SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - AFRIKA
WARSAXAAFADEED JABHADDA O.N.L.F. !!!

Wareeysi ay BBCda laanta Af-Soomaliga la yeelatay Madaxweynaha Jabhadda ONLF waxaad ka dhageysan kartaan
http://www.ogaden-news-agency.com/m_osman.ram 

wararka RADIO XORIYO waxaad ka dhageysan kartaan
http://ogaden.com/radio_xoriyo.ram

--------------------------------

GARASHO LA'AANTA MAMULKA HARGEYSA IYO ISU-DHIIBISTEEDA TALISKA ITOOBIYA

DECEMBER 5, 2003
Jabhadda Waddaniga Xoreynta Ogaadenya (JWXO-ONLF)

Tan iyo dhacadadii argagixisada ahayd ee 9/11 ka dhacday dalka Maraykanka xaaladda Xuquuqul-insaanka dalka Ogaadeenya way sii darsanaysay.

Waxaan muran ku jirin in gumeysatada Itoobiya iyo xulufadeeda Gobolku, ay si wada jir ah si aan naxdin iyo aabo yeel toona lahayn ay cadaadiska iyo gumaadka shacabka aan wax galabsanin ee Ogaadeenya u laban laabeen, iyaga oo ku gabanaya shacaarka caalamiga ah ee la dagaalanka argagixisada caalamiga ah,taas oo ka jeedisay shucuubta caalamka ku baraaruga xuquuq meel kaga dhacay lagaga dhacayo shacabka Ogaadeenya maalin kasta. Sidaa darteed, ku tumashada xuquuqda aasaasiga ahee shacabka Ogaadeenya ay ku tamanayso Gumeysatada Itoobiya iyo gacan yaraheeda, isku tilmaanta Somaliland, waxay gaadhay heer aan adduunka hadda ka hor lagu arag. Wuxuu maamulka Hargeisa ku caan baxay inay iyaga oon dareen in lagula xisaabatamayo ku jirin ay xabisyada ka buuxiyaan dadka shacabka ah iyo safarka Ogaadeenya ee gobolkooda soo gala, kadibna intay wixiin hanti ah ka qaataan ay ku wareejiyaan Taliska Woyaanaha ee Addis Ababa.
MAGACA SOMALILAND WAA BEER: BEERNA HILIBKAA LAGU SUGAA
Ma runbaa in Gobolkaasi uu goostay intii uu awal kula shirkoobay Koonfurta Soomaaliya? Yaa rabay awal midowga? Ma Siyaasiyiinta mise Shacabka? Fahad
"hadii ay saraakiisha socdaalka Jamhuuriyadu ogaan lahaayeen in uu yahay qoraa nacab ah oo qalinkiisa ku minjo xaabinaya qadiyada gooni isu taaga somaliland waxaan hubaa in laba dible loo xidhi lahaa ee waxa laga yaabaa in ay u qaateen walaweynta faraha badan ee u soo tuugsi taga magaalooyinka camiran ee Somaliland" Salahudin
"Miyaan niman Waqooyi u dhashay ku heesin: marti waa la sooraa, magan waa la bixiyaa? (Ina Ibraahin Cigaal iyo Riyaale maxay dhaheen? Marti waa la raafaa, magan waa la dhiibaa!)" C/Waaxid
"dadkaasi la qabtay waxaa lagu tuhmay inay ka mid yahiin ama ku jiraan urur ka mamnuuc ah Dalka aanu dariska nahay ee Ethiopia oo magaciisa la yidhaahdo ONLF" Diridhaba
Kuwii sannadihii hore gacanta lagu dhigayna dhamaantood dawlada Itoobiya gacanta loo galiyey, waxaana la xaqiijiyey in ay dadkani ahaayeen dad maato ah, oo dad ay qaraabo yihiin ugu yimi hargeysa si ay ula noolaadaan" Asad
"Shacbiga Somalilandna aan qasab koonfur loogu sanduleyn Karin, ictiraafkeedana aanay is hortaagi karin dad cuqdada ka qaba sida labada wiil ee ILMA SAMATAR. "  Faysal
"7/12/2002 ayuu madaxwaynaha jamhuuriyadda somaliland mudane daahir riyaaale kaahin booqasho uu ugu diyaarinaayo doorashooyinka dawladaha hoose ee ka dhacayay guud ahaan dalka ku tagay laascaanood, wax yar uun caga dhigashadiisii kadib ayaa rasaasi cir iyo dhul iska qabsatay meeshii uu ku degey" XagarYare

Maanta waxaana ujeednaa siyaasadda foosha xun ee biniaadamnimo laaanta ah ee maamulka Hargeysa ee Daahir Riyaale Kaahin madaxda ka yahay uu kula dhaqmayo shacabka aan wax dambi ah galabsan ee Ogaadeenya. Daahir Riyaale iyo kooxda uu madaxa u yahay iyaga oo isku deyaya si ay shucuubta caalamka u khaldaan una aaminsiiyaan in dhibaatada iyo nabad-gelyo laaanta ka jirtay gobolka ay sabab u tahay dadka masaakiinta ah ee Soomaaliyeed ee uga soo qaxay degaankoodii dhibaatooyinka dalka ka jira iyo kuwa ka soo qaxay cadaadiska gumeysiga Itoobiya dadkaas ooy ku tilmaameen inay yihiin ajaanib.

Iyaga oo arrintaa inay rayul caalamka khaldaan ah daba socda ayey iclaamiyeen in wixii aan Somaliland u dhalanin inay kaga baxaan 45 maalmood, oo ku eg 8-12-03. Hase ahaate, goaanka dal ka saaridda waxaa ku qarsoon ujeeddo kale. Sidii caadada ahayd waxay tahay ujeedada ka dambeysa in gacanta loo geliyo Itoobiya dadka ka yimid Ogaadeenya ay xabiska ku xeraysteen iyaga oo ku masabidanaya mar kasta inay yihiin xubno ka tirsan Jabhadda Waddaniga Xoreynta Ogaadeenya (JWXO) arrintaas ooy uga barteen in Itoobiya ay ku taageerto maamulka Hargeysa dhinacyo badan.

Nasiib darro, dhowr boqol oo qof oo isugu jira dad shacab ah iyo ganacsato ayaa lagu uruuriyey xabisyada duruufta qalafsan ee Hargeysa iyo magaalooyin kale, halkaas oo dadkaas xidhan lagu jidh dilo. Dadka xidhan waxaa ka mid ah 21 ganacsato iyo duqay rag iyo haweenba leh. Waxaa jira dad badan oo aam meelay ku sugan yihiin la haynin lagana cabsi qabo in mar hore gacanta loo geliyey nabad sugidda Taliska Addis Ababa ee Hargeysa Xafiiska ku leh.

Waxaa kale oo iyana na soo gaadhaysa in baabuur badeeco iyo dad sidday oo ka timid Ogaadeenya lagu leexiyey saldhigyada Booliska sabab la xidhiidha gardaradaas hore.

Waxaa xaqiiqo ah in siyaasadda noocaas ah iyo talaabooyinkaas waxashnimo ay curyaaminayso dhaqaalihii iyo nabadgelyadii hore u liidatay ee Gobolka.

Masaafuri Soomaali laga masaafuriyo dal Soomaali iyada oo lagu raali gelinayo dawlad shisheeya ah, Itoobiya, waa arrin ku cusub taariikhda iyo dhaqanka Soomaalida walaalaha ah ee weligood walaaltinimada iyo wanaagga ku wada noolan jiray. Waxaan shaki ku jirin talaabadan uu qaaday maamulka Hargeysa inay waxyeelaynayso wada noolaanshihii dadkan walaalaha ah. Adduunka laguma arag aan ku dilo oo hay dilin, aan dalkayga kuu diido midkaagana kugula noolaado.

Waxaan si dhab ah oo qaddarin mudan u soo jeedinaynaa Daahir Riyaale iyo Kooxdiisa inay si xilkasnimo ah u daweeyaan dhaawaca ay gaadhsiiyeen walaaltinimadaa iyo xidhiidhkii fiicanaa ee labada shacab. Haddii kale waxay taasi ku reebi raad iyo cawaaqib xun oon laga soo kaban karin iyaguna ay masuuliyadeda dhabarka u ridanayaan.

Jabhadda Waddaniga Xoreynta Ogaadeenya (JWXO) waxay si weyn u cambaaraynaysaa falkan aan biniaadamnimada lahayn ee lagu sameeyey dadka shacabka ah een wax galabsanin, taas oo ka soo horjeedda dhaqanka toosan ee Soomaali, cid ka faaiidaysaana jirin oon ahayn cadowga ummadda Soomaali mid kastaba ah ahaadee. Waxay Jabhaddu caalamka iyo shucuubta caddaalada iyo nabadda jecel ugu baaqaynaa inay xuquuq meel kaga dhaca loo gaystay shacabka Ogaadeenya ayna isha ka dhowrin ay talaabo haboon ka qaadaan, kuna caddaadiyaan maamulka Hargeysa inay sida ugu dhaqso badan u sii daayaan dadka masaakiinta ah ee xabisyada ku jira wixii xoolo ah ee laga qaatayna loo celiyo.

Jabhadda Waddaniga Xoreynta Ogaadeenya (JWXO)

OGADEN NATIONAL LIBERATION FRONT (ONLF)
INFORMATION BUREAU
infobureau@onlf.org


Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
 

 Faafin: SomaliTalk.com | Dec 6, 2003

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

 

sideed iyo tobanka gobol ee ay Soomaaliya ay Ka kooban tahay,

 .... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
 kaah

BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri


JAALIYADDA OGAADEENYA EE KOONFURTA AFRIKA
oo soo saaray Codsi ka hortag dagaal sokeeyo  oo dhexmara Soomaalida Waqooyigalbeed iyo Soomaalida Ogaadeenya Guji



Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD