Screening Cards loogama baahna Soomaalida Kenya sidaas waxaa
yiri Moi.
IQRA FM Laanta Soomaaliga
Ridwan Xaaji Cabdiwali
iqrafm@bidii.com
Nairobi, Kenya | Khamiis,8
agoosto 2002
Madaxweynaha Dalka Kenya Daniel Arap Moi Waxa Uu Sheegay Shalay In Kenya U
Baahan Tahay Hoggaamiye Leh Aragti Qowmi Ah Kana Go’an Tahay Ku Shaqaynta
Ilaalinta Danaha Dhamaan Dadka Kenya Marka Uu Isagu Hawl Gabka Galo.
Mr. Moi Waxa Uu Sheegay In Taas Tahay Sababta Uu Ugu Xushay Uhuru
Kenyatta
In Uu Noqdo Musharaxa Madaxweyne Ee Xisbiga Kanu.
Sameeyanta Arrintaasi Madaxweyne moi Waxa Uu Sheegay In Uu U Marayo Awoodiisa
Dastuuriga Ah,Taasoo Ka Duwan Waxa Qaar Dadka Ka Mid Ahi Ku Fekerayaan.
Madaxweyne Moi Waxa Uu Sheegay In Isagoo U Maraya Wayo-Aragnimadiisa Siyaaso
Uu Ku Hagaagsan Yahay Soo Jeedinta Qofka Ku Haboon Madaxweynenimo ,Kartina U Leh
Dhamaan danaha Dadka Kenya Isagoo U Eegin Qabiil Ama Xisbi.
Madaxweyne
Moi Waxa Kaloo Uu Shaaca Ka Qaaday In Aan Mar Dambe Dawladdu Uga Baahan Doonin
Screening Cardska Ee Mujtamaca Somalida Lagu Xanibi Jirey Bixinta Warqadaha
Aqoonsiga Ee ID-ga Loo Yaqaan.
Madaxweyne Moi Waxa Uu Sheegay In Arrintaasi Bilowgii Looga Dan Lahaa Sababo
Xagga Amaanka Ee Ayan Ahayn Ujeedooyin Ciqaab Iyo Faquuqid,
Madaxweyne Moi Waxa Uu Ka Hadlayey Fagaaraha Baraza Park Ee Magalada Garissa
Oo Lagu Ururiyey Sh.16,051,727,80 Oo Lagu Taageeray Kooxaha Haweenka Degmada,
Moi Waxa Uu Ka Bixiyey Hal Million.
Madaxweyne Moi Waxa Uu Sheegay Maadaama Gobolka Yahay Lama Degaan-U-Eke
Tixgelin La Siiyo Mac-hadka Tababarka Macaliniinta.
Madaxweyne Moi Waxa Uu Sheegay In Dhibatooyinka Qaxootigu Ku Keenay Gobolka
Woqoyi Bari ay ka hadasho UNHCR,Wuxuuna hadalkiisa Ku Yiri Dadweynaha Gobolku
waa In Ay Si Nabad Ah Ku Wada Noolaadaan,Wuxuuna Yiri Waxa Loo Dejiye In
Dadweynaha Gobolka Dersi Ku Qaataan Qaxootiga Ay Marti Geliyeen.
Madaxweyne Moi Waxa Uu Uga Mahad Celiyey Dadweynaha Gobolka Taageerada Ay
Siiyeen Musharaxa Uu Soo Bandhigay Ee Uhuru Kenyatta.
Dhanka kale Waxa Ka Noqday Musharaxnimadii Madaxweyne Gudoomiye Ku-Xigeenka
KANU Mr. Katana Ngala,Wuxuuna Codkiisa Ku Biirey Taageerada Uhuru Kenyatta.
iqrafm@bidii.com
####
WARARKII HORE EE IQRA
FAAFIN: SOMALITALK.COM
|