WORLD: AP
| AFP | Ruters
| interfax
|
CBC | BBC
| CBS | CNN
| NBC | ABC
| NYTimes | WPost
| Fox | Toronto.Star
| IOL | Australia.News
| Independent
| Canadian.Press | China.News
| Japan.News
| Whitehouse.News
MID EAST: Asharq.al.awsat
| Aljazeera | Al.khaleej
| Al.ayam | alwatan
| Alrai | Assafir
| Arabia | Algeria.El.Watan
| AdDustour | BBC.Arabic
| Cairo.Times | Egypt.Al.Ahram
| Jerusalem.Post | Khaleej.Times
| QatarGulfTimes | SaudiGazette
| Dubai News
VIDEO: Reuters
TV | ABU-DHABI.TV |
CANADA.TV
| AljazeeraTV
| SaudiTV
| BBC.TV
MAP: Khariidada
Ciraaq | TAARIIKHDA
CIRAAQ
CIRAAQ: MAALINTII 6aad
| 5aad
| 4aad | 3aad |
2aad
& 1aad
....Daawo
Reauters.TV | DAAWO CBC.TV
| BOOQO
ABU-DHABI.TV
Bartamaha Baqdaad oo talaadadii ay haraysay ciid
duufaan ah. Sawirka AP |
DAGAALKA CIRAAQ: MARCH
26,
2003
- 15 Qof oo Kudhintay Baqdaad
- Sucuudiga oo Qorshe u soo jeediyey Ciraaq
iyo USA
- Wasiirka Warfaafinta Ciraaq oo Akhriyey
Qoraal uu soo saaray Saddam
- Askar British ah oo ay dileen Askar
Kale oo British ah
- CBC: Askarta Maraykanka oo La dagaalamaya
Askarta Ciraaq iyo Duufaanta Saxaraha
- IOL: Ciraaqiyiin ka tegeya Joordan oo
kusiijeeda Ciraaq si ay u dagaalamaan
- Danjiraha Maraykanka u fadhiya Canada oo Ka
hadlay Xiriirka Canada iyo USA
- Japan oo Maraykanka usheegay in uusan Xiray
Safaarada Ciraaq
Gudaha Baqdaad Duqayntii kaddib
Sida ay werisey hay'adda Reuters, 15 qof
meydkood ayaa maanta oo Arbaca ah lagu arkay gudaha magaalada Baqdaad goob ay
dadku aad u deggenyihiin. Daawo Canada.TV
| Daawo
Reauters.TV |ISHA
DAGAALKA MAGAALADA Ash
Shatrah
Ciidanka Maraykanka ayaa maanta oo
Arbaca ah iska Caabin adag
kala kulmay Ciidanka Ciraaq ee magaalada Ash Shatrah, oo 25 mile woqooyi ka
xigta magaalada Nassiriya oo kutaal wadada loo yaqaan Highway 7. Taasi waxay
keentay in ciidanka Maraykanku ay dalbadaan in magaaladaas dusha laga duqeeyo,
sidaas waxaa so weriyey Reuters...
Sucuudiga oo Qorshe u soo jeediyey Ciraaq
iyo USA
Sida uu weriyey wargeyska Sucuudiga ee lagu
magcaabu SaudiGazette, dalka Sucuudiga ayaa talaadadii sheegay in uu soo jeediyey
qorshe lagu joojinaya dagaalka Ciraaq. Sida uu wargeysku ku waramay
Sucuudigu waxa ay sheegeen in ay jawaab arintaas ku saabsan sugayeen, laakiin
waxa uu maraykanku sheegay in arintaas qorshaha ah uusan war u hayn. [ISHA]
Wasiirka Warfaafinta Ciraaq oo Akhriyey
Qoraal uu soo saaray Saddam
TV-ga Ciraaq ayaa talaadadii laga akhriyey
qoraal sida TV-gu ku tilmaamay uu soo saaray Madaxweynaha Ciraaq, Saddam Xuseen,
waxaana qoraalkaas akhriyey wasiirka warfaafinta Ciraaq Al Sahaf.
[Qoraalkii Saddam ka Daawo
Reuters TV]
Askar British ah oo ay dileen Askar
Kale oo British ah
Saraakiil Ingiriis ah ayaa Talaadadii
caddeeyey in laba askari British ah ay meel Basra u dhow ku dileen askar kale
oo British ah. Waxay askartaasi dhinteen markii taangigii ay ku jireen uu
madfac si gaf ah ugu dhiftay taangi kale oo uu Ingiriisku leeyahay, sidaas waxaa yiri Col.
Chris Vernon. [Sidaas waxaa soo weriyey cbc.TV]
CBC: Askarta Maraykanka oo La dagaalamaya
Askarta Ciraaqq iyo Duufaanta Saxaraha
Wararka Ciraaq kasoo baxaya maanta oo Arbaca
ah ayaa tibaaxay in diyaaradaha Maraykanku ay duqeeyeen xarunta TV-ga Ciraaq.
Waxaa wararku sheegayaan in subaxnimadii Arbacada qarax weyn laga maqlayey
caasimada Ciraaq ee Baqdaad. Warar kale ayaa tibaaxaaya in TV-ga ciraaq uu
hawada ka baxay 4:30 ee waasoo dhowaadkii maanta oo Arbaca ah. [Daawo
qoraalkii saddam ee Talaadadii].
Dhanka kale waxaa warar laga soo xigtey
xarunta loog ataliyo ciidanka maraykanka ee looyaqaan Pentagon ayaa sheegay in
dagaalkii aaga magaalada Najaf lagu diley ilaa 300 oo askarta Ciraaq ah,
laakiin warku ma sheegin wax ka dhintay Askarta Maraykanka.
Daawo dagaalka Askarta Ciraaq iyo duufaanta Saxaraha.
[cbc]. Sidoo kale daawo Reuters
TV.
IOL: Ciraaqiyiin ka tegeya Joordan oo
kusiijeeda Ciraaq si ay u dagaalamaan
Sida ay werisey shabakada IOL, 4600 oo
ciraaqiyiin ah ayaa lasheegay in ay kusiijeedaan Ciraaq kuwas oo ka imanay
dalka Jordan, waxaa warku intaas ku daray in wasiirka arimaha dibada ee Joordan,
Marwan Muasher, oo warsaxaafadeed talaadadii ku qabtay Cammaan uu sheegay in
ilaa intii dagaalka Ciraaq bilowday ay ilalada xadka Joordan diiwaan geliyeen
ilaa 4600 oo kusii jeeda Ciraaq. ISHA...
Paul
Cellucci |
Danjiraha Maraykanka u fadhiya Canada oo Ka
hadlay Xiriirka Canada iyo USA
TV-ga Canada ee CBC ayaa sheegay in danjiraha
dalka Maraykanka u fadhiya dalka Canada oo magaciisa layiraahdo Paul Cellucci
uu ka cawday siyaasadda iyo siyaasiyiinta Canada. Waxaa warku intaas ku daray
in Paul Cellucci uu sheegay in dad badan oo jooga washington ay ka
caloolxumaaday Canada taageera la'aanteeda dagaalka Ciraaq ee uu Maraykanku
horkacayo, waa sida TV-gu u dhigaye. Waxaana warku intaas ku daray in
abaashatoorku uu xusay rag kamid ah xisbiga Libaraalka ee dalka Canada u taliya
oo erayo adag ku yiri madaxweynaha Maraykanka.
Halkan ka daawo hadalkii safiirka USA ee Canada.
Japan oo Maraykanka usheegay in uusan Xiray
Safaarada Ciraaq
Sida ay werisey warbaahinta Japan, waxa dalka
japan gaarsiiyey Maraykanka in waqtigan xaadirka ah uusan xiray Safaarada
Ciraaq kuleedahay Tokyo, sidaas waxaa Maanta oo Arbaca ah yiri Ra'iisul
wasaaraha japan, Junichiro Koizumi. "Looma baahna in la xiro safaarada (ciraaq),
go'aankaasina wuxuu khuseeyaa japan" ayuu Junichiro Koizumi u sheegay
warfidiyeenada. [ISHA]
Ka
Daawo Sawirda CBC | DAAWO: Reuters.TV
| Sawirda
JAPAN.News | Sawirada
CHINA.News | NewsWeek
ABU-DHABI.TV: VIDEO.1
| AVIDEO.2 |
AVIDEO.3
| ARABIC
TEXT: ABU-DHABI
TV
WIXII KUSOO KORDHA
DAGAALKA KA AKHRI:
IRAQ
TODAY'S NEWS... | WORLD
LATEST NEWS
CIRAAQ MAALINTII: 5aad
| 4aad
| 3aad | 2aad
& 1aad
<><><>TAARIIKHDA
CIRAAQ... GUJI<><><>
CIRAA:
WARARKII MARCH 25
»» Duufaan Ciid ah oo
Haraysay Ciraaq
»» Kofi Annan oo Gargaar Degdeg ah ugu Baaqay Basra
»» Putin iyo Bush oo Telefoon kuwada hadlay
»» Dagaalka Basra iyo Umm Qasr
»» 5 qof oo Shacab ah oo Kudhintay Baqdaad
»» $75 billion oo ku baxaya dagaalka
Ciraq Bisha koowaad
»» Wasiirada Arimaha Dibada
Carabta
iyo dagaalka ciraaq
»» Al Jazeera oo Laga Mamnuucay
suuqa Ganacsiga New York
Dhammaan
ka akhri halkan 25/3
CIRAAQ:
WARARKII MARCH 24
»» Saddam Xuseen oo Maanta ka Hadlay dagaalka
»» Diyaarad laga soo ridey Maraykanka
»» Baqdaad oo la duqeeyey Habeenkii shanaad
»» BUSH: Dagaalku hadda ayuu Bilowday
»» TV-ga Ciraaq oo Muujiyey Maxaabiis Askar Maraykan ah
»» TV-ga Ciraaq oo Muujiyey Maxaabiis Askar Maraykan ah
»» Muwaadin Ruush ah oo Lagu diley duleedka Basra
Dhammaan
ka akhri halkan 24/3
WARARKII
CIRAAQ EE MARCH 23
»»Dagaalka oo kasocda meel Baqdaad u jirta 150km
»»Gantaal habaw ah oo Kudhacay Dhulka Iran
»»14 Maraykan ah oo lagu dhaawacay Kuwait
»»Mudaharaadyo looga soo horjeedo dagaalka Ciraaq
»»TV-ga Ciraaq oo Muujiyey
Saddam oo la shiraya Madax Katirsan Dawladiisa
Dhammaan
ka akhri halkan 23/3
Wararkii
Ciraaq ee March 22
»» Ruushka oo hawada u diray diyaaradihiisa dagaalka, kaddib...
»» Afar Askari oo ku dhintay dagaalkii Sabtida
»» Shacab ku dhintay Magaalada Basra
»» Caawa oo Baqdaad laga maqlayey Qarax
»» Baqdaad iyo Qaraxyadii
Jimcada
»» Turkiga oo Ciidamo u Diray Woqooyiga Ciraaq:
»» Saddam Xuseen oo Ballan Qaaday Abaalmarin
»» Laba Diyaaradood oo UK leedahay oo Isku
Dhacay
Dhammaan
ka akhri halkan 22/3
QARAXYADII BAQDAAQ - VIDEO: CBC.TV
| ABU-DHABI.TV
|
AL-JAZEERA.TV
Wararkii
Dagaalka Ciraaq: March 21
»» Dagaalkii Dhulka oo Bilowday
»» Xaaladda Saddam Xuseen...
»» Ciidamada uu hoggaaminayo
Maraykanku uu gudaha u gala Koonfurta Ciraaq...
»» 12 Maraykan iyo Briton ah oo ku dhintay diyaarad
militari oo ku qaraxday Kuwait.
GUJI...
21/3
Dagaalka Ciraaq
»»VIDEO: Ciraaq oo Gantaalo Ku Gantay Kuwait
»»VIDEO: Bush
oo bixiyey amarkii weerarka ciraaq
»»VIDEO: Jawaabtii
Saddam kabixiyey Weerarka Ciraaq
<> TAARIIKHDA
CIRAAQ ... HALKAN GUJI
<>
|