SomaliTalk ads
Home | Zakaat | Siiro | Saxaabada | Salaat | Search | Allah Is Great |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m 
SOMALITALK - MINNEAPOLIS
somalitalkHABEENKII ARDAYDA SOOMAALITYEED EE JAAMACADA MINNESOTA
WQ. Maxamed Cali | SomaliTalk.com | Minneapolis, MN, USA | Dec 29, 2002

Qaybta 2aad ... GUJI... 

AQOON LA'AANI WAA IFTIIN LA'AAN. WAA AQAL IYO ILEYS LA'AAN.

Caawa fiidkii, makhribkii ka bacdi, ayaan usoo dhaqaaqay xagaa iyo Jaamacada Minnesota, halkaas oo aan soo beegsaneyey waxaa loogu ballansanaa shir ay soo qaban qaabiyeen Ururka Midowga Ardada Somaliyeed ee Minnesota. Kaas oo sida ogeysiiska horay loo sii bixiyey ku cadayd ku saabsanaa qodobada kala ah: 

  • Geedi socodka Ardayga somaliyeed
  • Kaalinta kaga aadan ardayga bulshadiisa
  • Somalidii shalay iyo Maanta
  • Isku duubnida umada
  • Iyo Abaal marino

Markaad irida qolka shirka soo beegsatid waxaa durbadiiba wardad ay ku qoranyihiin ajandaha shirka kuu dhiibaya dhallinyaro ka mid ah ardayda Jaamacada, horay ayeyna kuugu tilmaamayaan kuraasta. Haddaba halkan ayaa SomaliTalk idiinku soo tebinayaan sidii uu u dhacay shirkii:Hoos Akhri

KAAH
Choose kaah for confidence, convenience & competitive, rapid, reliable & responsive

Aayadaha qur'aanka kariimka oo uu akhriyey Cabdullaahi  ayaa lagu furay shirka. 

somalitalkKaddib durbadiiba waxaa cod-tebiyaha lagu wareejiyey Cabdirisaq Cabdi oo ah guddoomiyaha ardayda Soomaaliyeed ee Jaamacada Minnesota, waxana uu ka hadlay taariikhdii ururka ardayda Jaamacada Minnesota (MSSU) iyo yoolka ururku higsanayo. C/Risaaq waxa uu sheegay in ururkani uu ka bilowday fikrad dhawr arday oo is tusay baahida loo qabey urur ay yeeshaan ardayda wax ka barta Jaamacadaha Minnesota, ayagoo fikradaas u soo bandhigayey ardayda kale. Sidaas darteed ayuu yiri ururkani wuxuu soo maray marxalado kala duwan oo ay ka mid yihiin in marka hore ardayda ay is-bartaan, isu-faa'iideeyaan, iyo in ay dadweynaha u soo bandhigaan fikradohooda si qowmiyaddu uga faa'iideystaan. yoolka ardayda mar uu tilmaamayey waxa uu sheegay in ay ka mid tahay inay xiriir la samaystaan ardayda Soomaaliyeed ee dhigta dugsiyada sare si ay ugu faa'iideeyaan. C/Risaaq oo taas sii adkaynaya waxa uu yiri "Ururka yoolkiisa waxaa ka mid ah in uu helo goob u gaar ah oo noqon doontaa xarunta ardayda Soomaaliyeed, taas oo noqon doonta buundada isku xirta ardayda Jaamacadaha iyo kuwa dugsiyada sare ee gobolka. Kaadib aan taas uga gudubno in  la helo urur ka dhexeeya ardayda Soomaaliyeed ee Woqooyiga Ameerica (CANADA & USA), isla markaana hal-mar xaflad loo qabto dhammaan ardaydaas Soomaaliyeed si ay isu bartaan. Yoolka kale ee ururka ayuu C/Risaaq ku tilmaamay in uu yahay sii xoojinta ururka MSSU, taas oo uu ku tilmamay arin aan la dhaafi karin. Asagoo taas sii watana waxa uu yiri waxaa lagu qiyaasay in ilaa 800 arday oo Soomaali ah ay dhigtaan Jaamacada Minnesota wax yar ayaana ka yimaada shirarka, hadaba ayuu yiri waa in la xoojiyaa isku xirnaanta ururka.

C/Risaaq oo hadalkiisii sii wata waxa uu sheegay in ururku rajaynayo in Afarta Jaamacadood ee ka jira dalkii Soomaaliya ay xiriir la samaystaan. Waxa kale oo uu xusay arinta deeq waxbarasho oo loo fidiyo arday Soomaaliya jooga inay tahay wax aad u weyn, taas oo sida uu tilmaamay ay ahaankaro in deeqdaasi ay gaarto arday iskuulka kaga dhuumanaya xabbad. Wax qabadka kale isagoo xusayey waxa uu sheegay in uu jiro barnaamij buugaag ururin ah oo ardayda Jaamacada la weydiiyo in ay soo ururiyaan buugaagta aysan ku takhasusayn ee maadooyinka ay ka gudbeen. Asagoo tilmaamayey sida dhibaatooyinka jira wax looga qabankaro waxa uu yiri waa in aan midownaa haddaan nahay ardayda gobolkan, sidoo kale la midownaa ardayda Yurub iyo aasiya, markaas waxaa cad in aan wax qaban karo ayuu yiri. Waxana uu hadalkiisa kusoo xiray isagoo dhahaya dalkeenii cid kale uma maqna aan ka ahayn dadka wax barta, markaan midownona waxaan Soomaaliya la tegi karaa fikrad midaysan, taas ayaana wax qabankarta.

somalitalkKaddib Jamaal Daahir ayaa lagu soo dhoweeyey masraxa, waxana uu ka hadlay jidka dheer ee ardaynimada. Waxase uu Jamaal hadalkiisa ku furay isagoo dadkii madasha joogey xusuusiyey in aysan bannaanayn sacabka ama in la sacbiyo, asagoo taas ka hadlayana waxa uu yiri "Sacabka dumarka ayaa leh, diinta Islaamkana kuma banaana in la sacbiyo". Qof gadaal fadhiyey ayaa markiiba yiri "Shiikhow maxaad sabab arintaas u haysaa", taas oo uu ugu jawaabey waxaan ka jawaabayaa hadhow markaan halkaas fariisto. 

Jamaal Daahir oo hadalkii madasha u soo laabtay waxa uu yiri "diinta Islaamku waa diin dhiiri gelisa cilmiga, gaar ahaan cilmiga sharciga, iyo cilmiyada kale ee anfacaya dadka. Jamaal waxa uu si weyn ugu nuuxnuuxsaday habkii ay waxbarashadii Soomaaliya ahaan jirtey, taas oo uu sheegay in macallinka, jeesada, sabuurada iyo waxkasta oo waxbarshadaas la xiriira ay diyaar ahaayeen oo adiga keliya lagaa rabey in aad iskuulka tagtid, halka dhulkaan intaas oo dhan iyo in aad iskuulka tagtidba lagaa rabo. Waxa kale oo uu aad uga hadlay sidii ay macallimiintii Soomaaliya u ahaanjireen sidii Aabe oo kale, dadka oo dhami markaad wadada mareysid oo iskuulka ka timaadid iney ku gartaan ayaa dhici kartey, halka macalimiinta dhulkaan ayba adagtahay in aad kulan gaar ah yeelataan, dadka dhulkaana ay mashquul iyo orod ku jiraan amaba shaqeeyaan sagaalka (subaxdii) ilaa shanta (galabtii). Waxa kale oo uu xusay sida uu faynuus wax ugu soo bartay, halka dhulkaan la haysto nal. 

Jamaal Daahir oo ka hadlayey jidka loo maro waxbarashada waxa uu yiri jidkaasi waa kugu dheeraan karaa haddaadan helin wax kula taliya ama kugu haga talada toosan. Jamaal waxa uu ardayda ku waaniyey in ay si xigmad leh u qaabilaan su'aalaha kala soo gudboonaada qowmiyadaha kale, iyo in ay hab xigmadaysan oo cilmi ku dheehan yahay u dhiibtaan araa'dooda. Isla ma ahaantaana ayuu yiri waa in aad qiimayn sare siisaan naftiina. Waxana uu hadalkiisa kusoo xiray isagoo dhahaya "idinkoo bedqaba soo gala jaamacada, idinkoo bedqabana ka baxa, si taas loo helona waa in aad barataan diintiina" taas oo uu kusii xoojiyey oraahda ah "Niyadiina wanaag u sheega, is-kaashada, haysta diintiina, xuquuqna waad leedihiine ogaada".

somalitalkWaxaa markaas cod-tebiyaha lagu wareejiyey Dr. C/Raxmaan Maxamed oo ka hadlay waxa ay jaaliyaddu ka sugeyso ardayda. Dr. C/Raxmaan waxa uu hadalkiisa ku bilaabay is-bar-bar dhig uu ku sameeyey Minneapolis iyo Jawhar oo uu yiri soo qaado Jawhar, soona qaado Minneaplis oo fiiri wax ka dhexeeyaa ma jiraan. Asagoo hadalkiisa sii watana waxa uu yiri toban sano ka hor ayaa Soomaalidu dagaalantaay dagaalkaas ayeyna ku dhaawacantay. Weli asagoo tusaalihiisii siiwata waxa uu yiri weligay intaan Maraykanka joogey ma calaamadin kelmedda (halka ay foomamka kaga qorantahay) madow (BLACK) waxaan calaamadiyaa "OTHER", waayo ayuu yiri qayb gooni ah ayaa lagu gelinayaa. Waxaas oo dhan waxa muuqatey in Dr. C/Raxmaan uu ku tusaalaynayey qabiilka halkaas dadkeena dhigay. Taas asagoo ka hadlayana waxa uu yiri qabiilka diinta ayaa u soo degtey in ay la dagaalanto (qabyaaladda). Taas qabiilka asagoo daba jooga waxa uu Dr. C/Raxmaan yiri Soomaalino ayaan wax kusoo bartay, booliska Soomaaliyana waxay ii difaaci jireen Soomaalinimo.

Dr. C/Raxmaan Maxamed oo hadalkiisii sii wata waxa uu yiri Kelmedii u horeysey ee rasuulka ku soo degtey ma ahayn reerkaaga badbaadi ee waxay ahayd "IQRA" (akhri), halkaas waxa uu ku tusaalaynayey cilmiga qiimihiisa, taas isagoo sharaxaad ka bixinaya waxa uu yiri "Haddii aadan cilmi lahayn waxaad tahay sida qalinka aan wato oo kale oo meeshii la doono ayaa laguu kaxaysan karaa (ama laguu adeegsan karaa)". Waxaad baratayna mujtamaca uga faa'iidee ayuu yiri.

Dr. C/Raxmaan oo tusaale u soo qaadanay dhibaatada qofka kasoo gaari karta aqoon la'aanta luqada, waxa uu ka sheekeeyey qiso ka dhacday Minnesota maalin dhowaan sida uu sheegay, taas oo ahayd in gabar ay hooyadeed u kaxaysay cisbitaal degdeg ah xilli habeenimo ah, hooyadu waxa ay ka cabaneysey laabta, luqada ingiriiskana ma taqaan, dhakhtarkii markii loo geeyey ayuu weydiiyey xagee laga hayaa, gabadhii tarjumeysey ayaa tilmaantay meeshii hooyada xanuuneysey, dhakhtarkii markaas ayuu yiri ma waxaa haya laab-jeex kaas oo luqada ingiriiska ku ah "heartburn", gabadhii waxay ku turjumtey wadne hurid, markaas ayaa hooyadii loola cararay qaybta wadnaha, habeenkii oo dhan ayaa xaga raajo kasaar, xaga ka eeg, wadnaha k afiiriya lagu hayey, waxba intaas oo dhan uma tarin ileyn wadnuhuba xanuunimayee, ilaa subaxdii la iikeenay ayuu yiri Dr. C/Raxmaan, mase waxa jiraa waaba is faham la'aan turjumaanka iyo dhakhtarka oo waxay hooyadu u baahnay daawo laab-jeex.

Asagoo cilmi in labarto ku adkaynaya waxa uu Dr. C/Raxmaan yiri bini-aadamku wuxuu isticmaalaa 10% maskaxdiisa ah, sidaas darteedna wax aan labaraan karin ma jiraan haddii maskaxda laga shaqaysiiyo.

Dr. C/Raxmaan oo toos ula hadlayey ardayda Soomaaliyeed waxa uu yiri ardaynimada waa halgan, waxaana loo baahana yahay in aad yeelataan yool dhow oo ah in aad waxbarashada dhamaystirtaan, iyo yool dheer oo ah in aad mujtamaca wax u qabataan. 

Markale asagoo Dr. C/Raxmaan dadka xusuusinayey xigmada fahamka, waxa uu yiri mar aan tegey afqanistaan ayaan arkay kitaab ay sidan jiren xerteenii Soomaaliya, kitaabkaas waxaa dusha kaga qoran qofkii Allah khayr la doono diintuu fahamsiiyaa. Sidaas darteed ayuu yiri waa in aad faahamsan tahay waxaad baraneysid.

Markale asagoo xusuusinaya waxqabadka waxa uu Dr. C/Raxmaan yiri "Waxaa ku qeexaya waxaad mujtamaca u qabatay, ma isku dirtay mase kan jiran ayaad daaweysey, kan mugdiga kujirana waad kasoo saartay mugdigii". Taas asagoo sii adkaynayana waxa uu yiri waa in qofka uu ku jiraa "jiheeye" kaas oo maalinkasta hal meel abbaaraya, taas oo weliba Allah raali ka yahay. Waa in aad lahaataa meel tixraac ah, taas oo ah Soomaaliya, waad dhehi kartaa afSoomaaligii waan ilaawey laakiin ogow adigaa ah Soomaali.

Dr. C/Raxmaan Maxamed waxa uu hadalkiisii ku soo xiray isagoo yiri "Sharaf ku xiro Soomaalinimada iyo Islaamnimada, ogaadana dhamaanteen safiiro ayaan u nahay Soomaaliya" waxana uu intaas ku daray asagoo dhahaya "Wixii aad samaysid mujtamaca oo dhan ayey taabanayaan".

 Qaybta 2aad ee Qoraalka ka akhri halkan --- GUJI

I  I  D  H  E  H

Waxaa isku soo dubaridey
Maxamed Cali (SomaliTalk Editor-in-chief)
Email: webmaster@somalitalk.com 

Xuquuqda Qoraalkan waxaa leh SomaliTalk, lama daabacan karo ayadoo aan ogolaansho laga haysan qoraaga.

Minneapolis, MN, USA | SOMALITALK.COM

December 29, 2002

Habeenkii Showrka Soomaalida Minnesota
waxaa magaalada Minneapolis kulan aad u heersareeye waxaa kuyeeshay dhammaan qaybaha kala duwan ee Jaaliyaadda.. GUJI... 23/12

QORAALKII HORE EE ARDAYDA SOOMAALIYEED EE JAAMACADAHA MINNESOTA 


WARARKA  SEPTEMBER - GUJI
»
AGOOSTO | JULY | JUNE | MAY | APRIL | MARCH | FEBRAAYO | Janaury 2002 | Wararkii 1999-2001 

com

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
..
..
Eldoret waa caynkee
ELdoret- Bishan
Eldoret-Nov 2002
Eldoret-Oct 2002
SUUQ WEYNAHA ALKARAMA
Waa suuq Soomaaliyeed oo ku yaal xaafada Cedar ee Magaalada Minneapolis, GUJI...

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD