SomaliTalk ads
Home | Zakaat | Siiro | Saxaabada | Salaat | Search | Allah Is Great |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m 
SOMALITALK - MAQAAL

EEDEYMAHA XAQIIQADA KA FOG EE KU SAABSAN ARGAGAXISANIMADA SOMALIYA WAA MID AY HOR BOODAYAAN SIYAASIYIINTA SOMAALIYEED QAARKOOD 

WQ. Anab Mohamoud Abdulle

Maxay tahay sababta Maxay tahay sababta siyaasiyiinta somalida qaarkood ugu tilmaamayaan dadkooda iyo dalkooda argagaxiso iyadoo somalidu ah dad muslin ah,diinta islmaamkuna tahay mid ku dhisan nabad,naxariis iyo xukun cadaalad ah.

waa su,aal uu i weydiiyay aqoonyahan kenyan muslin ah.

uma haynin jawaab waayo anigaaba horay isku weydiinayay una la,aa jawaabta ku haboon.balse waxaan ku iri siyaasiyiinta somalida qaarkood waxaa ka dhexeeya loolan siyaasadeed sidaas awgeedna cidii ay u arkaan inuu kasoo horjeedo danahooda siyaasadeed waxay u adeegsadaan wax walba oo ay uga hortagi karaan af iyo adinba waxa uu wato iyagoon u fiirinin qofkas muhimada uu u leeyahay mujtamaca somaliyeed qofkaas,waxayna ku dadaalaan sidii ay caalamka qalad uga fahmsiin lahaayeen qofkaas si uusan marna u helin taageero caalami oo iyaga loo taageero.

ee kama ahan islaam iyo somali nacayb waa sida ay aniga ila tahay.

Hoos Akhri

 

balse waxaa ka xoog badiyay hanka siyaasadeed oo ka dhigay kuwo aan si miyir leh uga fakarin wax walba oo soo wajaha oo siyadada la xiriira.

marka laga hadlayo arimaha somaliya ee ku wajahan argagaxisanimada aan raadka lahayn ee been abuurashada ah waxaad moodaa in si isku mid ah loogu sharxay siyaasiyiinta qaar iyo dowlada Ethopia sida loo weeraro shacabka soomaaliyeed maatida ah iyo shaqsiyaadka muuqda ee nabda iyo cadaalada ka shaqeeya.

dowlada Ethopia oo dowladaha awooda sheegta ay u xilsaareen in ay sii burburiso inta ka hartay somali weyntii shanya qeybood ahan jirtay bari oo maanta ay ka hareen laba qeybood oo laf ahantoodu aan mideysneyn.waxaana in badan oo shacabka somaliyeed ahi is weydiinayan halka ay jiraan dadkii damiirka iyo wadaninimadaba lahaa.

dabayaaqadii sanadkii 2001 ayay ahayd markay warbaahinta caalamku weerarka saxaafadeed ku soo qaaday magaalada muqdisho bal si ay wax uga hubiyaan argagixisda lagu sheegay somaliya iyo halka ay joogaanba waxana dhacday in hogaamiye kooxeed laga wareystay argagixiso in ay dalka joogto iyo inta uu ka ogyahay isagu waxy igu noqotay yaab markuu si cad ugu eedeeyay shacabka soomaaliyeed in yihiin argagixiso shaqsiyaad caan ka ah dalkan uu ku tilmaamay in ay xiriir la leyhiin al qaacida sidoo kalena argagixisadu hoy ku leedahay meelo ka mid ah somaliya balse nasiib daro wax lagu arkay ma jirin meelihii ay iyo shaqsiyadkii ay ku tilmameen argagixiso in ay xirir la leyihiin.

qaraxii mombasa ayay durba qaar ka mid ah siyasiyiinta somalidu ku eedeeyeen somalida in tahay argagixiso dalalka dariskana qatar galin karta taasoo ay baryihii lasoo dhaafay warbaahinta reer galbeedku ku eedaysay somalida waxaana loo qabtay sadex somali ah oo maanta nasiib wanaag la sii daayay kadib markii dambi lagu waayay.

reer galbeedka oo si weyn uga baqaya geeska afrika kuna tilmaama wax aysan ahayn ayaa si aad ah uga hadal haya argagixisadu in ay hoy ku lahaan karto soomaaliya maadama aanay jirin dowlad dhexe oo dalka oo dhan maamusha taasi waa dhab in aysan dalka dowlad badbaadin kartaahi ka jirin balse su,ashu waxay tahay dal iyo dad iyaguba u baahan gargaar maxay tahay awooda ay u lahaan karaan in ay dhibaato gaystaan miyayna badbaadin karan dad shisheeye iyadoo uu xun yahay amaanku.

qaraxii mombasa kadibna waxaa la keenay xeebta jabuuti markab kuwa dagaalka ah oo uu leeyahay mareykanku laguna magacaabo USS-MOUNT WITHNEY,oo ay saaran yihin cidamo dagaal iyagoo sheegay in ay illaalinaya xeebaha somaliya si aysan ugu soo gudbin argagixisadu.

balse waxyaabahan oo dhami waa kuwo ay hor boodayan siyaasiyiinta qaarkood oo aan la ogayn dhan ay ku fiican yihiin dhan walba waxad moodaa in ay ka

Anab Mohamoud Abdulle

canabmumtaz@hotmail.com 

 KAYDKA QORAALADII HORE EE CANAB

Dec 18, 2002

AFEEF: Aragtida qoraalka waxaa leh qoraaga ku saxiixan

<><><>

I  I  D  H  E  H

Rabshaddo Hareeyey Tartanka Quruxdda Gabdhaha Soomaalida Gothenburg, Swden
 Shan qof ayaa xabsiga loo taxaabay, hal qofna cisbitaalka kaddib markii iska hor imaad ka dhacay  goob ay ka socotey xaflad loogu magac daray "Miss Somalia" ....GUJI    

Warqad Furan Oo Ku Socota Dhammaan Beesha Hawiye
Warqadan oo lasoo gaarsiiyey SomaliTalk Muqdisho ayaa si toos ah ula hadleysa dhammaan beelaha.... GUJI  14/12

Dhawaaq caalami ah iyo Ururka Darwiish Party 
Waxaan mar kale ku celinaynaa Maamulka W/galbeed ee Riyaale Hogaanka ka yahay in aanay ku talo xumoobin degaanka.. GUJI 14/12

Baaq ay soo saartey Jaaliyada Absame ee Sweden
Baaqaan oo SomaliTalk uu soo gaarsiiyey Suldaan Mohamed Suldaan Siraaji  ayaa waxa uu kusaabsanyahay Laascaanood GUJI... 14/12

 ... ELDORET: Taxanaha Wararka  

... Soomaaliya iyo dhacdooyinkii  2001/2000 


WARARKA  SEPTEMBER - GUJI
»
AGOOSTO | JULY | JUNE | MAY | APRIL | MARCH | FEBRAAYO | Janaury 2002 | Wararkii 1999-2001 

com

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
..
..
Eldoret waa caynkee
ELdoret- Bishan
Eldoret-Nov 2002
Eldoret-Oct 2002
SUUQ WEYNAHA ALKARAMA
Waa suuq Soomaaliyeed oo ku yaal xaafada Cedar ee Magaalada Minneapolis, GUJI...

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD