SomaliTalk ads
Home | Zakaat | Siiro | Saxaabada | Salaat | Search | Allah Is Great |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m 
SOMALITALK - WARQAD FURAN
Madaxweynaha Somaaliya, maxey adiga kula tahey?
WQ. Abdulkadir sh. maxamed |  abdulkadir33@hotmail.com | Dec 21, 2002

DOODFURAN: Aragtidaada Toos uga dhiibo halkan... GUJI

"jagada madaxweynaha ee wadanka ay tahey in ay qabtaan beesha Hawiye oo kaliya" Yalaxow

"waxaa halkan isku weydiinayaa miyeey dadka ay isku beesha yihiin la qabaan ? mise waa aragti gaabni ku kooban asaga (yalaxow) oo kaliya" Abdulkadir sh.

Asalaamu calaykum waraxmatullahi.

Waxaan sida dad badan oo Soomaaliyeed ee ku nool qurbaha u dhag taagayey shirka ka socda Eldoret ,anigoo quud dareenayey in ugu dambeyn dadkii wadankii iyo qarankii xabaaley ay caqli suuban la yimadaan oo ay ka tanaasulaan xukun jaceelka iyo u adeega cadowga qadiimka ee ummada Soomaaliyeed, balse waxaa amakaak iyo fajac igu noqdey hadalkii ka soo yeeray mid ka mid ah qabqablayaasha dagaalka ee Muqadisho oo ah dagaale oogaha Muuse Suudi oo ay i wareysi uu bixiyey shalay sheegay in jagada madaxweynaha ee wadanka ay tahey in ay qabtaan beesha Hawiye oo kaliya ( He who is not Hawiye,need not to apply this position) ay tahey fikrad iyo aragti aad u liidata kana hor imaaneysa shareedada islaamka iyo caqliga suuban iyo xeerarka caalimiga oo dhigaya in qofkii u leh karti iyo aragti dheer uu qabto jagadaas , waxaana xadiiskii nabigu ahaa (hadii uu cabdi ama adoon xabashi ahi idiin ka qabto maamulka oo uusan diintiina ku xadgudbin adeeca) iyadoo macnaheedu yahey in qof kastaa tiigsan karo jagadaas ,xataa qofka dadku u arkaan in uu ahaa mid aan laandheeri iyo ciidanba lagu tuhmeen.

Hoos Akhri

KAAH
Choose kaah for confidence, convenience & competitive, rapid, reliable & responsive

Hadaan u soo noqdo hadalkii Muuse,waxaa halkan isku weydiinayaa miyeey dadka ay isku beesha yihiin la qabaan ? mise waa aragti gaabni ku kooban asaga oo kaliya,taasi waxaa cadeyn doona jawaabta indheergaradka iyo dadweynaha ay isku haybta yihiin ka bixiyaan , waxaan qabaa in ay badankood hadalkaas iska fogeeyn doonaan ,una sheegi doonaan dadka intiisa kale in cid kursigaan u leh dhaxal gaar ah aysan jirin ,laguna heli karo doorashada Rabi iyo raali ahaanta dadka oo loo soo bandhigo wax lagu qanciyo in lagu helo codkooda.

Waxaan ka xumahey in aan iraahdo ,waxaan ku raacsanahey Muuse ,in uusan Cabdullahi yuusuf u qalmin jagadaas si ka duwan sida uu sababta ka dhigey muuse oo ah cilad qabiilka uu ka dhashey? waxaan anigu ku diidayaa dhibka iyo diin naceybka uu muujiyo dhaqanna u ah ,waana siduu ka qirtay shirka Eldoret oo uu yiri anigaa bilaabey fidnada Soomaliya iyo gargaarsiga cadowga soo jireenka ah ee ummada Soomaaliya oo ah sida la wada ogyahey Amxaaro ama tigreey oo maanta maamusha itoobiya, dhaqankaas xun oo dad badani oo maangaab ahi ku daydey oo noqdey caado xun oo hari la,.

Waxaa nasiib xumo ah in ninkaas lagu tilmaamo hogaamiye , ayna jiraan dad leh aqoonyahan baan nahey la qabaan fikradaas qaloocan oo ah mid sii kala ganeysa dadkii awalba nin naceyb, qarankii iyo hantidiisa u burburiyey kadibna ku andacoonaya ,waxaan nahey mujaahidiin oo waad aragtaan sidaas ummadii soomaaliyeed uga dhigney la haystayaal caalamka dhinacyadiisa ku firirsan oo gudihiina lagu bililiqeystay ,dibedaha aan waji fiican u oolin oo dhibaatooyin aan la soo koobi karin oo diin xumo iyo dhaqan xumo leh haysato ayaga iyo dhalaankoodiiba, marka abaalmirintu uu mutaystay ninka waxaas gaystay,waayabe ma maxkamad in la soo tagaa? mise waa in xilka qaranka lagu sharfo ,taas jawaabteeda waxaa laga sugayaa inta ka fiyoow caadifada qabiil ee ka tirsan bahweynta Soomaliyeed ee ku kala nool gudaha iyo dibedahaba.

Ugu dambeyn , waxaan filayaa in muuse dadka raali galiyo ama inta waxgarad ah ee ka tirsan beeshaas uu afka ku dhuftey ,soo jeediso raaligalintaas, aragtideena guudna ay noqoto in qofka lagu doorto aqoonta uu u leeyahay xaqa ilaahey ku leeyahay iyo xaqa adaamigu uu doonayo in uu u taliyo ku leeyahiin.

Waxaan ilaahey uga baryayaa in uu dhibka ka saaro ummada muslimka ah guud ahaan iyo gaar ahaana shacabka Somaaliyed ee dacdaradu ay gacmahooda ku keensadeen hayso, mas,uuliyada qaranka noogu soo xulo dad uu raali ka yahey,ummadana u naxariista, wada noolashihii iyo midnimadii soo cesha.

Walilahi bi towfiiq.

Abdulkadir sh. maxamed abdulkadir33@hotmail.com

DOODFURAN: Aragtidaada Toos ugu dhiibo halkan... GUJI 

Dec 21, 2002

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan, kana tarjumi maayo araagtida SomaliTalk

<><><>

I  I  D  H  E  H

Rabshaddo Hareeyey Tartanka Quruxdda Gabdhaha Soomaalida Gothenburg, Swden
 Shan qof ayaa xabsiga loo taxaabay, hal qofna cisbitaalka kaddib markii iska hor imaad ka dhacay  goob ay ka socotey xaflad loogu magac daray "Miss Somalia" ....GUJI    

Warqad Furan Oo Ku Socota Dhammaan Beesha Hawiye
Warqadan oo lasoo gaarsiiyey SomaliTalk Muqdisho ayaa si toos ah ula hadleysa dhammaan beelaha.... GUJI  14/12

Dhawaaq caalami ah iyo Ururka Darwiish Party 
Waxaan mar kale ku celinaynaa Maamulka W/galbeed ee Riyaale Hogaanka ka yahay in aanay ku talo xumoobin degaanka.. GUJI 14/12

Baaq ay soo saartey Jaaliyada Absame ee Sweden
Baaqaan oo SomaliTalk uu soo gaarsiiyey Suldaan Mohamed Suldaan Siraaji  ayaa waxa uu kusaabsanyahay Laascaanood GUJI... 14/12

 ... ELDORET: Taxanaha Wararka  

... Soomaaliya iyo dhacdooyinkii  2001/2000 


WARARKA  SEPTEMBER - GUJI
»
AGOOSTO | JULY | JUNE | MAY | APRIL | MARCH | FEBRAAYO | Janaury 2002 | Wararkii 1999-2001 

com

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
..
..
Eldoret waa caynkee
ELdoret- Bishan
Eldoret-Nov 2002
Eldoret-Oct 2002
SUUQ WEYNAHA ALKARAMA
Waa suuq Soomaaliyeed oo ku yaal xaafada Cedar ee Magaalada Minneapolis, GUJI...

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD