Maxaynu u Wax Qabad u Samayn waynay
Qorayaasha iyo Turjumayaasha qoraalkan ka
qayb qaatay waa: C/fataax Xasan Xasan, Axmed Ismacil (Bucul), Siciid Cumar Yuusuf, Maxamed Ismacil:
C:/o Hargeysa:
cabdifataax_96@hotmail.com
1.Caajisnimo iyo wahsi
Nabigu Maxamed (SCW) isagoo ilaahay ka magan gelaya aafada
caajiska, wuxuu yidhi ilaahow waxan kaa magan gelayaa hamiga, muragada,
caajisnimada, bakhaylnimada iyo fulaynimada.
Arintuna waxa iskugu soo aruuraysa in caajisku yahay
meesha ay aafadu ka soo fusho, dadku waxay asal u leeyihii caajiska, dadku
markay hawl qaban wayaan in uu yahay mid aan hawsha qaban karayn kaasi waa
caajis, inuu yahay mid kara laakin aan doonay inuu qabto kana waxa la yidhaa
kasal, dadku hadii uu yahay meel ay ka soo fusho arin culaysku keenta mudo
horena uu sameyay waxa la yidhaada murugo, hadii uu yahay mid uu ka soo
fulay war warkiisu arin iman doona waxa la yidhaada warwar, hamiga iyo
murugadu waa halkay ka yimaadan caajis nimada iyo waxa la yidhaado kasal.
Hadaba dadku markuu dareemo Tusaale ahaan in halkaan ay
taalo arin hortiisa waajibna ay ku tahay in uu wax ka qabto waxa soo wajiha
hami iyo culays iyo argagax taasina waa ta keenta caajis nimada.
Arinta hortaada taala hadii aad tahay qof awood u leh wax
ka qabashadeeda ku dhaqaaq markaa halkaad u hayso. Hadii aanad Karin wax ka
qabashadeeda ilaahay talo saaro dabadeed ka fakir sided ka yeeli lahayd
sidaa ku hawl gal waxaa laga yaabaa in aad gaadho natiijada taasi waa sida
aynu uga gudbayno murugada khaladaadka mar hore dhacay hadii aad doonto in
aad masaxdo raadkiisa ku dhaqaaq adigoo ogsoon hadii aanad Karin arinta udaa
kana fakir wixii kaa anfacaya ilaa aad ka gudubto xayn daabka murugada
Ku mashquulida hamiga iyo murugadu waa sawirka ama
natiijada caajisnima waana aafada dadka ku keenay inayka xanibmaan ama uhol
galaan masaaliixdooda aduunyo ama aakhiro tusaale ahaa iyagoohaysta fursado
badan ayaanay hadana ku guulaysan inay xaqiijiyaan hadafkooda caajisnimo
darteed ama kasal arintanu waa mida aynu si aad ah ugu naqaano nafaheenaama
qadiyado xadhiidh la leh
2. Cabsi laga qabo in lagu fashilmo
Inta badan mushkiladani waxay ku dhacdaa dadku markay
bilaabayaan wax aanay aqoon ulahayn dadka waxuu ka helayaa aragti dhamays
tiran markaad doonayso in aad hawl qabato waa laba mid uun in aad ku
fashilanto iyo in aad ku guulaysato inta badan maxaa keena fashilaada ?
Maaxaad ugu fikiri wayday in aad ku guulaysato?
Qofna lagama yaabo in uu qabto hawl uu kashakisan yahay in
uu ku fashilmo waxaa laga yabaa in aad ku dhex nooshahay mujtamac
mutacalimiin ah oo soo maray marxalado kala duwan, dhugsiyo hoose dhexe iyo
kuwa sare, qaarkoodna ay ku gudbeen heer jamacadeed, qaar jamacada ka dhib
wax barasho kale ay sii galeen.
Dadkaa qofkasto oo ka mid ihiba wuxuu ku dadaalaya si aanu
igu fashilmin wax barashadiisa, ma arkaysid mid ka mid ah ardayda oo ku
noqnoqonaya imtixaanada si ay uga badbaado in uu fashilmo, waxa laga yaaba
badh ardayda ka mid ihi in ay ku guulaytaan 1% sidaa darteed wuxuu galayaa
imtixaan waxa isaga markaa ku soo hadhaya warqadi imtixaanka isagoo garanaya
miyuu khalday iyo miduu saxba .
Ardayda ku guulaysata imtixaanada markay imtixaanka galaan
ayaa qiyaastooda waxa ku badan oo ay awooda saran si ayna igu fashilmin,
waxa aan ugu jeeda jirabaada dhamaanteen way ina soo martay haday tahay
camal iyo hadaytahay waxbarashoba , waxa ku lamaan oo laga yaaba in lagu
gaadho heer fashilaad marka la eego nidaamka wax barasho, sidaa darteed
waynu najaxaynaa waana aynu karnaa in aynu ka gudubno marxaladahan.
Qaybo ka mid ah dadka ayaa ku guulaysta noloshaada iyagoo
kala gedisan waxa ka mid ah kuwa ganacsato, qoraa iyo abwaano, hadaba
fashilaada ayaa ku wayn xagooga aadna ay iskaga ilaalinayaan hadaba markay
ku noqnoqdeen jirabaada ayay gaadheen meelo sare.
Inagu maxaynu meel sare aan ku gaadi waynay?
Iyaguna horemarkan ay ku gaadheen?
Ka fakir adiga oo ku dhaqaaqay dacwada diinta islaamka,
masiibada ka wayn maxay tahay hadalkaaga oo socan waaya, hawshii waad
samaysayba mase is tiri waad ku fashilantay, run ahaanti maaha fashilaad
laakin waxa jira in aad doonayso in aad noqoto qof dadka wacdi geliya oo
guulaysta dadkuna ay ku sheekaystaan, hadafkaagu ha ahaado in aad dacwada
dadka gaarsiiso ilaahay darteena aad u shaqayso (SWC) ilaahay isagaa ku
xisaabinaya camalkaaga kaana abaal marinaya qadiyada guulaysigu waa mid
kale, hadii aad rajaynayso in aad dadka raadku yeelato oo aad waaniso maxaad
faa’iiday hadii aan lagu qancinba?
Taa macnaheedu ma in aad ku fashilantaybaa? maya maad
fashilmin waayo adigu waxaad ogtahay in aad ilaahay agtiisa ajar aad ku
leedahay ama aad ka helayso, dadku hadii ay adeecaan wanaag aad fartay waa
ilaahay mahadii adigu hadaba ma garanaysaa mida khayr roon dadka oo adeeca
wanaaga aad fartay iyo iyagoo ka jeesta?
Dadku markay ay ku adeecaan insha allah waxaad noqonaysaa
kuwii Nabigu (CSW) ninka dadka igu yeedha wanaag wuxu leeyahay wanaagla mid
ah wanaaga kuwa soo raacay, iyagoo kuwaa ajarkooga waxba ayna iska dhimayn,
waa xadiis saxeexa waxana wariyay imaamu muslim iyo kuwa kale, way ku
geesinima gelinaysaa markaad dareento in aad leedahay ajarka kuwa kusoo
raacay oo kale, hadii ay dadku kaa jeestaan waxan aan ku leenahay waxa laga
yaabaa in aad ka mid tahay kuwuuu Nabigu (CSW) uu lahaa diintu waxay ku
bilaabmatay Qariib 1 waxayna ku noqondoontaa
Qariib waxana liibaanay kuwa ku adkaada diintooda,1.waxa ku soo aruuray
riwaayado badan fasilaada al Qariib(dadka wanaagsan oo yar, dadka kalena uu
badan yahay , inta wanaaga raacda ay ka badantahay inta diiday) hadaba
markaad inta ku raacaday aad xasanaadkeeda mid la mid ah aad leedahay khayr
kasta oo ay sameeyan waxa u sabab ahayd dacwadaada, sababta adigu aad u
hormarsatay ayaana keentay ajarkan, hadaba markay bataan kuwa ku diidani
waxa laga yaabaa in aad tahay kuwuu Nabigu (CSW) uu ku tilmaamay Al Qurabaa
albaabada wanaaga mid ahaan ayaa ku sugnaaday siday muslimiintu odhan jirtay
markay jihaadka ay ku jiraan, kamay baqan jirin in ay ku fashilmaan jihaadka
waxay odhan jireen labada wanaag mid ahaan ayaan helin doona Nasriga iyo
Shihiidnimada mid ahaan.
Hadaba arinta fashilnimadu hadii ay tahay mid aan meel
kale aan ka soo wareegin, hadii aad dareento mushkulada hor taagan hawshaada
waxay noqonaysaa wax adiga kaa yimi talaabadana u qaad halkii guusha, hadaad
doonayso in aad gaadho heer sare kuma gaadhaysid mar kaliya.
3. Cabsi laga Qabo Khalad la Galo
Shaqsigii hore wuxuu ka baqayay in uu fashilmo waxaana uu
ka baqayaa in uu khalad gelo qof ka baqaya inuu khalad qalo waxa uu odhanyaa
waxa aan ka baqayaa in aad khalada galo oo hawlbadani ay iga soo gaadho
khaladkaa, matalan wuxuu ka baqayaaba in ay dadku ku sheekaystaaan khalad uu
galay, wuxuuna odhanayaa kalmad u dejinaysa ama ka dhigaysa mid khaldamay
ama uu ka baqayo maadama uu shaqsi uu u yeedhayo uu diidaba sababtana ay
keento khalad uu sameeyay sababna looga dhigo inuu wanaaga uu karahsan yahay,
hadaba waxan aan u malaynayaa marka arinta lagu dabaqo kuwii hore aan ka soo
hadalnay bal dadkan eega heerka sare gaadhay anbiyada dabadeed, Asxaabta
Nabiga (CSW) waxa soo maray khalado ay galayn oo waawayn waxana ka mid ah
Arintii usaamo oo kale wuxuu yidhi (I.H..R.A) waxa nasoo diray Rasuulka (SCW)
in aan ka dagaalano (Juhayna) subaxii waanu jabinay waanu noqday aniga iyo
nin ansaari ah ninka mid ah kuwaan la dhagaalamaynay ayaan ku noqday markaan
ku soo baxnay ayuu Ash haatay waxa iga qabtay ninkii Ansaariga ahaa laakin
waan dilay weliba isagoo Ashahaada ku cel celinayay ayaan dilay.
Markaan Nabiga (CSW) aanu u nimid arintiina ay soo gaadhay
ayuu waydiyay usaamoow ma waxad dishay kolkuu Ashahaadanayay ka dib wuxuu
yidhi waxaan idhi wuxuu doonayay in uu ku nabad galo kamuu suulin inuu ku
celceliyo ilaa aan u maleeyay in aanan nabad gelin maalintaa horteed waxaa
soo weriyay bukhaari iyo muslim kaasi wuxuu ahaa khalad uu galay usaama oo
jihad ku jira hadaba usaama jihaadkii miyuu joojiyay khaladkii kadib?
Jawaabtu waa maya dhamaanteen sidaynu wada garanayno markuu Nabigu
dhintay(scw) usaama wuxuu sii waday jihaadkiisi, usaama waa kuma waa ninkii
dilayninkii Ashahaatay ee cadowgiisa ahaa, haduu u fikirayo sida aynu maanta
u fikirno waa hubaal in uu odhan lahaa anigoo khaladka intaa leeg galay
maanta masuuliyada intaa leeg nafteyda ku kalifi mayo laakin wuxuu odhan
jiray kasi wuxuu ahaa khalad aan galay waanu dhamaaday ilaahay bana iga
dhaafay asxaabta rasuulku may ahayn kuwo ku gaadhay meel sare fikrada ay ku
fikirno hamigan aynu ku noolnahay.sidaynu siirada ku aragnay asxaabtu khalad
ay galeen wuu jiray waan dabeecada basharka in khalad lagalo iyagu waxay
doonayeen inay wanaaga faraan xumaantana ay nahiyaan illaahaydartiina u
jihaadaan ama ay daaciyiin u noqdaan laakiin khaladka aygalaan muu ahayn mid
hawsha ka joojiya
4. Arinta oo la Waynaynayo Ama la yareeysto
Waa laba arimood oo aynu aragno in badan oo dadka mid ah
markay ka hadlayaan arimaha qaarkood waxay yidhaadan arintani way adagtahay
mana karayso cid aan ahayn dadka waawayn, hadaad ku tiraahdo maxaad daaci u
noqon wayday waxay kugu jawaabayaan ilaahay ayaa la gargaarsadaa laakiin
dacwadu waxay u baahantahay cid taqaan shareecada islaamka oo dul qaadleh,
geesi ah, hadalkiisa dadku ay qaybiyaan iyo wax yaabo kale oo faro badan oo
dadkaba aan laga dhex helayn.
Laakin waxa sugan oo la helayaa nin cilmi badan oo dulqaad
yar, nin dulqaad badan oo cilmi yar, markaa hadii aad akhrido siirada iyo
taarikhdii hore midna kamay joojinayn weligii in uu noqdo mid waajibkiisa
guta oo wuxuu noqonaya hagaamiye oo kale ama ninkale oo caan ah oo ayku
sugantahay raganimada uu ku gudanayo waajibaadkiisa, umaduna ka suulimayso
in ay ahaato tu ku abtirsata awoowyadeed dadkuna kama sugayaan in ay kolba
markhaati ka dhigtaan wuxuu hore u sameeyay hebel hebel.
Dadka waxa ka mid ah mid yareysta arintan oo yidhaada waa
qadiyada sahlan iyo wax la mid ah, waxaad arkaysa isagoo ku odhanayaa
ilaahay ayaa mahadle salaada ka dibna hadal odhanaya ama akhrinaya riyaadu
saalixin kaas oo khayr igu jiro qof kasta oo dhagaysanaya ama hadal guud
ahaan dadka saamaynaya, dadka ka seexda salaada subax uu ku filan yahay
xadiiska kaliya ama uu toosinayo, qof doonayay xumaan ayaa markuu xadiiska
maqlay ka cabsanaya, arintuna way sahlantahay laakin dadka dhexdiisa ayuu
khayrku ku jiraa waxa mihiim ah hadalkooga waa mid dadka ka joojinaya
hawshooda, arintu ma cusla mana sahlana laakin waxay u baahantahay dadaal,
badalid iyo guud ahaan .
5. Ahmiyada Mustaqbalka
Dadka qaar waxa aad ka helaysaa ama ay ku tusaya hamiyo ay
ku cadaynayaan xaalada dadku ku sugan yahay, hadaba xaaladaasi waxay
sheegayaan in aan waxbaba aan la qaban Karin, waxa laga yaaba taasi in ay
tahay arin laga baqayo in lagu fashilmo sidaynu hore u soo sheegnay waxyar
ka dhibna aan faahfaahin doona, shaqsiga isaga waxa cadaynaya qadiyado kale
kuwuuna ka bilaabaya cabsi gelin hawlkasta waxana uu kaga cabsiinaya raadka
ay yeelan doonto wuxuuna bilaabay hadana qacabada naftiisa hor yaala iyo
hamiyadiisa la yaabka leh markasta oo loo cadeeyo arin sharci ah, wuxuu
odhanyaa waa in ay sidaa iyo sidaa noqotaa waa in sidaa iyo sidaana la
yidhaada, waxaba dhacaysa in dadkuba khalad ay kaa fahmaan dabadeedna ay
sidaa iyo sidaa ay noqoto Kaasina waa ninkii Mustaqbalka ku Mashquulsanaa.
Hadaba hadalkaan la yaabka leh markaan akhrisano siirada
anbiyada ama dadkii wanaagsana ma waxay ku noolaayeen hamiyo noocaas oo kala
ah? Taasi waa maya waxaad akhriyaysaa quraanka karimka ah waxaad arkaysaa
mawqifka Nabi Ibrahaami (CSW) sidii uu wax u badalay sidii uu daaci u noqday
iyo sidii uu u qaatay dacwada, ma wuxuu ahaa mid garanaya kalmada iyo
mawqifka uu taagan yahay in ay ka dabeenayso dhibaato, waxaad garanaysaa
qisadii Nabi Muuse (CSW) Quraankana in badan ayaan ka akhrinay ama aan ku
aragnay, tusaale ahaan huud iyo saalix oo kale iyo kuwa kale oo Anbiya ah
waxaynu nidhaahna anbiya soo qaado qisadi muuse iyo fircoon waxa dhacay wax
yaabo faro badan sidaa darteed waxay ay gaadhay heer ilaahay quraanka inooga
waramo si aynu iga cimra qaadano cidii ka dambaysay, waxaad akhriyaysaa
qisadii asxaabu Qaryati markay u yimaadeen niman kuwii ilaahay u soo diray,
nin ayaa maqlay isagoo door wayn ka qaatay oo yidhi kalmada ku cad aayada 20
ilaa 22 ee suuratu yaasin
(Dadkaygiyahow raaca kuwan ilaahay soo diray raaca mid aan
idinka doonay aduun oo hanuunsan, maxaan u caabudi wayay kii I abuuray
Xagiisan aan u noqondoontaan)
Wuxuu helay wixii uu helay hadii uu yahay mid ku fikiraya
caqliga aaynu ku fikirno umay sugnaateen doorkii uu ka qaatay iyo hawshii uu
qabtay midkoodna umay sugnaateen
6. Xaraan iska Fogayn Saayid ah.
Waxa dhacda in badan oo dadka ka mid ah markaad ku
tiraahdo kalmad ama ficilkaa fuli waxa uu ku odhanayaa anigu waxaad aad
sheegayso ehelkiisiba ma ihi, waxana uu u arkaa in aan kalmadaa odhanin
xaaraan iska ilaalin darteed hadaad ku tiraahdo ma xaaran iska fogayn ayaad
sidaa aad u yeeshay? Wuxuu odhanaya haa, hadaad ku tiraado adigu imika cid
ayaad wax baraysaa hadal ayaad odhanaysaa xasanaad ayaad ka helaysaa waxaad
cid baraysaa matalan Shareecada markaa Xaraan iska ilaalinta ama khalad iska
ilaalinta saayidka ihi maxay ku qaban wayday? Markaa dhigayso casharada
aqiidada ama kuwa tafsiirka ah miyaan ka yaabayn in aad noqoto kuwa quraanka
ilaahay iyagoo aqoon wax aan ahayn ku sheega ama ku micneeyaba laakiin marka
lagu yidhaado ka hadal masaajidka mawduuc dadkana anfaca waxaad odhanaysaa
Kama hadlayo ama aad ku jawaabaysaa khalad iska ilaalin ayaan sidaa aan u
yeelay, markaa khalad iska ilaalintaadu ma aamusidbaa?
Nabigu (SCW) wuxuu yidhi waxa khayr leh ku hadal ama iska
aamus, hadaba markaad khayr aad ku hadasho ama aad iska aamusto maxaad uga
fikiriwayday maalin maalmaha ka mid ah khalad iska ilaalinta intaa leeg in
ay kaa hor joogsanayso hawl dhan oo aad qaban lahayd, maxaad uga fikirwayday
adigoo aamusan oo iska fadhiya iyo adiga oo wax qabta midkee khayr roon, waa
in aad dadaasha inta awoodaada iyo aqoontaadu tahay xitaa hadii aad khalad
aad galayso, beri markaad ilaahay hor istaagto waxaad odhan doontaa
ilaahay nafna kuma kalifo waxaan awoodi karayn ana waan la
imi intaan karaayay waanan dadaalay, dadku markay dadaalan inta awoodooda ah
talaabada khaldan ay gaalaan wax ay u dhigantaa mid saxan.
Ugu yaraan qadiyada aan doonayno in aynu ku dhaqaaqno waxa
weeye waxa la ina siiyay kiraab waana aynu garanaynaa cid kastoo kitaabka
garanaysaa waxay ilaahay balan ay kula galeen dadka kalena in ay u
bayaamiyaan Nabigu (SCW) wuxuu yidhi ninka cilmiga qariya maalinta qiyaamaha
waxa afka laga gelinayaa Xakama Naar ah .
Waxa kale oo iyana jirta in aad iska ilaaliso in aad
noqoto inka khayr aan isaguba aan qaban dadka fara hadaba sida ku cad ayada
159 ee surada al Baqra
(kuwa qarinaya wax ilaahay soo dajiyay ee cadeemo iyo
hanuun ah kadib kolkii dadka loogu cadeeyay kitaabka kuwaasi ilaahay ayaa
nacdalay waxana nacdalaya cida wax nacdasho oo dhan)
Ayaadani kama hadlayso cid gaar ah laakiin waxay ay ka
hadlaysaa cid kasta oo qaeisa wixii ilaahay baray.
Kuna dhowaan mayso aragtida layaabka leh in aad eegto is
ilaalintiisa xad dhaafka ah in ay ku beegto in aan kalmada odhan in aan
dadka wanaaga falin xumaantana aan ka joojin, is ilaalinta saayidka ihi
markaa ay ka dhigto mid ka go’ay umada intooda kale oo yidhaada aniga
naftayda ayaa imashquulisay dacwada cid un ayuu ilaahay u diri doona.
7.Kala saariada arimuhu siday u kala fadli badan yihiin
Waxa dhacda dadku in ay ku mashquulan naftooda arin khayr
leh sharcina ah laakiin arin laga fadli badan yahay qadiyada kala fadilida
arimu waa mid ka timaada dadka, masalan akhristahayow waxa aad ka maqashay
culumo faro badan iyo daaciyiin iyo mutaxadiisin waxaad akhrida kutub badan,
sidoo kale waxa adiga dayn laguugu leeyahay qayb ka mid ah fadligoogi waynu
garanaynaa adigu in aad ka heshay faa’iido wayn,hadaba hadii adiga lagu
waydiyo caalimka aad maqashay, qoraagan aad akhrisatay ama shaqsiga aad ka
faa’iidaysatay ma jeceshahay in aad sidiisa aad noqoto.
Waxaynu ognahay in dadku ay baahi u qabaan cilmi ay helaan
iyo culumo ay wax ka bartaan hadaba markasta oo qofku cilmi korarsado waxa
koradha baahida cilmiga uu u qabo in uu kororsado jaahilnimadiisa, haa way
fiicantahay in cilmiga la barto laakiin markasto oo uu qofku mashquulo in
cilmigu lafhaantisa helo dadkana ka barto iyo inuu fatiyoodo dadkana kala
saaro waxna baro iyo inuu kutubyo alifo, taa macneheedu waa in aynu fahano
sida camaladu ay u kala fadli badan yihiin iyo dariiqooyinka shaydanku dadka
u soo maro si uu ugu haleeyo waxa iyadana waa jub ah in aynu ka fikirno
camalkani ma yahay camal faa’iido leh mise maaha?
Ma kaas ayaynu ka bilownaa in aynu ka shaqayno mise maya?
8.Waayida Ku Qancida Waxyaabaha Isbadalka
Mar hadii la waayo ku qancid waxa daruuri noqonaysa in la
helo isbadal, hadalkuna umadeenu way wanaagsan tahay waana aynu ka fadli
badanahay cida aan inaga ahayn dhamaantood xumaan ayay wadaan taasina waa
mushkulada loogu tirinayo wakhtiga la luminayo, tani waa mushkulada lagu
cimra qaato, kumashquulida xal u helideeduna waa wakhti lumay uun cida
xagooda ee ku qanacsani wakhti badan ayay sinayaan.
Inaga mushkiladeenu waxay tahay markay inagoo fasahaadka
ku jirna ku qanacno sida umadaha kale ilaa la gaadho heer laga quustay wax
isbadal ah oo dhaca oo dareenku gaadho in aan isbadalba dhacayn sidaa
daraateed walaalayaal waxan leeyahay dariiqeenu waa kii anbiyada Rasuul (CSW)
wuxuu sheegay reer binu israa’il Nabiba Nabi iga danbeyay Aniga Nabi iga
danbeeyay ma jiro, sidaa daraade in ay umado door wayn ka qaadato siday
dhabarka ugu ridan lahayd xilka risaalada islaamka ileen Nabi danbe oo la
soo dirayaa ma jire’e.
Markuu Nabigu (CSW) uu yimi Maka muu joogin qof ashahaata
marka laga reebo lix muuminiin ah oo dadka gooni uga soocan oo uu abakor ka
mid yahay dadka intooda kale waxay ku jiren shirki iyo dib u dhacwayn
dhulkuna wuxuu ahaa sidii Nabigu Yidhi (CSW) ilaahay wuu soo eegay arladaan
waana u cadhooday carab iyo cajami cidii kasoo hadhay oo ah ehli kitaab
mooyane, sidii uu ahaa isbadalkii waynaa ee ka dhex dhacay bulsho ahaan,
dhaqaala ahaan iyo cilmi ahaan, umadu waxay ahayd mid ku kala duwan muuqal
kasta oo dib u dhac keenaya dabadeena way isbadashay waxa laga yaaba in aad
tiraahdo kaasi Nabi ayuu ahaa iyo Rasuul ilaahay gargaaray, waxan aan ku
leeyahay markuu Nabigu (CSW) uu dhintay heer kee ayuu gaadhay islaamku?
Markii talada islaamka ay la wareegeen asxaabti rasuulku (CSW)
waxa ka hortimid caqabo faro badan oo ay ka mid ahaayeen dagaladi ay la
galeen kuwii diinta ka noqday, waxa islaamka ku soo hadhay magalooyinkii
waawaynaa ee maka, madiina, daa’if iyo dadkii hareerahooga daganaa, Asxaabtu
waxay ka fikireen sidii dadkan diinta loogu soo celinlahaa marlabaad waxayna
ay bilaabeen jihaad ilaa islaamkii soo nooleyen, labadii sano ee igu
horeeyay ee khilafadi Abu bakar waxa bilaabmay in islaamku dhul badan ay
qabsaday waxay la dagalameen Furus iyo Ruum, ilaa ay wadankii furteen oo ay
ka guulaysteen gaaladii.
Iraq, Kharasaan, Masar iyo Shaam waxay ahaayeen dalal ay
hadheeyeen shirkigu, waxa kaloo iyana jirtay in uu lahaa C/laahi binu cumar
waxa nagu soo daatay Baraf anagoo joogna Asarbajaan, iyadoo abu ayuubna lagu
aasay agagaarka qusdandiiniya, hadaba dadkaasi miyay yaqaaneen carabiga? May
ahaayeen kuwa yaqaana luqada carabiga manay ahayn carab, iyadoo intaasi
jirto asxaabtu waxay kareen in ay diinta gaadhsiiyaan dalal badan.
Hadaba Xijaas intaanu iman sheekh maxamed binu c/wahab
alleh ha unaxariiste siduu ahaa xaalkeedu ?
Markuu yimid sidee ayuu noqday xaalku?
Sheekh Maxamed C/wahaab Ilaahay ha unaxariistee hadii uu
ku fikirayo caqliyada aaynu ku fikirno waxba muu qabteen, wuxuu ahaa qof
imaam ah oo ilaahay sabab uga dhigay isbadalka ka dhacay Xijaas, waxay
ahaayeen bulshooyinka muslimiintu kuwa ka xafidan xumaanta, sababtuna sidey
doontabaha ahaatee waxay hada isku badaleen fasahaad, waa dhacdo dabiici ah
dadku sameeyaan markay doonan isbadal waxaynu ognahay tariikhda yurubta
maanta la leehaya waa dhulkii cilmiga iyo horumarka maalin maalmaha ka mid
ah waxay ahayd dhul mugdiga iyo jahliga hadheeyay waxayna ahayd dad aan
waxba fahmayn waxay dib u dhac kaga jireen dhinac kasta oo nolasha iyo
wadada hormarka loo maro, dabeedeed waxay bilaabeen in ay wax bartaan waxa
is badashay noloshoodii.
Waxaynu ognahay isbadalkaasi in uu ahaa mid ilaa imika
khalad ku jiro, laakiin waxan uga jeeda in aynu cadeeyno oo dadku markay
doonaan isbadal inuu yahay wax ay sameen karaan, ilaahay isagaa xumaan ka
reeban wuxuu soo diray Risaaladi igu danbeysay ee Anbiyada wuxuu soo dejiyay
diin si ay dadku isaga u caabudaan, iyagu way karaan ficil ahaan in ay
isbadal sameeyan, ujeedadu waxay tahay marka la eego culayka fasahaadka ay
dadku ku jiraan waxa ina hor imanaysa in ayna suurto gal ahayn in uu dhaco
isbadal , sidaa daraaded waxaynu odhanaynaa ilaahay ayaan gargaar
waydiisanaynaa, hadaba waxa la yaab leh markaynu ka maqalno qof jaahil ah
ama qof aan garanay kaalinta kaga jiro dadka waxa la yaab leh in ay
isticmaalan dadki wanaagsanaa.haa ilaahay in la gargaarsado way fiican tahay
laakiin walaalayaal wax qabad muuji ilaahayna gargaarso, Nabigi ibraahim
wuxuu yidhi: (ilaahay ayaa nagu filan isaga ayaa
nimco badan isaga ayaan talo saaranayna) laakiin goorma ayuu yidhi kalmadan?
Waxuu yidhi ka dib markii qoomkiisi diideen ilaaa ay dooneen in ay dab ku
ridaan markaas ayuu yidhi kalmadan.
Asxaabta Rasuulka (CSW) markay ay dadku ku yidhaahdeen waa
la isku kiin aruursaday si looga cabsiiyo waxay yidhaahdeen( Ilaahay Baa
nagu filan isaga ayaana igu nimco badan oo tala saaranaynaa) way bexeen
waxayna hureen nafahoogi laakiin inagoo iska fadhina in aynu nidhaano.
Ilaahay baa nagu filan si aynu xujo aan u helno sii
fadhiyageena, walaalayaal sidaa maaha kalmadaa waxa isticmaala qof wax qabad
leh af iyo adinba,hadaba waxan leeyahay, waxa mushkulad inagu ah dareenkeena
dhigaya inaanu isbadal dhici Karin waana ta inaga hortaagan isbadalkasta oo
aynu samayn lahayn iyo wax qabadkasta oo aynu qaban lahayn.
9.Ku Hawl lalaanta ceebaha dadka kale
inta badan ku mashquulida in wax loo fiirsado ficil ahaan
waxay dadka ka dhigtaa inaanu shaqayn, laakiin shaki kuma jiro inuu fiirsigu
yahay daruuri loona baahan yahay in wax loo fiirsado, anagu ka aamusi mayno
in aan iftiimino soomana bandhigi mayno dadkoo dhan in loo fiirsado mana
doodayno in dadku yahay bilaa khalad waxanu u jeedna in aynu niyad wanaagsan
ku shaqayno, marka aynu wax u fiirsanayno si aynu u gaadhno ujeedadeena iyo
hadafkeena taas ayaynu kaga badbaadaynaa u fiirsashada, laakiin sida
qaalibka ah u fiirsigii wuxuu isku badalay wiji kale oo wixii la qaban
lahaaba is hortaagaya, waxa jira kuwa odhanaya iyagoo u fiirsanaya dadka
hawshu ka dhaxayso.Raga caynkaasi waxay ku jiraa khaladaad oo waa sidaa waa
sidaa, waxa kaloo ay odhanayaan daaciyiintu waxay yidhaadaan sidaa iyo
sidaa, dadkuna waxay sameeyaan sidaa iyo sidaa, dhalinyaradu waxay ku jiraan
waxaa, kuwa caajisa ee meelaha fadhiya hadaad ku tiraado maxaad meel uun uga
shaqaysan wayday? Wuxuu ku odhanayaa walaal hebel ayaa waxa sameeyay dadkuna
waxaas ayay sameeyaan, dhalin yaradu waxaas ayay sameeyan hadalkaasi waa run
laakiin maxaad adigu aad u shaqaysan wayday bal aynu ka soo qaadno in
fiirsiga aynu leenahay in uu sax yahay, kaasina yahay inta badan xaaladaha
ay ku waasi ku sugan yihiin marka aynu isbarbar dhigno labada dhinacba
waxaynu dareemaynaa in khaladku intaa ka badan yahay taasina waxay nagu
waajibanaysaa in aynu ilowno hawshiba, tani waa qadiyada u baahan in loo
fiirsado si aynu u gaadhno natiijada, walaal adigu maxaad wax u qaban wayday
hadaba hadii lagu arko adiga oo shaqaysanaya waxaad ka badbaadaysaa khalad
oo dhan iyo in lagugu sheego wax yaabo aan munaasib aan kugu ahayn, inagu
markasta waxa aynu niyeena in aynu qabano hawl bilaa khalad ah, umaad
fiirsani kuwaasi waxay qabteen waayo meesha waxa ka maqan cid adiga oo kala
ah iyo kuwa adiga oo kale ah oo awood u leh in aanay khalad gelin, mar mar
waxaad dareemaysaa dadka noocan ihi ee sida adag wax ugu fiirsadaa in ay
yihiin ku wa khayr leh oo markay wax u fiirsadaan laga yaaba in ay ku siiya
figrado ay wax kugu hagaagan oo dhacda ah, mararka qaar kood waxa yara jirta
in uu u fiirsigu noqdo khiyaamo nafsaani ah, dadka noocasi ihi sababtee
doonaan ayay cabsi kaa gelinayaa shaqada aad wado mana doonayaan in aad wax
qabato mana karaan in ay iyagu wax qabtaan muran laan, muhiimadu waxa weeye
in ay meesha taalo caqabad kaa hor joogsanaysa in aad wax qabato macnuhuna
waxa weeye anigu dad ayaan ahay mana doonayo in aan wax qabto waanan
fadhiyayaa.
Waxaad ka warantaa dadkan ka shaqaynaya xalqada quraanka
lagu xifdiyo way najaxayaan ilaahayna wax ay waydiisanayaan inuu ku
waafijiyo kuwa safarka galayana ee dibada u dhoofaya ee daaciyiinta ihi
waxay ilaahay waydiisanayaan in ay najaxan, kuwa kitaabada qoraya ee mu
alifiinta ahi way najaxayaan, kuwa kale ee xadiiska akhrinayaana way
najaxayaan kuwaasi waa kuwa wax qabadka samaynaya.
Macnahu kaliya maaha in aad tiraahdid anigu waxa aan ahay
qof fashilmaya markasta mana karayo camal waxna ma qaban karo.
Hadaba si aynu arinta wax uga qabano.waa in aynu dhinac
kalae uga wareegnaa.waxaan ku leeyahay waalkayoow waa run dadkoo dhamina wuu
wada qaldamaa laakiin khalad khalad laguma saxo adiga maxaa laguu arki wayay
adiga oo wax qabanaya oo u shaqaysanaya sida dadku u shaqaysanayaan waxa aan
ku leeyahay dadku markay shaqaynayaan khalad way galaan, hadaba kuwaan
masaakiinta ah ee aad dhalilaysid markay waayeen cid kale oo hawshaan u
dhaqaaqda ayay iyagu u tafo xeeteen u jeedadoodune intaas uun ayay ahayd
laakiin adigu wax qabad la kaalay, adigase makula tahay dadku iyagoo aana
jecleen in ay hawlqabtaan in ay masuuliyad qaadi karaan?
Dhamaanteen khalad waynu galnaa laga yaaba in aad dareento
khalad aan galnay oo badan laakiin qofku wuxuu u arkayaa in la khiyaamay oo
dadku dhaafeen lagana hormaray kadibna illaahy buu u cabanayaa, adigu wax
qabad samee si kuwan aad dhaliilaysa meesha ay uga baxaan markaa
dhaliishaasii waxay noqonaysaa waji waana ah ma garanayo dhaliishani in ay
tahay muuqaalkii dhabta ahaa ee shaqsiga masuuliyadiisa iyo muuqaal xeelad
nafsaani ah oo uu kaga cararayo masuuliyada soo qaabishay maxaa yeelay
markuu ogaado in waajib fuulay awoodna uu u leeyahay in uu fuliyo xitaa
isagoo khalad galay markaa wuu guulaysanayaa waa qof naftiisu canaananayso
si ay meesha canaantaasi uga baxdo wuxuu isku dayayaa in uu naftiisa ku
dhiiro geliyo sida saxda ah isagoo ka fadhiisan shaqadi.
Waxaynu wada ognahay dhaliishu inay tahay wax iska fudud
oo hadii aynu ku nidhaahdo koox arday ah midkasta oo ka mid ah wax ka qor
meesha aad joogto mid kastaaba wuxuu inoo soo saarayaa muuqaal la akhriyi
karo laakiin hadii aynu ku nidhaano qabo hawshu hebel qabtay ma karo in uu
si fudu u qabto adigu waad kartaa in aad cid dhaliisho hawl kasta oo la
qabanayo mar hadaad hawshaa aan gacanta aan ku ahayn bal waxaad ka soo qaada
in nin ku farshaxan ah aynu ka dalbano inuu sawir inoo sameeyo oo inoo keeno
bal dad aad hor dhigno kuwaas oo iyagu aan wax ka aqoon sawirada iyo sida
loo sameeyo dabedeedna aynu ku nidhaahdo bal ka warama sawirkaan mid
kastaaba wuxu ku siinaya faahfaahin, laakin hadii aynu mid ka mid ah aynu ku
nidhaahno sidii ninkii farshaxanka ahaa u sawir ma awoodaan, hadii aynu
dhagaysano qof qudbadeenaya oo la fahmi karo dabadeedna aynu dadka
dhagaysanaya aynu ku nidhaano ka warama midkastaaba wuu ku sheegi karaa
faahfaahin ku saabsan qudbada laakiin nina ma karo intuu meesha istaago
dabadeena qudbadeeyo, dhaliishu maaha daruuri dhalii looga dhiganayo karida
hawsha laakiin dhaliishu nin fadhiya waa mid u fudud, hadaba ka dadka wax u
fududeynaya halkan iyo halkaaba si ay dadka u dhaliilaan wixii ceeb ah ee
taala, dadku markaa wuxuu bilaabaya in dhaliil sameeyaan, sidaa ayaana lagu
sugnaanayaa taasi waa goobti gafka ee hebel uu ku fashilmay suurta galna
maaha in ninkaa wax lala qabtaa ku kalena hadii uu nala soo galana waxbi ma
hagaagayaan iyo wax yaabo la mid ah,qofka sidaas ahi hawshii waa uu ka
fadhiistay hawshii wuxuuna ku mashquulay dhaliisha dadka kale, waana tii
dadkii oo hore ee wanaagsanaa ay lahaayeen (waxa liibaanay ninka ceebta
naftiisu ay ka mashquulisay ta nafaha kale) waxayna nooga digeen inaynu ku
mashquulno ceebaha dadka kale waayo waxaynaga mashquulinaysaa ceebaha
nafteena iyo hawshii aynu qaban lahaynba taasina waa sida dhabta ah.
Hadaba waxa laga yaaba in ay kugu filnaato intaan ku idhi
hadii halkaan ay taalay hawli iyo qadiyado faro badan, hadi aynu ku
fashilnaya sida aynu hore ugu sheegnay mawduuceena waxaynu helaynaa in
halkaa qadiyado badani iyo umuuro badani ay cidhiidh naga geliyaan hawshan
qaban lahayn oo aynaan sheegin, laakiin ugu yaraan laga yaaba mawduucani in
uu inoo furo dariiqi aynu ku fikiri lahayn sida waxyaaba aynu soo sheegnay
oo kale waxan mawduucaygan aan ku soo xidhayaa ducadan.
Ilaahay waxanu waydiisanaynaa inuu naga dhigo idinka iyo
anagaba kuwa ka shaqeeya dhiinta kuna camal fala inuu na waafajiyo
dhamaanteen adeecada ilaahay, ilaahay waa ka ina maqlaya waxaynu ku
hadlayno, aqbalaayena ducayinkeena, Naxariis iyo Nabad gelyona Nabigeeni
(CSW) maxamed ahaa korkiisa ha ahaato ilaahaybaana xumaan ka nasahan mahadin
leh isagaana danbi dhaaf waydiisanaynaa.
Qorayaasha iyo Turjumayaasha
C/fataax Xasan Xasan
Axmed Ismacil (Bucul)
Siciid Cumar Yuusuf
Maxamed Ismacil
C:/o Hargeysa
Talo iyo tusaale ku saabsan qoraalkan waxaa
lagu hagaajin karaa
cabdifataax_96@hotmail.com