshiiskii 5-tii bishan ay
magaalada Cadan ku gaareen Madaxweynaha iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka waxeyna ku
tilmaameen guul weyn oo u soo hoyatay shacabka Soomaaliyeed.
Xubnaha labada
gole waxey ugu baaqeen dadka ku dagaalamaya Gobalada Dhexe iyo Bakool in ay u
guntadaan sidii loo joojin lahaa dagaalka, sidoo kale, waxey u soo jeediyeen
waxgaradka labada beelood in ay gacan ka geystaan joojinta dagaaladaasi ugu
dambeyntii beesha caalamka waxey ugu baaqeen in ay gargaar dag dag ah lasoo
gaaraan dadka waxyeelada ay ka soo gaartay abaaraha iyo biyo la’aanta qaar ka
mid ah gobalada dalka.
Max’ed Dheere
oo magaalada Neyroobi kulaan xasaasi ah kula yeeshey…
Max’ed Cumar
Xabeeb {Max’ed Dheere} oo ah guddoomiyaha gobalka Sh/dhexe ayaa deg deg ugu
laabtay magaalada Neyroobi maalintii Isiinta aheyd waana todobaad gudahood oo
muddo laba jeer ah uu Max’ed Dheere ku laabanaayo magaalada Neyroobi, warar kala
duwan ayaa ka soo baxay tagitaanka Max’ed Dheere ee magaalada Neyroobi, qaar
waxey sheegayaan in uu martiqaad ka helay saraakiil milatari oo ka socota
dowladda Mareykanka, waxaana la sheegay iney ku kulmeen safaaradda Mareykanku ku
leeyahay magaalada Neyroobi, waxaana la sheegay in ay isla soo qaadeen wax loogu
yeeray kooxaha argagixisada ah ee ku sugan gudaha dalka Soomaaliya.
Max’ed Dheere oo
xiriir dhaw la leh dowladda Mareykanka ayaa waxaa uu ka war bixiyey xaaladda
guud ee dalka gaar ahaan kooxaha argagixisada ah ee ku sugan gudaha dalka
Soomaaliya, isagoo sheegay in Soomaaliya ay ku soo badanayaan kooxaha
argagixisada ah.
Max’ed Dheere
ayaa waxaa kaluu magaalada Neyroobi kula kulmay diblumaasiyiin ka socotay
dowladda Talyaaniga oo ay isla soo qaadeen xaaladda Soomaaliya gaar ahaanna
sidii dowlada Talyaaniga ay gacan u siin laheyd dowladda federaalka.
C/laahi
Firimbi “Shacabka waxay diyaar u yihiin in ay guryahooda ugu galaan kuwa..”
C/laahi Xasan
Ganeey Firimbi oo ah guddoomiyaha gobalka Banaadir ayaa mar uu ka hadlayey
xaflad qalin jabin ah oo ay dhigteen ardayda dugsiyada Al-Mathal iyo Caynaan
ayaa waxaa uu u sheegay in la gaaray waqtigii ay shacabka gobalka Banaadir ay ka
tashan lahaayeen hoggaaamiyaasha hubeysan ee magaalada Muqdisho oo iyagu
shacabka hor joogay muddo 15-sano ah.
“Waxaa la gaaray
waqtigii aan guryahooda ugu gali laheyn” ayuu yiri C/laahi Xasan Ganey Firimbi
oo intaa raaciyey, “C/laahi Yuusuf waxey yiraahdeen wuxuu ku tuntay dastuurkii,
hase yeeshee dastuurkii ay dhigteen iyaga ee gobalka Banaadir ayey ku heshiin
waayeen, ma dadkaas ayaa shacabka isku keenaaya?, wuxuuna u soo jeediyey
shacabka gobalka Banaadir in ay u diyaargaroobaan sidii loo soo dhaweyn lahaa
guddoomiyaha baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan, kaddib markii uu heshiis
taariikhi ah Yemen kula gaaray madaxweyne C/laahi Yuusuf Axmed.
W/D Amiin
Yuusuf Khasaaro
Email amiinkhasaaro@hotmail.com
Faafin:
SomaliTalk.com | Jan 11, 2006
|