SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

 Masayrka maangaabyada

Shaafici Xassan Maxamed
E-mail: mi99mosh@chl.chalmers.se

Dec 27, 2003

Qowmiyadda Yuhuudda dad badan baa neceb, waxaana laga yaabaa in ay qaarkeen moodayaan in loo necbaaday in ay Rabbi ka fog yihiin darteed! Taas waxaa diidaya nacaybkii iyo xasuuqii uu mudane Aldolf Hitler kula carobaaba’ay iyo dhibaatooyinkii ay Faraacinadu muddo hore ku takooreen kuna qaxiyeen in aysan jihaad ahayn. Isla markaas waxaa Yuhuudda neceb dad badan oo aan Rabbi jiritaankiisa malaynayn ee kula colloobey isla arrinta ay dadka kale ku colaadinayaan.

Qowmiyadda carabtu waxay xilligaan u badan yihiin muslimiin, waxaana ka mid ah kuwo kirishtan ku dufoobey iyo kuwo aan diinba malayn ee naftooda malaysan. Dhammaantood waxay ku midaysan yihiin nacaybka qowmiyadda Yuhuudda, sidaas oo kale ayey qowmiyado badani waxay la gubanayaan colaad ay u qabaan qoladaas.

Xilliyadaan waxaa la sameeyey baaritaanno ku saabsan heerka garashada dadka, waxaan ugu horreeya qowmiyadda Yuhuudda. Dad asal ahaan u dhashay Jarmal iyo Iswiidhan baa waxaa la mariyey tijaabo qiyaaseed, oo heerka garashada lagu baaray, waxayna noqdeen isku darajo. Isla baaritaankaas ayaa dad Yuhuud ah la mariyey, waxaana soo baxday in ay aad uga garasho sarreeyaan dadka Jarmal iyo Iswiidhan.

Dad badan oo ay qaarkood isla Yuhuudda yihiin baa waxay u maleeyeen in ay garashada sare ee qoladaasi tahay fir ay ka dhaxleen wasiirtoodii kumannaan sannadood ka hor jirey. Waxay arrintaas u cuskadeen in uu firsigu wax jira yahay, hase yeesho ee waxaa jira dood ku wajahan in uu firsigu xilli kooban leeyahay, oo uusan ahayn wax intaas oo fac socon kara.

In ay nebiyo badani magaca ”Israa’iil” dugsadaan bay dadka qaar ka uriyeen in ay garashodheerida qoladaasi salka ku hayso, waxaase taas lagu caabbin karaa in aysan nebinimadu ahayn garasho qof ee ay tahay fartiin uu Rabbi soo diray.

Dadka in ay garashada Yuhuuddu dhaxal tahay ku doodaa waxay daliishadaan in uu jiro baaritaan bayoloji ah ee sheegaya in uu dadkooda qaarkood ku badan yahay BRCA1 oo xariir la leh kanserka naasaha ku dhaca. Sidaas awgeed firka dhiigga iyo dhaxalka garashada labaduba waxay xuli garaan facac waayo badan isdhala.

Ama fir ha ahaato ama yay ahaan ee waxaa la isku raacay in ay Yuhuuddu dadka kale ka fiiro dheer yihiin. Markii ay qabiiliyaashii Jarmal Yuhuudda ku carteen waxaa dadka Berlin ku noolaa qoladaas ku abtirsanayey 5% (boqol kasta shan qof), waxaana canshuurta magaalada bixin jirey 31% oo Yuhuud ah. Sidaas ayey magaalooyinka waaween ee Jarmalka ugu yaraayeen tirada Yuhuudda ee ku nooli, isla markaas ay u badnaayeen tayada dadkaasi xagga dhaqaalaha.

Waddanka ay dadku in uu xooggan yahay u maleeyeen ee Maraykan waxaa xilligaan maskaxda ka orgeeya qoladaas. Waxaa la sheegaa in dadka dalkaas ku xerooda 2% labo Yuhuud yihiin, haddana 50% dadka fakarka dhaqanka hoggaamiyaa waa ayaga.

Dadka maraykan ee tan iyo hadda lagu abaalmariyey darajada ”nobelbarays” waxaa tolka Yuhuudda ahaa 40%. Macallimiinta jaamacadaha dhiga waxaa ka mid ah qaar sare oo loo yaaqaan barafasoor, waxaana dalkaas (USA) Yuhuud ah 20%.

Hoggaanka qareemada Niyuu Yook iyo Washiton waxaa ayaga ah 40%. Joornaallada iyo guud ahaan waxyaalaha la daabaco waxaa saxaafad iyo qoraal kaleba madaxda hagta Yuhuud ah 26%.

Waxaa inoo laaban wax kale oo yaab leh! Oo maxay yihiin? 59% (qiyaastii lixdan boqol walba) qorayaasha sare, diwaangeliyeyaasha iyo dadkii sameeyey kontonkii filim ee dunidda ugu lacagsooraarka badnaa in ay Yuhuud ka soo jeedaan baa la sheegay.

Nolosha dabeecaddeeda haddii laga daliilqaato waxay garashada dadka u soo jiiddaa awood, tanti iyo magac. Markii ay dadka garashada kore lihi xoogga hagitaanka, dhaqaalaha iyo muuqaaldheerida helaan waxay noqdaan dabaqadda sare ee nolosha bulshada, waxayna dareemaan kalsooni iyo rayrayn ay ku sii dhiirradaan sidii ay u sii tillaabsan lahaayeen iyo sidii ay u xagsan la haayeen arrimahaas ay ayadu garashadooda ku gaareen.

Markaas maxaa dadka ay garashadoodu hoosayso u talo iyo taag ah? Waxay dabaqaddaas heerkeedu hooseeyaa shaqo iyo maaweelo ka dhigtaan masayr ama hinaas iyo xin.

Colaado iyo xiisado badan ee ummado badan ka soo dhexdhacay waxay ku qotomeen dad garaadkoodu sarreeyo iyo kuwo ka heer hooseeya oo ka masayrsan in si ama siyaalo looga horreeyo, waxaana laga yaabaa in ay nacaybyada sidaan ahi isu rogaan midabtakoor iyo in loo kala safto dad kala midab ama muuqaal geddisan.

Waxaa laga yaabaa in dad aflahorrato lihi ay hadalladaan kula soo boodaan ”Sidee bay u dhici kartaa in ay qolo gaar ahi dad kale ka wada garash sarreeyaan?” iyo ”Sow garashada qof kasta gaar looma siiyo”. Taasi waa dood aan u qalmin in lala yimaado xilligaan ay wax kastaa caddaadeen.

Horta dadnimada waxyaalaha ugu horreeya oo noolaha kale lagaga saaraa waxaa ka mid ah ”Bulsho”, oo malaha ka koobnaan karta toban qof, siina badan karta tan iyo malaayiin ruux. Bulshadu waxay yeelataa hidde, waxayna samaysataa alaabo iyo qorshe nololeed. Alaabada iyo qaabnololeedku waxay tabobaraan garashada dadka oo sii dhaqaajisa qalabka iyo sansaanka ama habka ay bulshadu u rakiban tahay.

Bulshadii ay batobarkeeda iyo hiddeheedu guulaystaan waxay helaan sirta nolosha qaarkeed waxaana u baxa raadkii ay garashadoodu u sii kori lahayd, waxayna helaan nolol iyo magac ka sarreeya kuwayowga aysan garashadoodu tillaabsan.

Markii ay bulshada garaadkeedu koray hidde ahaan iyo hayn ahaanba heer sare joogto wuxuu dadkeedu yeeshaa garasho ka sarraysa bulshooyinka kale haddii baaritaan lagu sameeyo heerka garashooyinkooda iskucelcelis ahaan.

Bulshada kor u kacday waxay heshaa kalsooni iyo siisocod, halka ay kuwa haray kala dabayaacaan masayr iyo nacayb. Waxaa markaas abuurma colaado iyo haaraan aan weligiis soo afjarmayn, oo laga yaabo in aysan dadkii bilaabay u haysan daliilo la taaban karo ee tuhun iyo xin la isku dhexfaafiyey u badan.

Marka ay arrimahaani sii durkaan waxay u xuubsiiban karaan midab sidii aynu horay u soo sheegnay, waayo waxaynu maanta og nahay in ay carabta iyo caddaanku u bukaan Yuhuud, halka ay madowgii laga roonaaday ee Ameerka lagu bahdiley ayaga oo ay garashadoodu saqiir ahayd u cuqdadaysan yihiin dadkii addoonsaday oo weli ka sarreeya.

Kalasarraynta garashada dadyowga aad baa loo qariyaa, waayo dadku run ma ay rabaan, isla markaas waxaa laga yaabaa in ay meesha soo gasho oraah ay dadka liitaa ku baroortaan oo ah: ”Waa naloo gafey”.

Waxaa maanta jira magac ah ”Afrikaanka Ameerika”, wuxuuna magacaasi soo maray labo jaranjaro oo mid walba laga xanaaqey. Waagii hore waxaa dadka madow ee Ameerika la oran jirey ”Neger”. Markii uu cuqdad iyo dhiidhi kiciyey baa waxaa magacii loo wareejiyey ”Madowga Ameerika”, haddana ereyga ”madow” baa la dhibsaday maaddaama ay dadka madoodi heer hoose nolosha ka joogeen, waxaana hadda loo yaqaan ”Afrikaanka Ameerika”.

Magacaas danbe laftiisu wuxuu qarka u saaran yahay in laga cararo kol haddii ay weli dadka madoobi xagga garasha ka curyaansan yihiin, oo aysan madaxa kor u soo qaadin ee ay kun sano meeshii la joogey hoganayaan.

In arrin qolo gaar ah loo qiro ama lugu tilmaamaa waxay ka mid tahay waxyaalaha la cabburiyo, oo aan xataa haddii cilmi ahaan oo baaro lagu dhiirran karin. Takhtar ingiriis ah, Rober Bannister, baa 1995 wuxuu sheegay in ay dadka uu dubkoodu madow yahay orodka iyo bootada kaga fiican yihiin dadka kale. Dabdeed tababare akademi oo asaguna isla dalkaas magaalada Berkeley joogey baa wuxuu ku dhiirradey in ay madowgu orodka iyo bootada kaga suubban yihiin dadka midabbada kale leh. Ninkaasi wuxuu mutay dhibaatooyin uu ka soo waaqsan waayey, oo ay ugu fududayd in uu shaqadiisii dhawr sano seegay.

Gabar Jarmal ah, Charlotte Höhn, baa 1994 shir qaramada midoobey lahaayeen ee Masar ka dhacay waxay tibaaxday in ay jiraan garashooyin iyo kartiyo ku kala leexsan midabbada dadka, kuwaas oo aan la beenin karin, waxayna markiiba seegtay shaqadeedii!

Faransiiska iyo meelo kale waxaa afka la qabtay dad aqoon sare lahaa oo ku dhiirradey in ay noocyada dadku waxyaalo ku kala duwan yihiin xagga kartida maskaxda iyo midda jirka, sida ay ugu kala duwan yihiin muuqaallada iyo midabbada.

Waxaa yaab leh in markii ay dan dhab ahi jirto aan looga leexleexan arrimahaan lagu ciqaabay dadkii aqoonta lahaa, oo baaritaannada cilmiyaysan soo gudbin lahaa. Difaaca Maraykanka, Pentagon, waxaa in ay Yuhuuddu hagto soo dhaweeya tijaabo caqliga (IQ) ah oo la mariyo dadka laftaas xasaasiga ah dhuuxaya!

Doodda midabka u saabsani hubaal ma aha xagga garashada oo arrinteeda weli looma madaxbanaana in miiska la soo saaro, hase ahaato ee waxaa cad in ay qofka garashadiisu cuskan tahay bulshada uu ku dhexkoray hiddeheeda iyo heerka horumarkeeda.

Marka aynu garasho ka hadlayno uma aynu jeedno tababobarka angagan ee waxbarashada oo uu qof kastaa samayn karo, ee waxaynu uga jeednaa garashada laga gurto wereegga fakarka iyo nolosha bulshada.

Haddii aynu hadalka sii dooxno waxaa jira malaayiin garasho oo uu qofku u dhalan karo, laakiin ka madoobaanaya haddii aysan bulshada uu dhexdooda ku ababayaa ilbax ku ahayn arrintaas. Weli waxaa la moodaa in aynaan si fiican ku fahmin dulucda hadalkaan, waxaase inoo furaya tusaale yar ee su’aal ah oo soomaalida ku saabsan.

Waxaynu hubnaa in ay Cali-Dhuuc iyo Aadan-Carab ahaayeen labo nin oo leh karti fiican oo ay ku gabyi kareen, waxayna malaheenna ku barbaareen Buuhoodle. Markii uu mid kastaa hal sano jirey haddii inta Buuhoodle laga qaado la geyn lahaa Mundul Baraawe oo ay 25 sano halkaa ku gaari lahaayeen ma loo malaynayn karaa in ay kartidooda maansadu ahaan lahayd sidii ay ahayd?

Garashada dadku waxay u kala baxdaa malaayiin iyo malaayiin cayn, ee maanso keli ah ma aha. Sidaas awgeed tusaaleheennu wuxuu diirka ka qaaday in uu qofku garasho u dhasho, isla markaas garashada hirgeliddeedu ku xiran tahay bulshadiisa. Haddii ay bulshadu kobciso waa uu guulaysanayaa, haddii kalese wuxuu la mid noqonayaa dadka aan garashaadaas u dhalan.

Bulshooyinka dhulka ku nool qaar baa waxay ka garasho hooseeyaan carruurta 7 jirka ee bulshooyin kale, waayo koritaanku fil keli ah ma aha ee waxaa weheliya tabobar aysan bulshooyinka qaarkood haysan, ee ay mugdi ku jiraan oo sidaas iskula fiican yihiin sida uu dixirigu isula fiican yahay.

Soomaalida waxaa jirta garasho uu Rabbi ugu deeqay, taas oo ah xinka qabyaaladda. Qofka soomaaliga ahi haddii uu jamaaco salaad ku xirto wuxuu sahwiyayaa inta uu ka fakarayo imaamka iyo safka hortiisa ah tolkooda.

»BBC-da: SIYAASADAHA DAHSOON EE GUMAYSTAHA [Salahudin]

»BBC WAA IDAACAD HUFAN LAAKIIN MAXAY INOO TAHAY?

»"BBC-DA WAA ASATAANTA HORUMARKA UMADA SOMALIYEED"

»Cudurka Aidska iyo BBC-du maxay wadaagaan?  [Cali]

Laanta afka soomaaliga ee BBC baa ciiddii dhawaan la tukadey waxaa laga sii daayey sidii meelo kala geddisan looga ciidey. Nayroobi baa waxaa ka soo hadlay labo weriye, oo kala ahaa Axmed Maxamed iyo Xassan Bariiso.

Sidii ay tukashadu u dhacday bay labadoodu iska waraysteen, waxaana la waraystay Xassan Bariiso. Iimaamku wuxuu ahaa shiikh dhallinyar, laakiin uu Rabbi ugu deeqay aqoon iyo aftahmo lala ashqaraaray. Waa shiikh Umal oo malaha ku soo barbaaray degaanka loo yaqaan Ogaadeen.

Axmed Maxamed oo uu Allihiis Alle yahay baa wuxuu Xassan weydiiyey su’aal fiicnayd, oo ahayd ”Ka warran khudbadii shiikha?”. Nasiib darro Xassan hadalkaas wuxuu ka dhexsawirtay qabyaalad iyo in asaga lagu yasayey. Hal mar buu codkii Xassan oo awalna xabeeb lahaa xanaaq la sii xabeebsaday, wuxuuna malaha u maleeyey in uu Axmed hadalka qallooc ula jeedey, oo uu ku hoosqarinayo ”Meeshii aad dhawaan ka timid lagama heli karo shiikh aftahan ah sida Umal”.

Run ahaantii su’aasha Axmed Maxamed qabyaaladi kama ay dhadhamayn, oo Xassan Bariiso waxaa fiicnayd in uu shaydaanka iska naaro, iskamase uu naarin, ee wuxuu qabiilkiisa ku difaacay: ”Gobol kasta waa laga heli karaa nin codkar ah, taasna horay baynu uga wada hadalnay!”.

Waxaa laga yaabaa in ay maalin hore labada weriye ku soo murmeen tartan qabiil, oo codkarimo ku saabsan, markaas oo uu Xassan Bariiso wax tabanayey, dabadeedna uu inta is ilaawey idaacad ay 20 milyan dhegaysanayaan ka sheegay jariibban qabiil oo asaga iyo saaxiibkiisa shaqada soo dhexmaray.

Markii hore ee ay ilaaqdaas kharaari labada dhexmaraysey waxaa laga yaabaa in ay marqaansanaayeen amaba ay cabsanaayeen, waayo shaqaalaha BBC intooda badan waxaa codkooda laga dareemaa in ay reero balwadeed yihiin, siiba kuwa reer woqooyiga ah.

Run ahaantii dadka muslimiinta ah waa laga xaaraameeyey dhammaan maandooriyeyaasha, laakiin waxay dad aan ku kalsoonahay ii sheegeen arrin dhexmartay Ismaaciil Cumar Geelle iyo Cabdiqaasim. Waa dad aan loo malayn karin in ay sirtaan ii soo gudbiyeen, laakiin waxay soomaalidu ku maahmaahdaa ”Runtu haddii afka laga qariyo feeraha ayey ka dillaacdaa”.

Dadkaas in aan magacaabo waa aan ka gaabsaday, waxayna sheekadu ahayd in uu madaxweyne Ismaaciil oo cabsani soo wacay guulwade Cabdiqaasim. Wuxuu amar ku siiyey in uu shirka Nayroobi aado, dabadeedna markii uu madaxweynuhu miyirsadey buu Cabdiqaasin oo Nayroobi jooga soo wacay, wuxuuna asaga oo xanaaqsan ku yiri: ”Yaa kuu fasaxay in aad shirka aaddid?”, wuxuuna cabbaar ku caayey afka faransiiska oo uusan Cabdiqaasim waxba ka aqoon.

Waa waagii uu Cabdiqaasim Nayroobi yimid oo uu haddana dhaqsaha uga laabtay, hase yeesho ee maqaalku wuxuu ku saabsan yahay ”Masayrka maangaabyada”.

Masayrku wuxuu sida badan kaashadaa cuqdad uu qof qabo ama shaki ay kooxi isku dhexbaahiyaan. Sidii aynu soo taabannay waxaa dhacay dagaallo badan ee masayr ka abuurmay.

Burundi iyo Ruwanda waxaa isku xasuuqay dad badan, waxaana laga yaabaa in ay dagaallada Soomaaliya ka dhacay salka ku hayeen kala masayr ay qabiilooyinkii isxasuuqay xin iyo hinaas caloosha isugu hayeen oo sida bunbadii hal mar qarxay.

Waxaa arrintaas xoojinaya in aysan muuqan sabab macquul ah oo keeni kartey sidii ay ummadda soomaaliyeed isu gumaadeen. Waxaa la sheegaa in ay qabiilooyin aan godob muuqata kala qabini iska laayeen tiro haddii la sheego laga naxayo, waxaase ka sii daran sida ay markii heshiis loogu baaqo caaqyo u yihiin.

Marka ay soomaalidu shirayaan qof xishoonaya oo caqli lihi ma uu dhegaysan karo, waayo waxaa shirka soo dhoobanaya kuwo aan doodi aqoon, oo lacag ay xadeen ama ay dhaceen ku soo caanbaxay.

Shir qaran oo la rabo in lagu sameeyo barlamaan xeerka sameeya oo dhawra iyo xukuumad dadka hubka ka uruurisa oo hay’ado shaqeeya u samaysa, caalamkana ula xariirta ayaa waxaa iska soo aadaya caaq jaahil ah oo baasto iyo dhar biliqaystay iyo suuqmadow intii uu dalku kharribnaa ka xoolaystay.

Jeneraal Maxamed Siyaad intii uu ka baqayey in xukunka laga qaado ayuu wuxuu meel kasta u dhiibtey dadkii jamhuuridda oo dhan ugu garasho iyo aqoon liitey. Doqomadaas jaahiliinta baa 21 magacyadooda raadiyaha laga maqlayey, waxay shacabka qaarkood u qabaan in ay siyaasad iyo maamul wax ka garanayaan.

Bahaayinkaas iyo xoolo kale ayaa magacii uu Siyaad u yeelay ku khatalaya ummadda jahawareersan. Dadka kartida fiican bay iska barbar yaacaan, oo u diidaan in ay baahida taagan xalkeeda habeeyaan. Tuugada iyo caaqyadii kacaanka waxaana dhammaantood dhaama wadaaddada iyo garoobbada.

Shaafici Xassan Maxamed

E-mail: mi99mosh@chl.chalmers.se

 QORAALADII HORE EE SHAAFICI

<><><>.... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
 kaah

BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri


Denmark: Saciid Wesing : “dabcan waxa ugu horreeya ee aan Allaah weydiisanayo waa Jannada, kadibna inuu soo islaamiyo dhammaan qoyskayga ee aan muslimka ahayn”... Guji..


Singapore:
500 oo Qof ayaa Sannadkiiba Soogala Diinta Islaamka..
Guji


USA: Dacwadii Aba Sheikh
Said Aba Shiekh oo koox gaangiistaro ah ay ku garaaceen Seattle afar sano kahor oo weli kujira coomo ayaa... Guji


London, UK: Nin Soomaali ah oo Lagu Xukumay 8 Sano kadib markii lagu soo oogey dacwad ah in uu HIV si u gudbiyey laba dumar ah oo mid kamid ah ay Soomaali tahay... Guji


XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD [an error occurred while processing this directive]