SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - MUQDISHO
ORAAHDII AHEYD “KAMA QEYB GALEENO SHIRKA” EE KA SOO YEERTAY HOGAAMIYE KOOXEEDAYADDA MAGAALADDA MUQDISHO AYAA WALLAAC IYO WALBAHAAR KU ABUURTAY REER MUQDISHO

 

I  I  D  H  E  H

Reer muqdisho ayaa walaac xoogan waxa ay ka muujiyeen shirka dib u heshiisiinta ee lagu wado inuu ka furmo magaalaqda eldored ee dalkaasi kenya, arintan ayaa lala xiriiriyay kadib markii maalintii shalay ahayd sideed urur siyaasadeed ay ku dhawaaqeen in ayan sinnaba uga qayb gelidoonin shirka dib uheshiisiinta ee magaalada eldored. shirkaasi oo dad badani u arkeyeen inuu yahay kii lagu xalin lahaa khilaafaadka taagan.

Shirka oo qabsoomidiisu ay ka harsantahay oo kaliya wax aan dhameen hal todobaad, ayaa waxaa loo arkaa diidmadda Hogaamiye Kooxeedayad ina ay noqoto Fashil shirka ku yimaado. Inkastoo hadal haynta shirka maalmahan dadweynaha reer muqdisho ay si aad ah uhadal hayeen iyadoo maalmo ka hor na ay si aad ah ugu taamayeen inuu shiku noqon doono mid najaxa misane waxaa dadweynuhu saameen ku reebtay hadalladii ka soo yeeray 8 Urur ee ay Saxaafadda u soo gudbiyeen hogaamiyayaasha kala ah Maxamed Qanyare Afrax, Cismaan Xasan Cali (Caato) iyo waliba Mowliid Macaani Maxamuud, Cumar Finish. kuwaasoo ku dhaliilay Dowladda Kenya sadax iyo toban qodob. hadii sadaxdaa iyo tobankaa qodob la saxana ay ka qaybgalayaan . [ Warkii shalay ee sideeda uruur]

Dareenka dadweynaha ayaa ah mid aad ukacsan iyagoo hogaamiye kooxeedyada eeda dusha uga tuuray in ay ka soo horjeedaan nabad ka aslaaxda guud ahaanba gayiga soomaaliya waa sida ay hadalka u qeexeene.

Wararka duulduulka ah ee kasoo baxayay shirkaasi maalmihii lasoo dhaafay ayaa ahaa kuwo rajo sidaa ah aysan u haynin shacabka danyarta ah intiisa kale,

dhinaca kale wax casuumad rasmi oo lasoo gaarsiiyay hogaamiyayaasha kooxaha ayaan ilaa iyo imika jirin marka laga reebo dowladda KMG ah oo iyadu lasheegay in ay soo gaartay xubno la sheegay inay uga qaybgalayaan shirkaasi oo gaaraya 65 xubnood taasoo shalay ay albaabadu u xirteen qaybsashadooda . Warar lagu kalsoonaan karo waxa ay sheegayaan in dowladda KMG ah laftigeeda ka helin qabanqaabayayaasha shirka ogalaansho ama casuumad ah iney uga qeyb galaan shirkas Magaca Dowladda KMG ah iyo in kale.

Si kastaba ha,ahaatee dadweynaha reer muqdisho waxa ay aad ugu rajo weynaayeen in shirka eldored uu noqon doono mid lagu qalo hashii maandeeq hilibkeedana loogu qaybindoono shaqsi walbo oo soomaali ah, Ruuxii Nasiib u helaan ay hiil iyo hooba la garab Istaagan, ka hor inta uu madmadoowgu uu soo dhex gelin qabsoomidda shirka. 

WARAR GOOS GOOS AH OO KU SAABSAN SOOMAALIYA

CADAADO OO MAANTAY LAGA FURAY AIRPORT DIYAARADEED

11: 30 Duhurnimo ee maantay ayaa waxaa garoonka Cadaado ka degtay Dayaaradii ugu horeysay ee ku degto garoonkaasi. Waxaana dhisay garoonkaasi ganacsato u dhalatay deegaankaasi, Balaca Jidka ay Dayaaradaha ku soo dagaan ayaa ah, 30 Mitir halka dhererka wadda garoonka tahay 2 Kiilo iyo Bar Mitir. Waxeyna furid garoonkaasi sahleysaa isu socodka Deegaanka Cadaado iyo Dunida inteed kale.

QIIMAHA HILIB GEELA OO SARE U KACAY QEYBO MUQDISHO KA MID AH

 Qiimaha Hilibka Geel ayaa Maantay Waqooyiga Muqdisho ka gaaray 30.000kun shilin So. Halka beryihii hore ka ahaa 18.000 kun ilaa 20.000kun. Gebi ahaan Suuqyadda Maanaboolyo, Suuq bacaad iyo Suuq kaaraan ayaanba laga heleyn wax hilib ah. Ka dib markii Muuse Suudi yalaxow uu ku soo rogay canshuur halkii geel dhan 20.000kun shilin Som. Taasoo gacanasatadda ku Qasha Hilibka Geel Kawaanka Bari ay shaqo joojin sameeyeen, halka berigii hore ay bixin jireen 10.000kun oo canshuur ah.

Suuq Bakaaraha ayaa maantay waqti hore uu ka idlaaday Hilibka iyadoo si aad ah dadka Siinaay degan ay u soo adeeg doonteen Suuq Bakaaraha.

WQ. cabdulaahi mire"

###

Cisbitaalka Kismaayo oo Lafuray sidaas waxaa sheegay Hassan Barise, warkaas oo ay faafisay BBC-AFRIKA: [English]

Oct 9, 2002

Ka Qaybgelimeyo Shirka Eldoret
ilaa la saxo khaladaadka... sidaas waxaa yiri ururo warsaxaafadeed kasoo saaray Muqdosho GUJI... oct 8

Shirkii Bahda Sportiga Somalida ee Norway
shir aad u balaarnaa oo looga hadlayay dhamaan qaybaha uu ka kooban yahay sportiga Somalida ee Norway.GUJI  


WARARKA  SEPTEMBER - GUJI
»
AGOOSTO | JULY | JUNE | MAY | APRIL | MARCH | FEBRAAYO | Janaury 2002 | Wararkii 1999-2001 

com

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
DIGNIIN:
»» Virs cusub... BUGBEAR
»» Virus cusub .... OPASOFT
»» Viruska Halista ah ee Goldfish. 
»» Taxadarka Emailada Nayjeeriya
»» Xusuusin  carruurta iyo Internetka
 Dhammaan ka akhri halkan 
OGEYSIIS - OTTAWA

KALFADHIGA ISLAAMIGA EE 5AAD

QURBAHA IYO SOOMAALIDA 10 SANO KA DIB

Sat October 12, 2002
11:00 AM –8:00 Pm
202 Mont petit
125 University St 
(Ottawa University)

Faahfaahinta - GUJI...  



Lewiston-USA. Duqa magaalada ayaa ku yiri soomaalida ha yareeyaan soo quluqulkooda; waa la idin dhibsaday. 

Muslimiinta Kenya oo loogu baaqay in ay Midoobaan

  Muslimiinta Ethiopia oo Caawimo Geysanaya  


  
EU & Kenya oo Saxiixday Heshiis maalgelinya shirka Soomaalida
  Ogadeenya oo Lagu Xirxiray Shacab

I I D H E H 

Eldoret waa Magaalo sidee ah
Magaalada eldoret oo ah magaalada lagu qabandoono shirka nabada Soomaalida waa magaalo aad u wayn oo . IQRA..  26/8


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD