SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - MINNEAPOLIS
somalitalk Kulankii caawa ee Jaaliyadda Minnesota (Jan 17) oo lagu qabtay Bryant Cole oo kutaal xaafada Cerad ee Soomaalidu ugu badan yihiin
Kulan Looga Wada hadlay Sidii Taageero Loogu Fidin lahaa Jaamacadda Bariga Afrika oo Caawa Fiidkii Lagu Qabtay Minneapolis:
WQ. Maxamed Cali | SomaliTalk.com | Jan 17, 2003
  • Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Atlanta oo Casumey Jaamacadda Bariga Afrika
  • Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Minnesota oo isu taagey Taageridda Jaamacadda Bariga Afrika, Bosaso.

Kulan ay Caawa fiidkii yeesheen Qaybaha kala duwan ee ay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Minnesota ka kooban tahay ayaa looga wada hadlay sidii loo xoojin lahaa gacanta laga geysanayo taageerada Jaamacadda Boosaaso. Kulankaas waxaa goob joog ka ahaa C/Weli C/raxmaan Geyre oo ah hormuudka kulliyada ganacsiga ee Jaamadda Boosaaso.

Kulankan oo ay xiriirinayeen Cabdirisaaq Lafoole iyo C/risaaq aadan wuxuu ahaa mid looga wada hadlay sidii taageero looga geysan lahaa tacliinta Soomaaliya. Dadkii ka hadlay waxaa ka mid ahaa Warsame  oo ka warbixiyey waxyaabihii la qabtay intii u dhexeysey kulankan iyo shirkii ballaaraa ee taareerada iyo horumarinta Jaamacadda Boosaaso ee toddobaadkii hore lagu qabtay Jaamacadda Minnesota. Warsame waxa uu sheegay in aysan jirin dawlad (dhexe) Soomaaliya ka dhisan oo u xil saaran tacliinta sare ee Soomaaliya, sidaas darteedna taageerada ugu weyn ee ay sugayaan waa Jaaliyadaha Soomaaliyeed ee ku dhaqan qurbaha. Sidaas darteed, ayuu yiri, Warsame, waa in la isu xil saaraa sidii mucaawino loogu heli lahaa Jaamacadda Boosaaso. Waxa kale oo uu Warsame faahfaahiyey sida loo qorsheeyey ama loo qoondeeyey qaybaha Jaaliyadda taas oo looga gol-leeyahay si ay u fududaato gacan ka geysashada taageerada Jaamacadda oo u baahan mujtamaca Soomaaliyeed ee maanta si ay u anfacdo (Jaamacaddu) jiilasha soosocda iyo kuwa soo koraya ee hadda. 

somalitalkKaddid waxaa erayo guubaabo ah halkaas kasoo jeediyey Axmed Warsame, waxana uu yiri "qofkii wax-u-qabadka Jaamacadda ka hara isaga ayaa og waxa uu ku tashanayo", halkas asagoo sii faahfaahinaya waxa uu yiri ficil ayaa loo baahanahay si waxqabadku uu u noqdo meel mar. Haddaba ayuu yiri, Axmed Warsame, aan u guntanno sidii aan wax u tari lahayn Jaamacadda, waxana sugeynaa ayuu yiri ficilkiina wax qabadka ah.

C/Weli C/raxmaan Geyre ayaa asaguna halkaas hadal gaaban kasoo jeediyey, waxana uu ugu horayntii mahad ballaaran usoo jeediyey Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Minnasota, asagoo ka mahad celiyey kulankii hore iyo kulanka caawa, gaar ahaana u mahadcelinaya intii soo abaabushey iyo intii gacanta ka geysatey kulamadaas. Waxana uu yiri "ajar iyo xasanaad ayaad ka heleysaan wax kasta oo wanaag ahaan aad u qabataan". C/Weli oo hadalkiisii sii wata waxa uu yiri "waa idiin han weynahay, idinka ayaana safarka idiin soo galay,  ee ka qayb qaata tacliinta". "Lacag keliya la idinkama rabo ee aqoontiinana waa loo baahanyahay, taladiina waa loo baahanyahay, wadankii imaada, talo nagu soo siyaadiya, cilmi nagu soo siyaadiya, ogaadana waa idin sugeynaa, dhulkiina waa idiin baahan yahay" ayuu yiri C/Weli, waxana uu intaas ku daray asagoo yiri "Wadankan aad joogtaan wax la qabsada, dadaala, midooba, sumcad wanaagsana noo sameeya". Waxa kale oo uu C/Weli xusay in hal qof uu wax weyn qaban karo, marka ay laba qof xoogooda mideeyaana ay qaban karaan wax mucjiso ah. Tusaale asagoo soo qaadanaya wuxuu ka sheekeeyey qof aad u da'weyn oo dumar ah oo hawl-gab noqotay, [waa sheeko aan mar hore akhriyey ayuu yiri] markaas ayey ku laabatay tuuladii ay joogi jirtey, waxay tuuladii ugu tagtay haro (war) ay yaraan teedii ku dabaalan jitey oo dhikhowdey [dhikhow = wasakh noqotay oo aan la adeegsan karayn], markaas ayey halkii dadaal ka bilowday si ay u nadiifiso harada, waxay cid la kaashataba waxay gaartey heer ay haradii nadiif noqotay. Waagii dambe ayadii ayaa haradii loogu magac daray.

C/Weli waxa uu sheegay in Jaamacadda Bosaso Casumaad ka heshay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Atlanta, uuna halkaas aadi doono.

Dadkii kale oo caawa halkaas ka hadlay waxaa ka mid ahaa CabdiCasiis Sugulle, Cusmaan Axmed iyo akhyaar kale, waxana madasha joogey Sheekh CabdiRaxmaan Sh. Cumar iyo odayaal iyo dhallinyaro kale oo aanan halkan magacyadooda kusoo koobi karayn. Waxana qoraalkan daabacay kulanka oo markaas weli socdey waqtiga oo an ii saamixin in aan sii joogo kulanka awgeed.

Go'aamadii kasoo baxay Kulanka iyo wixii faahfaahin ah iyo taageero Jaamacada Bosaso fadlan kala xiriira:
Email: lafooleh@hotmail.com ama warsameh@tiesmn.org 
Tel: 612.532.5532 ama tel: 612. 267.3939

Waxaa qoraalkan isku soo dubaridey
Maxamed Cali (SomaliTalk Editor-in-chief)

Jan 17, 2002

I  I  D  H  E  H

Habeenkii Taageeridda iyo Horumarinta Jaamacadda Bariga Afrika, Boosaaso
MINNESOTA: Habeenimadii  Sabtida waxaa magaalada Minneaplis lagu qabtay shirweyne uu ka hadlay hormuud kasocda Jaamacada Boosaaso iyo aqoonyahano badan oo Soomaaliyeed, sidii uu u dhacay  KA.AKHRI.HALKAN 

XAFLAD JAALIYADDA SOOMAALIYEED EE JARMALKA:
Xaflad aad loo soo agaasimey oo ay yeesheen Jaaliyada kudhaqan dalka Jarmalka ayaa waxaa warbixinteeda halkan idiinku soo tebinaya XagarYare. GUJI.. 6/1/3 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
Eldoret waa caynkee
ELdoret- Bishan
Eldoret-Nov 2002
Eldoret-Oct 2002
MACHADKA BEDER

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD