SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - GERMANY

LIIBIYA WAA MARTI KA CALOOLWEYN ADDIS-ABEBA


XagarYare

xagar91@hotmail.com 

February 5, 2003

 

kulankii ugu horeeyay ee isbahaysiga afrika(AU)ayaa isniintii si rasmiya uga furmay magaalada addis-abeba ee xarunta ururka ee dalkaasi ethiopia.

waxaa la filayaa in shirkan ay xubnaha ururku kaga midoobaan wajiyo dhowr ah,sida nabad galyo loo baadh baadho qaarada colaadda sokeeye ee qayrkeed iyo qayr xigeheedba kareebay,sidii loogu sahamin lahaa xeelad kor loogu badhi taaro dhaqaalaha baabasan,iyo waliba sidii ay isku aragti uga noqonlahaayeen mashaakilka kafooshay dhankaas iyo ciraaq.

 (Qoraalka oo dhanHoos Akhri

KAAH
Choose kaah for confidence, convenience & competitive, rapid, reliable & responsive

 

illaa 34 madaxweyne ayaa laguwadaa inay isugu yimaadeen 53ka madaxweyne ee qaaradduleedahay taniyo intii uu ururkiisii horay loo uran jiray (OAU)turubka ku baandhaystay bishii july ee aynu kanimid magaalada DURBEN ee koonfurta afrika(south afrika)kuna wanqashay magacan cusub ee(AU).

"waan sugaynnaa nabadgalyada kana shaqaynaynaa isu dheelitirka waxyaalaha naga dabacsan"sidaa waxaa kufuray madaxweynaha dalka south afrika mudane Mbeki.

madaxweynayaashii iyo wasiiradii 53 dal ayaa todobaadka dhamaadkiisii(the weekend)baaburtooda oo kolanyo kolanyo usocotaa is xidheen dariiqa dheer ee isku xidha garoonka caalamiga ah ee addis-abeba ee BOOLEE BANGEDH,waxaa dariiqa hareerihiisa ka lalmanaayay calamada dawladaha qaarada.waxaana looqaybiyay 20 huteel oo ah kuwa heerka sare u qaabaysan oo loogu talagalay.

masuuliyiintii halkaayimid ayaa waxaa ka maqnaa madaxweynaha dalka liibiya mudane MUCAMAR AI-QADDAAFI oo isagu lahaa fikirka lagu aas-aasay ururkan (AU).

waxaa layaab ahayd in ka maqnaashaha aas-aasaha urrka uusan ahayn mid iskiisa balse,ay kajoojiyeen inuu yimaado wasiirada arimaha dibadda ee qaaradda mar ay kulan ay ugu sii gogolxaadhayeen shirka ku yeesheen magaalada addis-abeba bishii aynnu soo dhaafnnay.

waxaa ay sabab uga dhigeen QADDAAFI oo watta boqolaal dad ah ooba tirada baro dheeraanaya marka laysku daro wufuudda 53 dal.

ciidamada ilaalada u ah ayaa GUUTO kor u dhaafay oo cagacageeyay GAAS.

QADDAAFI waxaa uu shirkii caalamku ku arinsanaayay bishii AUGOST ee sanadkii aynu kasoogudubnay ka dhacay magaalada DURBEN la yimid GAASAS ciidamo hareera yaacaayay oo ay wufuudii dalalka kale ka argagexeen,sidoo kale ayuu sameeyay isla sanadka shirkii afrikaanka ee dalka TOGO.

waxaa labada goorba ciidamadii uu watay laga tiriyay 750 iyo 60 gaadhi,iyadoo laleeyahay kulankii TOGO gawaarida dabayaacaysay waxaa ay kor u dhaafeen boqolaal.

wasaarada arimaha dibada ee dalka ethiopia ayaa bil ka hor ka codsatay liibiya in mr qaddaafi shirka layimaaddo tiro macquula oo ay addis-abeba qaadi karto,iyaddo dhowr jeer ay saraakiisha arimaha dibadda ee ethiopia iyo safaarada liibiya ee magaalada addis-abeba kawada hadleen,lamase shaacinin wixii ay labada dhinac ku heshiiyeen.

xagar91@hotmail.com 

Feb 4, 2003
___________________________

XAGAR YARE WAA WARIYIHII; RADIO MUQDISHO 1984-86 IYO RADIO HALGAN (radio kulmis)1986-88 IYO RADIO HARGAYSA 1988-1991, waxaana uu hadda kusuganyahay dalka Jarmalka.

SomaliTalk Germany 

<><><>

I  I  D  H  E  H

MA OGAADEENIYADII BAY LA DHALIWAYDAY !!!?
Faaladii Xagar Yare.... GUJI... Feb 4

URUR ISLAAMI AH OO LAGA MAMNUUCAY GERMANY !!! 
MAANTA ayaa wasiirka arimaha gudaha dalka GERMANY Mr Otto Schilliy ku dhowaaqay in uu mamnuucay urur islaami ah oo lagumagacaabo XIZBU-TAXRIIR GUJI... 15/1

ELDORET SUBAXWANAAGSAN: MAXAAD KU BARIDEEN? 
Faaladii XagarYare ee Toddobaadka ....
GUJI... 

XAFLAD JAALIYADDA SOOMAALIYEED EE JARMALKA:
Xaflad aad loo soo agaasimey oo ay yeesheen Jaaliyada kudhaqan dalka Jarmalka ayaa waxaa warbixinteeda halkan idiinku soo tebinaya XagarYare. GUJI.. 6/1/3

DAYUURADA ARGAGIXISAY JARMALKA:
Inkasta oo ay hadda ku dhamaatay nabad, hadana diyaaradaasi waxay argagixiso ku beertay dalka Jarmalka kaddib markii duuliyeheedii ku hanjabay in.. GUJI.. 5/1/3

SSDF & SNM...... GUJI: 

 ELDORET: Taxanaha Wararka   

Afeef: Aragtidan waxaa leh qoraaga ku saxiixancom

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
Eldoret waa caynkee
ELdoret- Bishan
Eldoret-Nov 2002
Eldoret-Oct 2002
MACHADKA BEDER

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD