SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - GABAY
 ”nin walbow digtoonow” 

 Faisal Mussa abuxamsa@hotmail.com 

I  I  D  H  E  H

Gabaygan layiraahdo ”nin walbow digtoonow” waxaan u tiriyey nin isku magcaabay shiikh Maxamad oo boga internetka Soomaalida  ku faafiyey qoraalo uu ku beeninayo axaadiista. Marka waxaan dadka uga digayaa inay iska ilaaliyaan debinka ninkaasi dhigayo isgana waxaan kula talinayaa inuu xaqa u hogaansamo. Waa kan gabygii 



Deelkiisa gabay waayadaan waanigaan deyine 

Hadaan oday dagaal noola iman maba danayeene 

Balaan didiyo maantoo kaloo diirad leeyahaye 



Odagii doolaalayoo waxbadan dunida soo meeray 

Oo wuxu damleeyaba u dhacay diinta inu maago

Dawbuu u leeyahay khalqigu inay ladoodaane 



Dariiqii rasuulkiyo hadaad diidey hadalkiisa 

Oo aadan dooneyn waxyiga eebe nagu daahay 

Dacwadaadu maxamadow iima sii duxine



Hayeeshee dad badan baa jiroo diinta garnayne

Oon sahal u daalacana karin waxa ad dooneyso

kuwaasaan digniin siinayaa yaadan dabargoyne



Dadow maqal dabuubtana lasoco ama dan hawyeelan

Dulucdiyo iyo ujeedada ninkani ma’aha diindoone 

Deelqaaf iyo wuxuu damacsan yahay xaqa inuu duugo



Ninkii diin leh lama dagi karoo kaa damiir adage

Dajaalanna horaa loo arkoo waan digtoonahaye

Doqontiyo waxuu doonayaa ducuful iimaanka



War intuu aayadaha daalacduu qayb dafirayaaye 

Hadii aanad doonayn inaad dawga ka habowdo 

Ruuxwalbow digtoonow Richard daahsan baa yimiye 



Hadii oday duqooboo ciradu duudka wada saaqday

Uu qaar dafiro aayadaha xaqana dii daayo 

Durdurada xageebey ku tegi ubadkan duulaaya ? 



Markii aan daraasadaa cilmiga fiirshey dacalkooda 

Oon aan duruus badan kadeyey camalka dawgaaga 

Nin ibliis dureewal uyahoo duufsadaad tahaye 



Kol hadaad da’daas gaartayoo deelna garnaynin

Oo xaqiina soo daahiroo diirka ka cadaaday 

Darooriga waxa kaaga roon diinta inad raacdo



Dariiqaad ku joogtaan adeer kaaga digayaaye 

Cisyaankaad daldalaysaan walee lagu deynenye 

Jaxiimada intaan lagugu dubin dib uga soo joogso



Naar buu durduurtaa ninkii diinta caasiya’e 

War si aan ilaah kuu dirin dalowga naaraaba 

Aan kula dardaarmee hadeer daacada u jeenso



(daayinow alahayow soomaali daba qabo)


 Faisal Mussa abuxamsa@hotmail.com 

Oct 12, 2002

Bogga Gabayadii Hore.... 


WARARKA  SEPTEMBER - GUJI
»
AGOOSTO | JULY | JUNE | MAY | APRIL | MARCH | FEBRAAYO | Janaury 2002 | Wararkii 1999-2001 

com

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
DIGNIIN:
»» Virs cusub... BUGBEAR
»» Virus cusub .... OPASOFT
»» Viruska Halista ah ee Goldfish. 
»» Taxadarka Emailada Nayjeeriya
»» Xusuusin  carruurta iyo Internetka
 Dhammaan ka akhri halkan 
OGEYSIIS - OTTAWA

KALFADHIGA ISLAAMIGA EE 5AAD

QURBAHA IYO SOOMAALIDA 10 SANO KA DIB

Sat October 12, 2002
11:00 AM –8:00 Pm
202 Mont petit
125 University St 
(Ottawa University)

Faahfaahinta - GUJI...  



Lewiston-USA. Duqa magaalada ayaa ku yiri soomaalida ha yareeyaan soo quluqulkooda; waa la idin dhibsaday. 

Muslimiinta Kenya oo loogu baaqay in ay Midoobaan

  Muslimiinta Ethiopia oo Caawimo Geysanaya  


  
EU & Kenya oo Saxiixday Heshiis maalgelinya shirka Soomaalida
  Ogadeenya oo Lagu Xirxiray Shacab

I I D H E H 

Eldoret waa Magaalo sidee ah
Magaalada eldoret oo ah magaalada lagu qabandoono shirka nabada Soomaalida waa magaalo aad u wayn oo . IQRA..  26/8


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD [an error occurred while processing this directive]