SomaliTalk DALSAN
Home | MAQAALO | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - DENMARK
SOO DHOWEYN DIIRRAN AYAY SOOMAALIDA DENMARK KULA QAABILEEN SOCDAALKII NABADDA EE HADRAAWI

Waxaa isku soo dubaridey
Ibraahim Saalax 
ibra88@hotmail.com
SomaliTalk |  Denmark


Maxammed Ibraahim Warsame "hadraawi"

Maalintii axadda oo ay taariikhdu ahayd 30.11.2003 ayay ballantu ahayd inuu mid ka mid ah hal-abuurayaasha ugu magaca dheer suugaanyahannada soomaalida casrigan kulan kula yeesho soomaalida ku dhaqan magaallada Copenhagen, xarunta dalka Denmark. Waa Maxammed Ibraahim Warsame oo ku magac dheer Hadraawi oo maalmahaan xanbaarsan dhanbaal nabadeed oo uu u sido walaalihiisa soomaaliyeed ee colaadda sida daran u curyaamisay.

Qiyaastii 2 saacadood iyo bar ayay dhaaftay saacaddii dadka lagu wargeliyay inay billaabanayso khudbadii uu soo jeedin lahaa abwaan Hadraawi, waxaana hoolka weyn ee shirka lagu qabanayay iiga muuqday dad isugu jiray rag iyo dumar, kuwaasoo xiisaynayay inay arkaan, dhagaystaana abwaanka caanka ah ee waqtigan ku mashquulsan nabadaynta bulshada soomaaliyeed.

Innagoo ku sugan goobtii shirka ayaa waxaa soo galay dadkii la socday wafdigii Hadraawi oo ay ku jirto Maryam Mursal oo dadka xiiseeya heesaha ay badankooda yaqaaniin. “Raalli ahaada walaalayaal daahitaanka aan soo daahnay, diyaaraddii ay ahayd inaan soo qaadano ayaa naga soo tagtay, muddo badan ayaan sugaynay diyaaraddii kale ee ahayd inaan soo qaadano” ayeey tiri Maryam Mursal oo weliba intaa raacisay “waxaan doonayaa inta aad sugaysaan odeyga Hadraawi oo salaad ku jira hadda, inaan idinku maaweeliyo hees gaaban oo ka sheekeenaysa qiimaha soomaalinnimada, waa heesta lagu magacaabo SOOMAALI U DIIDA CEEB, waxaan doonayaa inaan heestaas soo bandhigo kahor intusan iman Hadraawi oo maalmahaan aanan oggoleyn heesaha” ayeey tiri, waxayna markale raacisay “akhwaanka ayeey isku bah-yihiin maalmahaan” ayeey si kaftan ahaan misna u raacisay, waxayna guda gashay hadal dheer oo ay dhagaystayaashii goobta shirka uga soo jeedisay dhibaatadii soomaalida iyo somaaliya soo gaartay, gaar ahaan dumarka soomaaliyeed. “Musiibada ku habsatay Soomaalida waxay inta badan si weyn u saamaysay dumarka, caruurta iyo waayeellada soomaaliyeed, wixii soo haray intii awoodday intii awoodi karay inay ka soo badbaadaan way ka soo baxeen musiibadaas” ayeey tiri Maryam Mursal oo deggan magaallada labaad ee dalka Denmark.


Maryan Mursal

Waxyar dabadeed waxaa hoolkii shirka hal mar soo galay aqoonyahankii, suugaanyahankii iyo hal-abuurkii weynaa ee uu Allaah ku mannaystay culuunta bulshada waa Hadraawi oo dadkii oo dhan intay u istaageen sacabbo soo dhoweyn kula qaabilay isaga. Intaa kadib, wuxuu u soo dhaafay goobtii loogu talagalay inuu ka jeediyo qudbaddiisa uu ku doonayo inuu ku soo gudbiyo dhambaalkiisa xanbaarsan nabadda.

Shirkii ayaa si rasmi ah albaabada loogu furay. Hadal soo dhoweyn ah oo gaaban ayaa waxaa madashii shirka ka soo jeediyay mid ka mid ahaa qabanqaabiyaashii shirka, isagoo u mahad celiyay dhammaan dadkii shirka ka soo qayb galay, gaar ahaan Maxammed Ibraahim Warsame Hadraawi iyo wafdigiisii safarka ku wehelinayay.

Intaa kadib, waxaa hadalka qaatay Wardheere oo ka hadlay guud ahaan jahawareerka soomaalida haysta, gaar ahaan qoysaska soomaaliyeed ee qurbaha ku dhibaataysan. “waxaan ahay macalin si fiican uga warqaba baahida ubadka soomaaliyeed haysata, innagoo u wada dhan aynu wax ka qabanno dhibaatadaas” ayuu yiri Wardheere oo ah musharrixii ugu horeeyay ee isu soo taaga inuu noqdo duqa magaallada Minneapolis, dalka USA.


Maxamuud Nuur Wardheere

Maxammuud Xasan Geelle

Maxammuud Xasan Geelle ayaa sidoo kale hadal gaaban ka soo jeediyay goobtii shirka, wuxuuna ka qaybgalayaashii shirka ka codsaday inay si ixtiraam leh u dhagaystaan dhambaalka nabadda ee uu wado Hadraawi.

“soomaalida deggan Denmark waxay ii yaqaaniin guddoomiyaha soomaalida, cid ii dooratay guddoomiyanimadaas ma jiraan, annigaa isu gartay inaan xilkas noqdo, sidoo kale Hadraawi qof u magacaabay inuu wado howshaan qiimaha badan ma jiraan, diintiisii iyo soomaalinimadiisa ayaa tustay inuu qaado howshaan” ayuu yiri Geelle oo soo dhoweeyay socdaalka Nabadda ee uu uu hoggaaminayo Hadraawi. “walaalayaalow aynu si niyad sami leh ugu soo dhoweyno nabadda uu noo wado Hadraawi, afar kun oo kiiloomitir ayuu howshaan Soomaaliya oo dhan ugu soo maray, dhafar badan iyo dadaal badan ayuu u maray siday howshaan u fuli lahayd, marka waa waajib inaan taageernaa” ayuu Geelle hadalkiisa ku soo gabagabeeyay, iyadoo intaas kadib makrafoonka loo dhiibay Hadraawi si uu u guda gulo farriinta uu u sido gaar ahaan soomaalida ku dhaqan Denmark, guud ahaan bulshada soomaaliyeed meel walboo ay joogto.

Ugu horreyntii, Hadraawi wuxuu dadkii badnaa ee soomaaliyeed ku salaamay salaanta islaamka ee ducada xanbaarsan, kadibna iyadoo daal aad u weyn wejigiisa laga aqrisanayo ayuu hadalkiisa ku billaabay ducadaan “Alloow sida Roon ayaan kaa baryaynaa”, kadibna waxaa si daba is joog isu raac-raaciyay hadalladiisii xikmadaha u badnaa ee uu u jeedinayay soomaalidii goobtii shirka isugu yimid. Hadraawi wuxuu ka sheekeeyay sidii uu ugu laabtay dalkii Soomaaliya, kadib markii uu adkaysan waayay noloshii qurbaha. “Markii ay ii cuntumi weyday noloshii qurbaha oo aan is garan waayay qofkaan ahay ayaan isaga dhaqaaqay oo waxaan imid Soomaaliya” ayuu yiri, wuxuuna intaas raaciyay “markii aan imid Hargaysa ayaan ogaaday waxaan dalkaygii ku ahaa, waxaan si dhab ah u oggaaday inaan garto waajibka iga saaran dalkayga iyo dadyayga soomaaliyeed”, kadibna wuxuu Hadraawi halkaasi ka billaabay socdaalkiisii uu u galay inuu nabad ka islaaxiyo walaalaha soomaaliyeed ee colaadda kala dhex gashay, isagoo markii hore soo maray degmooyinka iyo magaalooyinka waqooyiga Soomaaliya ilaa uu markii danbe ka soo gaaray magaallada Muqdisho.

Hadraawi wuxuu aad ugu dheeraaday xasilooni la’aanta ka jirta Muqdisho iyo guud ahaan koonfurta Soomaaliya, isagoo si weyn u xusay dhibaatada dadka loo yaqaano “mooryaanta” ee ay ku hayaan soomaalida inteeda kale.'mooryaanta aan tilmaamayo waa kuwii aan xaqoodii la siinin, waa kuwii agoonta ahaa, waa kuwii derbi seexadka ahaa, waa kuwii aanan helin waalid wanaagsan, waa kuwii la dayacay ee derbi-jiifka ahaa, waa kuwii aanan soo arag wax naxariis ah, waa kuwii kaba-caseeyaha ahaa, waa kuwii aanan fursad u helin inay wax bartaan” ayuu yiri isagoo aad ugu dheeraaday maatadii iyagana ku le’day dagaalkii sokeeye ee Soomaaliya. Wuxuu kaloo Hadraawi ku dheeraaday dowrka soomaalida qurbaha ee kaga aaddan nabadaynta walaalaha soomaaliyeed. “Rabbi ka sokoow, dalkii idinkaa u maqan, hantidiina iyo aqoontiina waxaad gelisaan dalka, ha ku ekaanina oo keliya inaad dhisataan daaro, ee waxaad abuurtaan jawi nabadeed” ayuu yiri Hadraawi, wuxuuna hadalka intiisa danbe guda galay inuu ka hadlo qoyska iyo ubadka soomaaliyeed. Waajibka laga doonayo qoyska ayuu ku dheeraaday iyo waxyaabaha sababi kara burburka qoyska oo uu ka koow yahay maandooriyaha qaadka.

“Qaadka waa kan 20-jirka iyo 50-jirka isku da’da ka dhigay, halkaas ayay wada fadhiyaan oo ay ku damiir la’yihiin” ayuu yiri Hadraawi, wuxuuna intaas raaciyay “annigoo jabuuti jooga oo jecel qaadka iyo sigaarka ayaan misna iska joojiyay, kadib markaan arkay wax-yeelladiisa, waan awoodi karaa maanta markaan qaadka iska dhaafay inaan dadka ka waaniyo” ayuu yiri Hadraawi oo tilmaamay inay qofka wanaagga ay habboon tahay in marka hore isaga laga arko “camalka wanaagsan waa muraayadda qofka uu isku eegayo, camalkaaga ayay dadka kaaga marqaati kacayaan” ayuu yiri Hadraawi.

Wuxuu Hadraawi dardaaramo iyo nasteexooyin u soo jeediyay waalidka, gaar ahaan aabaha. “Ragga waxaa looga baahan inay ragganimo la yimaadaan, waa inaad hoggaamisaan guriga, u kallahdaan goobaha shaqada, u dhimrisaan haweenka iyo caruurta” ayuu yiri.

Khudbaddii qiimaha iyo xiisaha lahayd ee uu soo jeediyay Maxammed Ibraahim Warsame Hadraawi ayaa wuxuu ku soo gabagabeeyay gabay uu ugu magac daray “Rag siyaasi wada noqay” oo uu dhaliil weyn ugu soo jeediyay soomaalida siyaasiyiinta maanta wada noqday. “lixdameeyadii siyaasiyiinta way tirsanaayeen, dhowr qof ayaa lagu tilmaami jiray inay siyaasiyiin ahaayeen, kuwaas iyaga ahna xiiso sidaas uma sii qabin, laakiin nasiib darro maanta soomaaliyoo dhan waa siyaasiyiin” ayuu yiri Hadraawi oo khudbaddiisii ku soo xiray duco uu Alle uga baryay dalkeenii iyo dadkeennii inuu faraj u furo.

Waxaan mahad gaar ah u celineynaa Maxammuud Shabeele oo ka qayb qaatay qoraalka.

Waxaa isku soo dubaridey
Ibraahim Saalax 
ibra88@hotmail.com
SomaliTalk |  Denmark

QORAALADII HORE EE IBRAAHIN 

CASHARADII SAXAABADA RASUULKA

CASHARADII CIBAADADA SALAADDA

Faafin: SomaliTalk.com | Dec 4, 2003 | Update: Sixid: Taariikhda shirku dhacay waa 30.11.2003

Warqad Furan oo ku Socota Abwaan Hadraawi iyo inta gabayda!!!... GUJI


Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
  

. FOGAANTA U DHEXAYSA MAGAALOOYINKA SOOMAALIYA....

.... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
kaah
Denmark: Saciid Wesing : “dabcan waxa ugu horreeya ee aan Allaah weydiisanayo waa Jannada, kadibna inuu soo islaamiyo dhammaan qoyskayga ee aan muslimka ahayn”... Guji..
Singapore:
500 oo Qof ayaa Sannadkiiba Soogala Diinta Islaamka..
Guji


USA: Dacwadii Aba Sheikh
Said Aba Shiekh oo koox gaangiistaro ah ay ku garaaceen Seattle afar sano kahor oo weli kujira coomo ayaa... Guji
London, UK: Nin Soomaali ah oo Lagu Xukumay 8 Sano kadib markii lagu soo oogey dacwad ah in uu HIV si u gudbiyey laba dumar ah oo mid kamid ah ay Soomaali tahay... Guji
XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI
BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987
wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD [an error occurred while processing this directive]