SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - BOSASO
Hay’adda SOFIHA oo Wadda dedaal ay ku doonayso in Gabdhaha Soomaaliyeed waxbarashadooda la kobciyo iyo in la badiyo wacyi gelinta Nabadda .

cawaale jaamac salaad | somalitalk, somaliya
jamnaf87@hotmail.com


Ardayda oo baaahidooda sheeganaya

Gabdhaha oo Horjooga Guriga Nabadda ee SOFIHA

Suxufiyiintii iyo Booqdayaashii oo Dhegaysanaya Erayga Xiriiriyaha SOFIHA

Gabdhaha Machadka Global oo la shiray G. SOFIHA

Guriga Nabadda ee SOFIHA oo gabdhaha lagu soo dhaweynayo

Gudoomiyaha Sofiaha oo ka hadlay munaasibadda Booqashada

Booqasho gaaban oo ay Hablaha Qeybta Caafimaadka ee Global (GHS) ku booqdeen dhismaha weyn ee xarunta Hay’adda Sofiha ayey kala kulmeen soo dhaweyn aad u diirran , halkaasi oo ay ku qaabileen Xubno ka tirsan Hay’adda SOFIHA oo uu ka mid yahay Guddoomiyaha Hay’ddda SOFIHA C/raxmaan Yuusuf Budul .

Isla markaasi waxa ay Hay’adda SOFIHA ku qaabishay Machadkaasi Global Qeybta Caafimaadka meel aad loo qurxiyey oo ku taalla Dusha sare ee Dhismaha Hay’addaasi Goobtaasi oo aad u leh Bilic isla markaasna aad mar ka wada il bogan kartid Badda xaaxigeeda iyo Daruuro dul heehaabayey Daarta Nabadda ee SOFIHA Dusheeda .

Soo dhaweyn ka dib waxa Hablahaasi u hadashay Keyf Siciid Ibraahim oo ka tirsan Machadkaasi Global waxayna u Mahad celisay Hay’adda SOFIHA iyadoo xustay inay Hablaha Caafimaadku ka shaqeeyaan Badbaadin Nafta Dadka iyo Daryeelkooda sida ay SOFIHA uga shaqayso Nabadda oo ay iyana Nafta u badbaadiso .

Keyf waxa ay sheegtay Baahiyo faro badan oo hortaagan Machadkooda (GHS) oo ay ka mid yihiin Tababar la’aan iyo qalab la’aan , iyagoo ka dalbaday Hay’addan Swedishka ah in ay Taageero u fidiso .

Gudoomiyaha SOFIHA C/raxmaan Yuusuf Budul ayaa u mahadceliyey Hablahaasi isagoo halkaasi uga ballanqaaday Machadkaasi inuu la garabtaagan yahay Taaageero Maaddi iyo Macnawiba leh iyo weliba isagoo gaarsiinaya magacooda Meel dheer una qareemi doono sidii Hablaha wax loo bari lahaa , wuxuuna ku dhiirra geliyey waxbarashadooda inay sii wataan isagoo sheegay in ay ku sharfan yihiin Booska ay Ummadooda ka taagan yihiin , wuxuuna Guddoomiyuhu Xusay inay xambaarsan yihiin Bahda Caafimaadku Sirta Nolosha iyo dhambaalka Naxariista loona baahan yahay inay mar walba u naxariistaan Dad weynaha iyo kuwooda Bukaanka ah , sidoo kale waxa uu Gudoomiyuhu ku booriyey Waalidiinta inay waxbaraan Hablaha si loo helo Mustaqbalka Hooyo waxtaqaan waxaana uu tusaale u soo qaatay in Ninkii Gabar waxbaraa uu Bulsho waxbaray .

Hay’addan oo ka shaqaysa Nabadda , Waxbarashada , Dhaqanka iyo Dimoqraadiyada ayaa waxay beryahaan wadday dersid xaaladda waxbarasho ee Hablaha Soomaaliyeed isagoo gudoomiyaha SOFIHA Mr. Budul socod ku maryey Goobaha waxbarista Hablaha ayuu Booqday Machadkaasi Galobal ee ku yaala Boosaaso si uu ugu kuurgalo una indha indheeyo waxbarashada Hablahaasi u yimid ee Baahidooda waxbarasho usoo gudbistay , isagoo halkaasi kula kulmay Maamulaha Qeybta Caafimaadka ee Machadkaasi (GHS) Dr. C/fataax Ciise Warsame , wuxuuna kala hadlay Gudoomiyuhu waxbarista Hablaha iyo in waxbarashadooda la dardargeliyo , loona aqoonsado shahaadada ay qaadan doonaan Marka ay dhamaystirtaan Koorsooyinka loogu talo galay .

waxaa halkaasi gabdhihii Machadkaasi ee booqday Umahad celiyeen Hay’adda SOFIHA waxayna ku tilmaameen Gudoomiyaha C/raxmaan Budul Aabbe Nabadeed oo haddana usoo jeestay inuu kor u qaado sidii hablaha Wax loo bari lahaa maadaama ay iyagu yihiin kuwa Hooyadda u noqonaya Jiilasha soo socda .

Ma aha markii u horaysay ee Hay’addasi la booqdo balse waxay Noqotay SOFIHA meel loo wada Booqasho tago , waxa iyana Halkaasi Booqday dhawaan Suxufiyiin ka tirsan BBCda iyo Arday ka socota Jaaliyadaha Dibadda ,iyadoo Halkaasi loogaga wada hadlay sidii Saxaafadda Xorta ah looga hirgelin lahaa Soomaaliya loona xoojin lahaa wacyigelinta Nabadda sida uu Gudoomiyaha SOFIHA sheegay Warku waxa uu ku dhacaa meel fog halka xabadda qorigu gaarto meel dhow .

Dhanka kale waxa Mr. Budul la kulmay dhallinyaro Soomaaliyeed oo u yimid Bosaso Tababar la xiriira la talinta dadka qaba AIDSka kuwaas oo ka kala yimid Yeman , Jabuuti , Somaliland , Puntland iyo Koonfur iyagoo Codsaday inay Booqdaan Sarta Nabadda ee SOFIHA isla markaasna waxa uu Gudoomiyuhu faray fariimo Nabadeed oo u diray Somaliya isagoo xusay sida ay Puntland Nabadda ugu caanbaxday oo uu Hadda Doonayo inuu Dhiso taallo lagu xusuusto Nabadda Puntland isla markaasna waxa usoo jeediyey Dhallintii Somaliland inay kal shaqeeyaan Afti ay qaadi doonto SOFIHA oo ay ku doonayso in Taallada Khayriyadda loo yaqaan ee ka dhisan Hargaysa lagu Muujiyo Calaamado Nabadeed iyo shinbir wadda dhanbaalka Nabadda , ama in taas laga dhinac dhiso mid kale oo Nabadda ka tarjumaysa.

Isagoo sheegay Gudoomiyuhu in maanta Adduunka Nabadda la xoojinayo oo Heroshiimadii Japan ba laga dhisay Taallo nabadeed isla markaasna loo baahan yahay in Ummadda Soomaaliyeed horta dhanka Nabadaynta , Taalo dhiska Nabadeed, iyo Billado siinta la xoojiyo si markaasi loo helo Dawladda qaran ee la baadi goobayo oo Soomaali oo dhami Maanta u Oomantahay .

cawaale jaamac salaad somalitalk, somaliya
jamnaf87@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Dec 26, 2003

Laanta Af-Soomaaliga ee BBC-da oo Jawaab u Weydey Eedaymihii Kaga Yimid Reer Bosaso
Suxufiyiin katirsan BBCda, Arday ka socda Jaaliyada dibadda iyo shacab faro badan oo booqday guriga SOFIHA, Bosaso Guji

Muqdisho: Carwadii ugu Horeysey muddo 13 sano ah
iyo maalinta 24/12/2003 oo loo aqoonsaday maalinta carruurta Soomaaliyeed... Guji

.... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
 kaah

BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri


Denmark: Saciid Wesing : “dabcan waxa ugu horreeya ee aan Allaah weydiisanayo waa Jannada, kadibna inuu soo islaamiyo dhammaan qoyskayga ee aan muslimka ahayn”... Guji..


Singapore:
500 oo Qof ayaa Sannadkiiba Soogala Diinta Islaamka..
Guji


USA: Dacwadii Aba Sheikh
Said Aba Shiekh oo koox gaangiistaro ah ay ku garaaceen Seattle afar sano kahor oo weli kujira coomo ayaa... Guji


London, UK: Nin Soomaali ah oo Lagu Xukumay 8 Sano kadib markii lagu soo oogey dacwad ah in uu HIV si u gudbiyey laba dumar ah oo mid kamid ah ay Soomaali tahay... Guji


XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD [an error occurred while processing this directive]