| 
 
 
						
 
GEEDIYOW LAGU 
MOOD NOQONSE WEYDAY Axmed Maxamuudmoxamud19@hotmail.com
 Nov 22, 2005Waxaan ku bilaabaya magaca Alle, 
waxaanna illaahay u baryayaa ummaddan baaba`day, ee beladu haysato inuu dhibtan 
fuushay (tiiha) ka dul qaado. Aamiin. 
  Intaa ka dib Soomaaliya 
waxay ahayd ama ahaan jirtey ummadaha caalamka ummadda ugu qiimo badnayd dadka 
loogu yeedho colour peoples-ka adduunka, waxayna ku mutaysatay, may ahayn 
aqoonta maadiga ee adduunka lagu kala saaro, laakiin waxay ku heshay tixgelintaa 
qaaliga ahayd cilmiga illaahay ku manaystey ee ku qotomay dhaqankoodii hufnaa 
iyo garashadoodii shishe ee suugaanta qaaliga ugu dhex maaxan jirey. 
 
 Waxay ahaayeen dad isla weyn 
oo iska la weyn dullinimo iyo inay hoos fadhiistaan ummaddo kale islaam iyo 
gaalo ha ahaadeene, wuxuuna illaahay ku manaystay dhaqan hodan ah, oo ay u 
ilaashan jireen sida naftooda oo kale, waxayna caalamka gaar uga ahaayeen ama 
uga soocnaayeen noloshooda oo u cilmiyeysnayd si dabiiciya, khaasatan waxan 
buuggaagta adduunka laga daalacdo ee social science-ka, arrintaasoo ku jirtay 
noloshooda ay ku foofaan maalin kasta, dhankasta oo aad ka eegtid waxay ahaayeen 
dad illaahay ku galadaystay nimco aan la koobi karin.  
 Taa waxa bedelay ummaddii oo is ilowday oo garan weydey inay nool yihiin iyo 
inay mar hore tawafeen, iyagoo dayacay waxay ilaashan jireen(diintoodii iyo 
dhaqankoodii), oo waxay ku bedeleen dhaqamo shisheeye, sida danaysinimo, 
isqadarin la`aan, hunguri aan xad lahayn, nin soori kaa qaaday waa nin seefi kaa 
qaaday, iyagoo waliba magacoodii Soomaali ku bedeshey odhaahdan ah "maxaa kaa 
galay", arrintan waxay sii dedejisey baaba`oodii dal iyo dadba.  
 Indhawaalaba 
madaxday iska dhex doortaan, ma aha madax isku kalsoon, oo waxay iyaguna noqdaan 
madax dawarsata (tuugsata), oo ku dawarsata magaca ummaddoodan ay metelayaan, 
iyagoon aan garanayn xilka ay hayaan maamuuskiisa iyo jiritaankoodaba. 
 Dhibta intaa le`eg qofkasta oo Soomaali sheegtaa meel buu kaga jiraa, mid 
caadifad qabiil ugu jira oo qaatay maxaa kaa galay, mid nin sooreeda oo hunguri 
ugu jira oo qaatay maxaa kaa galay, mid wax ma garad ah oo qori ku haysta 
danyartii ka ag dhawayd oo qaatay maxaa kaa galay, isagoo u hanqal taagay inuu 
ku xoogsado qorigaa oo kuna taajiro. 
 Haddaba iyadoo sidaa dadku u tiihayo, ayaa waxa jira gobolo cuqdadi ku dhacay 
oo qaba cudurka cuqdada qaybteeda isla weynida, taas oo ay ka qaadeen amaan 
fadhiida oo uga timi xaga reer galbeedka, iyagoo dhibta iyo baaba`la qabay dadka 
iyo dalka oo dhan, ayay isbideen inay dadka kale ka fiican yihiin, iyagoon waxba 
kaga fiicnayn, oo aan waxba kaga horayn gobolada kale, lagaba yaabee in meelo 
badan lagaga horeeyo, iyagoo waliba u waashay, wax aan suurowayn, mana jiro qof 
caafimaad qaba oo ku fekeraya inuu ummadda u qaybiyo wadamo yaryar, wixii dhib 
la soo maray waxa la wada aaminsanyahay in maruun laga baxayo, oo aan lagu 
waarayn.  
 Waxa ayaan darro noqotay dawladii ugu danbeeysay ee la islahaa hadda dhibtay 
dadka ka saaraysaa, oo dadku waa qaan gaadh, xagga dhibta iyo dawlad la`aanta, 
ayaa masùulkii dawlada ugu firfircoonaa  Pro.Dr Geedi oo aan islahayn, waa nin 
illaahay magac la maagay, oo haysta fursadii uu ummadda kaga samatabixin lahaa 
karaama la`aanta, oo waliba wuxuu yahay (the next president), wuxuuba noqday 
kaluun ay dabteen, kooxdaa is shoocadeesey cuqdadana isku riday, iyagoo ka helay 
ereyo aan waxba u tarayn iyaga, laakiin isaga waa raìisal wasaarahee 
maqaamkiisii hoos u dhigtay, iyo waliba kalsoonida loogu aamini lahaa dalkiisan 
hooyo, taasoo aan ugu hal daray cinwaanka maqaalkan Geediyow lagu mood (the next 
president) noqonse weyday. 
 Eeebow na badbaadi, xalka iyo badbaadaduba xaggaagay ku jiraanne, aamiin.Wa billaahi tawfiiq. 
Axmed Maxamuudmoxamud19@hotmail.com
 Afeef: Aragtida qoraalkan waxaaleh qoraaga ku 
saxiixan Faafin: SomaliTalk.com | Nov 22, 2005
 
						  
 
						
						 
						
						 |