WAKIILKA ONLF EE K/AFRIKA OO LA KULMAY JAALIYADDA SOMALIYEED EE DEGGAN
EASTERN CAPE
Wakiilka jabhadda xoreynta waddaniga Ogadeniya (ONLF) u jooga waddanka
Koonfur Afrika halgame Daahir maxamed Cali (Baasto) oo ay weheliyaan
guddoomiyaha jaaliyadda Somaliyeed ee K/Afrika Mudane Maxamed Cabdi
Diiriye (Qooqaanni) iyo odayaal ka tirsan jaaliyadda Somaliyeed ee
magaalada Johannesburg ayaa markii ay taariikhdu ahayd 4tii bishan
October ee aynu ku jirro 2002 waxay booqasho ku tageen gobolka Eastern
Cape. Socdaalkaas oo ay ujeedadiisu ahayd in jaaliyadda somaliyeed ee
halkaasi daggan looga warramo halganka gumeysi diidka ah ee ay
walaalohooda somaliyeed ee Ogadeniya kula jiraan cadowga Itoobiya.
Wafdigu markii uu gaadhay magaalada Port Elizabeth oo ah magaalo
madaxda gobolka, isla markaasna ay jaaliyadda gobolku u badantahay si
aad u wanaagsan ayaa loogusoo dhoweeyey, waxaana halkaasi ka dhacay
shir ay kasoo qayb galeen inta badan Somalidii magaaladaas iyo
hareereheeda dagganaa. Halkaas waxaa hadal furitaan ah kasoo jeediyey
guddoomiyaha jaaliyadda Somaliyeed ee K/Afrika Maxamed Cabdi Diiriye
(Qooqaanni) oo si aad ah jaaliyadda ugaga mahad celiyey sida wanaagsan
ee ay usoo dhoweeyeen, kaddibna wuxuu ka warramay ujeeddada kulankan
qiimaha leh, ugu danbeyntiina wuxuu somalida guud ahaan ku guubaabiyey
isku duubnaan iyo wax wada qabsi, isagoo intaas raaciyey oo uu
guddoomiyuhu jaaliyadda usoo jeediyey in ay meel ugasoo wada
jeedsadaan jiritaanka sharaftooda, ayna taageeraan walaalohooda reer
Ogadeniya ee dagaalka xaqa ah kula jira gumeysiga naxariis laawaha ah
ee dalkooda iyo dadkoodaba haysta.
|
I I D H
E H
|
|
Intaas kaddib, waxa isna shirka hadal kasoo jeediyey madaxa jaaliyadda
Somaliyed ee gobolka Eastern Cape Sheekh Axmed Maxamed oo soo dhoweyn
kaddib wafdiga uga war bixiyey guud ahaan xaaladda jaaliyadda
Somaliyeed ee gobolkan, Sh.Axmed wuxuu intaas raaciyey oo uu
jaaliyadda ku guubaabiyey in ay baraarugaan oo gartaan waajibaadka
saaran ee looga baahanyahay in ay gutaan, wuxuu sheekhu ugu danbeyn ka
codsaday dadkii kasoo qayb galay shirka in ay taageeraan halganka xaqa
ah ee ay ku jirto jabhadda Xoreynta waddaniga Ogadeniya, lagana wada
hadlo oo kaliya waxa loo qaban karo.
Waxaa isna kulanka hadal dheer kasoo jeediyey Xasan Shafad oo ka mida
ah jaaliyadda Somaliyeed ee daggan waddanka Zambia, wuxuuna yidhi;
waxaa waajib diini ah ku ah qof kasta oo Somali ah in uu taageero u
fidiyo inta uu awoodo walaalohooda reer Ogadeniya si ay ugu
guuleystaan dadaalka ay ugu jiraan xornimadooda. Isagoo xasan ka
hadlayey sida uu xaqa u yahay halganka ay ONLF kula jirto gumeysiga
xabashida ayaa wuxuu tusaale usoo qaatay oo uu yidhi (wax ilaahey uu
laba ruux usoo diray waxaa jira xornimo, taas oo ahayd ayuu yidhi Nabi
Muuse iyo walaalkii Haaruun kaddib markii loosoo diray in ay reer bani
Israa’iil ka xoreeyaan Fircoon)haddaba sow ma habboona ayuu yidhi
xasan in la taageero ONLF mar haddii ay maanta ONLF dadaal ugu jirto
in ay ka xoreeyaan dad walaaleheen ah cadow aan u naxariisaneynin oo
ka hor taagan cibaadadii ilaahey, isla markaasna ku khasbay in ay wada
noolaan waayaan waalid iyo carruurtii uu dhalay.
Intaas kaddib, waxaa shirka warbixin dheer ka jeediyey wakiilka
Jabahadda Xoreynta Waddaniga Ogadeniya (ONLF) ee K/Afrika Daahir
Maxamed Cali (Baasto), wuxuu Daahir ugu horreyntii uga mahad celiyey
dadka shirka kasoo qayb galay dareenka wanaagsan ee ay muujinayaan iyo
taageerada ay la garab taaganyihiin halganka Ogadeniya ee ay
hogaamineyso ONLF. Daahir-baasto wuxuu shirka uga warramay waxyaalhii
ugu danbeeyey ee murugada lahaa ee ka dhacay Ogadeniya sida: Dilka,
dhaca, ganaaxa xad-dhaafka ah, gabagabeynta xoolaha, jidh-dilka aan
da’na ku koobneyn iyo kufsiga dumarka, dhaqankaas oo dhammaan ah wixii
lagu aqoon jirey dowlad naxariis daran, isla markaasna burbureysa.
Wuxuu kaloo D/Baasto sidoo kale ka warbixyey guulaha ilaa hadda uu
halganku gaadhay, intaana wuxuu ku daray in ay jabhaddu waddo nidaamyo
badan oo saldhig u ah aragti fog oo guul dhalin karta, wuxuuna ugu
danbeyn ka qayb galayaasha shirka ka codsaday laba arrimood oo muhiim
ah:
1.Midnimo; oo uu yidhi waxay dhabar jab ku tahay cadowga, waxayna laf
dhabar u tahay guusha. Haddii aan laysu geynin cududda, maalka iyo
caqliga way adagtahay ayuu yidhi daahir inay soo degdegto libinta la
doonayo in la helo.
2-Dareenka; wuxuu noo leylyayaa ruuxda oo uu ku xambaarayo in ay nacfi
yeelato, kana gudubto waxyaalo badan oo aan midho dhal lahayn.
Daahir Maxamed Cali (Baasto) wuxuu hadalkiisii kusoo gabagabeeyey
haddii aan mabaadiideenna ku dhagganaanno, dulqaadna u yeelanno
culeysyada naga hor imaanaya waxaa hubaal ah in aan cid kasta oo dulmi
wadda ka guuleysaneyno.
Ka qayb galayaashii shirku waxay dhammaan muujiyeen dareenkooda ku
aaddan in ay si buuxda hiil iyo hooba ula garab taaganyihiin
walaalohooda xaq u dirirka ah ee reer Ogaadenya, waxayna wafdiga ku
ammaaneen barnaamijka ay ula yimaaddeen oo ay ku tilmaameen in uu
yahay barnaamij loo keeno kii ugu habboonaa uguna mudnaa, waxayna ka
qayb galayaashu ka codsadeen daahir-baasto in uu lasoo socodsiiyo
maalinba meesha uu halganku marayo.
Gabagabadii waxaa shirka lagasoo jeediyey su’aalo la xidhiidhey
dhinaca sharciga waddankan K/Afrika ay jaaliyaddu ku joogto, waxaana
ka jawaabay guddoomiyaha jaaliyadda iyo odayaashii kale ee wafdiga ka
mid ahaa. Shirkaas oo socday muddo saddex saacadood ah wuxuu ku
dhammaaday jawi aad u habboon oo is af garasho iyo is fahan ah.
Kala xiriir: Caqiil qamuuda@webmail.co.za
Daabacaad: Oct 12, 2002
SHIR LAGU TAAGEERAYO ONLF OO KA DHACAY KOONFUR AFRIKA Oct 9
XAFLAD LAGU XUSAYEY 18 GUURADII AASAASKII ONLF OO KA DHACDAY JOHANNESBUR.K/AFRIKA Oct 22
DAD SOMALIYED OO LAGU LAAYEY DALKA SOUTH AFRICA