SomaliTalk ads
Home | Zakaat | Siiro | Saxaabada | Salaat | Search | Allah Is Great |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m 
SOMALITALK - GERMANY
OROMIA IYO SOOMAALIDA OO ISLA MEELDHIGAY KHILAAFKII XUDUUDAHA:

XagarYare

xagar91@hotmail.com 

SomaliTalk Germany

Dec 18, 2002

Madaxwaynaha dawlad goboleedka ismaamulka soomaalida ee dalka ethiopia mudane Cabdirashiid Duulane iyo ninka dhiggiisa ah ee ismaamulka OROMada ee isla dalkaasi mudane Junegdi Saddo ayaa war murtiyeed ay siwadajira u soosaareen waxay ku xaqiijiyeen in ay isla meel dhigeen xurguftii mudadaba soojiitamaysay ee kadhaxaysay labada ismaamul umadahooda kaasoo ku aadanaa xuduudaha u dhexeeya.

Labada hogaamiye ayaa wariyayaasha u sheegay in ay dhibaatadan xuduudaha isla garteen inay si isku caloolfayoobiya u dhameeyaan kadib markii todobaadkan ay saraakiil sarsare oo labada dhinac ka socdaa wadahadal laba maalmood socday lahaayeen.

Hoos Akhri

khilaafka xuduudaha ee labada shacbi ee oromada iyo soomaalida ETHIOIPIA ayaa in muda ahba soo taxnaa, kaas oo bilawday kadib dhiciddii maamulkii MENGISTU HAILU MARIAM ee loo ogolaaday in shan gobol oo ka mida lix iyo tobanka gobol ee ethiopia ay iskood isu taagaan, shantaa gobol ay laba kamida yihiin oromo iyo somalida , khilaafkan ayaa dhowr jeer gaaray gacan ka hadal dhiig ku qubto.

waxay xuduudo ka leeyihiin magalada HARAR(adari),iyo koonfurta fog ee gobolka wax soo saarka ee nagayle. dhowrjeer ayaa lagu dagaalamay gobolka nagayle, iyadoo aydegaan dhanka soomaalida gobolkaaasi nagayle BELAHA layiraa REER XASSANKA: BEESHAASOO ASAL AHAAN AH JILIB KA MIDA QABIIL WAYNAHA SOOMAALIYA CAANKA KA AH EE MARREEXAANKA, waxaa uu REER XASSANKU ku hadlaa laba luuqadood, afka soomaaliga oo yarehe candadawlan(yare si ah) iyo afka oromada, dadka oromada ayaa waxay ku doodayaan in ay leeyihiin badiba meelaha ay soomaalidu sheegato. 

OROMADA AYAA WAXAY CADDAYMO KA DHIGANAYSAA MAGAALOOYIN BADAN OO MAGACYADOODA AFKA OROMADA uu ku macnaysmaayo, magaalada fayaanbiiro oo u dhaxaysa magaalada jigjiga iyo harar ayay leeyihiin soomaaliyeey ka huleel micnaha fayaan biiro waa af oromo oo soomaali ku noqonaysa (buurta sankeeda) iyadoo ay magaaladaasi buur sankeed ku taalo, waxay soomaalida arini ku sii ciirtay markii magaalada ganacsiga soomaalida u ah ee dirri dhabo lagu micneeyay afka OROMADA oo ah DIRREE-DHAWAA= DHULKA GARAACA; waxyna ku andacoonaysaa orormadu, dhulka ay ku taalo magaaladaasi oo aad noogu adkaa ayaa markii aannu dhisaynay waxaanu raggii wax ka dhisayay ku guubaabinnaynay garaaca dhulka"DIREE-DHOWAA": ugaba sii darane waxaa soomaalida afka oromo loogu micneeyay magaala madaxda dawlad goboleedka ee jigjiga oo af ka OROMADA ah "JI JITUU"AMA JII-JIIGGAA" oo micneheedu yahay afsoomaliga"DHUL GARIIR (DHULKII GARIIRI JIRAY):

WAXAY qawmiyadda oromadu ku hanjabtay "haddii aad soomaaliyey caga dhigan waydid waxaynuba isla galaynnaa dhankaas iyo jamhuuriyadda soomaaliya.

Magaala madaxda jamhuuriyadda soomaaliland ayaa muranka hoos imanaysa bay tiri oromo qaarkeed, magaalada HARGAYSA AYAA AFKA OROMADA LAGU MICNEEYAY oo ah " HARGGA GAYSA"= HARGAHA GEEYA AMA SAAMAHA U IIB GEEYA: waxaa magacaasi baxay bay yiraahdeen kadib ganacsigii aanu lalahayn xilligii cusmaaniyadii iyo carabtii afrika u soo mushtar tagi jirtay oo aannu saamaha ama hargahay gaynjiray;MAGAALADA BERBERA ayaa laga dhex heley afka oromada oo noqonaya "BIR BIRRAA" ama BIL BILLAA oo micneheedu noqonaayoo magaaladii ololaysay ama kululeed.

labada hogaamiye haatan kama aysan wada hadlin bar bara iyo hargaysa, sidaasnna uma aysan sii fogaanine waxaa uun ay haatan ku ekaayeen uun gobolada ku dhex jira meelaha uu ka taagan yahay calanka ethiopianka.

Madaxweyne DUULANE iyo JUNEGDI ayaa saxaafdda u cadeeyay in haatan ay isla meel dhigeen in ay dhamaystirkiisa marlabaad isugu soo laabtaan bisha JANUARY, iyagoo labada hogaamiye muujiyay in xaalku ku dhamaankaro bartamaha sanadka 2003.

waxaa kaloo ay isla meel dhigeen in ay ka wada shaqeeyaan sidii ay isaga kaashan lahaayeen arimaha ganacsiga iyo horu marinta dhaqaalaha iyo siyasadda labada maamul oo haatan aad u dabacsan.

XagarYare | xagar91@hotmail.com 

SomaliTalk.com | Germany


XAGAR YARE WAA WARIYIHII; RADIO MUQDISHO 1984-86 IYO RADIO HALGAN (radio kulmis)1986-88 IYO RADIO HARGAYSA 1988-1991, waxaana uu hadda kusuganyahay dalka Jarmalka.

<><><>

I  I  D  H  E  H

Rabshaddo Hareeyey Tartanka Quruxdda Gabdhaha Soomaalida Gothenburg, Swden
 Shan qof ayaa xabsiga loo taxaabay, hal qofna cisbitaalka kaddib markii iska hor imaad ka dhacay  goob ay ka socotey xaflad loogu magac daray "Miss Somalia" ....GUJI    

Warqad Furan Oo Ku Socota Dhammaan Beesha Hawiye
Warqadan oo lasoo gaarsiiyey SomaliTalk Muqdisho ayaa si toos ah ula hadleysa dhammaan beelaha.... GUJI  14/12

Dhawaaq caalami ah iyo Ururka Darwiish Party 
Waxaan mar kale ku celinaynaa Maamulka W/galbeed ee Riyaale Hogaanka ka yahay in aanay ku talo xumoobin degaanka.. GUJI 14/12

Baaq ay soo saartey Jaaliyada Absame ee Sweden
Baaqaan oo SomaliTalk uu soo gaarsiiyey Suldaan Mohamed Suldaan Siraaji  ayaa waxa uu kusaabsanyahay Laascaanood GUJI... 14/12

 ... ELDORET: Taxanaha Wararka  

... Soomaaliya iyo dhacdooyinkii  2001/2000 


WARARKA  SEPTEMBER - GUJI
»
AGOOSTO | JULY | JUNE | MAY | APRIL | MARCH | FEBRAAYO | Janaury 2002 | Wararkii 1999-2001 

com

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
..
..
Eldoret waa caynkee
ELdoret- Bishan
Eldoret-Nov 2002
Eldoret-Oct 2002
SUUQ WEYNAHA ALKARAMA
Waa suuq Soomaaliyeed oo ku yaal xaafada Cedar ee Magaalada Minneapolis, GUJI...

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD