SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - KENYA
AWOOD QAYSIGA SOOMAALIYA OO LAGU SALAYN DOONO HAB QABIIL

 

Ibraahim Maxameddeeq

 imdeeq@hotmail.com

SomaliTalk.com | Eldoret

Nov 10, 2002

 
RAMADAAN KARIIM
mwgl2.jpg (32805 bytes)
Ho. Elijah Mwangale

Ninka uu madaxweyne Moi u wakiishay arimaha soomaaliya, ahna Guddoomiyaha gudiga farsamada Igad ee shirka Eldoret Ho. Elijah Mwangale ayaa shalay sabtidii waraaq u kala diray dhamaan madaxda soomaalida ee halkan ku shirsan, wuxuuna ka codsaday inay magacyada ergooyinka iyo liisaska gudiyada u soo gudbiyaan si uu shirku horay ugu socdo, isagoo Mr. Mwangale warqadiisa ku caddeeyey inuu wejiga labaad ee shirku ku saabsan yahay arimo farsamo oo aysan doorasho iyo codayni ku jirin, go’aan kastaana uu ku iman doono ogolaansho loo maro hanaankii shaqada shirka ee ay goor hore madaxda soomaalidu saxiixeen iyo inuu awood qaybsigu iman doono wejiga sadexaad laguna salayn doono hab qabiil.

Waxaana shalay dhacday in shir ay gudiga farsamadu qaban qaabiyeen inay ka qayb qaataan diideen kooxihii horay hab qaybta gudiga farsamada uga biya diidsanaa, waxaase shirka soo xaadiray qolyihii kale oo kooxaha shirka diidey ku tilmaamay inay yihiin rag doonaya inay shirka fashiliyaan iyagoo weliba intaa ku daray inay kooxahaasi isu bahaysanayaan inay dhul cusub oo aysan lahayn qabsadaan.

Cabdillaahi Yuusuf oo kulankaas ka hadlay waxaa hadalkiisii ka mid ahaa: “waxaan idiin sheegayaa inta shirka hadda ka maqani inay yihiin kuwa carqaladda wada oo ay had iyo goor raacaan talooyin uu cabdi qaasim wax ku qarbudayo”, wuxuuna isagoo hadalkiisa sii wata shaaca ka qaaday inay xagooda diyaar u yihiin inay fuliyaan wixii uu gudiga farsamadu faro, waxaana shirkaa aan loo dhamayn maanta guddoominayey Dr. Warrio oo ah ku xigeenka Mwangale.

Intaas kaddibmna Dr. Warrio wuxuu shir saacado qaatay la yeeshay kooxohii shirka qaadacay oo kala ahaa Dooxada Jubba, Cismaan Caato, Qanyare, SNF/Biixi, RRA/sheekh Aadan Madoobe, Cumar Finish, wuxuuna ugu horaynba Dr. warrio ragaas ugu baaqay inay shirka ka qayb qaataan maadaama aysan ergooyinka iyo gudiyada ay diidan yihiin aysan wax lug ah ku yeelan doonin awood qaybsiga oo noqon doona wejiga sadexaad ee shirka. Waxaa kaloo kulankaas ka hadlay ninka Maraykanka u qaabilsan arimaha soomaaliya Mr. Glen Warren oo kooxihii shirka diidey u sheegay inuu wakhtigii wejiga labaad ee shirka iyo kharashkii loogu talo galayba dhamaaday loona baahan yahay inay shiraka ka qayb qaataan, Mr Glen Warren oo shalay si weyn u danaynayey inuu kooxaha shirka diidey ogolaysiiyo inay madasha shirka ku soo noqdaan ayaa ragaas ugu cel-celiyey inay caalamku danaynayaan inay soomaaliya dawlad hesho.

I  I  D  H  E  H

Kooxihii shirka diideyna waxay sheegeen inuu xaq ka maqan yahay oo xitaa tiradii ergooyinka loo marti qaaday wax laga dhimay, waxayna si wada jir ah u sheegeen intii ay ansixin lahaayeen wax ay Itoobiya wadato ay u dhaanto iyagoo TNG’da xoojiyaan, ugu dambayntiina waxay gudiga farsamada Igad kooxahaasi u soo bandhigeen inay kala doortaan inay ergooyinka hab qabiil iminka ku qaybiyaan iyo in koox walba loo daayo ergooyinkii loo marti qaaday. Intii shirkaasi socdayna Mr. Glen Warren wuxuu beeniyey war ay Cismaan Caato iyo Maxamed Qanyare u qabsadeen oo ahaa inuu Mr Mwangale ka codsaday inuu labadaa nin xabsiga dhigo, taas oo Mr. Wearren ku tilmaamay been aan sal iyo raad toona lahayn.

Inkastoo ay gudiga farsamada igad iyo masuuliyiin caalami ahi u ololaynayaan sidii shirka caqabadda ka hor timid loo weeydaarin lahaa haddana weli arintu way cakiran tahay, laakiin waxaa iyana jirta inay kooxahan shirka diidey uu caddaadis xoog lihi ku yimid, maanta oo Axad ahna ergooyinka shirku waxay ku jiraan nasaho oo wax shaqo ahi ma jirin.

 

Ibraahim Maxameddeeq
Somali Talk
Eldoret
E-mail: imdeeq@hotmail.com

 

Rajo Qaranimo oo Shirka Eldoret ka Dhex Hilaacaysa -Faalo
»»
Ibraahim Maxameddeeq  

Is-Maan-Dhaaf ka Dhacay Shirkii Eldoret
 
Middi-middi ku taag iyo is mariwaa laysku maan dhaafay ayaa maanta dhex maray madaxda kooxaha siyaasadda..Guji... 04/11  

Sheekh Aadan Madoobe, Waraysi
 weriyaha somalitalk ee shirka Eldoret Ibraahim Maxameddeeq ayaa waraysi dhinacyo badan leh la yeeshay Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe)  »» Waraysigii oo dhan 04/11

... ELDORET: Taxanaha Wararka  

... Soomaaliya iyo dhacdooyinkii  2001/2000 


WARARKA  SEPTEMBER - GUJI
»
AGOOSTO | JULY | JUNE | MAY | APRIL | MARCH | FEBRAAYO | Janaury 2002 | Wararkii 1999-2001 

com

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD