A salaamu
Calaykum
wr
wb.
MA OGTAHAY?
- Cidii caruurta ugu hor islaamtay waxa uu ahaa
Cali Binu Abu Daalib
- Cidii Nabiga (CSW) ugu hor rumaysay raga xorta ah
waxa uu ahaa Abu Bokor Sidiiq
- Cidii ugu horesay ee u Hijriyoota dhulka
xabashida ee ka mid ahayd reer Binu Makhsuun waxa uu ahaa Abu
Salama Binu Cabdi Asad Waxana la socday Gabadhiisi
- Cidii ugu horeyay ee Nabi (CSW) ugu hor dhiibay
calankii muslimiinta waxa uu ahaa Xamse binu Cabdi Mudalib
- Cidii ugu horeyay ee Nabigu (CSW) gacantiisa
ku garaaco habeenkii labaad ee caqaba waxa uu ahaa Al Baraa Binu
Macruur
- Cidii ugu horeysay ee u haajirtay dhulka Xabashida
waxa uu ahaa Cismaan Binu Cafaan
- Cidii ugu horeysey ee asxaabta ka mid ahayd ee lagu
aaso Kuufa waxa uu ahaa Khubaab Binu Al Arat
- Cidii ugu horeysey ee samaysa doonyaha dagaalka waxa
uu ahaa Cismaan Binu Cafaan
- Dagaalkii ugu horeyay ee dhex maray muslimiinta iyo
Ruum waxa uu ahaa Dagaalkii la odhan jiray (Qaswatu Muuta)
- Dhiigi ugu horeyey ee loo daadiyo dacwada illaahay
waxa uu ahaa Sacad Binu Abi Waqaas
- Gabadhii ugu horeysan ee muslimada ahayd ee la
dagaalanta Yahuud waxa ay ahayd Safiya Bintu Cabdi Mudalib
- Gurigii ugu horeyay ee dacwada illaahay laga bilaaba
waxa uu ahaa Gurigii Arqam Binu Arqam
- Gurigii ugu horeyey ee Nabigu (CSW) uu dago
markii uu Madiino degay waxay ahayd Gurigii Abi Al Ayuub Al
Ansaari
- Khaliifkii ugu horeyay ee qabta talada islaamka waxa
uu ahaa Abu Bokor Sidiiq
- Ninkii ugu horeyey ee ka saara Yahuuda kana
tirtiray riyadii ay ku riyoonayeen jasiirada carabta una diray
Shaam waxa uu ahaa Cumar Binu Khadaab
- Qof kii ugu horeyay ee dar illaahay loo dilo intii
ay dacwadu socotay waxa uu ahaa Sumaya Bintu Khubaab
- Qofka ugu horeya ee ka mid ah umada Nabi Maxamed
(CSW) ee geli doona jana waxa weeye Abu Bokor Sidiiq
- Qofka ugu horeyay ee dadka isku keenay si ay u
tukadaan taraawixda bisha ramadaan waxa uu ahaa Cumar Binu Khadaab
- Qofkii Ansaarta ugu hor islaama waxa uu ahaa
Ascad Binu Saraara Al Ansaariya
- Qofkii dumarka ahaa ee Nabiga ugu hor
Rumeeyay waxa ay hayd Sayidatul Khadiija Bintu Khuwayla
- Qofkii ugu horeyay ee dadka in ay xajkooga gutaan u
hor kacaa waxa uu ahaa Abu Bokor Sidiiq
- Qofkii ugu horeyay ee dar illaahay leeb u tuura waxa
uu ahaa Sacad Binu Abi Waqaas
- Qofkii ugu horeyay ee Khudbad u jeediya dar illaahay
waxa uu ahaa Abu Bokor Sidiiq
- Qofkii ugu horeyay ee gurigiisa laga dhigtay masajid
laguna tukado waxa uu ahaa Camaar Binu Yaasir
- Qofkii ugu horeyay ee haween ahaa una soo
Haajirtay Madiina waxa ay ahayd Umu Salama Binu Umaya
- Qofkii ugu horeyay ee islaamka ugu hore eedama waxa
uu ahaa Bilaal Binu Rabaax Al Xabashiyi
- Qofkii ugu horeyay ee ka sheekeeya sheeko wakhtigii
cumar waxa uu ahaa Tamiim Binu Awos Adaari
- Qofkii ugu horeyay ee kaxaysta ciidan yar oo
muslimiinta ka mid ah lana kulmay cadowga waxa uu ahaa Xamse Binu
Cabdi Mudalib
- Qofkii ugu horeyay ee ku dhameeyay quraanka isagoo
tukanaya hal ragcad waxa uu ahaa Cismaan Binu cafaan
- Qofkii ugu horeyay ee ku dhasha dhulka Xabashida
waxa uu ahaa Cabdilaahi Binu Jacfar Binu Abu Daalib
- Qofkii ugu horeyay ee ku dhashay Madiina waxa
uu ahaa Cabdilaahi Binu Subeer
- Qofkii ugu horeyay ee lagu naaneeso Amiirkii
Muumuniinta waxa uu ahaa Cumar Binu Khadaab
- Qofkii ugu horeyay ee masaajid u shida Laydh
waxa uu ahaa Tamiim Binu Awos
- Qofkii ugu horeyay ee muhaajir ahaa ee lagu aaso
Buqiica waxa uu ahaa Cismaan Binu Mudcin
- Qofkii ugu horeyay ee muhaajir ahaa kuna dhinta
Madiina waxa uu ahaa Cismaan Binu Mudcin
- Qofkii ugu horeyay ee qoray taariikhda Hijiriyada
waxa uu ahaa Cumar Binu Khadaab
- Qofkii ugu horeyay ee quraanka kor u qaada Maka
gudaheeda waxa uu ahaa Cabdilaahi Binu Mascuud
- Qofkii ugu horeyay ee soo ururiya kitaabka quraanka
ah waxa uu ahaa Abu Bokor Sidiiq
- Qofkii ugu horeyay ee suneeya labada ragcadood
intaan la dilin waxa uu ahaa Khubayb Binu cadli
- Qofkii ugu horeyay ee u diyaariya fardo lagu
dagalamo dar illaahay waxa uu ahaa Al maqdaad Binu Aswad
- Qofkii ugu horeyay ee u sameya sharci magalada
Basra waxa uu ahaa Muqiira Binu Shacab
- Safiirkii ugu horeyay ee dadka muslimiintu yeeshaan
waxa uu ahaa Mascad Binu Camiir
- Seeftii ugu horeysay ee islaamka caan ka dhex
noqotay waxa ahayd
Seeftii Subeer Binu Cawaam
Turjumaysha iyo Qorayaasha
Siciid Cumar Yuusuf
C/fataax Xasan aadan
Axmed Ismacil
cabdifataax_96@hotmail.com
»Maxaynu
u Wax Qabad u Samayn waynay
»Dhaqanka
Wanaagsan ee Islaamku ina Faraayo
»Badwaynta
Kalgacalka
Faafin: SomaliTalk.com | December 28,
2003
MA-OGTAHAY: Maalinta carafa in ay
ku beegan tahay 31da Janaayo, Ciidul Adxaana 1da Febraayo 2004, Sannadka
cusub ee Islaamkuna uu bilaabmi doono 21 Febraayo, Maalinta cashuurana ay
ku beegan tahay 1da Maarso, bisha Ramadaana 15ka Octobar, insha Allah, ee
isxisaabi
<><><>....
Copyright
& Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
Kulaabo bogga hore ee
www.somalitalk.com
|