| Barnaamij dood ah oo uu
 qaban qaabiyey Sagal Radio: ayaa waxaa ka qeyb galay dhageystayaal
 soomaaliyeed oo isugu jira rag iyo dumar waxaa laga doodayey Shirka
 Dib u Heshiisiinta Soomaalida ee Eldoret ee wadanka Kenya dhawaan ka dhacaya.
 waxaa soo jeedinaya weriye Abdulahi Nur Kolombo.oo ka tirsan bahda Sagal Radio.
 Riix Halkan 
 AFHAYEENKA SH. AADAN MADOOBE IYO XAABSADE OO BEENIYEY WARARKA SHEEGAYA IN 
GABAR 8 JIR AH LAGU KUFSADAY MAGAALADA BAYDHABO
  
Baydhabo 
Afhayeenka ku xigeenada RRA-da Sh. Aadan Madoobe iyo Max'ed Ibraahim 
Xaabsade oo haatan gacanta ku haya maamulka magaaladaas ayaa beeniyey, isla 
markaana wax aan sal iyo raad lahayn ku tilmaamay warar sheegaya in 
maalintii shalay ahayd gabar 8 jir lagu kufsaday magaaladaas.      
  
    | 
  I  I  D  H 
  E  H |  |   |  
Gabadhan 8 jirka ah ayaa la sheegay in ay fara xumeeyeen maleeshiyooyinka 
dhowaantan gacanta ku dhigay magaalada Baydhabo, iyadoo aabaha gabadhan oo 
lagu magacaabo Sh. Max'ed Xasan Diinlow uu shaaciyey in gabadhiisa la 
kufsaday. 
Afhayeenkan oo xalay u waramayey warbaahinta ayaa sheegay in Sh. Diinlow oo 
ah gabadha aabaheed uu masaajidka weyn ee magaalada Baydhabo dhexdiisa uu ka 
caddeeyey in hadalkii uu shaaciyey uu ahaa mid been ah, iyadoo ay goobtaasi 
goobjoogayaal ku ahaayeen culumaa'udiin fara badan waa sida uu hadalka u 
dhigay Afhayeenkee. 
Arrintan ayaa ka yaabisay dadka deegaanka, waxayna wararka qaar sheegayaan 
in waxa ku kalifay Sheekha in uu beeniyo hadal uu horey u yiri ay tahay 
cabsi uu ka qabo in la waxyeeleeyo, balse mar aan weydiinay Afhayeenka in 
cabsi darteed uu sheekhu u beeniyey hadalkiisii uu inoo sheegay in 
arrintaasi aysan waxba ka jirin.
 
SH. AADAN MADOOBE IYO XAABSADE OO DOWLADDA ITOOBIYA AY U YEERTAY IYADOO 
HALKAASI UU KAGA SII HOREEYO COL. SHAARGADUUD
 
Xudur
 
Wararka naga soo gaaraya magaalada Xudur ee gobolka Bakool ayaa sheegaya in 
dowladda Itoobiya ay u yeertay ku xigeenada RRA-da Sh. Aadan Madoobe iyo 
Xaabsade, iyadoo habeenimadii xalay ahayd uu Col. Xasan Max'ed Nuur 
Shaargaduud uu xalay u ambabaxay degmada Godey ee kilinka shanaad ee 
Soomaalidu degto.
 
Lama oga waxa ay dowladda Itoobiya ugu wacday Shaargaduud iyo ku 
xigeenadiisa dhinaca RRA-da, balse ilo xog ogaal ah ayaa sheegaya in 
dowladda Itoobiya ay ku doonayso inay ku dhexdhexaadiso labadan dhinac oo 
khilaaf xoog lihi uu ka dhexeeyo.
 
Dhinaca ku xigeenada ayaa la sheegayaa in illaa iyo haatan aysan wax war ah 
oo diidmo ama ogolaansho ah aysan ka soo bixin, waxayse warar ku dhow dhow 
sheegayaan in Sh. Aadan Madoobe uu u ambabixi doono dalka Itoobiya halka uu 
Xaabsade sii joogayo Baydhabo.
 
Col. Shaargaduud oo horey isaga dhega tiray hadal ka soo yeeray dowladda 
Itobiya ee ahaa in uu ka tanasulo dowlad goboleedka Koonfur galbeed 
Soomaaliya ayaa haatan la garaneyn wuxuu kala kulmi doono. Halka ku 
xigeenadiisa dhanka RRA-da ay iyaguna heshiis la galeen dowladda KMG ah iyo 
Isbaheysiga Dooxada Jubba oo Itoobiya ay si weyn uga soo horjeeddo.
 
ILAALADA HOYGA MADAXWEYNE DKG C/QAASIM OO GADOOD SAMEEYEY
 
 
 
Muqdisho
Ilaalada hoyga C/qaasim ayaa maalintii shalay ahayd gadood sameeyey kadib 
markii min 300,000. Sh.So. (saddex boqol oo kun oo shilin Soomaali ah la 
siiyay iyadoo 9 bilood aan wax mushaar ah la siinin, waxayna ciidamadani 
hoyga madaxweyne C/qaasim ku foorariyeen qori noociisu ahaa B. Time oo gaari 
saarnaa. 
Shalay ayaa mushaarkoodii la siiyay Mudanayaasha Baarlamaanka iyo Wasiirada 
dowladda KMG ah, taasoo la dhihi karo waa midda dhalisay in ay ka caroodaan 
ciidamada ilaalada qaaska ah guriga Madaxweyne C/qaasim.
  
Mushaarka la siiyey Mudanayaasha Baarlamaanka iyo Wasiirada ayaa ahaa mid ay 
ku qanceen, balse ay ilaaladani ku andacoonayaan in aan illaa iyo 9 bilood 
aan wax mushaar ah la siinin, isla markaan ay ka biyo diideen in ay qaataan 
lacagtan saddexda boqol ah oo ay ku tilmaameen mid aan dabooli karin 
baahidooda oo magac uun  ku raacayo.
 
cabdulaahi mire qadaafi114q@hotmail.com
 SomaliTalk.com | Muqdisho
 Oct 8, 2002 Ka
 Qaybgelimeyo Shirka Eldoretilaa la saxo khaladaadka... sidaas waxaa yiri ururo warsaxaafadeed kasoo saaray
 Muqdosho GUJI...
 oct 8
 Nuur
 Cali Buubaal oo La DhaawacayMUQDISHO - Koox dabley ah ayaa ku dhaawacay Muqdisho ganacsade weyn oo caan ah GUJI...
 oct 7
 Mudulod
 Denmark oo doortey Xubnihi GMMShir lagu qabtey Denmark Magalada Aarhus ayaa waxaa ka so qaybgaley Muduloodka
 degen Denmark GUJI.
 oct 7
 Shaarguduud
 waxa uu kusoo laabankaraaBaydhabo oo keliya isagoon huwanayn magac madaxweyninimo.. waxaa yiri C/laahi
 Axmed Black GUJI
 oct 7
 WARARKA 
SEPTEMBER - GUJI
 » 
AGOOSTO | JULY 
|  JUNE  | 
MAY  | APRIL 
| 
 MARCH    | FEBRAAYO 
|
Janaury 2002
 | Wararkii
1999-2001
 
 
com
 
 |