| 
 
									Meded: Saarkii 
									nacaybkow soo deg 
 Cabdillaahi 
Cawed Cige, Liverpool UK
 email: 
edleh@hotmail.com
 22 Nov. 2005 
 Akhriste haddii aad ka 
dhalatay quruumo kale oo aan Soomaali ku abtirsan se fursad u heshay barashada 
afka Soomaaliga, sidaas darteed aad akhriyikarto maqaalkan ama aad ka soo 
hayaantay cirjiidhaha sare oo booqashadaadu tahay barashada aadamaha ku uumman 
koonka islamarkaana si lamafilaan ah qoraalka ishaadu ugu dhacday, ku soo dhowow 
saacaddii nacaybka Somaliland soo degijiray.  Waxa aad u dulqaadataa 
caaddifadda dadka qaarkood la madax maranyihiin, sababta oo ah waa saacaddii “saarka”. 
  Saarkani wuxuu soo degaa 
sannadkiiba mar, mararka qaarkoodna dhawr jeer buu sannadkii soo noqnoqdaa. Waa 
iska caadi, maaha wax laga naxo, waa saar u saamaxa ummad dhan in ay nefisto oo 
ku dhereg dhacsato dad kale oo ay leeyihiin wax baannu isu nahay haddana “hor 
ilaahay” in ay masaxmaan oo boodhkii la afuufay noqdaan baannu jecellahay.  Sabab? Way hawl badanyihiin. 
Sidee? Doorashada ayaa ku badan. Dhankee? Dhinaca waxa ay doonayaan. Oo ah? 
Jihada ay u dhaqaaqayaan? Oo xaggee ah? Meesha ay markaas doonayaan.  Waan ogahay in ay tahay 
arrin lagu dhakafaaro, bal se nolosha iyo aayaheeda oo dhan ayaa dhakafaarkaas 
ah.  Ismaaciil Mire wuxuu ahaa 
nin reer miyi ah, wuxuu u egaa nin daacad ah, wuxuu si mukhlisnimo ah u 
rumaystay nin waalan oo weyso sita oo yidhi wixii aan Ustaad igu odhan waa gaalo 
dhiiggoodu ii bannaanyahay.  Si hagar la’aan ah buu 
Ismaaciil ugu hiiliyay ninkaas waalan iyo barnaamijkiisii siyaasadeed. Wakhtigii 
ay gaadhay in taariikhda ninkaas waalani dhammaato ayaa Ismaaciil oo wax badani 
u caddaadeen, islamarkaasna weli rumaysan in halganku sax ahaa wuxuu yidhi;   “Kaakici wadaadkii dagaal; 
Laguna kaalmeeye “Kuman iyo lag wada duub cad 
buu; Keenay Beerdhiga’e “Waxse kadabkii go’ay 
maalintuu; Kariyay reer Khayre”.  Ismaaciil wuxuu tilmaamay in 
odayga kawkabluhu go’ay saacaddii “saarkii” nacaybka ee uu tujinayay cidwalba oo 
kale soo dhaafay ee soo gaadhay jifadii reer abtigii.  Bal ka warran ninka 
tixraaciisa aqoomeed yahay taariikhda ninkaas waalani dhigay ee u haysta in 
Maxamed Cabdille Xasan xitaa risaalada diinta Islaamka isagu keenay dhulka 
Soomaalidu degto.   Ka warran ninkan kale. Wuxuu 
rumaysanyahay in cawadarantii ku habsatay Mudug iyo Nugaal ee Khaliif(Eebbe ha u 
naxariistee) ka yeedhsiisay:-  “Wiilyahow madluun baan ahaa; 
Maalin iyo leyle” ay ahayd sheeko khiyaali ah oo odaygii Siyaad Barre uu ahaa 
weli soo daahiray.  Bal indhaha isku yara qabo. 
Iska dhaaf Burco, Hargeysa  iyo Berbera iyo cabashadooda joogtada ah iyo wax baa 
nalagu sameeyay. Ka feker Siyaad Barre iyo khudbaddiisii taariikhiga ahayd ee uu 
kaga baxay diinta Islaamka.   Aaah? Miyaan maqlay adiga oo 
igu leh been baad sheegaysaa? Haddii beeninta aayadaha Quraanka ah aan diinta 
lagaga baxayn ii sheeg meesha lagu tegayo?  Bal ka warran ninka rumaysan 
taariikhda uu dhigay ninka sidaas ahaa ee ku leh “dunidu waxa ay ajar laga 
shaqaysto lahayd maalintii Fircoon ku amar ku taaglaynayay”.  Goorma ayuu xaqu xaq yahay? 
Goorma ayay gardarro gardarro tahay? Goorma ayaa hiil kuu bannaanyahay?   In saarka nacaybka 
Somaliland soo degaa waxa ay beryihii hore ku xidhnaanjirtay fal Somaliland 
samayso, ama lagu tuhmo in ay samaysay, ama la yidhaahdo waxa la yidhi waxa lagu 
tuhunsanyahay in ay samayndoonto. Waxyaabaha saarka dabinkiisa duulinjiray ee 
had iyo jeer lagu garanjiray waxa ka mid ahaanjirtay, dayuurad libaax ku 
sawiranyahay oo Hargeysa fadhiisatay, niman qoryo kuwa wax dila ah lagu qabtay 
oo xabsi la geeyay, markab Berbera ku soo xidhay oo inuu Itoobiya caawimo u sido, 
inuu shaah madow iibinayo iyo inuu sibidh soo rogayo loo kala garanwaayay.  Mid ka mid ah astaamahaas 
marka la arko ayaa waxa caado ah in aad aragto ummad dhan oo mar qudha hindhiso 
ku waalatay; “Somaliqif, landqif, muqaddisqif, qarandumisqif, goosashoqif iwm”. 
  Bisha Noofambar 11keedii 
sannadka 2005 ayaa madaxa wasiirrada ee dawladda KMG XV aad ee Soomaaliyeed, 
Mudane Cali M. Geeddi wuxuu waraysi idaacadda BBC-da (British Broadcasting 
Corporation) laanta af Soomaaliga uu siiyay ku tiraabay “in haddii Somaliland la 
aqoonsado aanu waxba ka qabin”.  Iyada oo aan hadalkii Geeddi 
weli ka wada bixin waayirradii ka soo qaaday telefoonkii uu afka ku hayay ayaa 
“saarkii” oo malaha hore ugu talagalay inuu iska soo dego degdeg loogu arkay 
meelwalba.  Mid baa ku baaqay in Geeddi 
maxkamad la saaro, mid kale ayaa yidhi waa inuu iscasilaa, mid baa yidhi 
Cabdillaahi Yuusuf xiniinyaha ha ka saaro, midna wuxuu sheegay inuu isagu 
gacantiisa shaqo kaga qabanayo. Gabadh baa tidhi anigu toban sannadood baan 
daba-soconayaa oo aanan ka hadhayn ilaa uu haraaryo u dhinto.  Geeddi muxuu dhimay bay 
weydiinta meesha taal noqonaysaa? Erayga uu yidhi ee ah, “haddii Somaliland la 
aqoonsado waxba kama qabo” maxaa madaxwareer iyo colaad looga qaadayaa?   Muxuu Geeddi Jabbuuti u 
aqoonsanyahay ee loo doonayaa in aanu aqoonsiga Somaliland raalli uga noqon? 
Maxa loo doonayaa Soomaali Galbeed oo Ogaadeeniya loo bixiyay inuu ugu hiiliyo 
ee loogu diidayaa inuu Somaliland u hiiliyo?  Jawaabaha oo dhammi waxa ay 
ku aroorayaan gardarro. Waxba yaan aayado Qur’aan ah iyo salaad foodda la dhigo 
la isugu gabbannin, Maxamed Siyaad intuu yidhi, “Aayadaha Qur’aanku waa wax 
gaboobay oo laga baxay” oo wadaaddadii kula yaabay dhegta dhiigga u daray, ayuu 
weli Muslin sheeganayay oo weli rag iyo dumar ku taageersanyihiin oo ku 
nalloonayaan kalgacalkiisii iyo wanaaggiisii.   Maxamed Cabdille Xasan intuu 
aayado daliiliyo ayuu haddana ubadka solayga saarijiray, markaasaa dadka lagu 
khasbay in ay taariikhdiisii dhiigga ku dhoobatay oo la qurxiyay sandulle ku 
bartaan, rag iyo dumarna maanta ayay u haystaan in ay Nebi Maxamed(NNKHA) 
habrawadaag ahaayeen oo aanu dembi ifka ka gelin.  Saarka nacaybka Somaliland 
ee kolba sidii weedhka dhinaca ka soo burqanaya ee maantana Geeddi loogu 
gabbanayaa waa mid ka qoto dheer dhulku yaanu kala go’in.  Kaama raalli ah in aad 
noolaato, sandaqaddaada in aan kaa qaado oo meesha ay ka dhisantahay daar ka 
dhisto, ayaa ka roon in la isu kaa bihinbihiyo oo iyada oo lagula damacsanyahay 
dabargoyn laguugu soo gabbado diin, diir iyo dal aan cidi muraad ka lahayn.  Mudane Cali Maxamed Geeddi 
waa geesi u badheedhay runtu halka ay fadhido, ninkii iyo gabadhii arrintaasi 
yaab ku noqotay ee ka naxayna naftooda uun bay been u sheegayaan ee waxa habboon 
in ay toos u badheedhaan oo ka soo baxaan galka ay sidii diinka isku 
qarinayaan.  Cadhadu haddii aanad iska 
keenin way ku dishaa, ku dhinta cadhadiinna sidii diinta Eebbe(SWT) ku sheegay. Cabdillaahi Cawed Cige,
Liverpool UK
 email:
edleh@hotmail.com
 Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku 
saxiixan Faafin: SomaliTalk.com | Nov 22, 2005
						  
 
						
						 
						
						 |