SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - DHULGARIIR

Dhulgariir Iran Kudiley in kabadan Kumayaal Qof

Waxaa soo ururiyey Bahda SomaliTalk.com | December 26, 2003

Eeg: Sawirada dhulgariirka.. Guji [cbc]


Dhulgariirka Iran: Sawirka: IRNA
Eeg: Sawirada dhulgariirka.. Guji [cbc]

Jimce ah (December 26, 2993) Dhulgariir ka dhacay Magaalada Bam ee ku taal gobolka Kerman ee koonfurta Iraan ayaa waxaa  wararkii ugu horeeyey sheegeen in ay ku dhinteen dad lagu qiyaasay shan kun (5000) sida ay werisey wakaalada IRNA ee iraan wararka u faafisa. Magaaladan oo taariikh dheer kuleh Iran waxa ay 1,000 km (600miles) koonfur ka xigtaa caasimada Tehran.  Waxaana wararku intaas ku dareen in dad badani ay ku duugmeen guryohoodii.

Tirada dhimashada ayaa warar kale oo kasoo baxaya waxa ay sheegeen in ay geereyso ilaa 15,000 oo qof oo dhintay. Waxaa kale oo la soo weriyey in markii gabalku dhacay ay dadku dhaxanta ka shidanayeen geedaha baalmada si ay u kulaalaan waayo wax koronto ah ma jirin halkaas, dhismayaashiina waa dumeen, hawaduna aad ayey u qabowdahay. Hay'adaha samafalku waxa ay sheegeen in tirada dhimashadu ay gaareyso 20,000 qof.

Saxaafada gobolka uu dhul gariirku ka dhacay ayaa sheegtay in laba cisbitaal ay dumeen oo shaqaalihii cisbitaaladaasina ay ku duugmeen dhismihii dumey, halka cisbitaalada kale ee magaaladu ay dhaawac la buuxsameen.

Gabar 17jir ah oo magaciise la yiraahdo Maryan ayaa tiri waxaa dhulgariirka ku dhintay "labadaydii waalid, ayeeyaday iyo labo gabdhood oo walaalahay ah, oo dhammaantood ku hoos jira burburka guryaha". 


Hooyo ku dul barooraneysa meydkii gabadheeda
Sawirada dhulgariirka. [cbc]

Governatooraha Gobolkaas oo magaciisa layiraahdo Mohammad Ali Karimi waxa uu sheegay in dad badani ku duugmeen guryaha hoostooda, waxana uu sheegay in dhulgariirka ka dhacay magaalada Bam uu ahaa 6.3-Richter scale (oo ah cabirka lagu qiyaaso baaxada dhulgariirka), kaas oo dhacay waaberigii Jimcada, waxana uu dhulka la simay 60% dhismayaashii magaalada. Wararka TV-ga Irana waxaba uu tirada guryaha dumey gaarsiiyey ilaa 70%. Waxaana TV-gu tirada dhawaca gaarsiisey ilaa 30,000 oo qof.

Jaamacadda Tehran University Kuliyadeeda Joqraafiga waxa ay cadaysay in baaxada dhulgariirku uu ahaa 6.3-Richter kaas oo dhacay 5:28:59 AM waqtiga Iran, oo u dhiganta (0158 GMT),  Jimce December 26, 2003. Xilliga uu dhul gariirku dhacay oo ay dadku weli guryohooda joogaan ama ay hurdaan. Dhibaatada ugu weyn ee dhulgariirkani waxaa lagu soo waramayaa in ay gaartey dadka reer guuraaga ah. 

July 21, 1990 ayay ahayd markii uu dalka Iraan dhulgariir cabirkiisu ahaa 7.3 ilaa 7.7 uu dalkaas ku diley 50,000 oo qof (Konton kun).

Qarnigii 20aad ee ina dhaafay waxaa lagu qiyaasay in dhulgariirku uu adduunka dacaladiisa ku diley dad lagu qiyaasay ilaa saddex million oo qof. Dhulagariirada ugu halisnanaaa waxa ay ka dheceen melaha kala ah:

  • Dhulgariirkii ka dhacay China May 22, 1977 oo cabirkiisu ahaa 8.3 ayna kudhinteen 200,000 iyo kii kale ee isla dalkaas China ka dhacay July 28, 1976 oo cabirkiisu ahaa 7.8 ilaa 8.2 oo ay ku dhinten 242,000 qof.
  • Dhulgariirkii Japan, sept 1, 1920 ee cabirkiisu ahaa 8.3 oo ay ku dhinteen 100,000 qof.

Wararka ugu dambeeyey ee dhulgariirka... GUJI

Waxaa soo ururiyey Bahda SomaliTalk.com | December 26, 2003

<><><>

Afrika: Diyaarad ku qaraxday dalka ku yaal afrikada galbeed ee Benin ayaa waxaa ku dhintay 90 qof, daawo halkan 

ETHIOPIA SOOMAALIYA
Masaajid ka Dhisnaa Magaalada Aksum 65 Sano oo la Dumiyey.
Wararka naga soo gaadhaya magaalada Aksuum ayaa sheekagaya in maamulka magaaladaasi dumiyeen masaajid ka dhisnaa halkaas muddo dhan 65 sano,iyagoo u cuskaday duminta masaajidkaas in si sharci daro ah lagu dhisay markiisii hore.

Muslimiinta aagaas dagan oo si aad ah ooga cadhaysnaa falka islaam nacaybka ah ee uu maamulka magaadaasi sameeyay ayaa ku tilmaamay inaysan waxba ka jirin qodobka loo cuskaday duminta masaajidkaasi.

Duminta masaajidkaas ayaa la fuliyey xili habeen ah,iyadoo laga cabsi qabay in hadii maalin cad la dumiyo ay halkaas ka dhacaan shaqaaqooyin iyo iska hor imaado xun.

Sidoo kale xubnihii ka shaqayn jiray masaajidkaas oo dhannaa 5 qof ayaa iyagana xabsiga loo taxaabay.
ISHA: RADIO XORRIYO

<><><> Magaalada Aksum (ee Itoobiya) ee waa magaalo taariikhdeedu ku siman tahay xilligii boqor tooyadii la ornjirey "Aksum" taas oo ahayd gobol xoog leh oo u dhexeeyey boqortooyadii Roomaanka iyo tii Beershiya-<><><>


Intii ay Soomaaliya dawladda ahayd, laga soo bilaabo xornimadii ay qayb Soomaaliy aah ka qaadatay gumeysiga, waxaa Kismaayo iyo Xamar ka dhisnaa Kaniisad ku sinayd xilligii gumeysiga, Kaniisada Xamar waxay ka dhisnayd meel u dhow masjidka Qadiimka ah ee Arbaca rukun, iyo hoteelkii ugu caansanaa Muqdisho ee Curuba iyo Bangigii ugu weynaa Soomaaliya oo ahaa Bangiga Ganacsiga iyo kaydka Soomaaliyeed iyo xafiisyadii dawladda, iyo jardoonooyin qurux badan oo aagaas ka dhowaa, iyo weliba dekadii caalamaga hayad ee Muqdisho oo aan halkaas ka durugsanayd. Kaniisada xamar waxay dhibka la wadaagtey dhismayaashii Soomaaliya dhibaatadu kasoo gaartey dagaalkii ahliga ahaa ee Soomaaliya, waxaa la sheegay in ilaa hadda la waardiyeeyo. Sawirka: www.swan.ac.uk

.... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
 kaah

BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri


Denmark: Saciid Wesing : “dabcan waxa ugu horreeya ee aan Allaah weydiisanayo waa Jannada, kadibna inuu soo islaamiyo dhammaan qoyskayga ee aan muslimka ahayn”... Guji..


Singapore:
500 oo Qof ayaa Sannadkiiba Soogala Diinta Islaamka..
Guji


USA: Dacwadii Aba Sheikh
Said Aba Shiekh oo koox gaangiistaro ah ay ku garaaceen Seattle afar sano kahor oo weli kujira coomo ayaa... Guji


London, UK: Nin Soomaali ah oo Lagu Xukumay 8 Sano kadib markii lagu soo oogey dacwad ah in uu HIV si u gudbiyey laba dumar ah oo mid kamid ah ay Soomaali tahay... Guji


XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD