SomaliTalk ads
Home | Zakaat | Siiro | Saxaabada | Salaat | Search | Allah Is Great |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m 
SOMALITALK - LONDON

SOCDAALKII AAN KU SOO MARAY LAASCAANOOD,BURCO,HARGAYSA IYO YAABKII AAN KALA KULMAY.
WQ. BILE-QARDHO | bile123@hotmail.com | Dec 23, 2002

Salaan somalitalk, Marka hore waxan salaamayaa somalitalk oo si qiimaleh u soo gudbiya maqaalada somalida.

Aqristoow waxaan dhowaan soo maray magaalooyin kala duwan ee dalkeenna somaliya iyo somalilanba.

Socdaalkaygu waxa uu ka bilaabmay London. Inta aan hadaba London ka tagin waxaan waraystay Somali farabadan, qaarna aan dhagaystay doodooda, iyo waxa ay baryahan ka doodaan oo inta badan u badan shirarka somalida iyo fikradaha somaliland.

Hoos Akhri

KAAH
Choose kaah for confidence, convenience & competitive, rapid, reliable & responsive

Hadalada ay ku doodayeen qaar waxa ka mid ah in ayba necebyihiin meesha ay nabadi ka jirto, kana naxayaan hadii ay nabadi ka dhacdo meelka mid ah goboladeenna.

Maxaa ka lifay in aan la jeclaysan nabadaa?

Nimankii doodayay mid ka mid ah ayaa waxa uu ku doodayay anigu ma jecli in ay Hargaysa ama burco ama laascaanood nabad ka dhacdo.

Mar la weeydiiyay sababta aadan u jeclayn in ay nabadi ka dhacdo maxay tahay? Waxa uu ku jawaabay, Anagoo reer Gado ah annaguba waan is baa-binay, maxaan ugu naxayaa reer kale.

Mid kale waxa uu ku dooday, maadaamaa ay Xamar ilaa Kismaayo, Baydhabo-ilaa Gado,burbursantahay maba jeclaanayo mana ku farxayo in ay gobolada waqooyi nabad iyo nalba haystaan, wax walba oo dacaayad ah ama lagu burburin karona waan u samaynaynaa.

Soo maridii Xamar-cade.

Runtii Xamar waxay ahayd iyo waxay noqotay , waa mid uu indhahaagu qabankarin aaminina karin.

Xamar waxay lahaan jirtay nalalka ugu qurxoon, nabada ugu macaan ee dunida ka jirta ,, waqtigii aan joogi jirayna waligay wax bastoolo sita ma arag, noloshayduna ma ay arag wax buntuq la yiraa.

Waxaan arkay isdil iska caadi ah , meeydad jidka daadsan oo laga tilaabsanayo, laamiyadii oo aad u jajabay, korantadii intii sii hartay oo maraakiib la saarayo,dumar la kufsanayo oo lagu leeyahay waa iska caadi.

Laba maalin waan joogi kari waayay, markiiba waxaan u dhaqaajiyay oon diyaarad u raacay gobalkii ay waalidakay ka yimaadeen asalkoodii hore oo ahaa Buuhoodle, bal in aan mar uun soo arko

Buuhoole waxaan joogay subax iyo galab, oo runtii dadku aad isaga dagan yahay xoogaa dadkoodii dibadaha jirayna ay wax u soo yara tuuraan, nabad iyo daganaan macquul ah ayaan arkayay, dadku gobalka ay doonaan ayay tagaan sida Boosaaso, burco - ila Hargaysa, cid maxaa sidataa iyo maxaa tahay ku oranaysana ma jirin.

Runtii aad ayaan u yaabay, Xamarna lixnin ayaan kiraystay oo waliba ah tii aan ku dhashay.

Waxaan u sii gudbay Laascaanood ilaa Burco oo dadku aad u faraxsanyihiin nabada ay haystaan awgeed, xoogaa biyo la-aan ah waan arkayay, lakiin dadka farxad iyo dulqaad ayaa ka muuqatay., Waxaynan aad u xasuustaan wixii soo maray iyo colaadii, markaa may doonayn in ay nabadaa ay haystaan ay iska sii daayaan beena loo kala sheego.

Ugudubkii Hargaysa.

Su-aashii aan is waydiiyay ayaa ahayd ma runbaa meeshani waa SOMALIYA. Waligay Hargaysa ma-arag,, mana filayn in ay Hargaysa sidan tahay. Mar waan yaabay oo waliba waan xanaaqay, waxaanan ka xanaaqay arimihii ay ku doodayeen reer London oo u badnaa dadkeenii ku dhashay KOOFUR.Nacaybka iyo xaasidnimada aan u hayno Reer Hargaysa iyo nabadooda,.

Hargaysa waxaan kala kulmay nabad, kala danbayn,maamul,hay-ado farabadan oo furan,dowladaha hoose oo shaqeeynaya,wasaarado yar yar oo furan,maxkamado shaqeeynaya.

Korobtion waan arkayay , meel walbana wuu ka jiraa, Londonba waan ku arkay laaluush. walibana ma badnayn tii hargaysa aan ku arkayay.

Baabuurta oo nalal kala duwayso, magaalada oo meel walba nal ka shidan yahay. Hooyooyin lacag la fadhiya jidadka.

Waxaan kaloo galay tukaamo farabadan, oo ay leeyihiin dad ka soo jeeda Xamar, gaar ahaan Abdiqaasim beeshiisa, waxaynan ii sheegeen in aysan suurtagal ka ahayn in ay xamar tukaan inta ay ka furaan ay nabad u joogaan qori la-aan. lacagtoodana ay tukaanka uga tagaan habeenkii.

Waxaan kaloo arkay hooyooyin, doolar farabadan sarifaya oo jidadka la taagan cid xagxaganaysana aysan jirin.

Suashu hadaba waxay tahay ma-annagaa qaldan mise reer waqooyi ayaa qaldan , oo hadii ay isburburin lahaayeen, waanu amaani lahayn.

Hadaad eegto ilaa Garawe-buuhoodle-laascaanood-ilaa Hargaysa way iskaga dhow yihiin waynan isku dhaqan dhow yihiin, Xamarna way ka fogtahay, Hargaysana waa daris,.... hadaba dadka yaan la qaldin, kuwada noolaada nabad.

Somaliland hadii ay sidaa ku sii socotana Xamarna ay sidaa isku baabi-iso. Somaliland cidwalba ayaa aqoonsanaya.... Somaliyana waxaa loosoo rari doonaa Boosaaso. Nabad ayayna kuwada noolaandoonaan darisku.

BY BILE-QARDHO.
bile123@hotmail.com 

Dec 23, 2002

 

<><><>

I  I  D  H  E  H

Rabshaddo Hareeyey Tartanka Quruxdda Gabdhaha Soomaalida Gothenburg, Swden
 Shan qof ayaa xabsiga loo taxaabay, hal qofna cisbitaalka kaddib markii iska hor imaad ka dhacay  goob ay ka socotey xaflad loogu magac daray "Miss Somalia" ....GUJI    

Warqad Furan Oo Ku Socota Dhammaan Beesha Hawiye
Warqadan oo lasoo gaarsiiyey SomaliTalk Muqdisho ayaa si toos ah ula hadleysa dhammaan beelaha.... GUJI  14/12

Dhawaaq caalami ah iyo Ururka Darwiish Party 
Waxaan mar kale ku celinaynaa Maamulka W/galbeed ee Riyaale Hogaanka ka yahay in aanay ku talo xumoobin degaanka.. GUJI 14/12

Baaq ay soo saartey Jaaliyada Absame ee Sweden
Baaqaan oo SomaliTalk uu soo gaarsiiyey Suldaan Mohamed Suldaan Siraaji  ayaa waxa uu kusaabsanyahay Laascaanood GUJI... 14/12

 ... ELDORET: Taxanaha Wararka  

... Soomaaliya iyo dhacdooyinkii  2001/2000 


WARARKA  SEPTEMBER - GUJI
»
AGOOSTO | JULY | JUNE | MAY | APRIL | MARCH | FEBRAAYO | Janaury 2002 | Wararkii 1999-2001 

com

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
..
..
Eldoret waa caynkee
ELdoret- Bishan
Eldoret-Nov 2002
Eldoret-Oct 2002
SUUQ WEYNAHA ALKARAMA
Waa suuq Soomaaliyeed oo ku yaal xaafada Cedar ee Magaalada Minneapolis, GUJI...

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD