SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - CILMI
MAXEEY YIHIIN VITAMINS-KA AAN U BAAHANNAHAY?

W.Q: Al-Ustaad:C/Qaadir Maxamed Cismaan(Cabdi Boqor)
E-Mail:
Cabdiboqor10@hotmail.com

Karachi, Pakistan

Taariikhda: 14/12/2003

Waxaa mahad iska leh ALLAAH ,nabadgalyo iyo naxariisna Kan inta ALLAAH soodiray ugu sharaf badan korkiisa hayeelo, Nedigeena Muxammad, ahalkiisa, asxaabtiisa iyo qofkasta oo si fiican u raaca illaa Qiyaamaha.

Intaa kabacdi Su’aasha ah “Maxeey yihiin vitamins-ka aan ubaahannahay? Jawaabteedu waa eey iska fududahay, oo waxaa waaye “Dhamaantood ayaan ubaahannahay”,waxaa yeelay midkasta oo kamid ah qeybaha kala gadisan ee aay Vitamins-ka leeyihiin wuxuu waxtar weyn uleeyahay qeybaha jirka, marka eey jirkeena kamaqan yihiin vitamis-ka waxaan dareenaa xaalad aan aheyn xaaladii aan ku sugnaan jirney ee caadiga aheyd sida:anagoo caajis farabadan,firfircooni la’aan,iyo jirkoo kunoqda sidii wax ku jabajaban oo kale.

Xaaladaa cudurka ah een aan kor kusoo xusnay kana dhalatay Vitamin la’aanta ayaa waxaa loo yaqaanaa “Deficiency Diseases”

VITAMINS-KA MAXEEY YIHIIN? INTEENA KAHELI KARNAA?

Xaqiiqdii vitamins-ku waa sheeyo ama wax yaabo jirka aad ugu baahanyahay, uuna shaqeyn Karin la’aantood si jirka uu uqabto waxyaabo kala duwan oo asaasi ah. Meelaha eeynu ka heli karnana waa cuntada eeynu cunno.

Hadaba cuntadaa noola sheegay in aan ka dhex heli karno vitamins-kaa muhiimka ah, ayaa waxaa loo kala qeeybiyaa afar qeybood oo kala aha sidan soo socota:


Saddex Xagalka Cuntada

1) Kooda Qudaarta (The Fruit and Vegetable group):qeybtan ayaa waxaa soo hoos galaya dhamaan wixii qudaar aha ama faakihaad ah ee bini aadamka cuno wax tarkana u leh sida:Karootada, Ansalaatada, Bagalka, Barbarooniga, Liimo banbeelmada iyo Dhanaantaba,Yaanyada,Tufaaxa ,Cinabka,Mooska, Cambaha,i.w.m.

2) Kooxda Miraha(The Cereal group):kooxdan ayaa iyana waxaa ka mid ah :miraha eeynu beerano sida:Galleeyda, taasoo eeynu kasameeysno soorta ,iyo wixii lamidka ah,Masagada oo iyadana aan kuba baaninaba qofka markuu jabo,ama lagu umulbixiyo dumarka Soomaaliyeed markeey dhalaan, anfaca eey ledahay darted.

3) Kooxda Hilibka(The Meat group):kooxdan ayaa waxaa hoos imaanaya hilibka xalaasha ah ee ALLAAH u baneeyey umadiisa, sida:hilibka doorada, Malaayga, hilibka Geela ,lo’da, iyo kan ariga iyo Idahaba, iyo dhamaan guud ahaan intii hilib leh ee Bad iyo barigaba joogta ee ALLAAH xaalaal kadhigey.Waxaa meeshan soo galaya Digirta oo laraacsiiyey qeybta hilibka. Dhinaca kale hilibka aan xalaasha aheyn masoo gali karo sida:kan Doofaarka oo kale ama hilibka baqtida ,maxaa yeelay ALLAAH waxa uu xaaraan kadhigaa waa wax dhib noo ah wax faa’iida ahine eeysan inoogu jirin.Dhaqtarada reer Galbeedka dib ayeey ka ogaadeen in uu cuduro farabadan keeno cunitaanka Hilibka Doofaarka.

4) Kooxda Caanaha(The Milk group):Kooxdan ayaa ayadana waxaa hoos imaanaya caanaha xoolaha sida:kuwa Geela ,Lo’da,Ariga, Idaha marka eey fareeshka yihiin iyo marka eey gasacadeeysan yihiinba . Marka qofka jirkiisa kama maarmayo in uu helo cunto isku dheeli tiran,si uu u helo taasna waxaa lagama maarmaan ah in uu qeyb ka cuno koox kasta oo kamid ah kooxaha aan kor kusoo xusney.Sidoo kale Qubarada cilmiga Nafaqada ee loo yaqaan “Nutritionists”ayaa ayaguna hoosta ka xariiqaya arintan.Cudurada ugu qatarsan ee kadhasha qofkoon helin cunto isu dheeli tiran ,ayaa waxaa ka mid ah :Nafaqo darada ama “Malnutrition”.

NOOCYADA VITAMINS-KA IYO MIDKASTA WAXA UU INOO QABTO

Vitamin A:aan ku bilaabee wuxuu muhiim u yahay wax yaabo farabadan sida: koriinshaha qofka , araga qofka, in qofku yeesho maqaar caafimaad qaba, waxaa kale uu aad ugu fiican yahay daboolo farabadan oo jirka gudihiisa ku yaala.

Meelaha eeynu kahelno Vitamin-kan muhiih ka ah waxaa ka mid ah:Caanaha iyo wax yaabaha caanaha laga sameeyo, Ukunta, Qudaarta iyo faakihaadka.

Vitamin B:Vitamin-kan waxa uu inagu caawiyaa in tamar ama “Energy” laga helo cuntada si loogu koro, waxaa kale uu inagu caawiyaa in maqaarka iyo Nerves-keena eey noqdaan kuwo caafimaad qaba .

Waxaana eeynu ka heli karnaa :Miraha sida: Galleyda, Masagada , sidoo kale Caanaha, Qudaarta, Digirta, Lafta miraha ku dhex jirta ama Beerka miraha ,iyo Hilibka Lo’a.

Vitamin C:Vitamin-kanna waxaa uu ina siiyaa difaac aan kaga hortagno qaboowga, waxaa kale uu asaasi u yahay in qofku helo Ilko caafimaad qaba, Cirrid caafimaad qaba, waxaa kale ee uu uroon yahay Xididada dhiiga.

Waxaana kaheli karnaa :Qudaarta fareeshka aha iyo faakihada.

Vitamin D:vitamin-kanna waxaa uu inaga difaacaa cudurka loo yaqaano lafa duqoowga ama “Rickets” kaasoo ah in qofka lafahiisa noqdaan kuwo aan wax tabar aha laheyn, qalqaloocsamana.badanaana ilmaha aan markeey yaryihiin aan helin usoo ban dhigin qoraxda waliba in ku fillan lugaha iyo gacmaha ayaa qalqaloocda waxana uu yeeshaa wax yaabaha Soomaalida eey u taqaan Kalajeedada, hongodyada i.w.m. waloow eey jiraan kuwo dhaxal ku yimaada .

Isha ugu muhiimsan ee laga helo vitamin-kan ayaa ah Qoraxda.Vitamin D-ga waxaa kaloo lagu diyaariyaa warshadaha Kiimikada, waxaana badanaa lagu daraa caanaha aan cabno ee gasacadeeysan.

Vitamin E:vitamin-kan ayaa isagana waxa uu ufiican yahay Maqaarka, waxaa kale ee uu inagu caawiyaa Unugyada ama “Cells” jirkeena in eey koraan, iyo bogsooshasada dhaawacyada gaara jikeena.”Healing”

Vitamin K:Vitamin-kan oo ah midka aan kusoo gabagabeeynayo qoraalkeeygan ayaa isna waxa uu inaga caawiyaa in eey sameeysanto xinjiroowga dhiiga ama “ Blood Clotting” taasoo ah mid aad muhiim u ah, maaxaa yeelay hadii jirku dhaawacmo oo eeysan sameysmeeynin waxa layiraahdo xinjiroowga waxeey keeneeysaa in qofka u dhiigbaxo dhaawac yar oo aad u fudud, dibadeedna u dhinto.

GABA GABADII

Si marka qofka uu u helo Vitamins-ka aan kor kusoo xusney , waxaa aad u wanaagsan in qofku qaato ama cuno cunto isu dheeli tiran, taasoo helitaan keedu eey ku imaan karto in qofku wax ka cuno mid kastoo ka mid ah afartii qeybood ee cuntada kuwaasoo kor eeynu ku soo sheegnay.

Tixraac (Reference):

  • Heath Biology
  • Modern Biology
  • General Biology for S.Schools
  • Down Press

Mahadnaq

Waxaa sharaf iyo xusid mudan waalidkii nagu soo dadaaley, kuwaasoo sabab u ah wax kastoo wanaag ama hurumar ah oo eeynu gaarno, iyo macalimiintii dadaalka nagu bixisey si aan anaguna beri nafteena iyo umadaba u anfacno.

Mahadsanid

W.Q: Al-Ustaad:C/Qaadir Maxamed Cismaan(Cabdi Boqor)
E-Mail:
Cabdiboqor10@hotmail.com

Karachi, Pakistan

Faafin: SomaliTalk.com | Dec 14, 2003

Shuruuda Qoraalada Kusoo Baxaya SomaliTalk.com

.... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
 kaah
 

Faransiiska iyo sharciga Khimaarka: Gaar ahaan Khimaarka gabdhaha Muslimiinta ah ku xirtaan Iskuulada.. Guji


18 Soomaali ah ayaa Qaba AIDS-ka
MINNESOTA: 18 qof oo Soomaali ah oo layaqaan oo deggan gobolka Minnesota ayaa qaba cudurka dilaaga ah AIDS-ka Guji Dec. 1


MARAYKANKA MA KASOO BAXDAY LACAG TAARIIKHDEEDU TAHAY 2004
"Waxaa Soomaaliya Soo Gaartey Lacag Ciiro leh oo aan la garanayn" Sidaas waxaa yiri Ganacsade Soomaaliyeed oo... Guji 12/6


Ciidamada Canada oo Loo Sameeyey Wadaad Islam ah
waa markii ugu horeysey taariikhda ciidanka Canada oo loo sameeyo wadaad muslim ah, waxaana laga dhigay nin lagu magcaabo Guji


Taariikhda Muhammed Ali Clay


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri


Denmark: Saciid Wesing : “dabcan waxa ugu horreeya ee aan Allaah weydiisanayo waa Jannada, kadibna inuu soo islaamiyo dhammaan qoyskayga ee aan muslimka ahayn”... Guji..


Singapore:
500 oo Qof ayaa Sannadkiiba Soogala Diinta Islaamka..
Guji


USA: Dacwadii Aba Sheikh
Said Aba Shiekh oo koox gaangiistaro ah ay ku garaaceen Seattle afar sano kahor oo weli kujira coomo ayaa... Guji


London, UK: Nin Soomaali ah oo Lagu Xukumay 8 Sano kadib markii lagu soo oogey dacwad ah in uu HIV si u gudbiyey laba dumar ah oo mid kamid ah ay Soomaali tahay... Guji


XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


daroogada lagu beero soomaaliya, gaar ahaan dhulka ay maraan labada webi


Dal Biyo La'aan ah Degaan ahaana La Qurmiyey
Jamhuuriyada Soomaaliyeed waa hooyga budcada
Cabasho Shaneemooyinka Xamar iyo aflaamnta Jinsiga

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD [an error occurred while processing this directive]