SOMALITALK.COM


Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
ARAGTIDA - DADWEYNAHA
GABAY KU SOCDA CATOOSH

Faisal Siciid Muuse | abuxamsa@hotmail.com 

Tixdan gaaban waxaan tiriyey kadib markii aan akhristay jawaabtii Catoosh weriyaha (BBC da) Been Been C ee Nairobi oo uu kaga jawaabayey qoraal uu qoray nin lagu magcaabo Shariif oo kahadlaayey sida idaacadaasi u jaahwareeriso Soomaalida.


“hadal wuxuu amaan yahay inta aanad oran” Faysal siciid
Hadalka catoosh waxaan kawaayey murti aan sii mulaaxsado isagoo sidii Soomaalida caadada u hayd qabiil kadhigay arin joogtey fikir. Waalagayaabaa inuu is lahaa hadaad Yuusuf Garaad amaanto martabad baad ku gaaraysaa oo aanu baruurba lafkafilan arinkuna duurka laxulay. Laakiin horaa soomaali utiri “hadal wuxuu amaan yahay inta aanad oran” sidaa daraadeed waxaan go’aansaday inaan tiriyo tixdaan waanatan.


Catooshow codkaagii dadbadan kaga carysiiye
Caqligii maxaa kaaga dhacay waan cajabayaaye
Caydiyo maxaa kuugu wacan eraya ceebeedka

Caqligii wanaagsani marbuu xumaha carshaaye
Hadii uu cadeeyoo waxjira caalamka u sheegay 
Macaytamin shariifkuye maxaad ceebta ula doonan 

Macayimin qabiilkiyo waxeer aad ku cararayso
Codkii uu lahaa buu kuyiri wiil canaan mudane 
Warka noo cadayoo balkeen waxaad ku caynayso

Wax cadoo lataabtiyo hadaanad haynin cudurdaarba 
Oo cara kuhaysiyo xumaan carabku kaa boobay 
Cuqdada adigaa qabee ninkani ceeb ma uu dhimine

Canaadahii laguu qubay haday curuqda kaa keentay
Ini cumar makeenine ninyohow caadilkaa qoraye 
Caqligaaga kaashoo bal arag sidaad u ceebowdey

Calooshiyo ilaah baa camira caalamkoo idile
Waxan caadil qorinbaan catoosh cidina keenayne
Calafkaaga eebaa qabee sharafta caymayso 

Faisal Siciid Muuse | abuxamsa@hotmail.com 

July 12, 2002

###

AFEEF: Aragtida qoraalkan waa mid u gaara qoraaga ku saxiixan

 

 
Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
smallpox Cali Macow Macalin waa qofkii ugu dambeeyey ee dunida laga helo oo qabay cudurka Furuqa, waxana uu ahaa nin Soomaali ah oo deganaa magaalada Marka ee dalka Soomaaliya. GUJI...

  "idaacada bbc-da waa idaacada kaliya ee aan wax ka dha gaysano ee noo faahfaahiso aqbaarta aduunka, waana ku raacsanahay in ay idaacada bbc-da ay quudiso maskaxda soomaalida.." Abdirizak Atosh. 

"Ingiriisku waxa uu ka quudiyaa Soomaalida maskaxda isaga oo adeegsanaya BBC-da laanteeda afsomaliga." Yusuf Garaad
 
 

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD