SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - MUQDISHO
CARWADII UGU HORREYSAY MUDDO 13-SANO AH OO LAGU QABTO MUQDISHO IYO MAALINTA 24/12/2003 OO LOO AQOONSADAY MAALINTA CARUURTA SOOMAALIYEED

Maanata oo kale sanadkii aan soo dhaafnnay ayeey aheyd maalintii murugada badneyd ee lagumaaday qaar ka mid ah ardaydii wax ka baraneysay dugsiga sare ee AXMED GUREY, waana 24/12/2002.

Taasoo abuurtay calool xummo ku dhacday intii yareyd ee nasiibka u heshay wax barashada ayadoo aan ognahay in inbadan oo kamid ah ilmaha soomaaliyeed waayeen waxbarasho si kastaba ha ku dhacdee hadaba maanta oo ku aadan maalintaas ayaa ururrada bulashada sheegeen in maanta tahay maalintii caruurta soomaaliyeed ayadoo maanta laga xusay meelo badan oo wadanka ka mid ah inta badanna la fasaxay iskuullada magaalada muqdisho isla markaana xaflado lagu xusayo maalintaas ayaa ka dhacay meelo kaladuwan oo muqdisho iyo magaalada marka ah.

Ayadoo ey sidaasi jirtana waxaa jira wax badan oo iska badalaayo nolosha magaalada muqdishosida.

carwadii shalay laga furay xarunta machadka SIMAD.

Dhanka kale waxaa shalay xariga laga jaray CARWADII ugu horeysay ee laga furo magaalada muqdisho muddo 13-sano ah carwadaan oo ey kasoo qeyb galeen in ka badan 30 shirkadood oo soomaaliyeed ayaa waxaay kusoo bandhigeen wax qabadkooda iyo waliba wax soo saarkooda ayadoo shirkadaha meesha yimid ey ka mid yihiin warshada waxsoo saara oo kuyaalla magaalada muqdisho qaarkood sidoo kale waxaa iyaguna wax qabadkooda soo bandhigay shirkadaha isgaarsiinta sida kuwa TALEEFANNADA iyo kuwo kale

Carwadan oo uu soo qaban qaabiyay machadka simad waxaa xariga ka jaray gudoomiyaha cusub ee baarlamaanka TNG da mudane

MUSTAF MUKHTAAR GUUDOOW waxaana kasoo qeyb galay furitaankisii masuuliyiin kale.

Sida uu ii sheegay gudoomiyaha gudiga qaban qaabada carwada ee machadka SIMAD mudane C/RAXMAAN ODAWAA ujeedooyin loo qabtay carwadaan ayaa ahaa dhowr arimood sida

1- si loo helo xiriir dhexmara bulshada iyo machadka SIMAD

2- ka qeyb qaadashada machadka ee horumarinta dadka iyo dalka

3- iyo in lagu taba baro ardayda dhigata machadka oo waxyaabaha ey bartaan kamid yihiin GANACSIGA DHAQAALAHA MAAMULKA IYO MAAREYNTA

dhamaan qarashka ku baxay qaban qaabada anaga ayaa bixinay waana markii ugu horeysay ee aan qabano carwo noocan oo kale ah ayuuna iigu siidaray

carwadaan ama bandhigaan ayaa wax weyn kusoo kordhisay nolosha magaalada muqdisho oo aan looga baranin carwooyinka noocaan ah waxaana muuqata sida dadka maqsuudka uga yihiin una jecleysteen taasoo keentay in waqti dheeraad ah lagu daro waqtigii loogu tala galay in ey carwadu socoto ayadoo aheyd in 3- maalmood kaliya socoto lagu daray maalin dheeraad ah dadka oo kusoo batay jecleystayna awgeed.

Machadka SIMAD iyo kuwa lamidka ah ayaa la rajeynayaa in ey wax badan kusoo kordhin doonaan dalka iyo dadka soomaaliyeedba.

ABUUKAR YAASIIN XAAJI
MUQDISHO
SOOMAALIYA

abuukarsom@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Dec 24, 2003

"BBC-DA WAA ASATAANTA HORUMARKA UMADA SOMALIYEED"

.... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
 kaah

BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri


Denmark: Saciid Wesing : “dabcan waxa ugu horreeya ee aan Allaah weydiisanayo waa Jannada, kadibna inuu soo islaamiyo dhammaan qoyskayga ee aan muslimka ahayn”... Guji..


Singapore:
500 oo Qof ayaa Sannadkiiba Soogala Diinta Islaamka..
Guji


USA: Dacwadii Aba Sheikh
Said Aba Shiekh oo koox gaangiistaro ah ay ku garaaceen Seattle afar sano kahor oo weli kujira coomo ayaa... Guji


London, UK: Nin Soomaali ah oo Lagu Xukumay 8 Sano kadib markii lagu soo oogey dacwad ah in uu HIV si u gudbiyey laba dumar ah oo mid kamid ah ay Soomaali tahay... Guji


XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD