SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - MUQDISHO
Hadalkii Cabdiqaadir lugadheere oo qabiilooyinka galjecel iyo biyomaal ka xanaajiyay

Dec 30, 2003

risaalaHa moogaan Maktabada Risaala oo ku taal magaalada Minneapolis oo aad ka heli kartid kutub Islaami ah oo kala duwan..... GUJI




Waxaa si caro leh hadal uga soo saaray degmooyinka Jilib iyo jammaame waxgarad iyo odayaal matelaya beelaha gaaljecel iyo biyomaal kuwaasoo ka biyo diiday hadalkii Cabdiqaadir lugadheere ee ahaa in beesha shiikhaal ay degmooyinka jilib iyo jamaame 75% degto, taasoo ay ku tilmaameen nin riyoonaya oo aan jihooyinka kala garanayan.

Caaqil Salaad iimaan Yarow oo uhadlayay beesha gaaljecel,Iyo Muqtaar Muumin Maxamed oo uhadlayay beesha biyo maal ayaa yiri shiikhaal waxaan ku ogayn inay tuulada Xaramka deegaankeedu yahay ee goormay jilib iyo jamaame degtay. ninkaan hadda ka hadlaya nayroobi waxa uu ka soo jeeda gobalka Mudug maantana dhul uuna shaqo ku lahayn ayuu rabaa inuu af ku yeesho ayay yiraahdeen labadaas masuul.


Muqtaar Muumin waxuu intaa ku daray: tan iyo dagaalkii sokeeya ee uu isriixriixu ka jiray gobalka Jubadda hoose wali gacantayada kama bixin magaalada jammaame iyo agagaarkeeda oo waxaa difaacanayay dadka udhashay ee biyo maal, shiilkhaalna waxaan deris kunahay deegaanka jilib waxaana naga dhexeya derisnimo wadaag, hadalka kasoo yeeray lugadheerana waa isku dir iyo inuu ummaddaas dhexdhigo colaad iyo muran deegaan ayuu yiri.


Waxaa maalintii shalay hadal kasoo saaray magaalada nayroobi Cabdiqaadir lugadheere oo ah siyaasi udhashay beesha shiikhaal kaasoo uu kusheeganayo inay beeshiisu ugu badantahay degaanada Jilib iyo jamaame islamarkaana ay dagaal kula jiraan wax ugu yeeray kooxa kasoo duulay gobalka galgaduud.


Cabdi xasan Somalitalk.com/Muqdisho
abdi172@hotmail.com

"Qabiilkaygu waa Leelkase, Laba Gabdhood oo Dhalay ayaan siinayaa Cidda Lagu Tilmaamo Nasab Dhimanka"
Sidaas waxaa yiri C/Raxman Shiikh oo caawa ka hadlayey kulan diimeedkii saddexaad ee Soomaalida Woqooyiga Ameerika.. Guji

Faafin SomaliTalk.com | December 30,  2003 

.... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
 kaah

BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri


Denmark: Saciid Wesing : “dabcan waxa ugu horreeya ee aan Allaah weydiisanayo waa Jannada, kadibna inuu soo islaamiyo dhammaan qoyskayga ee aan muslimka ahayn”... Guji..


Singapore:
500 oo Qof ayaa Sannadkiiba Soogala Diinta Islaamka..
Guji


USA: Dacwadii Aba Sheikh
Said Aba Shiekh oo koox gaangiistaro ah ay ku garaaceen Seattle afar sano kahor oo weli kujira coomo ayaa... Guji


London, UK: Nin Soomaali ah oo Lagu Xukumay 8 Sano kadib markii lagu soo oogey dacwad ah in uu HIV si u gudbiyey laba dumar ah oo mid kamid ah ay Soomaali tahay... Guji


XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD