SomaliTalk DALSAN
Home | MAQAALO | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - KENYA

War-1-3,December,Mbagathi,Nairobi.
Beesha Baajuun oo ku dagaalantey in lagu …………………………….

Guddoomiyaha Beesha Baajuun ee Ururka Somali Fikirini Union Maxamed Ismaaciil Barakaale ayaa ka codsadey beesha caalamka ,wasiirka Arrimaha Dibada Dawlada Kenya ,guddoomiyaha guddiga Fududeynta iyo Hawlaha Shirka IGAD in lagu darro saxiixiyasha shirka wadahadalada Nabadda ee Soomaaliya oo ka socda Kenya.

Guddoomiyaha Beesha ayaa sheegay in Beesha Baajuun ay degan tahay dhinaca Koofuureed ee Gobolka Jubada Hoose ee Kismaayo ,waa in aan ka mid noqonaa beelaha shirka dib u heshiisiinta Soomaaliya saxiixadey. waxaan degnaa Kismaayo ilaa Raas kambooni oo xuduuda Soomaliya iyo Kenya ayuu yiri mudanaha.

Beesha baajuun waa beel ka mid beelaha kale ee Soomaaliya ee wadaaga degaanada ay wada degana yihiin. Gobolka Jubbadda Hoose, Beesha baajuun waa beel aan ka qayb galin dagaalada sokeeya ee Soomaaliya ka dhacay tan iyo 1991,waa beel nabadeed waa in ay kamid noqdaan beelaha hogaamiyayaashu saxiixay shirka wadahadala Soomaaliya ayuu hadalkiisa ku soo gabagabeeyey.
udu danbeytii waxa uu yiri waa ku jiraan hogaamiyayal ka mid 0.5 saxiixayaasha sababta keenay in na loo diido maxay tahay ayuu qoraalka ku soo koobey.
Guddoomiyaha Beesha Baajuun ee Ururka Somali Fikirini Union
Muddane Mxamesd Ismaaaciil Barakaale

War-2-3,December,Mbagathi.Nairobi.
Profosoorada iyo lacture`s Jomo Kenyata University oo shaqo joo………….
Macalimiinta Jomo kenyatta University ayaa shaqadda Joojiyey ilaa muddo 3-maalmood ah laga soo bilaabo 1-bishan December.
Shaqo joojinta macalimiinta waxay ku timid ka dib markii la siin waayey lacag loo balan qaadeyin lagu kordhin doono mushaarka ay horay u qaadan jireen.
Wasiirka wasaarada tacliin ee dawlada Kenya Muddane Prof. Giorgo Saitoti ayaa u sheegay in ay wali soo gaarin lagac deyn ah ay ka sugayaan deyn bixiyayaasha caalamka ee Wold Bank.
Ardeyda dhigata Jaamicada jommo Kenyatta ayaa banaanbax sameeyey ka dib markii ay muddo 3-maaalmood cashar loo dhigin ,waxay kaloo ku andacoodeen in feega ama lacagta lagu barto maadooyinka la kordhiyey ay dhib ku tahay bixinteeda.
Jommo Kenyatta University ayaa ka mid Jaamicadaha ugu waawey ee ku yaala magaalada Nairobi,dhigatana aradey gaareysa ilaa 6-kun ardey oo ka kala yimid dalka gudihiisaiyo dibadiisa.
Macalimiin ayaa sheegay in ayan la xaajooneynin wasaarada tacliinta ee Dawlada ilaa la siiyo lacagahooda,waayo waxaan biilanaa lacagaha aan mishaarka u qaadano meelkale lacag nagama soo gasho ayuu yiri Madaxa Macalimiinta ee Jommo Kenyatta University.
Dawlada cusub ee madaxweynaha uu ka yahay Mwai Kibaki ayaa in ay dhalatey aan wali fulinin balanqaadyadii laga sugaayey .
Shaqaalaha hay`adaha ayaa maalinba qaar banaanbax sameeya iyagoo ku andacoonaya in mishaarku yar yahay hadana aan la siin bisha markii ay dhamaato,mideeda kale waddankii oo sicir barar ku dhacay oo maciishadii qaali noqotey.
Dhamaad.


War-3-3-December,Mbagathi,Nairobi.
Maxamed Saruura oo Maxkamada sii deysay …………………………….
Maxamed saruura ayaa la qabtey oo xabsiga la dhigay bishii may 20-keed ,ka dib markii lagu soo Eedeyey in uu ka danbeeyey dadkii qarxiyey Hotelkii Israail ku lahey Magaalada Mombaasa ee Safari Club ,December,2002.
Suuqa Weyn ee Magaalda Mombaasi ayaa laga soo qabtey isagoo ku jira shaqo maalmeedkiisa Ganacsi ee Dukaanka Ku yaal Becsharo Street ee Mombasa.
Mohamed ayaa ka mid ah Muslamiin u dhalay wadanka Kenya dhalashadiisa hore tahay Yamani.
Muddane Saruura ayaa u sheegay saxaafada in si xun ay ula dhaqmeen ka dib markii Boliiska Kenya Gacnaha iyo Lugaha oo ku dhawaadey in naafo ka noqdo.
Maxamed Saruura ayaa loo xiray suspect ama umaleyn in uu ka ka mid yahay Al-Qaida.
Maxkamada ayaa soo deysay shaley ka dib markii lagu waayey wax dembi ah oo ku lug leh qaraxaaasi.
Qaraxaasi iyo kuwe kale ayaa loo xiray muslimiin gaarey ilaa 300-qof oo ilaa iyo 30-dameeyo Somaali ah ka mid yihiin.
Dadkaasi loo xiray danbiga qaraxaasi ayaa baaris ku socota ilaa iyo waqtigii la xiray oo gaareysa muddo sanad dhan.
Dhamaad.
Abdikarim Aden Hussein.
Mbagathi,Nairobi.
abdikarimhussein@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Dec 4, 2003

Warqad Furan oo ku Socota Abwaan Hadraawi iyo inta gabayda!!!... GUJI


Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
  

. FOGAANTA U DHEXAYSA MAGAALOOYINKA SOOMAALIYA....

.... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
kaah
Denmark: Saciid Wesing : “dabcan waxa ugu horreeya ee aan Allaah weydiisanayo waa Jannada, kadibna inuu soo islaamiyo dhammaan qoyskayga ee aan muslimka ahayn”... Guji..
Singapore:
500 oo Qof ayaa Sannadkiiba Soogala Diinta Islaamka..
Guji


USA: Dacwadii Aba Sheikh
Said Aba Shiekh oo koox gaangiistaro ah ay ku garaaceen Seattle afar sano kahor oo weli kujira coomo ayaa... Guji
London, UK: Nin Soomaali ah oo Lagu Xukumay 8 Sano kadib markii lagu soo oogey dacwad ah in uu HIV si u gudbiyey laba dumar ah oo mid kamid ah ay Soomaali tahay... Guji
XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI
BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987
wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD