SomaliTalk.com DALSAN

Allah Is Great |

      Home  | Quraan | Siiro | Saxaabo | Salaat |  Zakaat | Halal  | Hajj | isxisaabi | Search
 

 UJEEDOOYINKA MAGACYADA MAGAALOOYINKA SOOMAALIYEED


XASILLOONI-DARRADA AF-SOOMAALIGA
Cilmibaaris: uu soo tebiyey Cabdiraxmaan “Barwaaqo” Guji


SHURUUDA QORAALADA KUSOO BAXAYA SOMALITALK


kaah

 

 
 December 10, 2003

WAR-SAXAAFADEED

JAALIYADDA OGAADEENYA EE KUNOOL WADDANKA AUSTRALIA,,,

RIYAALOOW UKAADI,KUWAARI MAYSIDEE

Horudhac

- Taariikhdda Ayaa Markhaati Ah

Ummadda Soomaaliyeed waxaa ay weligeed lahayd hal cadow, cadowgaas oo soo jireen ah welina taariikh aad iyo aad u dheer xambaarsan, hase ahaatee waxaa sanadahan dambe soo shaac baxayey inta ay le’eg tahay cadaawadaas aan dhamaadka lahayn iyaddoo si xoog leh u cadeysey sidda ay uga go’an tahay iney baabi’iso jiritaanka shacabka Soomaaliyeed taas oo ay ku gaari karto siyaalo faro badan marka loo eego wakhtigan xaadirka ah ee ay cududda Soomaaliyeed tahay mid aad loo curyaamiyey.

Halgamaddii dheeraa ee ay geesiyaashii Soomaaliyeed naftoodu u hureen wuxuu ahaa mid jiil kasta oo jira ay ku cilmi qaataan si ay u wadaan halganka ilaa uu ka miro dhalayo.

Dagaaladdii lagula galay gumeystaha Xabashidda waa mid tilmaami kara ulajeedda waraaqdan oo si kooban uga dhaadhicin karta akhristaha ulajeedadda laga leeyahay taariikhda oo dib loogu noqdo.

Naftooddii hurayaashii kala ahaa Sayid Maxamed Cabdulle Hassan iyo Iimaam Axmed Gurey waa kuwo cuqubo ku ah shaqsi kasta oo Soomaaliyeed lagana rabo inay dhuuxaan mowqifkii ay ka istaageen in Diinta, Dadka iyo Dalkuba ay gacanta u gasho xadaarad ay u tahay inay wax duleystaan welibana ku tuntaan sharafta dadkeenna Soomaaliyeed.

Kacdoonadaas ay geesiyaashii Soomaaliyeed kula galeen dubcadihii gumeystaha iyo kiisii foosha xumaa ay hoosta ku wateen, waa ay iska cadeyd dadka ay soo haweysanayeen oo ah ummad Ilaahey ku maneystay dhiig, ficil iyo dareen Soomaalinimo.

Maanta haddii aaney jiri lahayn geesiyaal u babac dhigay dagaal socday in ka badan boqol sano waxaa hubaal ah in gacanta loogu jiri lahaa duli oo aysan jirteen fursadan aan idinku xasuusinayno waxa dhabtu tahay ee inteenii aan waagaas jirin aaneysan arag balse ka soo gaareen baalal khad madoobi ku qoran tahay oo digniin iyo casharo isugu jira.

Laguma doodi karo kacdoonadaas waxaa ay ahaayeen kuwo loogu talo galay in lagu ilaaliyo "qabiil gaar ah" balse ay ahaayeen mid salka ku haysey sidii ay shacabkeenna Soomaaliyeed ku faani lahaayeen inay hido iyo xadaarad u leeyihiin duleysi naceyb iyo horukac doon.

Maanta waxaa inoo sharaf ah inay sidaas dhab tahay oo ay dhuuxeenna ku jirto aragtidaas qiimaha weyn ku fadhida si kasta oo la isugu dayo in loo jahawareeriyo ay tahay mid aan lagu guuleysan karin.

Waxaa haboon in aan marnaba lagu caasiyin dhiiga loo daadiyey xoriyadda ay Aabayaasheen inala doonayeen oo waa inaynu ka sii wadnaa kacdoonka meeshii ay kaga tageen si aan guusha ay na soo gaarsiiyeen ugu dhameystirno mid waarta.

CADOWGA SOOMAALIDA OGAADEENYA IYO INTA U ADEEGTA

Waxyeeladda loo geystay intii soo hunguri galisay xornimadda Soomaalida ogaadeenya iyo jabkii ay ka qaadeen waa mid mar waliba ay madaxa kaga jirto intii ay cawaaqibka xumi ka gaadhey hungurigaa ay ku baa ba’een lagamana yaabo inay ilaawaan inta ay Soomaalida ogaadaadeenya jirto.

Waxaa ay si xoog leh isugu taxalujiyaan sidii ay uga aarsan lahaayeen dadkeena marwalibana ku abbaaraan wakhtiga aan ugu tabar daran nahay ee ay og yihiin inay siinayso jawi ay ku hirgaliyaan gumeysi cusub oo hor leh.

Taas waxaa kuu muujinaya sidda ay maanta u diyaarsadeen ugana dhex diyaarsadeen ummadda Soomaali quruun aaminsan fikradahoodda oo ay og yihiin inay ku meel gaarayaan riyadda ay damacsan yihiin inay u hir gasho.

Dadkaas ay soo xusheen waa shaqsiyaad safiiro uga ah maskaxdda ay rabaan in lagu dhex arko inay ku baahdo Diinta, Dadka iyo Dalka intaba oo ay ku dadaalayaan inay helaan gacan yareyaal loo tabo baray sidii loo gudbin lahaa xirfadda casriyeysan ee ah in la kala dhigo maanka asturan ee Soomaaliga ah.

Waxaa ay ku beegeen laba kacleyntooda wixii ka dambeeyey markii dhulka lala simay dowladdii Soomaaliyeed ee ugu dambeysay ee dalka ka jirtay. Tani oo ay in badan ka shaqaynahayeen sidii loo hir gelin lahaa laguna hir gelin lahaa magaca qabiil oo ay xambaarsan yihiin odey jir-jiroolayaal ku qaraabta doonista xoriyadeed ee ay ummadda Soomaaliyeed u ooman tahay.

Waxaa ay mudo dheer soo tabo barayeen shaqsiyaad lagu tababaray inay sida aboorka dalka cagta u mariyaan kuna kool-kooliyaan dadka ay sheegaan inay u hadlaan/matalaan inay maalin maalmaha ka mid ahi u soo xareeynayaan qadiyadda ay rabaan, laakiinse waxaa maanta aragnaa in balankaas uu isu badalay mid been ah oo sal iyo raad toona aan lahayn. Waxa kaliya ee ay suuro geliyeen waa ka baayac mushtarka dadkii ay balanka u qaadeen iyo inay sun u qooshaan oo noqotay aragtidda labaad ee ay kaga dhabeeyeen.

Hadaba waxaa su’aal ah maxaa ay ka dhigan tahay talaabooyinka isdaba jooga ah ee ku dheehan in cadow gacan saar lala yeesho si loo fuliyo xasuuqa dadkeena Soomaaliyeed!

Dabcan waxaa ay Soomaali leedahay tusaale dheer oo ay mar waliba u adeegsato inay ku qeexdo marxaladdan aan maanta ku jirno oo ah sheekaddii saddexdda dibi (kii cadaa, kii madoobaa iyo kii guduudka ahaa) oo runtii si wanaagsan ugu haboon in markale loo adeegsado gacan saarka weyn ee ka dhexeeya Riyaale Kaahin iyo daxalka ay matalaan dowladda Tigreega ah.

Walaalaha Waqooyi ee Soomaaliyeed waxaa ay leeyihiin kagana yaalaan taariikhda meel culus oo aan la ilaawi karin. Xasuuso wixii ay ku dhigeen markii gumeystihii Ingiriiska ahaa dalka si sharci daro ah ku soo galay. Waxaan la ilaawi karin haragii qaaliga ahaa ee saxiixa gumeystaha ku yaaley kaas oo ay reer Waqooyigu kaga saxiixeen inuusan dalka ka guursan karin, ku dhali karin, diin kale keeni karin iyo arimo faro badan oo qiimo leh oo aan lakoobi karin.

Tani waxaa ay ku tusinaysaa in wadaniyiin ay ahaayeen welina yihiin oo aadan u baahneyn inaad meel kale fiiriso iyaddoo ay 1960kii ku khasbay Ibraahim Cigaal inuu aqlibiyadoodu noqoto mid reer Koonfur ay la wax wadaagaan oo dhalisay in la isku biirsho walaaha dhulkaas.

BEEN ABUURYADDA IYO WAXA AY SOO XERO GALIYAAN

Waayadan dambe ee ay arinku ka yara xumaatay Soomaali waxaa booskii walaaltinimadda ahaa buuxiyey cadaawadda cadowga qabo iyo inta ku qaraabata magaca Soomaali.

Dowladda dabadhilifnimadda ah ee uu hogaamiyo Riyaale Kaahin waa mid tusaale weyn bixineysa sidda raad la’aanta ah ee looga been sheegay umadda reer Waqooyi inay raali ka yihiin xiriirka Addi-Ababa oo la og yahay faa’iidadda uu leeyahay oo kaliya inay tahay in dalka AIDS lagu soo badiyo si walaalaha reer Waqooyi loo ceebeeyo looguna dhex abuuro dhaqan suurta galiya dibu dhac weyn min heer bulsho ilaa heer dhaqaale.

Maanta oo ay sidaas arinni tahay ayaa hadanna waxaa caado iska noqotay in la kala dheereeyo walaalaha Ogaadeenya iyo walaalaha Waqooyi oo ah labo fac oo midi midka kale gaashan u yahay, nasiib daro waxaa sii badaneysa xasuuq si weyn looga baaraan degay inuu noqdo mid marka uu guuleysto hadana lagu fuliyo beelo kale oo la hubo in silsiladdu ay sidaas isu daba joogto.

Ilaaqaadka sidaas ku dhisan ee magaca reer Waqooyi loogu foofo Melez Zenawi, abaanduulaha kooxda Riyaale ayaa ah mid si weyn loogu baahan yahay in loogu jawaabo lagana harin ilaa laga xoreeyo cariga xulafadaas isu aruursatay inay cirib tiriraan sumcadeena sharfsan ee aan istaahilin in lagu badasho cilaaqaad lala yeesho Tigree xanuun la buka oo suntiisa raba cid uu ku daarto.

Tan iyo intii ka dambeeysey hirgelinta cilaaqaad ku dhisan jabinta quwadda Soomaali, ayaa waxaa jira arimo waaweyn oo u baahan in shaaca laga qaado si loogu soo jiido wadaniyiinta Soomaaliyeed meel waliba oo ay joogaan. Arimahaas waxaa ay u kala baxaan sidan soo socota oo kala ah:

  • Tarxiil
  • Cudurka AIDS
  • Sunta badaha lagu shubo
  • Maandooriyaha dalka lagu abuuro
  • Xasuuqa maskaxdda dalkeena
  • Iibinta dakadaha Soomaaliya
  • Xakameynta doonista dhabta ah ee shacabka
  • La dagaalanka Diinta
  • La dagaalanka Dadka
  • La dagaalanka Dadka

Qodobadaas waxaa ay si hagar la’aan ah uga dhaqan galeen maamuladda been abuurka ah ee ka jira dalkeenna hooyo oo ay xoogooda u badan yihiin dhanka Waqooyi iyo Bari oo ah labadda meelood ee sidda weyn ugu baaheen fikirkaas dabaca xun lugta ku haya.

Waxaa arin lagu farxo ah in shacabweynaha Waqooyi iyo Bari aaneysan ahayn kuwo ay ansixiyeen habeensiga dabadhilifyadda ku baryo taga magaca beelahooda una diyaarka ah inay fuliyaan amaradda Xabashidda.

Waxaa hubaal ah in kacdoonka ka soo iftiimaya meelo badan oo dalkeena ka mid ahi ay cagta marin doonaan inta ka dooratay xoriyad duli iyo karaamo daro lagana xoreyn ciidda Soomaali.

Maanta haddii aaneysan dhab ahayn in cadowgii Aabayaasheen dagaaladda kulul ku qaadeen ay ahaayeen kuwo dhab ah waxaad u baahan tahay inaad eegtid meesha ay ka soo abaareen soo laba kacdeyntooda oo ah meel aadan fileyn. Marka shaqsi ka tirsan qoyskaaga uu noqdo mid loo adeegsado sidii loo baabi’in lahaa reerkaaga waxaad ka xigtaa dhimasho. Siddoo kale ayay ka dhigan tahay arinka Riyaale Kaahin oo sheeganaya inuu yahay "qof ay ka go’an tahay inuu ilaaliyo" danta reer Waqooyi.

Wuxuu sii fulinayaa oo dheereeyey hoggii lagu guri lahaa walaalaha Ogaadeenya iyo Waqooyi oo uu labaduba shax loo soo dejiyey ku fulinayo.

Intii uu aftidda beenta ah magaca ku xaday waxaa dilaacay haan cudur ah oo hadyad ahaan uu Addis-Ababa kagala yimid una niyoodey in ay siqdo dhinac kasta oo ka tirsan Waqooyiga Soomaaliya.

Dhanka kale reer Ogaadeenya wuxuu ka noqday mid sababa inay gacanta mar waliba loo geliyo cadowga ay mudda dheer dagaalka kula jireen ee xaqdaradda la kor taagan.

Waxaan shaki ku jirin in arimahan ay yihiin kuwo ka shidaal qaadanaya colaad dheer oo loo hayo dhamaan Soomaali oo ay arinku ka weyn tahay dad gooni aha ama gobol gooni ah oo badanaa ah sidda arimaha loo bandhigo iyadoo la diidayo in dadweynaha waxa dhabtu tahay ay ogaadaan lagala dagaalamayo.

Marka ay arinku mareyso dhanka reer Waqooyi ee la doonayo in dalka cudur loo soo dhoofiyo waxaa sheekadda lagu soo gaabiyaa "CILAAQAAD XAGGA GANACSIGA AH" oo dakaddii Berbera gacanta loo geliyey, dhanka kale marka Ogaadenya xaalku khuseeyo waxaa lagu soo af-jaraa "DAGAALKA AY WADAAN ARGAGIXISO KOOBAN" si jawiga loo qaboojiyo loona ilaaliyo kacdoon ku yimaada cawaanka ka dambeeya beenta miinshaarta ka af-badan.

Walaalayaal, waxaan u baahan nahay inaan dhamaanteen si dhab ah u dhuuxno waxa jira oo ah GUMEYSI ay hogaanka u hayaan odey jir-jiroolayaal kolba maqaar cusub gashanaya oo ku takhasusey inay beec geeyaan jiritaanka umadeena Soomaaliyeed.

Hadaba iyaddoo ay arini sidaas tahay baa haboon inaan ku dadaalno in sidda loo iibsadey shaqsiyaadkaas aan anaga dhexdeenna la inoo kala iibsan oo aanu isku duubnaannaa kuna dadaalnaa sidii aan Diinta, Dadka iyo Dalka aan ugu noqon lahayn gaashaan iyo waran.

Arimahan khuseeya jiritaankeena waa inaynu si xoog leh isaga kaashannaa oo isbahaysi ka yeelannaa inaysan noqon kuwo la dabciyo xawliga ay ku socdaan. Waxaa intaa dheer siddii loo gayn lahaa qaylo dhaanto meel kasta oo damiir Soomaali ka jiro xataa hal qof Allaha ka dhigee oo aan loo kala harin sidii gaashaanka loogu dhufan lahaa gardaradda lagu hayo dadweyneheenna Soomaaliyeed middan oo ah tu ay kaga faa’iideysanayaan tabarta maanta Soomaali meel dabacsan dhigtay.

Hase ahaatee waxaa jira talaabooyin faro badan oo inoo furan si looga hor tago nabar weyn oo keeni kara meel aan laga soo noqon. Talaabadaas weyn waa midda ah in wacyi gelin faro badan lagu dhaqaaqaa oo laga faa’iideystaa inta uu kaa fog yahay nabarka lagu hayo shacabkeenna intiisii kale.

Maalinta uu gurigaaga kuugu yimaado ogsoonoow waa maalintii aay arini ka baxday faraha oo waxaa indha ku dhufan doontaan xasuuq weyn oo lagugu qaado oo aad in badan ilmo ka keentid, ee ka gaar maanta inta aad haysatid wakhtigan gaaban ee aad qaylo dhaantadda ku diri kartid kuna badali kartid arin fool xun oo naf iyo maalba loo waayay.

GAR MIYEY TAHAY INAAD DULMI EEGATID

Walaalayaal waxaad la socotaan in hadal keliya aaneysan waxba badali karin inkastoo ay tahay talaabo midda ugu horeysa ee la qaado tan ugu haboon waayo odhaah aad tiri waxaa ay ka dhigan tahay siddii adigoo ficil ku dhaqaaqay kuna hir geliyay balse waxaa loo baahan yahay in iskaashi umadda ka yeelato dhaqan gelinta ololeynta ka dhanka ah shaqsiyaadka aayatiinkeenna madowga ku afuufey loona baahan yahay inaan la ilaawin libinta cidda ay gacanta u geli haddii aaneynu si deg deg ah uga hortagin

CAMBAAREYN KASOO BAXDAY JAALIYADDA SOOMAALIDA OGAADEENYA EE AUSTRALIA:

anago oo ah jaaliyadda Soomaalida Ogadeniya ee Australia ayaa waxaan canbaareeyna falalkii foosha xumaa ee ay dhawaan ku dhaqaadday maamulka waqooyi gallbeed ee soomaalia ,kuwaasoo ka dhan ahaa shacabweynaha soomaalida ogaadeenya,waana arin taariiqda u galayasa maamula waqooyi galbeed oo aan marnaba lailaaweynin, waxaan ugu baaqaynaa qof kasta oo u dhashay soomaalida ogaadeenya inuu heegan ahaado kana tanaasulo tagida ama aadista meelaha khatarata u ah naftooda ,,xoolohooda,,,,sharaftooda,,,iyo karaamadoodaba,,

mahadasanidiin

Waxaa war saxaafadeedkaan la soo gaarsiiyey SomaliTalk Ottawa Canada

Faafin: SomaliTalk.com | Dec 10, 2003

Afeef: Aragtida qoraalkan waa mid u gaar ah qoraaga ku saxiixan.

 <><><>

Bayaan ay Jaaliyadda Absame ee Denmark
kulan degdeg ah oo ay isugu yimaadeen xubnaha Jaaliyadda Absame ee Denmark, kuwaasoo ka wada-hadlay jawaabtii laga bixin lahaa Guji

Baaq: Jaaliyada Somalida Ogadenya ee Finland
Labada shacab ee Waqooyi Galbeed Somalia iyo Shacabka Reer Ogadenya, waa laba shacab oo walaala ah.. Guji...

"Cambaareyn Maamulka Gobollada Waqooyi"
Cambaarayntaas oo ay soo jeediyeen golaha wadatashiga Soomaaliyeed waxa uu ku bilowday in... Guji...

MADAXWEYNE RIYAALE OO DIGNIIN KAMA DAMBAYS AH U DIRAY MAAMULKA PUNTLAND: "Dagaal ooge C/Laahi Yuusuf waxa uu caadaystay faragalinta Somaliland... warbixintii diridhaba Guji
»RIYAALE WAA INUU KAGA DHABEEYO GO'AANKA [Diridhaba]

Sannadguuradii koowaad ee ka soo wareegtay markii Riyaale Xooga Lagaga saaray Laascaanood
oo si weyn loo xusay: warbixintii Asad Caddaani... Guji...  

 

| Quraan | Siiro | Saxaabo | Salaat |  Zakaat | Halal  | Hajj | isxisaabi |

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD [an error occurred while processing this directive]