SomaliTalk DALSAN

.Home | FreeWebsite | FreeEmail | TellFriends | Search | Feedback | Allah Is Great
w w w . s o m a l i t a l k . c o m

WARARKA RADIO XORIYO
ISLAM Siiro Saxaabad Sako
QURAAN»  Xaafid Xaj Ciid.Adxa 
Qurbaha Students Guurka EAU
HTML TAARIIKH QUIZ SAMAFAL
. Kulankii Soomaalida London, Canada
. Macluumaadka Bilaha iyo Cimilada
XAYAYSIIS
XAFIISYADA XAWAALADA DALSAN
Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Dalka Sacuudiga
Kulankii jaaliyada iyo Safaarada Soomaalida
GUJI
Jaamacadda camuud ee Boorame
Warbixin kusaabsan Jaamacada Camuud GUJI

Jaamacada EAU ee Boosaaso
Warbixin kusaabsan Jaamacada Bariga Afrika GUJI
MASJIDKA ABUBAKAR
Mashruuca Masjidka Abuubakar ee Minneapolis, Minnesota, USA GUJI
 
 
TAARIIKHDA MAANTA:  | DAABACADA WARKA: Agoosto 31, 2002 

 DHEGEYSI: Dhegeyso Warka Radio Xoriyo

Warka madaxdiisii

1-Ciidanka gumaysiga Itoobiya oo gubay magaalada Dannood
2-Xaruumo uu ciidanka gumaysiga Itoobiya banneeyay
3-Sharikada Zenawi iyo Mesfen loo tirinayo oo khilaaf ka dhashay
4-Iyo Wafdigii Jaamacada Carabta oo wali Muqdisho ku sugan

Haatana warkii oo faahfaahsan

1- Ciidanka gumaysiga Itoobiya oo gubay magaalada Dannood

Ciidanka bahalka ah ee gumayasiga Itoobiya ayaa wali sii wada falalkiisii waxshinimada ahaa ee uu kula kacayaya shacbiga Ogadenya, waxaana ugu denbeeyay:

26 bisha July 2002 wuxuu ciidanka horarka ah ee gumeysiga Itoobiya si ula-kac ah u gubay guryo badan oo dad shacab ahi ay laahayeen oo ku yaalla magaalada Dannood ee gobolka Doollo, sidaasna waxaa noo soo sheegtay wariyahayaga arrimaha bulshada Maryan Ruun Liibaan.

Sida uu warku sheegayo wuxuu falkan nacabnimo ku billowday, iyadoo mid ka mid ah ciidanka gumaysigu uu baasiin ku bilbilay guri halkaas ku yallay, kaasoo uu markii denbe dab qabadsiiyay, wuxuuna dabkaasi danbas ka dhigay guryo aad u fara badan, taasoo keentay in shacab badan oo deegaankaas ku noolaa ay hooy la.aan ku dhacdo, waxaana la sheegay inay halkaas ku luntay hanti dadwayne oo aad u fara badan.

18 August 2002 Galadiid oo ka tirsan Gobalka Qorraxey wuxuu ciidanka gumaysiga Itoobiya iska hor-taagay inay salaaddii duhurka tukadaan, dad isku dayay inay masaajidka ku tukadaana waxaa lagu ciqaabay inay maalintii oo dhan taagnaadaan bacadka masaajidka hortiisa ah.

Waraku waxay intaas ku darayaan in dadkii halkaas rabay inay ku tukadaan lagu xukumay inay qasab ku bixiyaan lacag madax-furasho ah, waxayna ciidamada gumaysigu halkaas ka uruuriyeen lacag 10.000 oo bir gaadhaysa.

20 August 2002 Gabra-Booya oo ka tirsan Gobalka Qorraxey wuxuu ciidanka gumaysigu ku kufsaday gabadh yar oo lagu magacaabo Rooda Abdulahi Ahmed Nuur, taasoo ay dhaawac xun gaadhsiiyay, waxaana gabadhaas lagu dawaynayaa magaalada Qabri-Daharre.

Kufsiga uu ciidanka Itoobiya kula kaco dumarka ayaa maalinba maalinka ka denbeeya sii kordhaya, waxaana lagu tilmaamay inuu yahay nooc ka mid ah ciqaabta iyo dullaysiga shacabka lagu hayo oo la faray inay fuliyaan ciidamada gumaysigu.

Wariyaha Raadiyo Xoriyo uga soo warama Xarunta Dhexe ee Jabhadda Wdaniga Xoreenta Ogaadeenya Ibraahin Jeefad, ayaa inoo soo diray jab balaadhan oo loo gaystay Ciidanka Gumeysiga Itoobiya

2-Xaruumo uu ciidanka gumaysiga Itoobiya banneeyay

Wariyaha Radiyo Xorriyo uga soo warrama Xaruunta Dhexe ee Jabhadda Waddaniga Xoraynta Ogadenya Ibrahim Jeefad ayaa noo soo sheegay in 17 August 2002 ay ciidamada gumaysiga Itoobiya ka guureen meelaha lagu kala magacaabo Dalaad, Kabtii-Naag iyo Fool-jeex oo dhammaantood ka tirsan degmada Qabri-daharre.

Guuritaanka ciidankani, wuxuu ka denbeeyay, ka dib markii uu 15 August 2002 digniin siiyay ciidammada gumaysiga ee goobahaas degganaan Xirsi Faarax oo ka tirsan Madaxda Sare ee JWXO, taaasoo keentay inay xeryohoodii banneeyaan, waxaana loo raray saldhigyo ku yaalla magaalada Qabri-daharre. Dhinaca kale Ciidamo fara badan ooy Itoobiya leedahay ayaa lagu uruurinayaa magaalada Goday, si loogu Xoojiyo Ciidankeeda ka hawl-gala Koonfurta Soomaaliya.

18 August 2002 duleedka Baabili oo u dhaxaysa Harar iyo Jig-Jiga weerar gaadmo ah oo uu Ciidanka wadaniga Xoreenta Ogaadeenya ee sida goonida ah u taba baran ku qaaday kolanyo Ciidan ah oo halkaas maraysay waxaa lagaga dilay 15 askari, waxaana lagu dhaawacay tiro aan la xaqiijinin inta ay le'eg tahay.

20 August 2002 Gosolaleey oo ka tirsan gobalka Dhagaxbuur weerar uu Ciidanka wadaniga Xorenta Ogadeenya (CWXO) ku qaaday ciidanka gumeysiga Itoobiya wuxuu ku dilay ilaa iyo 30 Askari, waxaaana lagaga dhaawacay 42 kale.

Jabka Ciidanka Gumeysiga Itoobiya ayaa muddooyinkan denbe kor u sii kacaya, taasoo ay ugu wacan tahay hawl-gallo badan oo CWXO uu ka fuliyo inta badan gooballada uu dalk Ogadenya ka kooban yahay.

3-Sharikada Zenawi iyo Mesfen loo tirinayo oo khilaaf ka dhashay

Kulan ka dhacay magaalada Mekkele, caasimada gobolka Tigree todobaadkii hore ayaa gudoomiyanimada shirkadda EFFORT, oo ahay shirkad uu leeyahay ururka TPLF, laga qaaday Sebxaat Neega iyada oo loo dhiibay Seyoum Mesfin.

Tallaabadan ayaa timid ka dib markay xubno ka tirsan Golaha Dhexe ee ururka TPLF soo jeediyeen dacwad ku socoto Melez Zenaawi, kuwaasoo muujiyay sida ay uga xun yihiin la xisaabtan la'aanta shirkada EFFORT, iyagoo sheegay in aysan xitaa ogeyn inta ay la'egyahay faa'iidada soo gasha shirkadaasi.

Wararku waxay intaas ku darayaan in shirkani oo lagu qabtay Axum Hotel uu ahaa mid irriduhu u xiran yihiin, balse la arkayay xubno Golaha Dhexe ee TPLF ka tirsan oo iyagoo careysan shirka oo socda ka soo baxay.

Warar xog ogaal ah ayaa sheegaya in uu khilaafku uu yimid markii la ogaaday in shirkada EFFORT ay bangiga dhexe ee Itoobiya ka deensatay lacag gaaraya in ka badan 1 bilyaan oo birrta Itoobiyaanka ah oo uu dhiganto in ka badan 150 milyan oo doollarka mareykanka ah.

Ilaa hada ma cadda lacagtaas meesha ay ka baxday ama xitaa sababta loo deynsaday, lakiin dadka siyaasada indha-indheeya ayaa u arka in shirkada EFFORT ay tahay mid ay Melez Zenaawi iyo Seyoum Mesfin si gaar ah u maamushaan oo isla markaasna ay sii mariyaan lacagaha dawlada ee ay ku xawilanayaan akowntiyada ay dibadda ku leeyihiin.

4-Wafdigii Jaamacada Carabta oo wali Muqdisho ku sugan

Wafdi ka socda Jamacada Carabta oo uu hoggaaminayo ergeyga gaarka ee Jaamacada Carabta u qaabilsan arrimaha Soomaliya, mudane Saalim Al-khuseybi ayaa weli ku sugan magaalada Muqdishu, waxaanuu wafdigaasi kulanno kula jiraa madax ka tirsan dowladda ku meel gaarka ah ee Soomaliya iyo qaar ka mid ah hoggamiye kooxeedyada gacan-saarka la leh xukumada Itoobiya.

Wafdigaasi wuxuu 27kii bishan August la kulmay madaxweynaha ku meel gaarka ee Soomaliya Dr. Abdiqaasim Salad Xassan, waxaanuu wafdigu muujiyay in Jaamacada Carabtu ay garab tagan tahay dowladda ku meel gaarka Somaliyeed, isla markaasna ka soo hor jeedo wax walba oo hor istaagi kara in lagu guuleysto shirka dib u-heshisiinta Soomalida oo la filayo inuu bisha soo socda ku qabsoomo dalka Kenya.

Abdallah Mubarak al-Umayri oo ka mid ah wafdiga Jamacada Carabta ayaa carrabka ku dhajiyay in dalalka carabtu aanay marnaba aqoonsan doonin ama oggolaan doonin in Soomaaliya la kala goo-gooyo oo dhawr qaybood loo qaybiyo.

Dhinaca kale warar xog ogaal ahi ayaa sheegaya in wafdiga Jamacada Carabta si buuxdo looga waramay, isla markaasna caddaymo laga siiyay faragelinta ay Itoobiya ku hayso Soomaliya.

Hibaaq Samatar
Radio Xoriyo

  radioxoriyo@aol.com      
 radioxoriyo@ogaden.com 

 
Dhegeyso warkan oo Cod ah

Xusuus : Cidii Rabta in ay radio Xoriyo hawada ka dhagaysato waxay ka heli kartaa Mawjada 19 MB, ama 15530 KHZ, Maalmaha Talaadada iyo Jimcaha 7: 30 Fiidnimo ee Geeska Afrika.


WARARKA OGADEENYA:
August.30.2002August.27.2002August.23.2002August.16.2002 August.13.2002August.9.2002 | August.6.2002 | July.30.2002 | July.26.2002 | July.23.2002 | July.19.2002 | July.12.2002 | July.9.2002July.5.2002 | June.28.2002June.25.2002 | June.21.2002 | June.18.2002 | June.14.2002 | June.11.2002 | June.7.2002 | June.4.2002| May.31.2002 | May.28.2002 | May.24.2002 | May.22.2002 | May.17.2002 | May.14.2002 | May.10.2002 | May.7.2002 | May.3.2002 | April.30.2002 | April.26.2002 | April.23.2002 | April.19.2002 | April.17.2002 | April.12.2002 | April.9.2002 | April.5.2002 | April.2.2002 | March.29.2002 | March.26.2002 | March.22.2002 | March.19.2002 | March.12.2002 | Febuary.26.2002 | Febuary.19.2002 | Febuary.15.2002 | Febuary.12.2002 | Febuary.8.2002 | Febuary.5.2002 | Febuary.1.2002 | January.29.2002 | January.25.2002 | January.18.2002 | January.15.2002 | January.11.2002 | January.8.2002 | January.4.2002 | December.28.2001 | December.21.2001 | December.18.2001 | December.14.2001 | December.11.2001 | December.7.2001 | December.4.2001 | November.30.2001 | November.27.2001 | November.23.2001

DHEGEYSI: Dhegeyso Warka Radio Xoriyo


AFEEF: Afkaarta qoraalkaan waxaa leh gaarna ay u tahay Radio Xoriyo, kana tarjumimaayo aragtida SomaliTalk

TALO, TUSAALE IYO SU'AAL KUSAABSAN QORAALADA SOMALITALK.COM WAXAA LAGALA SOO XIRIIRIKARAA TIFATIRAHA GUUD EE BOGGA [Editor-in-chief] OO LAGA HELO http://www.somalitalk.com/feedback


Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
Usheeg Asxaabtaada | Talo Bixin


Copyright © 2002 somalitalk.com. All rights reserved. Privacy


Saxaabada | Baro-HTML | Zakaat | Xajka | BilicdaSom | Kids-Safety


HTML CD