SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - MINNESOTA
Ardayda Soomaaliyeed ee Ka Qalin Jebinaya Dugsiga Sare ee Edison oo Buuxiyey Derejooyinka ugu Sareeya

Waa ardaydii Reer Minnesota oo Markale Guul kasoo Hooyey Waxbarashadooda

60 Soomaali ah ayaa kamid ah 122 arday ee ugu buundada Sareeya Dugsiga Sare ee Edison 

WQ. Maxamed Cali | SomaliTalk.com | Minneapolis, MN, USA | May 25, 2003

KUSOO DHOWAADA
KAAH

Xaflad ballaaran oo 22kii May lagu qabtay Dugsiga Sare ee Edison High School ayaa lagu soo bandhigay ardayda sannad dugsiyeedkan 2002-2003 ugu derejada sareysey dugsigaas, ee isla mar ahaantaana qalinjebinaya sannadkan June 9, 2003.
   

Billada iyo Abaal marinta ugu sareysa [Highest Honors] ee uu Bixiyo Dugsiga Sare ee Edison High School waxa uu siiyaa ardayda derejadooda waxbarasho tahay [A+] = [G.P.A. 3.70  ilaa 4.0]. 

Haddaba sannad dugsiyeedkan 2002-2003 ardayda dhigata dugsaga Edison ee derejadaas gaartey  waxaa tiradoodu dhantahay 30, kuwaas oo 19 kamid ah ay Soomaali yihiin, waana kuwan magacyada ardayda Soomaaliyeed derejadaas gaartey:
[Araydaasi waxay isugu jiraan ardayda dugsiga dhigata Maalin iyo Habeen]

1. Ahmed S. Ahmed
2. Abdulfatah Mohamed
3. Aways S. Mohamed
4. Ahmed J. Bihi
5. Hawo B. farah
6. Rahma S. Ahmed
7. Abdinasir Haji-Bare
8. Fardowsa H. Ali
9. Yusuf M. Shaqalle
10. Adan D. Ahmed
11. Dahir Ketib
12. Mohamed Said Ahmed
13. Said Nur
14. Mohamed Mire
15. Yahye Mohamed
16. Jamila Abdul
17. Abdullahi Mohamed
18. Mohamed Omar
19. Deeqo Ali
[Xusuus: Magacyadu waxay u kala horeeyaan sida ay awoowayaashood (last name) u kala horeeyaan, ee ma ahan sida ay ukala derejo sareeyaan.]

Derejadaas mid aan ka dhicin ee uu bixiyo Edison waa ardayda ku qalin jebisa inta u dhexaysa [B+ ilaa A- ] = [G.P.A. 3.20 ilaa 3.69], Haddaba sannad dugsiyeedkan 2002-2003 ardayda dhigata dugsaga Edison ee derejadaas gaartey waxaa tiradoodu dhantahay 92, kuwaas oo 41 kamid ah ay Soomaali yihiin, waana kuwan ardayda Soomaaliyeed derejadaas gaartey: [Araydaasi waxay isugu jiraan kuwa dhigata dugsiga Maalin iyo Habeen]

1. Samsam A. Abdi
2. Shukri M. Abdul
3. Bishaaro M. Aden
4. Abdullaahi A. Ahmed
5. Farhiya F. Ali
6. Safia F. Ali
7. Nasra J. Bihi
8. Ismail M. Bulhan
9. Abdi D. Farah
10. Hassan Y. Farah
11. Farhiya A. Haji
12. Keyf A. Jama
13. Deq A. Moallim
14. Khadro A. Mohamed
15. Maryan A. Mohamud
16. Sahro A. Mohamud
17. Amran A. Mursal
18. Aden A. Noor
19. Ahmed A. Omar
20. Deqa M. Osman
21. Hani Osman
22. Yusuf Samatar
23. Mohamoud I. Yusuf
24. Asli Abdi
25. Ali Aden
26. Fardowsa Ahmed
27. Iddo Ahmed
28. Khadra Ahmed
29. Sahra Ali
30. Guhad 31. Haji-Ahmed
31. Mahdi Egal
32. Mohamed Hassan
33. Lul Intilo
34. Shukri Jama
35. Ladan Mohamed
36. Amina Mohamud
37. Faduma Mohamud
38. Qamar Nur
39. Faysal Sahal
40. Abdulqadir Sheikh
41. Abdullahi Warsame
[Xusuus: Magacyadu waxay u kala horeeyaan sida ay awoowayaashood (last name) u kala horeeyaan, ee ma ahan sida ay ukala derejo sareeyaan.]

Waxa kale oo uu Dugsiga Edison bixiyaa abaal marin loo yaqaan "Presidential Award" oo la siiyo ardayda soo kobciya waxbarashadooda, waxaa sannadkaan derajadaas la siiyey 6 arday oo hal kamid ah uu yahay Soomaali, magaciisuna yahay:

  1. Ahmed Omar

Bididx: Cusmaan Cali, Abshir Ciise, Maxamed Maxamuud. Sawirkan waa saddex kamid ah macallimiina wax kadhiga Edison High School, Minneapols (Sawir: SOMALITALK.COM)

Xafladaas waxaa dhammaan ardaydaas lagu guddoon siiyey abaal marino iyo billado. Qayb ardaydaas ka mid ahna waxaa la guddoon siiyey deeq waxbarasho. 

Waxaa xusid mudan in labo ka mid ah ardayda Soomaaliyeed midkiiba la gudoon siiyey deeq waxbarsho oo dhan $8000, labo kalena waxaa midkiiba la guddoomiyey $3600 oo deeq waxbarasho ah. Waxaa kale oo Shan arday oo Soomaali ah midkiiba la siiyey $4000 oo deeq waxbarsho ah. Sagaal kale oo Soomaaliyeedna waxaa midkiiba la siiyey $1000 oo deeq waxbarsho ah, tiro kalena waxaa la gudoomnsiiyey deeqo waxbarasho oo qiimohoodu yahay ama ka hooseeyo $500.

Isku soo duuboo ugu yaraan waxaa ardayda Soomaalida ah xafladaas magacyadooda looga yeeray 66 jeer, kuwaas oo la guddoon siinayey billado ama abaal marino, [waa tirada qalin-kaygu qabtaye].

Wajiyada ardayda Soomaaliyeed ee biladahaas ama deeqaha waxbarasho ku guulaystey waxaa ka muuqatey farxad. Ardayda fasalada hoose dhigta ee ay sugeyso in ay qalin jebiyaan sanadaha soo socdana waxay tani u ahayd niyad dhisid aan la qiyaasi karin. Aabe Soomaaliyeed ayaa ii sheegay in laba wiil oo uu dhalay mid kamid ah uu liiska ardayada ugu sareysa ee sannadkaan kujiro, laakiin wiilkiisa labaad oo fasalada hoose dhigtaa markii uu arkay walaalkiis oo dhawr-jeer magaciisa la xusay uu yiri aniguna hadda ayaan dadaal bilaabi doonaa, hadda wiilkaan dambe waxbarashadiisu uma heer sarayso sida walaalkiis, waayo? waxay isku dhaafeen dadaalka!!!!!.

Intii ay xafladaasi socotey waxaa la daaray filim ka sheekaynayey laba arday oo midkood Soomaali yahay, labadaas arday oo dhibaatooyin waaweyn lasoo derseen noloshooda laakiin horumar aad u sareeya ka muujiyey waxbarashadooda, ardayga Soomaali ah magaciisu waa Abdinasir Haji-Bare oo aan horay warbixin uga qoray waxa uu haystaa derejada G.P.A: 3.77 [Eeg.Halkan].

Waxaa xusid mudan in ardayda Soomaaliyeed oo ku cusub maraykanka ay muujiyeen dadaal dheeraad ah maadaama ay waxbarashada la bilaabey arday luqad ahaan u dhashay dhulkaan isla mar ahaantaana aan soo marin qaxa iyo dhibka alsoo dersey ardayda Soomaaliyeed ee iygoo aad u da'yar la kowsadey dhibkii saameeyey dalkoodii hooyo ee Soomaaliya. Haddii ay dadaalkaas kusii wadaana waxaa muuqata in aan faa'iido u yeelan doonan Soomaaliya iyo dalka ay degeenba.


Edison High School

Dugsiga Sare ee Edison High School waxaa la asaasay sannadkii 1922, waxaana hadda dhigta qiyaastii 1400 oo arday, waxaa Soomaali ka ah qiyaastii 300 arday. Dugsiga sare ee Edison waxa uu ardayda Soomaaliyeed (iyo muslimiinta kale) ee dugsigaas dhigta u fududeeyaa sidii ay salaada u tukan lahaayeen xilliga ay iskuulka joogaan, taas oo loo qoondeeyey meel ay ku tukan karaan maalin kasta, maalinta Jimcadana waxaa ardayda loo ogol yahay in ay aadaan goob ay jamaaco ugu tukadaan oo iskuulka u dhow, waxaana fasalada saacadaas salaada Jimcada ardayda tukanaya laga siiyaa fasax si ay usoo tukadaan oo fasaladooda ugu soo laabtaan marka ay tukadaan. Ardayda Soomaaliyeed waxa ay ii sheegeen in ay abaal aad u weyn arintaas ugu hayaan maamulka sare ee dusiga Edison, sida aan ku muujiyey qorral aan daabacay mar sii horeysey.

Dugsiyada kale oo farabadan ayaa ku yaal Minnesota kuwaas oo ay Soomaali badan dhigtaan, waxaa dugsiyadaas ka mid ah Dugsiga Sare ee Roosevelt oo ah dugsi aad u baaxad weyn, waxaana lagu qiyaasay in Soomaalida dugsigaas dhigtaa ay tiro ahaan ardayda iskoolkaas ka yihiin 40% [boqolkiiba Afartan]. Dugsigaas Roosevelt waxa uu kii ay sannadkii 2000 derejada labaad ka gashay gabar Soomaaliyeed.

Xafladda kama dambaysta ah ee qalin jebinta ardayda dugsiyada sare ee Edison iyo Roosevelt  waxaa la qaban doonaa markay taariikhdu tahay June 9, 2003, waxaana xafladdaas lagu qaban doonaa Minneapolis Convention Center oo kutaal faras magaalaha Minneapolis.

Guulaha ardayda dugsiyada sare ee Minnesota waxa dhinac socda guulaha ay ardayda Soomaaliyeed kasoo hooyaan jaamacadaha Minnesota, inkasta oo wararku tilmaameen in arday aad u farabadan aysan sannadkaan ka qalin jebin jaamacadaha Minnesota, hadana waxaa jira tiro aad u badan oo hadda kujira qaybaha kala duwan ee jaamacadaha kuwaas oo la rajaynayo in ay waxbarashadooda dhamaysan doonaan sannadaha soo socda. Tirada hadda kujirta jaamacahadana waxaa kobcin doona ardayda dugsiyada sare oo sida aan soo xusnay heer sare gaarey, siina wadan doona tacliinta sare ee jaamacadeed.

Soomaalida Minnesota ayaa u muuqda in ay horumar heer sare ah ka gaareen xagga tacliinta marka aad fiirisid dugsiyada iyo jaamacadaha sida ay ardaydoodu horumarka ugu tallaabsanayaan. Waa dhici kartaa in ganacsida ay kula tartamaan Soomaalida Ohio iyo Soomaalida Eslii, laakiin buundo dheeri ah ayey Soomaalida Minnesota ka gaareen tacliinta taas oo ay ku ammaanan yihiin, Waxayna weliba boorka ku qariyeen Soomaalida Toronto oo u muuqda kuwo waayadaan dambe kujira suuris-xagaa.

Isku soo duuboo waxaa halkaas ka cad in ardayda Soomaaliyeed ee Edison High School ay muujiyeen arin yididiilo gelineysa ardayda hadda dhigta dugsiyada hoose/dhexe iyo sare ee ku kala nool daafaha dunida.

Bahda SoomaaliTalk waxay hambalyo iyo bogaadin u dirayaan dhammaan ardayda Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan, kuwaas oo waxbarashadooda dhamaysanaya sannadkan 2003.

Ugu dambayn, waxaa xusid mudan in ay jiraan arday kumanaal gaaraya oo hadda kusugan Soomaaliya oo aan haysan ama heli karin waxbarasho ama aan waalidkood awoodin karin in ay ka bixiyaan tacliinta ay ubadkoodu u baahana yihiin, taasi waa naxdin, dib u dhac iyo khasaare haysta mujtamaceena. Hoggaanka Soomaaliyeed ayaana laga sugayaa in ay keenaan xalkii ay ardaydaasi ku heli lahaayeen waxbarasho inta aysan dhallaankaa yaryari ku gaboobin jahli. Shacabkana waxaa horyaal in ay maamulka ku cadaadiyaan sidii ay ubadkooda waxbarasho ugu abuuri lahaayeen. 

Qore: Maxamed Cali 
somalitalk@hotmail.com
Minneapolis, Minnesota, USA

Faafin: SomaliTalk.com | May 25, 2003

-dhammaad-

Lifaaq: 

mahuraan 
MAHURAAN
: Waa buug dhowaan soo baxay GUJI...

Habka loo xisaabiyo derejada GPA:

G.P.A: A: 4.00 , A-: 3.67, B+: 3.33, B: 3.00, B-: 2.67, C+: 2.33, C: 2.00, C-: 1.67, D+: 1.33, D: 1.00, D-: 0.67, F: 0.00 : Isha: Edison


Warbixin: Afar arday oo ay wajiyadooda farxadi ka muuqato kaddib markii ay dhamaysteen waxbarashadoodii.. GUJI  20/5

<><><>LINKS<><><>

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis

 

 


WAXBARASHADA CARRUURTA
"Dadka Carwada yimid oo idil way isku sheegeen wiilkaas fariid Quraanka ah, Cabdul Fattax Shariif Moxamed, sidaas darteed nin walba wuxuu soo watay wiilashiisii si uu u soo tuso tusaale waangsanna ugu noqdo, deedna ay ugu daydaan." Guji...
C/siis C/lahi Adam oo bishii December 2000 kuguulaystay kaalinta Koowaad ee tartanka Qura'aanka, Abaalgudna u helay 250,000Dhs oo u dhiganta $68,000
Akhri halkan
Flip to any page of the Koran's 114 chapters, and Ahmed Mohamed can recite it for you.
DETROIT FREE PRESS
December 9, 1999.
Cabsida lagaqabo mustaqbalka carruurta Soomaaliyeed ee kusoobutaacay dadalka Galbeedka
Guji...
Maxaa Xal u ah Ubadka Soomaalida Qurbaha?
Guji...
Carruurta Soomaalida Denmark
Guji...
Carruurta Soomaalida London, canada
Guji...

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD