SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - NORWAY
norwayShirkii Bahda Sportiga Somalida ee Norway

Mahad-Turbashaash  

turbashaash@hotmail.com 

Anigoo ah qoraaga maqaalkan , waxaan aad ugu faraxsanahay in aan ka qayb- galo, shir aad u balaarnaa oo looga hadlayay dhamaan qaybaha uu ka kooban yahay sportiga Somalida ee dalka Norwey.

Sidaad ula socotaanba waxa Norwey ka jira xubnayaal aad u farabadan oo tusa caruurta iyo dhalinyaradaba macnaha ama qiimaha uu leeyahay sportgu.

Waxaana runtii aad u dadaala qaybta kubada cagta,oo (10) tobankii sano ee ugu-danbeeyey waday dadaal iyo dhiirigalin aad u farabadan, guulo badanna ka soo hooyay dalkan gudihiisa iyo dibadiisaba.

I  I  D  H  E  H

Runtii waxa iyagana xusid mudan, gudiga dhalinyarada kubada cagta oo waqtigoodii iyo maalkoodiiba u huray in ay bahda-sportigu horumar ka gaarto- wadankan aan joogno.

Waxa hadaba shirkan iyo xafladaniba ay- ahayd in ay isbahaystaan dhamaan bahda sportiga ee Norwey, meelna ay uga soo wada jeestaan dhiiri galinta dhalinyarada Somaliyeed.

Runtii aqristoow waxaan la yaabay sida la isku dhagaysanayay, hadalka loo kala qaadanayay, iyo sida ay doorashadu u so-cotay, farxad, qosol,isbarasho,dulqaad,kala-danbeeyn,ixtiraamiyo xishood.

Waxa hadaba mahaddaa leh , Bahda Sportiga ee Noorwey.

Waxa laga yaabbaa in ay qaarkiin iswaydiiyaan, maxay ka shirayaan?.Ama waa maxay cayaaro ayaanu ka shiraynna?.norway

Waxaad hadaba ogaataa in qofwalba qofkuu kaga dhow yahay ciyaaraha, in uu ka caqli iyo dulqaadba badnaanayo,.

Noorwey waxa dagan Somaali aad u farabadan oo qaarkood , dulqaadku ku yar-yahay, ixtiraamku ka dhintay,daganaantu ku yartahay,,,. Laakiin dhalinyaradii aan kula kulmay shirkaas, ay-ahaayeen dhaliyaro farxadi ka muuqato.

Anigoo hadaba hadalkaygii soo gaabinaaya,doorashadii shiraasi waxay u dhacday sidan.

(1)Hussein-Tarabi-Gudoomiye.

(2)Abdulqadir-I- Caddaay-Gudoomiye kuxigeen.

(3)Abdi-J-Farah--- dhaqaalaha.norway

(4)Abdirahman.M. Gureey-G-kubada-cagta.

(5)Said.D.Sugal-G-cayaaraha fuddud.

(6)Iiman-Mahamed.G.legdinta iyo jimicsiga.

(7)Mahad-Turbashaash-iskudubaride.

(8)Ismaan.R. Guled-xubin.

(9)Ibrahim.A.Mahamed-xubin.

(10)Mahamed-Deboow-xubin.norway 

Waxa hadaba markuu shikii dhamaaday qadka taleefonka kula soo xiriiray iyaga oo u hambalyenaya dhamaan bahda sportiga ee Canada oo uu xafiiskoodu yahay Toronto, iyo bahda sportiga U.S.A oo uu xafiiskiisu yahay Minisoota.

Waxa iyaguna aad ugu mahad celiyay dhamaan waalidiinta Somaaliyeed ee dagan dalkan Norweey, iyaga oo aad ula socda shaqada ay u hayaan- Cummunaty-Somalida ee dalkan Norwey.

Waxa mahad-leh bahda Sportiga Somaliyeed ee Norweey oo hawl adag ugu jira in hawshan soo foodsaartay ay si wanaagsan uga soo baxaan.

Mahadsanidiin.

 

Qore-by Mahad-Turbashaash.

turbashaash@hotmail.com

Maxaa loo yiri Soomaalidu isma maamuli karto - AKHRI 

Oct 9, 2002

###

Xulalka K/cagta Soomaaliya iyo Kenya oo isku arkaya is reereebka ciyaaraha Olombikada 2004-ta

Xulka K/cagta Kenya ayaa ciyaarta ugu horreysa ee is reebreebka tartanka Olombikada adduunka ee 2004-ta ka dhici doona magaalada Athens ee dalka Giriiga waxa uu la yeelan doonaa, sidaas waxaa shalay qoray bogga isboortiga ee wargayska Daily Nation ee ka soo baxa magaalada Nairobi.

Xulka Kenya oo lagu naanayso "Harambee Stars" waxay Soomaaliya iska hor imaan doonaan bisha November ee sannadkan, waxaana xulka Kenya uu sheegay inuu si fudud uga guuleysan doono xulka Soomaaliya oo ay laba jeer is arki doonaan.
Kaaliyaha maamulka ee Xiriirka K/cagta Kenya, John Kariuki ayaa sheegay inay FIFA ka heleen warqad rasmi ah oo lagu wargelinayo inay la ciyaarayaan Soomaaliya.
Wargelintaas kaddib ayaa Xiriirka K/cagta ee Soomaaliya waxa uu ka codsaday dhiggiisa Kenya in mid ka mid ah labada is arag ay ku wada ciyaaraan Soomaaliya, amba labada kulanba ay ka dhacaan Kenya.

"Maamulayaasha Xiriirka K/cagta Soomaaliya waxay noo soo qoreen qoraal ay nooga codsanayaan in is aragga labaad ee Soomaaliya iyo Kenya uu ka dhaco Muqdisho" ayuu yiri John Kariuki.

"Haddii arrintaasi aysan noqon karin macquul waxay naga codsadeen in labada kulan la is raaciyo oo ay ka dhacaan Kenya" ayuu ku sii daray Kariuki.
Sida uu qoray Daily Nation, wixii ka dambeeyey 1991-kii Soomaaliya waxa ay ahayd meel nabadgelyaduudu cirka ku laalan tahay oo aanu ammaan jirin, illaa markii la riday xukunkii Maxamed Siyaad Barre.

Tartanka Olombikada ee ka dhacaya dalka Giriiga ayay isugu imaan doonaan xulalka kubadda cagta adduunka ee da'doodu ka hooseyso 23 jirka, waxaana loo oggol yahay xul walba inuu u safto saddex ciyaaryahan oo ka baxsan da'daas, waxaana warkan nooga soo diray 

Nairobi weriye Maxamed Xaaji (Ingiriis).

Oct 9, 2002

Ka Qaybgelimeyo Shirka Eldoret
ilaa la saxo khaladaadka... sidaas waxaa yiri ururo warsaxaafadeed kasoo saaray Muqdosho GUJI... oct 8


WARARKA  SEPTEMBER - GUJI
AGOOSTO | JULY | JUNE | MAY | APRIL | MARCH | FEBRAAYO | Janaury 2002 | Wararkii 1999-2001 

com

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
DIGNIIN:
Virs cusub... BUGBEAR
Virus cusub .... OPASOFT
Viruska Halista ah ee Goldfish. 
Taxadarka Emailada Nayjeeriya
Xusuusin  carruurta iyo Internetka
 Dhammaan ka akhri halkan 
OGEYSIIS - OTTAWA

KALFADHIGA ISLAAMIGA EE 5AAD

QURBAHA IYO SOOMAALIDA 10 SANO KA DIB

Sat October 12, 2002
11:00 AM 8:00 Pm
202 Mont petit
125 University St 
(Ottawa University)

Faahfaahinta - GUJI...  



Lewiston-USA. Duqa magaalada ayaa ku yiri soomaalida ha yareeyaan soo quluqulkooda; waa la idin dhibsaday. 

Muslimiinta Kenya oo loogu baaqay in ay Midoobaan

  Muslimiinta Ethiopia oo Caawimo Geysanaya  


  
EU & Kenya oo Saxiixday Heshiis maalgelinya shirka Soomaalida
  Ogadeenya oo Lagu Xirxiray Shacab

I I D H E H 

Eldoret waa Magaalo sidee ah
Magaalada eldoret oo ah magaalada lagu qabandoono shirka nabada Soomaalida waa magaalo aad u wayn oo . IQRA..  26/8


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD [an error occurred while processing this directive]