SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - AFEEF
 AFEEFTA SOMALITALK WAA AFFEEF:

XagarYare

xagar91@hotmail.com 

SomaliTalk Germany

December 27, 2002

subaxnimadii khamiista 26.12.2002 ayaa waxaa la iigu soo riday qalabka isgaarsiinta ee "FAX"ka sadex warqadood oo ay cadho kululi ka muuqatay .isla duhurnimadii abbaare labadii ayay si,teel teel ah iigu soodhaceen sadex telefoon oo ka kala yimid magaalooyinka diri-dhabo, jig-jiga,iyo qabribayax oo ah meelihii markii hore "FAX"yadu ay ka yimaadeen,

waxaan ka dareemaayay inay ahaayeen fariimo is og, telefanka kasoo dhacaayay magalada DIRI-DHABO ayaa iigu muuqday in makarafoonku u furanyahay si ruuxa ila hadlaaya mooyaane kuwa kale ee lajoogaa u dhagaystaan hadalkayga isla markaana si wada jira ugu hadlaan,waxay ahaayeen qaarkood sadexda dhinacba masuuliyiin ka tirsan baarlamaanka iyo maamulka waxbarashada ee dawlad goboleedka ismaamulka soomaalida ETHIOPIA.

inkasttoo aysan warka ka dhigin mid rasmi ah ama warmurtiyeed qaran(official statement),hadana wuxuu warku u dhacayay sidatan;

Hoos Akhri

KAAH
Choose kaah for confidence, convenience & competitive, rapid, reliable & responsive

 

-gobolada soomaalida ethiopia aad ayaa looga jecelyahay akhriska shabakadda somalitalk waxaanan odhankarraa waa bogga loogu badanyahay akhriskiisa,wuxuuna suurta gashaday in dad badani kagaga kaaftooman dhagaysiga BBC da oo hadda ka hor aad noogu badnnaa,anagoo shabakadda somalitalk u tixgalinna dhexdhexaadnimo aannu runtii ka dhadhansannay.

Ha moogaan Alkarama Somali Mall, Minneapolis, MN, USA .... GUJI.... 

waxaanse layaabnay in bogga hore ee shabakadda uu maanta ku soobaxay war aanaan fahmin wax ay somaalitalk uga gollahayd,kaasoo sheegaya " in ay dawladda ethiopia albaabada u xidhay dhamaan iskuuladii iyo goobihii waxbarashada maamulka kadib markii dawladdu saluugtay hanaanka ay ardaydu u taageersantahay ethiopa,aan nimadooda" warkaasi bayleeyihiin "waa mid ay somalitalk ku daandaansanayso dawlad goboleedka xorta ah oo aan cidnna soo faragalin karin amuurihiisa daaqiliga ah,xataa dawladda dhexe, waxaanuna kacodsanaynnaa in aysan somalitalk luminin taageerada akhristayaasha gobolka". waxaanu codsanaynaa in somalitalk noosheegto meesha uu dalka ka fadhiyo wariyahoodu si,aannu ugu casuuno uuna u soohubiyo xaqiiqada warkani. iyagoo warkooda siiwata waxay yiraahdeen "majiro dhul dalkan ka mida oo layiraa ogaadeen, ogaadense waa laf kamida beelaha kor u dhaafay 27 beelood ee dawlad goboleedka. destoorka dalka u degenna wuu ka xishoonaaya inuu magac qabiil qaran huwiyo.

runtii aniga XAGAR ahaan way igu adkayd inaan jawaab deg deg ah siiyo inkastoo an ogaa in arinta ay mudanayaashu ka hadlayaan ahayd qoraal ay somalitalk soo gaarsiisay idaacada ku hadasha afka jabhadda ogaadeen ee RADIO XORRIYO, balse waxaan u sheegay in aan anagoo tixgalinta ay naga mudanyihiini meel nagaga go,antahay ay war deg deg ah heli doonaan.

Waxaan si,isdaba jooga ula xiriiray meelo kala duwan oo dalka ka mida, iyadoo ay ubadnaayeen waalidiin iyo macalimiin, magaalooyinka diridhabo iyo jigjiga ,iyadoo aysan is ogayn qolyihii ila soo xiriiray iyo kuwan aan xuuraamayey . runtii iima suurta galin inaan wax xiriira lasameeyo magaalada QABRI BAYAX isgaarsiinta oo ay iigu muuqatay mid aad uliidata awgeed inkatoo aanan fahmin sababta, waxaan dadkaasi ka xuuraamaayay bal inaan hubsado in waxbarashada maamulku caadi tahay. wax dhiillo ah la iima sheegin waxbarashada ismaamulka soomaaliduna waxaa ii baxay sawir inaan caadigiisii waxba iska badalin. way jirtaa in maalmahan iskuuladu xirraayeen ciidaha kiristaanka awgeed maadaama diinta qaranku tahay masiixi, balse taasi saamayn kuma yeelanin dugsi quraanada iyo madarasadaha gaarka ah ee lagu barto afka carabiga anigoo taas ka xaqiijiyay madarasadda KHAALID BIN WAALID ee magaalada diridhabo. waxaan xaqiijiyay in ciidda kiristaanka kadinna waxbarashada ismaamulku xiligeedii caadiga ahayd dib u bilaabmi doonto.

akhriste somalitalk waxay daabacdeeda u sootabisaa sidatan.

1)wararka iyo faalooyinka wariyayaasha somalitalk.

2)ra'yiga akhristayaasha.

3)warmurtiyeedyada ama warsaxaafadeedyada iyo aragtida ururada siyaasada ,iyo kooxaha bulshada.

tan sadexaad kuma qasbana somalitalk inuu daabaco aragtidooda kamana reebana.

balse akhriste maxaad ka qabtaa hadii aan ku idhahdo fadlan ii tixgali AFEEFTAYDA oo aan ula jeedo,waxaad wakhtigaaga qaaliga ah iigu deeqdaa inaad akhrisid oo kale marka aad dhamaysid maqaalka aad xiisaynaysid gabagabadiisa,waxaadnna kala hubisaa in qoraalkaasi yahay mid uu soo tabiyay wariye somalitalk iyo in kale.

anagoo qoraalada kabaxsan kuwa wariyayaashayada ku muujinna siddan,

AFFEEF; ARAGTIDA QORAALKAN WUXUU U KHAASYAHAY QORAAGA KU SEXEEXAN KAMANA TURJUMAAYO SOMAALITALK:

akhristahayga qaaliga ahaw AFEEFTAAS micnaheedu waa iga AFFEEF,waxaanan ka AFFEEFTAY inaan warkaas raadkiisu i soo galaynin maadama aan ka AFFEEFTAY.

balse somalitalk iyadoo ku raaxaysanaysa uguna raaxaynaysa akhristayaasheeeda qaabka SAXAAFADDA XORTA AH ayaysan waxba ka qabin in ay aragtiyaha ururada iyo dadka daabacdo,balse ay iigu mudnaato AFFEEFTAYDII.kumana qasbana somalitalk in ay raadraac ku samayso qoraalada iyo fikirka gaarka ah.

waxaan qoraalkaygan cudurdaarta ah ku caleemasaarayaa maahmaahda soomaaliyeed eeah.

"AMA AFEEF HORE LAHAW AMA ADKAYSI DANBE"

akhriste ma adkaysan karaayee aan AFEEFTA horaysiisto waayo?

"NIN XISHOONAYAAN AHAY HADAAN LAY XASDIYAHAYNIN"

I  I  D  H  E  H

XagarYare
xagar91@hotmail.com
 
SomaliTalk Germany

December 27,  2002 


XAGAR YARE WAA WARIYIHII; RADIO MUQDISHO 1984-86 IYO RADIO HALGAN (radio kulmis)1986-88 IYO RADIO HARGAYSA 1988-1991, waxaana uu hadda kusuganyahay dalka Jarmalka.

ITAXAADKA SOOMAALIYA
Waa faallo & Baaritaan muddo dheer qaatay oo kusaabsan Itaxaadka Soomaaliya, Muxuu ahaan jiray, aragtida Caalamku ka qabo, aragtida siyaasiyiinta Soomaalida,  Hadda iyo... GUJI.. 27/12

Xiriir Caynkeeyaa u Dhaxayn jiray SSDF & SNM? 
Jawaabta ka akhri qaybtii 1aad ee faaladii XagarYare  GUJI... 24/12

 ELDORET: Taxanaha Wararka   

com

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
Eldoret waa caynkee
ELdoret- Bishan
Eldoret-Nov 2002
Eldoret-Oct 2002
DALSAN

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD