SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - NAIROBI
IGAD: in ka badan 42 hogaamiye ayaa noo qorshaysan kulanka soomaalida.

Ridwaan Xaaji Cabdiweli

Nairobi,Kenya.

ridwanhaji@yahoo.com 

 

risaalaHa moogaan Maktabada Risaala oo ku taal magaalada Minneapolis oo aad ka heli kartid kutub Islaami ah oo kala duwan..... GUJI

29/12.2003. 

Gudiga fududaynta ee IGAD ayaa maanta waxaa ay usoo bandhigeen xubnaha beesha caalamka qaar kamid ah magacyadda Aqoonyahanada iyo wax garadka soomaaliyeed ee loogu tala galay in ay ka qaybgalaan kulanka hogaamiyayaasha ee 9ka January.

Kulankaasi waxaa Igad u qorshaysan in ay kasoo qaybgalaan in kabadan 42 hogaamiye oo isugu jira hogaamiyayaasha kooxaha, ururada bulshada rayidka, Ergooyin ku doodaya in ay matalaan beelohooda iyo aqoonyahano soomaaliyeed.

Magacyada Maanta uu Bethwel Kiplagat usoo gudbiyay maanta xubnaha beesha caalamka waxaa kamid ah:

1-Cabdirisaaq Xaaji Xuseen

2-Prof.Cabdi Ismaaciil Samatar

3-Nuura diin Faarax

4-Jenaral Maxamed Cali Samater , waxaana horay loosii sheegay Prof. Cali khalif Galaydh.

waxaana loogu tala galay in ay si buuuxda uga qayb qaataan dhex dhexaadinta wada hadalada hogaamiyayaasha soomaaliyeed ee 9ka January sanadka cusub ee 2004 si looga gudbo caqabadaha hareeyay shirka soomaalida tan iyo 15kii September markii hogaamiyayaasha ku sugan shirka ay ansixiyeen axdi qarameedka kumeel gaarka ee loogu tala galay dawladda cusub ee ka dghalata shirka.

Waxaana haatan Igad ay ka shaqaynaysaa sidii waraaqaha casuumaada loo gaarsiin lahaa qaybaha ilaa iyo haatan aan la gaarsiin ee lagu casuumar shirkaasi oo uu furi doono madaxwaynaha dalka Uganda Yuweri Musaveni, cidii kasoo qaybgali waydana waxaa loo aqoonsanayaa in ay tahay kasoo hor jeedo Nabadda.

Qaybaha ilaa iyo haatan la gaarsiiyay waraaqaha casuumaada ee shirkaasi waxaa kamid ah Madaxwaynaha Dawladda Kumeel gaarka Cabdi Qaasim Salaad Xasan iyo Golaha Samata Bixinta ee fadhigoodu yahay Magaaladda Muqdisho.

Dhinaca kale Hogaamiyayaasha soomaalida ee ku sugan Shirka waxaa ay ka biya diidsanyihiin in kulankaasi ay kasoo qayb galaan in kabadan 25 hogaamiye oo kaliya isla markaana aanay aqbalayn hadii tiradda la kordhiyo.

Arintan kordhinta hogaamiyayaashu waxaa ay sababtay Khilaaf xoogan oo soo kala dhex gala kooxaha ku sugan shirka iyo Danjire Bethwel Kiplagat iyagoo ku eedaynaya kiplagat in uu ku lug leeyahay arintaan iyo dhowr qodob oo kale oo ay ku eedaynayaan ilaa laga xalinayana aanay la kulmaynin.

Faafin SomaliTalk.com | December 30,  2003 

»MA-OGTAHAY CIDDII UGU HOREYSEY EE.... [Guji]

.... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
 kaah

BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri


Denmark: Saciid Wesing : “dabcan waxa ugu horreeya ee aan Allaah weydiisanayo waa Jannada, kadibna inuu soo islaamiyo dhammaan qoyskayga ee aan muslimka ahayn”... Guji..


Singapore:
500 oo Qof ayaa Sannadkiiba Soogala Diinta Islaamka..
Guji


USA: Dacwadii Aba Sheikh
Said Aba Shiekh oo koox gaangiistaro ah ay ku garaaceen Seattle afar sano kahor oo weli kujira coomo ayaa... Guji


London, UK: Nin Soomaali ah oo Lagu Xukumay 8 Sano kadib markii lagu soo oogey dacwad ah in uu HIV si u gudbiyey laba dumar ah oo mid kamid ah ay Soomaali tahay... Guji


XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD [an error occurred while processing this directive]