SomaliTalk.com DALSAN

Allah Is Great |

      Home  | Quraan | Siiro | Saxaabo | Salaat |  Zakaat | Halal  | Hajj | isxisaabi | Search
 

XASILLOONI-DARRADA AF-SOOMAALIGA
Cilmibaaris: uu soo tebiyey Cabdiraxmaan “Barwaaqo” Guji


SHURUUDA QORAALADA KUSOO BAXAYA SOMALITALK


kaah

 

 

 

Baaq Kasoo baxay Jaaliyada Somalida Ogadenya ee Finland
 

Labada shacab ee Waqooyi Galbeed Somalia iyo Shacabka Reer Ogadenya, waa laba shacab oo walaala ah, kana dhaxayso xidhidh dheer dheer oo, bulsho, Dhaqaale, Dhalasho, Diin iyo Darisnimo, intaba. Labada shacab oo ah wiil iyo abtigii, mudo dheerna ay kadhaxeeyeen xidhiidhada aan kor kusoo sheegnay, waxaa si joogta ah u carqaladeeyay, marba marka kadambaysana sii xumaynayay Maamuladii isdaba jooga ahaa ee kajiray waqooyi galbeed sida kii Ibraahin Cigaal iyo kan Riyaale Kaahin ee hada jira.

1. wuxuu maamulkii Cigaal 31 dii July 1996 kuxidheen Magaalada Hargaysa sadex nin oo dhalatay Ogadenya,oo booqasho ugu tagay eheladoodii oo joogta Hargaysa, waxaana ragaas qab qabtay Ciidamadii Ibraahin Cigaal, waxayna 20kii oktoobar 1996 udhiibeen Xukuumada Ethiopia ee uu madaxda kayahay Malise Zanaawi, iyaga oo kaga badashay Hub iyo saanad militeray, iyaga oo kusheegay in ay ragaasi yihin saraakiil ONLF ah

2. waxay markale sanadkii 98 kii waxay xadka kudileen laba nin oo shacab ah.

3. waxay hadana markale sanadkii 2001 dii qab qabteen dad xoola dhaqata ah, oo soo galay gudaha Waqooyi Galbeed.

4.waxay hadana sanadkii 2002 dii bishii Abril qab qabteen dad aad ufara badan oo shacab ah oo ganacsi uyimid magaalada Hargaysa, dadkaas oo tiradoodu aad ubadnayd waxaa markii hore laguu wareejiyay Ciidamada xaduuda ee Itoobiya dad tiradoodu gaadhayso 22, markii dambana 18.

5. Dhibaatada iyo dibin daabyada uu maamulka Hargaysa kuhayo shacabka Somalida Ogadenya ma,aha mid inaba soo yaraanayay ama kasoo raynayay balse wuxuu ahaa mid marba marka kadambaysa kasii darayay, iyaga oo go,aan saday in ay sameeyaan wax kasta oo ay ku raali galin karaan Xunka Adisababa. Wuxuu markale Bishii November ee sanadkan 2003, Riyaale Kaahin oo haray uga tirsanaan jiray xukunkii Militariga ahaa ee Maxamed Siyad Bare, ku dhawaaqay in ay kabaxaan waqooyi Galbeed dhamaan Shacabka Somaliyeed ee kayimid Gobalada kale ee aan hoos imanin waqooyi galbeed, iyaga oo qab qabtay markale dad badan oo shacab ah oo dhalin yaro ubadan iyaga oo kutilmaamay in ay yihiin xubno katir san ONLF, taas oo ah wax aan waxba kajirin ooy mar walba marsa masiiyo uga dhigtaan shacabka Somalida Ogadenya, sida uu qirtay Wasiirka arimaha Gudaha ee maamulka Waqooyi Galbeed, waxay xabsiyada Hargaysa kuhayaan Rag tiradoodu gaadhayso 36, hasayeeshee tiradu intaa aad bay uga badan tahay. Waxaana 04.12.2003, yimid magaalada Hargaysa laba gaadhi oo xamuul ah oo ah kuwa Ciidanka qaada ah oo siday Ciidamo Itoobiyaan ah si ay dadkaas ugu wareejiyaan.

Sidaa darteed Jaaliyada Somalida Ogadenya ee Finland, waxay ugu baaqayaan Maamulka waqooyi galbeed in ay.

1. sida ugu dhaqsaha badan usii daayaan dhamaan dadka ay kuhayaan xabsiyada Hargaysa, isla markaasna katanaasulaan Ficilka cadownimada ah ee ay kula dhaqmayaan shacabka somalida Ogadenya.

2. In ay ixtiraamaan, xidhiidhka bulsho, dhaqaale, siyaasadeed iyo darisnimo ee ka dhaxeeya labada shacab.

3. ugu dambayntii, hadaan nahay Jaaliyada Somalida Ogadenya ee Finland waxaan ka digaynaa in hadii uu sii wado maamulka waqooyi galbeed ficiladaas cadownimada ah in ay masuul kayihiin cawaaqib xumada kadhalata falakooda.

Maamulka Jaaliyada Ogadenya ee Finland.

Kala Xiriir: badal_hassan58@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Dec 9, 2003

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

MADAXWEYNE RIYAALE OO DIGNIIN KAMA DAMBAYS AH U DIRAY MAAMULKA PUNTLAND: "Dagaal ooge C/Laahi Yuusuf waxa uu caadaystay faragalinta Somaliland... warbixintii diridhaba Guji

Sannadguuradii koowaad ee ka soo wareegtay markii Riyaale Xooga Lagaga saaray Laascaanood
oo si weyn loo xusay: warbixintii Asad Caddaani... Guji...  

»Sarara-weyne iyo Hargeysa Maxay ku kala Duwan yihiin Asad
»AQOONSIGA SL WUXUU KUJIRA GACANTA QARANKA SL Diridhaba

BAAQ DADWEYNAHA KU NOOL MAGAALADA ADDIS ABABA
Waxaa jirta in mudo dheer loo samraayey maamulka samaliland Guji

WARSAXAAFADEED JABHADDA O.N.L.F
Garasho La'aanta Maamulka Hargeysa iyo Isu-dhiibisteeda taliska Itobiya... Guji

JAALIYADDA OGAADEENYA EE KOONFURTA AFRIKA
oo soo saaray Codsi ka hortag dagaal sokeeyo  oo dhexmara Soomaalida Waqooyigalbeed iyo Soomaalida Ogaadeenya Guji

| Quraan | Siiro | Saxaabo | Salaat |  Zakaat | Halal  | Hajj | isxisaabi |

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD [an error occurred while processing this directive]