SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - KENYA
MAS'UUL MIDOWGA YURUB KA SOCDA OO SHIRKA ELDORET BOOQDAY

Ibraahim Maxameddeeq

 imdeeq@hotmail.com

SomaliTalk.com | Eldoret

Nov 23, 2002

 
RAMADAAN KARIIM
Bogga Tacsida Marxuum Dr. Raajis - GUJI 

Maalintii Jimacaha ee ay bisha November laba iyo labaatanka ahayd waxaa xarunta shirka dibu heshiisiinta soomaalida ee Eldoret booqasho ku yimid agaasimaha guud ee midowga Yurub u qaabilsan nabad gelyada iyo horumarka oo ah ninka lagu magacaabo Koos Rechalle oo kulamo la yeshay hogaamiyaasha siyaasadda soomaalida,Haweenka soomaaliyeed iyo Bulshada rayidka ah.

Wuxuuna kulankii ugu horeeyey oo uu madaxda siyaasadda la yeeshay kula socdsiiyey inaan loo dulqaadan doonin qarashka shirka oo uu sheegay inay halkii maalin ku baxdo 60,000$ , isagoo intaa ku daray in haddii todobaadka soo socda uu shirku horay u socon waayo ay go'aan deg deg ah qaadan doonaan.

Dhinaca soomaalidana ragii kulankaas ka hadlay oo kala ahaa Xuseen Caydiid, Xasan Abshir, iyo kuwa kale waxay ninkaas ka codsadeen inaysan midowga yurub ku deg degin inay qarashka shirka joojiyaan maadaama dhibaato laba iyo todban jirsatey lagu xalinayo oo aysan arintu xurguf sahlan ahayn.

Kulankii uu Mr. Rechalle haweenka soomaaliyeed la yeeshayna wuxuu dumarka soomaaliyeed ugu sheegay inuu Eldoret u yimid sidii uu shirka culays u saari lahaa,isagoo xusay inuu aad ugu faraxsan yahay inuu hor fadhiisto laba gabdhood oo soomaaliyeed oo shahaado caalami ah haysta oo uu ula jeeday gabdhaha kala ah: Maryan Yuusuf iyo Faadumo Jibriil, haweenka soomaaliyeed ee ninkaas la shiray Wuxuu Mr. Rechalle u ogolaaday inay samaystaan guddi dhex dhexaadiya siyaasiyiinta soomaalidu kolka ay is mari waayaan oo ay horay dumarku u codsadeen. Intii uu ninkaasi xarunta shirka joogeyna wuxuu xadhiga ka gooyey xafiis loogu talo galay bulshada rayidka ah oo ay maal gelintiisa iska kaashadeen Midowga Yurub, UNDP iyo hayadda loo yaqaan SIDA Sweden.

Mr. Koos Rechalle oo ahaa masuulkii midowga Yurub ugu sareeyey ee madasha shirka soo caga dhiga oo meel fagaara ah weriyayaasha ugu waramayey ayaa sheegay inaysan midowga yurub qarash dambe shirka ku bixin doonin haddii uusan wejiga labaad ee shirku haray u socon, wuxuuna xusay inay lacagtii hore ee shirka loo qoondeeyey gebo gebo tahay laakiin haddii ismari waaga laga gudbo ay lacag hor leh shirka u soo furi doonaan, wuxuu kaloo Mr. Rechalle noo sheegay inay bulshada caalamka iyo wadamada soomaaliya la jaarka ahi diyaar u yihiin inay shirka iyo wixii ka soo baxaba taageeraan, mar aan weeydiiyey figraddiisa ku aaddan ismari waagii labadii todobaad ee u dambeeyey shirka ragaadiyey ayuu Mr. Rechalle ii sheegay inuu ku rejo weyn yahay inay hogaamiyayaasha siyaasadda soomaaliya wax ka bedeli doonaan shaxdooda siyaasadeed isla markaana ay talaabo caaqiibo leh horay u qaadi doonaan.
Sifaha Siyaasiyiinta Soomaalida
iyo Siyaalaha ay u wada Hadlaan: Ibraahim Maxameddeeq oo jawaab ka bixinaya su'aal laga weydiiyey siyaasiyiinta Soomaaliyeed (eldoret) ayaa sheegay in.. GUJI... 23/11 

Habaynkii Jimcahana shir ay gudiga farsamada Igad ugu talo galeen in lagu soo gudbiyo liisaskii gudiyadii lixda ahaa ayeey gudiga farsamada iyo qaar hogaamiyaasha soomaalidu isku maan dhaafeen kaddib markii ay Qanyare, Xuseen Caydiid iyo Muuse Suudi dalbadeen in ergooyinka habka qabiil laga daayo oo habkii kooxaha lagu celiyo, Hogaamiye Kooxeedka la yidhaahdo mr. Qanyare ayaana shirkii ka sheegay in haddii aan ergooyinka sidii hore lagu soo dabaalin uu weftigiisa u qaybin doono tigidhadii ay ku noqon lahaayeen, waxaana hadalka Qanyare ka jawaabay Mr. Mwangale oo sheegay in ciddii baxaysa ay iriduhu u furan yihiin.

Qabiilooyinka Daarood, Minority, Dir, Digil iyo Mirifle ayaana shirkii Jimcihii ka sheegay inay Maalinta Sabtida ah liisaskooda soo gudbin doonaan. 

Maxamed Qanyare Afrax ayaa iminka u muuqda inuu saaxiibadii G 8 ka figrad duwan yahay maadaama ay saaxiibaddii hadda qaybta qabiilka lagu saleeyey la dhacsan yihiin, maanata oo Sabti ahan wufuudda qabiilooyinka soomaalidu waxay si gooni gooni ah ugu jiraan shirar ay kaga wada xaajoonayaan sida ay xubnaha gudiyada 108'da ah u qaybsan lahaayeen. Waxaana caawa la isugu iman doona shir looga wada hadlayo sidii arimahaa loo soo dedejin lahaa, shirkaas oo ay gudiga farsamada iyo madaxda kooxuhu ka soo qayb geli doonaan.

Ibraahim Maxameddeeq
SomaliTalk.com | Eldoret
E-mail: imdeeq@hotmail.com

 

I  I  D  H  E  H

 

DKG oo Diidey Go'aankii Shalay
iyo Safarkii C/Laahi Yuusuf oo Dib u Dhacay:... DKMG ah oo goor hore ku jirtey kooxaha u ololaynayey in hab qabiil ergooyinka lagu qaybiyo ayaa hadda arintaas diidan Warbixintii braahim Maxameddeeq 20/11

Ergooyinkii Shirka Eldoret oo Lagu Jaan Gooyey Hab Qabiil
Ergada oo laga dhigay 400 iyo xubnaha ka mid noqonaya gudiyada lixda ah oo tiradooda guud laga dhigay 138 qof ayaa maanta lagu qaybiyey hab qabiil..... Warbixintii Warbixintii Ibraahim Maxameddeeq 19/11

Qaar Kamida Kooxihii G8 oo Wax Loo Kordhiyey
Mr. Elijah Mwangale kulan gaar ah oo uu la yeeshay Cismaan Caato, Qanyare, Col. Barre Hiiraale iyo Cumar Finish ayuu ugu soo ban dhigay inay qaybsadaan 24 ergey.... Warbixintii Ibraahim Maxameddeeq 18/11

Bulshada Caalamka oo Dadaal ugu Jira sidii shirka ELdoret Caqabada looga Saari lahaa: Akhri  Warbixintii Ibraahim Maxameddeeq 17/11

... ELDORET: Taxanaha Wararka  

... Soomaaliya iyo dhacdooyinkii  2001/2000 


WARARKA  SEPTEMBER - GUJI
»
AGOOSTO | JULY | JUNE | MAY | APRIL | MARCH | FEBRAAYO | Janaury 2002 | Wararkii 1999-2001 

com

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
wiilyar

Wiil Yar caloosha ayaa bannaanka taal - GUJI HALKAN

 

 

I I D H E H

 


I I D H E H 

DAHABLAHA ANGAR

Waa Dahable Soomaaliyeed oo kuyaal Minneapolis, Minnesota, USA.

Dukaanka Dahablaha ee Angar horay u gaar, waxaad kahelidoontaa dahab ku qancindoona.
XAGEE: 2942 Pillsbury Ave, MPLS, MN 55408
TEL: 612.822.0556 ama 612.695.3029
Email: gelle205@homail.com

LAXIRIIR: Cabdi Kaafi 

HAMOOGAAN DAHABLAHA ANGAR

 

Mashruuca samafalka Carruurta Soomaaliyeed GUJI...


Mashruuca Naafada iyo Da'weynta Soomaaliyeed GUJI...
Jamciyadda Samafalka Almanhal iyo waxqabadkeeda GUJI.... 
Ardayda Soomaaliyeed ee Ka qalinjebiyey Minnesota GUJI...
Columbus, Ohio iyo SomaliTalk KA.AKHRI.HALKAN 
BORLÄNGE IYO SOMALITALK.COM Warbixintii Ahmed-shil Mohamed
 GUJI HALKAN 

DADAALKA SOOMAALIDA AUSTRALIA
DADAALKA SOOMAALIDA MARAYKANKA 
DADAALKA SOOMAALIDA SWEDEN 
DADAALKA SOOMAALIDA INDIA

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD