SomaliTalk DALSAN

.Home | FreeWebsite | FreeEmail | TellFriends | Search | Feedback | Allah Is Great
w w w . s o m a l i t a l k . c o m

WARARKA RADIO XORIYO
Faaladii Radio Xoriyo ee 6.9.2002 |
 
TAARIIKHDA MAANTA:  | DAABACADA WARKA: Oct 1, 2002 

 DHEGEYSI: Dhegeyso Warka Radio Xoriyo

  

 WARKA MADAXDIISII:

  • ·Ciidamada Gumaysiga Itoobiya oo dad aad ubadan ku xidhxidhay meelo ka mid ah Ogaadeenya.
  • ·Sharci liddi ku ah saxaafada xorta ah ayey 28.09.2002 ansixiyeen xubnaha baarlaamnka DKMG ee Soomaaliya.
  • ·Madaxweyne Cumar Geele oo Faransiika booqanaya
  • ·Ciidamada dawladda Itooboiya oo lagu eedeeyey xad gudub sharci darro in ay kula kaceen dadweynaha Magaalada Awaas.
  • ·Jabuuti, Kenya iyo Itoobiya oo mar labaad isku mar la’ dib u heshiisiinta Soomaalia.

HATANA WARKII OO FAAHFAASAN

Ciidamada Gumaysiga Itoobiya oo dad aad ubadan ku xidhxidhay meelo ka mid ah Ogaadeenya.

AKhri Magayadii hore ee shacabka la xirxiray 

Ciidamada Cadawga Itoobiya ee ku sugan Ogaadeenya, ayaa Bishii September dad aad u badan oo shacab ah ku xidhxidhay magaalooyin ka tirsan Ogaadeenya, ciidamadan ayaa caadeeystay Dilka, Dhaca, kufsiga, iyo Xadhiga dadwaynaha shacabka ah ee aan waxba Galabsan. Goobahay ciidamada Cadawgu ku xidh xidheen dadka waxaa kuwan.

Riiga Galadiid oo ka tirsan gobalka Qoraxay waxay 1/09/02 Ciidamada Cadawgu ku xidheen

1 -Cabdullaahi Cismaan Qaro yare.

isla Taariikhdaas kor ku xusan waxay Ceel Xaar oo ka tirsan Gobalka Qoraxay ku xidheen.

1 -Ahmed Kordhiye, waxayna Ciidamada Cabudhiska Gumaysiga Itoobiya ka qasheeyn 25/Neef oo Adhi ah

15/09/02 waxay Galadiid oo ka tirsan Gobalka Qoraxay ku xidh xidheen dadkan shacabka ah oo aan waxba galabsan, waxayna kala yihiin.

1- Xaliimo Cabdi Guure
2- Sheekh Nuur Barre.

Dagmada Iimay Waxaa iyna lagu xidh xidhay

1- Cabdi-raxmaan Tamaan
2- Mohamed Rabiile Xassan
3- Macallin-rashiid Dahir Dhuxul
4- Cabdi-razaaq Cismaan Siraad
5- Musri Nuuriye Ture
6- Cali Muxumed Dakharre
7- Cabdi Calas Muxumed

Ciidamada Cadawga Itoobiya waxay soo saareen Go,aan ay dadwaynaha Hanti kaga uruursadaan, kaas oo sheegaya in Qofkasta oo laxidho lagu ganaaxo 1000/Bir; Tuulo kastana lagu ganaaxo 5000/oo Bir.

Talaabadan ayaa sii siyaadinaysa dulmigii lagu hayay Shacaka Ogaadeenya, waxayna ciidamada cadawga u samaynaysaa dhiirigalin ay Cidwalba iskaga soo xidhaan si ay lacag uga helaan, sababta ganaaxan dadka loogu so rogay ayaa ka danbaysay Mushahaar la,aan ku dhacday Ciidamada Gumaysiga Itoobiya ee ku sugan Ogaadenya.

Ciidamada dawladda Itooboiya oo lagu eedeeyey xad gudub sharci darro in ay kula kaceen dadweynaha Magaalada Awaas.

Warbixin uu soo saarey urur lagu magacaabo ururka xuquuqul insaanka ee Itoobiya, ayaa si aad ah u eedeysay Ciidamada dawladda Itooboiya in ay si sharci daro ah ugu xad gdubeen xaquuqda shacabka Siidaamaha, gaar ahaan magaalada Awaas. Kadib markii ay ciidamadu rasaas ooda kaga qaadeen dad si nabad gelyo ah u banaanbaxeyey bishii May ee sanadkan 2002.

Ururku wuxuu warbixintiisa ku daray, in Magaalada Awaas ay bando ku jirto, halkaasna ay ku suganyihiin Ciidamo gaar ah, kuwaas oo dadka ku haya arga-gixis joogto ah.

Madaxweyne Cumar Geele oo Faransiika booqanaya.

Madaxweynaha wadanka Jabuuti Mudane Imaciil Cumar Geele, ayaa maanta oo bisha October tahay 1, 2002 lafilayaa inuu booqasho seddexmaalmood ah ku tago wadanka Faransiiska.

Inta uu Madaxweyne Cumer Geele booqashada ku joogo wadanka Faransiiska wuxuu kulan gaar ah la yeelan doonaa Madaxweyne Jacques Chirac, kulankaas oo ka dhici doona Magaalada Elyee.

Sidoo kale waxaa Madaxweyne Geele Jadwalka ugu jira in uu la kulmo madax sare oo ay ka mid yihiiny Ra'isal wasaaraha iyo Afahayeenka baarlamaanka wadanka faransiika.

Arimaha ay madaxdaasi ka wada hadli doonaan waxaa ka mid ah xiriirka labada

wadan, amuuraha Geeska Afrika iyo sidii looga hortagi lahaa arga-gixisada caalamiga ah.

Sharci liddi ku ah saxaafada xorta ah ayey 28.09.2002 ansixiyeen xubnaha baarlaamnka DKMG ee Soomaaliya.
Sharcigii DKG ee ay u soo saartay Saxaafada 

Golaha Baarlamaaanka dawlada ku meelgaarka ah ee Soomaaliya ayaa soo saaray sharci ay ku xakameeynayaa saxaafada Xorta ah.

Sharcigaan ayaa lagu xusay in hey’addaha warbaahinta ee madaxa banaan ay iska diiwaan galiyaan dhowr hey'adood oo ay Dwaladu ugu tala gashay, iyadoo dowladdu diidi karto haddii ay doonto, waxaana intii uu sharcigaan horyaalay baarlamaanka loo diiday suxufiyiinta in ay ra’yigooda ka dhiibtaan sharcigaas.

Dowladda ayaa u aragta sharcigan in uu waafaqsanyahay sharciyada u yaalad wasaaradaha warfaafinta ee caalamka.

Xubin ka mida xildhibaanada baarlamaanka ayaa ku sheegay qoraal uu u diray HornAfrik in ay aheyd in sharciga lagala tashado saxaafada madaxa banaan ee dalka markaa kadibna uu gudiga saxaafada u soo gudbiyo gudoonka.

C/qaadir Walaayo oo ah madaxa hay'adda warbaahinta bariga Afrika xafiiskeeda Muqdisho ayaa isna si kulul u cambaareeyey qaabka loo ansixiyey sharciga saxaafada, isagoo intaa raaciyey inuu meel ka dhac ku yahay sharuucda caalamka ee saxaafada xorta ah.

Dhinaca kale, waxaa soo badanaya Cabashada ka soo yeereysa suxufiyiinta madaxa banaan ee ku sugan dalka gudahiisa iyo dibadiisa, kuwas oo muujiyay inayna ku qanacsaneen sharcigaasi, oo ay ku tilmaameen in uu yahay mid caburinaya saxaafada xorta ah kana hor imaanaya xorriyatul qowlka.

Dallada warbaahineed ee Sojon, oo ay ku mideysan yihiin weriyayaasha wararka u qeybiya shabakadaha Internedka ee ku firirsan caalamka iyo hay’ada warbaahineed ee bariga iyo bartamaha afrika oo ay ku mideysan yihiin inta badan wargeysyada iyo Idaacadaha ka howl gala Muqdisho ayaa ku tilmaamay sharcigan mid aan la saan qaadi karin xiligan casriga ah ee uu caalamnku horumarka ka gaaray saxaafada.

Jabuuti, Kenya iyo Itoobiya oo mar labaad isku mar la’ dib u heshiisiinta Soomaalia.

Wadamada loo yaqaan safka hore ee Jabuuti, Kenya iyo Itoobiya ayaa mar labaad khilaaf soo dhexgalay sidii loo qaban qaabin lahaa shirka dib u heshiisiinta Soomaliya, oo lagu wado in uu ka dhaco wadanka Kenya Magaalada Eldoret ee Gobolka Rift Valley bisha Oktober 15, 2002.

Gudiga farsamada oo ka kooban seddexda waddan ee Jabuuti, Kenya iyo Itoobiya ayaa todobaadkii hore ku kulmay Magaalada Nairobi, Halkaas oo gudigii ka socday Jabuuti iyo Itoobiya uu is mari waa soo kala dhexgaly ku saabsan sidi loo dooran lahaa wufuudda ka soo qayb galaysa shirka.

Warar lagu kalsoon yahay oo ka ag dhow gudiga farsamada ayaa sheegaya in madaxii gudiga farsamada ee Jabuuti uu ku labaatey wadankiisa , kadib markii is mari waa soo kala dhexgalay waftigiisa iyo kuwii ka socday dawladda Itoobiya.

Warku wuxuu intaas ku darayaa in labada waddan ay isku maan dhaafsanyihiin inta xubin ee loo ogolaan karo in ay uga soo qayb gasho shirka ururka SRRC ee gacan saarka la leh Itoobiya iyo in Korneyl Cabdullahi Yusuf la siiyo xubnaha ugu badan ee ka soo qayb galaya shirka, taas oo ay Jabuuti si adag u diidan tahay.

Itoobiya ayaa dhinaceeda soo jeedisay in shirka la joojiyo gabi ahaanba, hadii aan sidaas layeleeynin.

Hibaaq Samatar.
Radio Xoriyo
radioxoriyo@aolcom
radioxoriyo@ogaden.com

Xusuus: Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 19 MB ee dhererkeedu yahay 15580 KHZ, Maalmaha Talaadada iyo Jimcaha 7: 30PM waqtiga Afrikada Bari.
Dhegeyso warkan oo Cod ah

 

KAYDKA WARARKA RADIO XORIYO - NEWS ARCHIVE  

 


AFEEF: Afkaarta qoraalkaan waxaa leh gaarna ay u tahay Radio Xoriyo, kana tarjumimaayo aragtida SomaliTalk


Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
Usheeg Asxaabtaada | Talo Bixin


Copyright © 2002 somalitalk.com. All rights reserved. Privacy


Saxaabada | Baro-HTML | Zakaat | Xajka | BilicdaSom | Kids-Safety


HTML CD