IS-MARI-WAAGII SHIRKA ELDORET OO WELI TAAGAN
Ibraahim Maxameddeeq
imdeeq@hotmail.com
SomaliTalk.com | Eldoret
Nov 6, 2002
is mari waagii soo soo food saaray madaxda kooxaha ee Eldoret shirku uga
socdo ayaan weli wax xal ah loo helin, maalintii shalay ahaydna waxaa la isku
deyey in khilaafkaas qaybta ergooyinka ku saabsan la soo af jaro kaddib markii
madaxda kooxaha la isugu geeyey hotel magaalada Eldoret 100km u jira oo ay
safiirka Maraykanka u qaabilsan soomaaliya iyo Mr. Mwangale ugu sheegeen in loo
baahan yahay in laga gudbo iska hor imaadkan maadaama ay maalintii shirka ku
baxdo 50,000 oo doolar oo ay badankeeda bixiyaan Midaowga Yurub.
Mr. Mwangale ayaa ugu horaynba weerar ku qaaday xubnihii ka socday bulshada
rayidka ah oo uu beryahanba is qab qabsi ka dhexeeyey oo uu sheegay in hadda
laga bilaabo uu baabi'iyey ayna beeluhu hadda wixii ka dambeeya soo dooran
doonaan xubnaha bulshada rayidka ah oo 100 xubnood ah, wuxuu kaloo soomaalida
faray inay tashadaan oo markaas ergooyinkii 350ka ahaa qaybsadaan, Madaxda
kooxaha markii 100 km la geeyey waxa soo wajahday cabsi, Xasan Abshir Faarax
ayaana Mwangale ka codsaday in dhamaantood la xiro oo aan loo ogolaan inay
dib u noqdaan maadaama ay heshiin waayeen.
Si kastaba ha ahaatee markii shalay loo kala tegey madaxda kooxuhu waxay ka
codsadeen Mwangle inuu ergooyinka ugu daro 50 ergey, markuu ka yeelayna waxay
sheegeen inay u qaybinayaan kooxaha qaybtii Igad ka cabanaya, waxaana loo saaray
guddi ka kooban madaxda kooxaha oo ergooyinka qaybisa.
Maantana qaar ka mid ah gudigii ayaa soo jeediyey in 25 xubnood loo qaybiyo
kooxaha cabanayey ee ay ka midka yihiin Qanyare, Dooxada Jubba, SRRC/Nakuru iwm,
25ka kalena loo qaybiyo kooxaha kale taasna waxaa ka dhashay muran hor leh oo
cirka isku shareeray, kaas oo sababay in berri dib loo balamo.
Shirka Eldoret waa mid wajiyo
badan oo is bedel badan oo is mari waa badan ilaa
iyo haddase wixii khilaafa ee ka hor yimid xal baa loo helay kana waxaa laga
yaabaa isna sidii kuwaas oo kale la meeleeyo.
Ibraahim Maxameddeeq
Somali Talk
Eldoret
E-mail: imdeeq@hotmail.com
Rajo
Qaranimo oo Shirka Eldoret ka Dhex Hilaacaysa -Faalo
»» Ibraahim
Maxameddeeq
Is-Maan-Dhaaf
ka Dhacay Shirkii Eldoret
Middi-middi ku taag iyo is mariwaa
laysku maan dhaafay ayaa maanta dhex maray madaxda kooxaha siyaasadda..Guji... 04/11
Sheekh
Aadan Madoobe, Waraysi
weriyaha somalitalk ee shirka Eldoret Ibraahim Maxameddeeq ayaa waraysi
dhinacyo badan leh la yeeshay Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe)
»» Waraysigii
oo dhan 04/11
... ELDORET:
Taxanaha Wararka
... Soomaaliya
iyo dhacdooyinkii 2001/2000
WARARKA
SEPTEMBER - GUJI
»
AGOOSTO | JULY
| JUNE |
MAY | APRIL
|
MARCH | FEBRAAYO
|
Janaury 2002
| Wararkii
1999-2001
com
|