SomaliTalk ads
Home | Zakaat | Siiro | Saxaabada | Salaat | Search | Allah Is Great |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m 
SOMALITALK - MINNESOTA
Boqortoyada indha-la'aanta ninki hal il leh aya boqor ah. Somaliland VS Puntland

C/raxman Ceynte | St.Paul, MN | Dec 18

Iyadoo lagu jiro waqti eey Somaliland isku diyaarinayso doorashooyin si xor ah u dhaca oo isugu jira kuwa degmooyinka hoose & kuwa madaxtooyada ayaa haddana dhanka kale waxaa is-afgaranwaa siyaasadeed oo mid millatari u xuubsiibtay ka dilaacay magaalada laasacaanood oo ah magaalo eey wada sheeganayaan labada maamul ee Somaliland & Puntland-ba.

Intaanan bal u galin taariiqda magaalda, Bal aan wax yar bal ka taabto siyaasad ahaan jiritaanka labadan maamul.

Hoos Akhri

Soomaali haddaan nahay waxaan caan ku nahay inaan kadaba digrinno kaligii taliyayaal xoog ku heysta dhulalka eey u dhasheen iyo kuwa eeysan-ba u dhalan, Maamulka Somaliland ka jira- siduu doono ha sheegtee- waa midka kaliya ee si xor ah loo soo doortay ee imminka ka jira dhamaan soomaaliya, isbeddelkii madaxtinimo ee sida nabadda leh ku dhacay markii Mr Cigaal geeriyooday horaantii sanadkan ayaa ah mid eey amaaneen hey'ado caalami ah oo Q/M eey ugu horeeyso, xitaa waddamada african kale ah ayeey filan waa ku noqotay, madaxweyne dhalasho ahaan ka soo jeeda beel laga tiro badan yahay ayaa imminka si dimoqoraadi ah talada Somaliland u hayya, wuxuuna diyaar u yahay inuu tartan siyaasadeed la galo ururo kale oo siyaasadeed oo iyana intooda badan watta musharixiin ka soo jeeda beelo awood dhudhun qodan leh, maamulka soomaliland waa midka kaliya ee maanta ku guuleystay inuu xasilooni iyo dowladnimo ka adag gobolka uu ka seedcaleeyo ku soo rogay, isla markaana dadka soomaliland dibad iyo guda-ba meesha eey joogaanba intooda badan weey la dhacsan yihiin maamulka ka jira aagooda, markii aan Cuqaasha reer soomaliland oo imminka soomaaliya ka soo laabtay kula sheekeystay todobaadkan Minneapolis-na wexeey ii sheegeen ineey diyaar u yihiin ineey waddankooga hooyo ee soomaaliya mar uun ku soo laabtaan, (dib ugu biiraan) laakiin bishardi waa in la helaa cid & dhul loo soo laaban karo leyskuna aamini karo, oo eeysan sheekadu noqon tii dhacday dowladii Millatariga aheyd ee M S Barre oo kale.

Mr Cigaal naftirkiisa ayaa intii uu noolaa taas si dadban dhowr goor uga dhawaajiyey, maskaxda fayoobina wexeey kuu sheegeysaa in sheegashada soomaali-land ee eey dowladda sheeganeysaayi eey tahay mid madaxa Carada eey uga ilaashanayaan inta dowlad loo dhan yahay oo dadka Somaliland u hoyata isla markaana u ballan qaada inaan markale caasimadda soomaaliya looga soo duuli doonin eey ka aslaaxeyso.

hadii aan u soo laabto Puntland oo ah meel uu imminka ka seedcaleeyo askari xoog kaga baxsaday askari kale oo si dimoqoraadi ah dadkiisu usoo doorteen ayaa u muuqata mid reer Puntland eeysan ka dhiidhin, wexeeyna aniga shaqsiyan ila tahay inta eey ka jirto soomaaliya oo dhan ku fiirsasho noocan ah inuu dhibka & qaxarku sii huri doono, waa in gobolkastaayi uu ogaadaa in qofka eey si dimoqoraadi ah u soo doortaan uu yahay midka kaliya ee si nabad galyo ah wax ku hoggaamin kara, taas iyadoo eey jirto ayeey Puntland imminka qarka u saaran tahay dagaal eey la galaan walaalahood Somaliland, oo ah " ninka kaliya ee halka il ka dhex leh, boqortooyada wada indha la'aanta ah " ee soomaaliya.

Nasiib xumo labada dhanba ragii aan islahaa iyagaa ugu roon ayaan ku arkay iyagoo Website-yada soomaalida isugu dhaardhaaranayo, mararka qaarna xitaa tayada/tirada ciidamada & cududooda webpage lagu soo bandhigayo, waa yaabe maxaa loola jeedaa taas ?

wexeey ila tahay in arrinka Laasacaanood wada hadal lagu dhameeyo, laakiin reer laasacaanood eey ogaadaan in labada duul ee isku heysataayi eey kala yihiin mid si xor ah dadkiisu usoo doorteen & mid Qarda jeex ah oo muquunin diyaar u ah, marka iyageey jirtaa cidii eey qaadan lahaayeen, waxaase ila fiicnaan laheyd hadii eey u wici lahaayeen khubaro U.N ka socota oo Afti ka qaada reer laasacaanood, bal hala arkee cida eey doortaan.

hadii aan Taariiqda laasacaanood intii aan maalmahan ka aqrinayey soo bandhigo wexeey sheegeysaa in laasacaanood uu gumeystihii ingiriisku ku daray wixii uu u bixiyey British Somaliland, waa hadii intaas eey dad kala dhicineysee.

ugu danbeyntii tusaalahaas ruuxiisa ayaa ka jira magaalada Muqdisho, dadka joogaayi inteey C/qasim oo la soo doortay iska xooreen ayeey isu dhiibeen hogaamiye kooxeedyo habaawsan, arrinkan oo markii danbena C/qasim-kii sida xorta ah loo soo doortay ku khasabtay inuu isna hogaamiye kooxeed kale u xuubsiibto, Alla soomaalidu in la khasbo jecelaa..? war hadii eey sidaas tahay aniga waxaan dhihi lahaa aan Mareykan markale isaga wacano, inta aan ka heleyno dad maamulka & maareynta wax ka yaqaan.

C/raxman Ceynte

St.Paul, MN

Ceyntejourmalist@attbi.com

Dec 18, 2002

AFEEF: Aragtida qoraalka waxaa leh qoraaga ku saxiixan

<><><>

I  I  D  H  E  H

Rabshaddo Hareeyey Tartanka Quruxdda Gabdhaha Soomaalida Gothenburg, Swden
 Shan qof ayaa xabsiga loo taxaabay, hal qofna cisbitaalka kaddib markii iska hor imaad ka dhacay  goob ay ka socotey xaflad loogu magac daray "Miss Somalia" ....GUJI    

Warqad Furan Oo Ku Socota Dhammaan Beesha Hawiye
Warqadan oo lasoo gaarsiiyey SomaliTalk Muqdisho ayaa si toos ah ula hadleysa dhammaan beelaha.... GUJI  14/12

Dhawaaq caalami ah iyo Ururka Darwiish Party 
Waxaan mar kale ku celinaynaa Maamulka W/galbeed ee Riyaale Hogaanka ka yahay in aanay ku talo xumoobin degaanka.. GUJI 14/12

Baaq ay soo saartey Jaaliyada Absame ee Sweden
Baaqaan oo SomaliTalk uu soo gaarsiiyey Suldaan Mohamed Suldaan Siraaji  ayaa waxa uu kusaabsanyahay Laascaanood GUJI... 14/12

 ... ELDORET: Taxanaha Wararka  

... Soomaaliya iyo dhacdooyinkii  2001/2000 


WARARKA  SEPTEMBER - GUJI
»
AGOOSTO | JULY | JUNE | MAY | APRIL | MARCH | FEBRAAYO | Janaury 2002 | Wararkii 1999-2001 

com

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
..
..
Eldoret waa caynkee
ELdoret- Bishan
Eldoret-Nov 2002
Eldoret-Oct 2002
SUUQ WEYNAHA ALKARAMA
Waa suuq Soomaaliyeed oo ku yaal xaafada Cedar ee Magaalada Minneapolis, GUJI...

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD