SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
QIIMAHA - DHULKA
Qiimaha dhulka iyo qadarin la’aanta Soomaalida!

 cabdulwaaxid Khaliif 

cabdulwaxid@hotmail.com  

Hordhac:

Dal aqoon la’aan waa habaabaa, dad aqoon la’aanse waa la qadaa, diin aqoon la’aan ka warama? Soomaalidu qiimaha dhulka ma taqaan baa iga dhaadhici lahayd hadaanan xidigta calanka dhex dhacdiida aan dhab ugu fiirsan. Ma shanta tiir oo Islaamkay sheegaysaa? Mise shan qolo oo qabiil ka koobanyahay?! Cawaale Allaha unaxariisto caqli baa ku dhamaa haduusan kubad/banooni astaan nooga dhigin sida Brazil ama xayawaan ama cunto ama geedo ama midabo kaliya laakiin dhulkii buu ka dhigay.

Balantii abwaankan waan dhinac marnay markuu lahaa:

I  I  D  H  E  H

“Adoon boodin leexada ama badaha waawayn nafta aan ku biimayn, utalaabin Paris adoon tagin Berlin ama Bonn ka sheekayn barashada dhulkaaga horta laga bogtaayoo beryo la isku howlaa”. Cutubyadooda ayaad uga bogan doontaan intaas ka badan.

Shacabkii wuxuu noqday mid la dilay iyo mid xiran iyo mid dibada meeraaya. Ma qabqablayaasha ayaa dhagartii Qurayshtu Nabiga la maagtay isagoo Iblays dhex fadhiyo qaatay oo dhibtaas na baday? Mise anagaa dhibta wadna oo waxay noo isticmaaleen aayadii Suurat Al-Maa’ida ku jirtay oo waxay naga dhigeen mid la dilay iyo mid la waray iyo mid lugaha iyo gacmaha isdhaaf loo jaray iyo mid dhulkii laga soo cayrshay. Dhibtu meel ay ka socotoba cadaabkaas dhadhaminay.

Sunadii baan dhinac marsanahay nin walba markuu wadankeena kasoo dhaqaaqayo oo uu visa gacanta ku dhigo ama wax udhigma waa dhoola cadeeyaa sidii uu dhul kale u dhashay haduu dhaqaale haystana xaflad buu dhigaa! 

Waxaan arki doonaa qiimaha dhulka oo aad moodid inuu ka horeeyo qaraabadeena. Waxaa Quraanka ku jirta in dhulku nolol iyo geeriba uu na ogol yahay halka qaraabadeena ama xitaa waalidkeena iyo ilmaheena aan nolasha isku xiriirino oo marka aan dhimano nala fogeeyo. Waligiin ma aragteen waalid ilmahooda oo dhintay guriga dhigta oo leh waan iska haysanayaa. 

Jago laqaato oo ka saraysa ma jirto qofka diintiisa iyo sharaftiisa kala baxsada dhulkuu ku dhashay maxaa yeelay waa arin wayn. Xataa marka Hijrada iyo Jihaadku hal aayad ku yimaadaan waxaad arkaysaa marar badan in Hijrada la hormariyo sidaan ku arki doono meesheeda hadii Allaha ogolaado. Asxaabadiina waataan dhahno Al-Muhaajiriin iyo Al-Ansaar. Waxaa la hormariyaa Al-Muhaajiriin. 

Markaan tukanayno bogcad dhulka ka mid ah ayaan wajahnaa waa Kacbadee. Xurmada uu leeyahay dhulka Masaajikaa udhow iyo kan Madiina qofna ma mooga. 

Ka waran ninkii waalidkiis sumeeya ama cadow ugacan gasha!. Hadaba dhulkeenii wuxuu noqday meel Qashinka nuclear-ka lagu qubo iyo meel cadow sida Amxaaro ka taliso. 

Qisadan oo aan Buug ugu talogalay waxaad moodaa inay ka soo hormarayso xaalada lagu jiro awgeed. Waxaan rabaa inaan u qaybiyo cutubyo kala duwan (chapters). Qaar baa yaryar qaarna waa badanyihiin. Inkastoonana ahayn nin cilmi leh hada aqooni kama marna. Khasab ma ahan in ay cutubyadu saas isugu xigaan. Waxaan usoo gudbin doonaa hadii Ilaah idmo sida ugu haboon anoo kala tashanaya walaalaha rag iyo dumar kay yihiinba ee haga website-yada Soomaaliyeed. Waa kuwaan cutubyadii: 

  • 1. Waa maxay dhul
  • 2. Yaa horeeyey dhulka iyo dadka?
  • 3. Xageen ka nimid, xageese ku noqaynayaa.
  • 4. Dhulka sharci ma ku degnay?
  • 5. Qiimaha iyo sharafta dhulka
  • 6. Maxaa keena inuu qofku dhulkiisa ka haajiro
  • 7. Ganacsiga iyo Irzaaqada markii la xusayo, dhulkaa la xusaa
  • 8. Fasaadka markii la xusayo dhulkaa la xusaa
  • 9. Dhul iska cayrinta oo ah ciqaab daran oo udhiganta dilka
  • 10. Cinwaanka qofkii diintiisa iyo cirdhigiisa kala baxsada dhulkiisii sida Muhaajiriin
  • 11. Jazaha uu Ilaah siiyo muhaajiriinta
  • 12. Dhibta oo dadka dhulka lagu xasuusiyo sida qurabaa’, qariib. Wadhaaqat calayhim Al-Ardhu bimaa raxubat.
  • 13. Ciqaabta qofkii dhul qayira ama xada iyo ciqaabkii qoomu Luudh
  • 14. Manasheegasha Allaah. Dabadeed Fircoon wuxuu yiri miyaydaan arag wabiyada…………….
  • 15. Jihaadka iyo dagaalka oo dhulka loo galo (Wamaa lanaa alaa nuqaatila fii… ) hadii aanan dhulkaygoow dhiig cadaawe kuu galin soomaali… (cadowgu bir ma ahee burburiya ciidayda cadowga udiida.
  • 16. Dhulka oo ka raaliya wanaaga xumaantuna dhibto. Famaa bakat calayhimul…
  • 17. Jaxiimo oo makaan xun lagu sheego.
  • 18. Dhul gaalo lama ogola laakiin naagaha Ehlu-Kitaabka waan guursankarnaa cuntadoodana waan cunikarnaa.
  • 19. Xurmada dhulka oo saraysa sida Xaramaynka. Mushrikiintii oo xitaa xurmadaas tixgalin jirtay.
  • 20. Markii wax la xuso waxaa qalbiga kusoo dhaca dhulka (amin maa’ilCiraaq)
  • 21. Dhulka Soomaalida
  • 22. Dhul gaalo mise dhul geel
  • 23. Dhulka oo tusaale loo soo qaato marka cilmiga laga hadlayo
  • 24. Allahayoow Soomaali dhulkeeda fahansii
  • 25. Dhulkan yaa iska leh?.
  • 26. Dhulka habaarkiisa
  • 27. Qashin Qub
  • 28. Heshiisiin dhulka iyo Dadka Soomaaliyeed
  • 29. Dhulkii oo la xumeeyey oo ka dib qabqalblayaal soo baxeen (Waladii Khabutha laa yakhruhu………….)

 

cabdulwaaxid Khaliif 

cabdulwaxid@hotmail.com  

October 9, 2002


WARARKA  SEPTEMBER - GUJI
»
AGOOSTO | JULY | JUNE | MAY | APRIL | MARCH | FEBRAAYO | Janaury 2002 | Wararkii 1999-2001 

com

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
DIGNIIN:
»» Dadka Isticmaala Microsoft Messenger akhri halkan
OGEYSIIS - OTTAWA

KALFADHIGA ISLAAMIGA EE 5AAD

QURBAHA IYO SOOMAALIDA 10 SANO KA DIB

Sat October 12, 2002
11:00 AM –8:00 Pm
202 Mont petit
125 University St 
(Ottawa University)

Faahfaahinta - GUJI...  



Lewiston-USA. Duqa magaalada ayaa ku yiri soomaalida ha yareeyaan soo quluqulkooda; waa la idin dhibsaday. 

Muslimiinta Kenya oo loogu baaqay in ay Midoobaan

  Muslimiinta Ethiopia oo Caawimo Geysanaya  


  
EU & Kenya oo Saxiixday Heshiis maalgelinya shirka Soomaalida
  Ogadeenya oo Lagu Xirxiray Shacab

I I D H E H 

Eldoret waa Magaalo sidee ah
Magaalada eldoret oo ah magaalada lagu qabandoono shirka nabada Soomaalida waa magaalo aad u wayn oo . IQRA..  26/8


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD