SomaliTalk DALSAN
Home | MAQAALO | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

 Luqaddii Ilaahay

Ibraahin Yuusuf Axmed
Hawd99@hotmail.com

Beri baan nin soomaaliyeed oo igu cusbaa la sheekaystay. Cabbaar ka dib waxaan weydiiyey bal in uu yaqaan soomaali kale oo aan isagana markaa ka hor dal kale ku bartay. Haa, ninkaas waan aqaan, ayuu iigu jawaabey. Runtii labada nin isuma ay egayn isku degaanna kama ay iman, waxa keliya ee ka dhexeeyeyna waa in ay beri markaa aad uga horreeyey isyaqaanneen. In ay isyaqaanneen sida aan ku gartay waa iyaga oo aad isugu hadal egaa. Labadooda ka dambe, oo ahaa ka da yar, marka uu hadlayo ereyada uu adeegsado iyo guud ahaan sida uu u dhaqmaa waxay ahayd sidii ka hore oo tabtii ah. Labada ka hore ayaa da weynaa, ilbaxsanaa oo tacliin sarreeyey. Dabadeed ka yari dhaqanka, gaar ahaan hadalka, ayuu kaga dayday.

Beri dambe ayaan ogaadey bulshooyinkuna in ay shakhsiyaadka la mid yihiin oo ay midiba ta ka horraysa ku dayato. Tusaale ahaan maanta dunidu dhaqanka guud dadka maraykanka ayey kaga dayataa, haddii ay noqoto maamulka hawlaha, dharxidhashada, muusigga, timojarashada, sida loo socdo, sida loo hadlo i w m. Sidaas oo kale afka ay bulshada ilbaxa ahi ku hadasho bulshooyinka kale oo dhami waa ay bartaan. Carabigu mar buu ahaa afka ilbaxnimada iyo cilmiga oo barashadiisa qaarad walba looga iman jirey. Laatiinka iyo faransiiskuna mar bay halkaas oo kale gaadheen. Casriganina waa kii af ingiriisida.

Xumaan iyo samaanba dadku weligii joogto ayuu isu saamaynayey weligiina isu saamayn doonaa. Taasi siyaalo badan ayey ku fushaa, laakiin aaladda ugu muhiimsani waa luqadda. Barashada af qalaad, siiba mid xaddaarad leh, waa dan aad u weyn, waayo aqoonta iyo waayo-aragnimada afkaas ku jira ayaa laga dhaansadaa. Waxaanse marnaba bannaanayn oo liidnimo ah in ay ummadi afkeeda mid kale uga tagto, ogaan iyo ogaan la’aanba. Waxaa dadnimoxumo ah in uu qof weyni marka uu hadlayo ama wax qorayo dadka afka la wadaaga af kale wax ugu gudbiyo, ama sidii ilmo afbarad ah luqaddiisa mid kale ku walaaqo. Maanta soomaali badan ayaa marka ay hadlayaan ama wax qorayaan aan kala sooci aqoon soomaaliga iyo af kale oo ay wax ka yaqaannaan. Laba waran oo kala ah carabi iyo ingiriisi ayaa af soomaaliga labada sambab ka taagan. Carabida waxaa laga dugsanayaa diin, ingiriisidana ilbaxnimo. Xaqiiqadaas ayuu qoraalkani ka duulayaa.

Waxaa jira kuwo wadaaddo u badan oo af carbeedka u qiiraysan, oo malaha rumaysan afkaasi in uu kooda ka barako badan yahay. Malaha waxay moodayaan ereygii carabi ah ee afkooda ka soo baxaba in Ilaahay ajar uga qorayo. Bal u fiirso marka ay dadkooda la hadlayaan sida ay carabida ugu dhiiqoonayaan. Bal u fiirso waxa ay hadal, maanso, maahmaah iyo sheeko carbeed halaloobinayaan, dabadeed sidii aayad Qur’aan ah erey erey u fasirayaan. Taas waxaa ka daran marar badan ayey fekerkooda horta af carbeed soo mariyaan ka dib soomaali u rogaan. Sidaas waxaa macnodarro ugu luma waqti iyo faham badan. Runtii marka ay dadkooda la hadlayaan maba mooddid in ay af soomaali ku hadlayaan, oo qofka aan carabida aqooni wax yar buu ka fahmaa. Mid kuwaas ka mid ah oo aanu mar doodnay wuxuu ii qirtay af soomaaliga inta uu ka yaqaan haddii uu carabi ku beddelan karo in uu ku beddelan lahaa.

Waxaa jira kuwo damiin ah oo aqoon yar, kuwaas oo dhibaato ku qaba kala saaridda af carbeedka iyo diinta. Waxay moodayaan haddii aanay carabi badan ku hadlin in ay diinta dayaceen, ama af soomaaligu in uu diinta ka hoosaasinayo. Kuwaasi waa kooxda ugu doqonsan dadka badan ee af soomaaliga dhabarka ka jebinaya. Waayo waxaa jira dad dhab ahaan la soo abaabulay oo awood laga dambeeyo ku hawlgala mushaharna lagu siiyo.

U dullaynta af soomaaliga af carbeedka waxaa ka dambeeya saddex danood oo kala ah:

1) In la moodayo af carbeedku in uu af soomaaliga ka qiimo sarreeyo. Wadaaddo badan oo daacad ah ayey la tahay carabidu iyaga iyo dadkoodaba in ay soomaaliga uga roon tahay. Waa dad maskaxda laga haysto oo u baahan wacyigelin iyo baraarujin.

2) Qorshe ah in af soomaaliga, sidiisaba, laga takhalluso oo af carbeed lagu dooriyo. Hawshaa waxaa soo abaabula Jaamacadda Carabta hay’adaheeda dhaqanka, waxaana u fuliya dad soomaaliyeed oo inta badan calan diineed ruxaya. Taasi waa damac qowmiyadnimada carbeed lagu durkinayo, laguna meelmarinayo heshiiskii rakhiiska ahaa ee Ina Carte Qaalib iyo Ina Siyaad Barre mugdiga lagaga saxiixday.

3) Meelmarsi dan ganacsi iyo suuqgeyn badeeco. Markii ay labada kooxood ee kor ku xusani dadkooda carabida u dulleeyeen, ee diin uga dhigeen ama siyaasad ku fushadeen, ayey ganacsataduna bilawday in ay bulshada carabida loo nugleeyey lacag kaga samaysato.

Sida hantigoosiga maaddiga ah lagu yaqaan, ganacsatada danaysatada ahi si ay jeebka dadka u gasho horta waa in ay dareenka ka gashaa. Dabadeed waxaa la ogaadey in dareenka qofka soomaaliyeed maanta u nugul yahay ereyada carabida iyo diinta u dhow, gaar ahaan kuwa khayrka ku bishaaraynaya. Bal u fiirso waxa erey carabi ah, oo inta badan ”al” laga bilaabay sida sac hebed ah dadka soomaalida maanta lagu maalo. Tusaalahaas waxaa ka mid ah: al-Hudaa, ar-Raxmah, al-Itixaad, al-Bishaara, an-Nuur, al-Furqaan, at-Taqwaa, al-Ammaan, al-Islaax, al-Carafaat, al-Amal, al-Xaq, ash-Shifaa, al-Bushraa i w m.

Doqonnimada noocaas ah waxaa kale oo ka mid ah magacyada dugsiyada sida: Madrasada Aflax iyo Madrasada Najax. Qaar kale waxaa loogu magacdaray shakhsiyaad carbeed oo loogu gabbaday in ay diinta sumcad ku lahaayeen. Oo markaa dadka soomaaliyeed ee dunida iyo diintaba sumcadda ku leh ilaalinta magacooda yaa u miciin ah?

Waxaa iyaguna jira dad mas’uul sheeganaya oo haddana afkooda afaf qalaad kula kacaakufa. Tusaale ahaan haddii uu dadweynuhu maqlo ”Saaxada siyaasadeed” boqolkiiba imisa qof ayaa fahmi kara ereyga ”saaxa”? Waa erey-saxaafadeed carbeed oo meelahaas laga soo helay. Waxaa si doqonnimo ah loo adeegsadaa ereyo ay ka mid yihiin ”wasiir khaaraji”, ”wasiir daakhili”, ”ra’iisal barlamaan”, ”wasiir difaac” i w m.

In erey qalaad oo mid soomaali ah lagu bahdilay la macmacaansado waxaa ka sii liidata in ereygaas qalaad si qaldan loogu dhaqmo. Tusaalahaas oo aad u badan waxaa ka mid ah ”Hay’adaha dawliga ah”. Carabi ahaan ereygu wuxuu ahaa ”duwali” oo ah wax caalami ah. Laakiin waxaa la moodey in uu ka yimid ”dawlad”, Dabadeed waxaa meel walba lala taagan yahay ”hay’adaha dawliga ah” oo laga wado ”hay’adaha qaranka”.

Carabidu waa afkii diinta, ayaa lagu doodaa. Laakiin haddii ay carabidu diinta wax tarayso maxaynu habeen iyo maalin u aragnaa carab aan wax uu ku tukado iyo si uu u tukado aqoon? Carab badan maxay qaadanwaa ugu noqotaa marka ay arkaan soomaali aan carabi aqoon oo haddana Qur’aanka xafidsan diintana aqoon sare u leh? Dhanka kalena carabku wuu ku qoslaa marka uu arko soomaali Qur’aanka xafidsan haddana aan aayad keliya ka fahmi karin. Diinta iyo luqaddu waa laba wax oo isa saameeya laakiin kala duwan. Haddaba si ay barashada diintu u fududaato maxaa diidaya in af soomaali loo soo raro, sida imikaba la bilaabay? Taasi fahamkeeda oo keliya ma ay sahasheen ee af soomaaliga qudhiisa ayey awood xaddaaradeed siin lahayd.

Talada ku saabsan soomaaliyeynta diintu weligeed waa ay soo jirtey. Ugu yaraan waxaynu hubnaa in ay soo taxnayd ilaa maalintii uu Sheekh Yuusuf Kowneyn higgaadda carabida soomaaliyeeyey. Culimo badan baa xilliyo kala duwan maanso af soomaali ah ku koobtay sifooyinka Eebbe, siirada Nebiga, tiirarka Islaamka, tilmaamidda labada waddo ee jannada iyo cadaabta lagu tago i w m. Sida aynu garan karno dadkaa dadaalka badan waxaa ka hor timid dhibaato ah af soomaaliga oo aan qornayn, taas oo ka joojisay in ay hawshaa sii wadaan. Mar walbana waxaa jirey fikrado dibusocod ah oo fekerkaa firfircoon ka soo hor jeedey. Xataa siddeetanaadkii dhowaa ee qarnigii tegey, markii ugu horraysey ee qayb Qur’aanka ka mid ah fasir af soomaali ah buug lagu soo bandhigay, dad badan baa argagaxay oo moodey in macsi la galay. Tobaneeyo sano oo kale ayey qaadatay in aynu aragno Qur’aanka Kariimka ah oo af soomaali ku abyan. Mar kale ayey maskaxdii dibusocodka ahayd qaylo cirka ku shareertay, iyada oo ku andacoonaysa in sidaas macno badani Qur’aanka kaga lumayo, isla markaa ay soomaalidu barashada carabida ka jeesanayaan. Labadaas eedood waxaa ka dhalanaya laba weydiinood: 1) Muxuu macno badani Qur’aanka uga lumayaa, af soomaaligu sow ma aha af nool oo wax lagu tarjumi karo laguna fahmi karo? 2) Ka jeesashada carabidu maxay qalad u tahay haddiiba laga maarmo? Waxaa xaqiiqo ah cidda sidaas u doodaysaa in aanay Qur’aanka, af soomaaliga iyo soomaalida toona dan ka lehayn, ee ay sababihii hore dartood carabida uun u danaynayso.

Tarjumidda Qur’aanka waxaa raacay tarjumaado kale oo diinta ah. Dhammaantood in kasta oo ay qaladdaad farsamo iyo luqadeed oo aad u badani ku jiraan haddana waa bilaw guul leh oo horumar laga filan karo. Laakiin xataa haddii mas’alada diinta laga tago, carabigu waa af leh xaddaarad culus oo ay ku qoran tahay aqoon aan xaddi lahayni. Haddaba kuwa carabida lagu ibtileeyey maxaa u diiday in ay taa wax ka soo tarjumaan? Galoofnimadooda taas ku saabsan ayaa daliil inoogu filan dantoodu in aanay carabi iyo carabnimo ka sokayn kana shishayn.

Kuwa ingiriisida ku waashay iyagu sida kuwaa hore uma indho adka oo haddii qaladkooda loo tilmaamo ma difaacaan.

Markii uu Ingiriisku innaga iyo dunida kaleba cilmi iyo farsamo horumarsan inagu qabsaday, wax dabiici ah ayey ahayd in uu saamayn weyn inagu yeesho, siiba luqadda. Sidaas oo ay tahay haddana wuxuu inagu yeeshay saamayn aad uga yar ta uu bulshooyin kale ku yeeshay. Sababtu waa af soomaaliga oo xoog iyo hodantinimo badan lahaa, isla markaa ahaa afka keliya ee ina mideeya (haddii aan lahjadaha koonfurta qaarkood af gooni ah lagu sheegin). Taa waxaynu kaga duwanayn bulshooyin kale oo afaf yaryar oo badan ku kala hadli jirey kuwaas oo markii ay dawladoobeen ku khasbanaaday in ay afka isticmaarka isku fahmaan.

Waxaase jirey laba dhinac oo ay afafka shisheeyuhu inaga soo galeen. Mid waa dadkii waqtigii gumeysiga wax bartay oo si ay mustawahooda ijtimaaci kor ugu qaadaan afkii ay wax ku soo barteen ku hadaaqi jirey. Kuwaasi xeeshaa liidata kuma ay liibaanin oo si ba’an ayey bulsho weyntu ugu qososhay, waana tii loogu heesay:

  • Af qalaad aqoontu miyaa?
  • Maya, ee waa intuu qofka Eebbe geshaa!

Dhinac kale oo uu afka gaaladu inaga soo galay waa ereyo looga maarmi waayey maamulkii iyo noloshii casriga ahaa ee iyaga laga dhaxlay. Dugsiyada, xafiisyada iyo qalabkii inagu cusbaa badankooda ereyo ingiriisi, talyaani, faransiis ama carabi ah ayaa loo adeegsadey. Weliba taasi waxaa ay u sii darnayd intii aan qorista af soomaaliga iyo ereybixinta la bilaabin. Ereyada ingiriisida inaga soo raacay waxaa ka mid ah: xafiis (office), teeb (type), buug (book), Eerboodh (airport), looyar (lawyer), barafasoor (professor), boolis, bilays (police) i w m.

Laga soo bilaabo sannadkii 1972 af soomaaligu wuxuu noqday af xaddaaradeed, ka dib markii la qoray ee wax lagu bartay waxna lagu qoray, isla markaa si firfircoon ereybixin loogu sameeyey. Taasi waxay ka soo yar saartay dayacii iyo darxumadii uu weligii qabey, waxayna dabaqabasho u noqotay suugaantii iyo waayo-aragnimadii lumi jirey. Laakiin ma ay joojin weerarkii ba’naa ee debedda kaga imanayey. Tayoxumo aad u weyn oo dadkii waxbarashada af soomaaliga ku qalinjebiyey laga arkay ayaa dhiirri gelisay in ay kuwa afafka kale wax ku bartay ismuujiyaan. Waxaa kale oo soo baxay wadaaddo kuwii hore ka duwan oo ay carabida iyo diintu isku mid u yihiin. Gaar ahaan labadaas xaaladood oo waxyaalo kale ku tiirsan ayaa af soomaaliga, awelba nuglaa, weerarka debedda u sii nugleeyey.

Ereyada iyada oo aan laga fiirsan afkeenna iyo dhaqankeenna la falgalay waxaa ugu caansan ”land”. Sida la wada yaqaan ereygu waa magac af yurub ah oo macnihiisu yahay dhul ama dal. Markaa ayey inoo bixiyeen ”British Somaliland”, ”Italian Somaliland” iyo ”French Somaliland”. Innaguna sidii ilmo afbarad ah ayeynu kaga daba dhawaaqnay.

Fahmodarrada sidaas ah ayaa u sabab ahayd in sannadkii 1991, markii lagu dhawaaqay gooni isu taagga ”Somaliland”, dhulkaas lagu soo celiyo magacii gumaysigu ula baxay. Ma garan karno sabab macno leh oo kelliftey in magacaa lala baxo, waayo in uu af qalaad yahay ka sokow ma leh macne dhul iyo bulsho soomalida kale ka gooni ah. Dhul soomaalida kale ka gooni ah wuxuu ku xaddidmi lahaa oo keliya haddii lala baxo ”British Somaliland”. Dabcan waxay noqon lahayd magacaabid taa hore ka sii liidata. Haddii ay in wax la kala qaybiyo noqotay meesha waxaa ku habboonaa ”Waqooyiga Soomaaliya”, kaas oo ugu yaraan xaddidaya degaan ama jiho gaar ah oo ka mid ah dhulka ay soomaalidu degto.

Laakiin waxaaba la arkay mid tii hore ka daran. Qayb kale oo Soomaaliya ah ayaa loo bixiyey ”Puntland”. Magacani qaldanaanta iyo qalaadnimada kii hore kama duwana, waxaase dheeraad u sii ah laba dhibaato. Marka hore xarafka P dhawaaqa af soomaaliga kumaba jiro, dabadeed waxaad maqlaysaa iyada oo loogu dhawaaqayo B, “Buntlaand”. Markaa carruurta dugsiga dhigata ma waxaa lagu karsbaashaa barashada dhawaaqa xarafka P ee aan afkooda hooyo ku jirin carrabkooduna karayn?

Cilladda kale ee magacan ku jirtaa waa ereyga “bunt” oo aan wadan magacii ay faraacinadu dhul ama dal u yaqaanneen, kaas oo aanan qudhaydu aqoon. Magaca “land” ee lagu suuxay waa tarjumidda afka saancadka. Tusaale ahaan carabtu magacaa waxay u tarjumatey “Bilaad Bunt”, ummad walibana sida uu ereyga “dhul” afkeeda ku yahay oo ay raacisay “bunt”. Markaa innaga oo ah cidda uu magacu tooska u khuseeyo maxaynu ugu khasban nahay in aynu u qaadanno sida ay reer yurub u tarjunteen?

Labada magac intaa waxaa u dheer iyada oo magaca “land” iyo ka la socda shaqalkooda dheer la gaabiyo, taas oo ingiriisida lagaga dayday. Haddii af soomaali lagu qoro waxay noqonayaan “Soomaalilaand” iyo “Buntlaand”.

Sida aynu maanta af ingiriisida ugu dullownay lagama sheekayn karo. Warfaafinta ayeynu taa uga dhigan karnaa muraayad aynu isku daawanno. Bal u fiirso bogagga Inter Net-ka badankooda. Waxa ku qoran boqolkiiba imisa ayaa ingiriisi ah? Meel 100% loogu talogalay akhriste soomaali ah maxaa af kale ka galay? Boggii awelba shisheeye loo qorsheeyey isagu dhaleecadan ha ka ceeb la’aado.

Warfaafinta maanta waxaa diyaariya ama tifotira dad badankooda af soomaaliga iyo adeegsigiisa dhibaato ka haysato. Taa waxaa badankooda u dheer aqoon yari ku saabsan cilmiga saxaafadda ee ay faraha kula jiraan. Tusaale ahaan dhammaan magacyada bilaha waxaa si aan dareen lahayn loogu qoraa af ingiriisi: April, June, Augost, September, October, November, December…! Magacyada bilaha ee aynu ku dhaqannaa in ay af yurub ka yimaadeen macnaheedu ma aha in aynu sidooda u qorno, ee waa in ay xarfaha iyo higgaadda af soomaaligu ina hagaan. Magacyadaasi sidan ayey soomaali ku yihiin: abril, juun, ogost, sebtembar, oktoobar, nofembar, disembar...

Qaladdaadka luqadeed ee aan xadka lehayn waxaa ka mid ah magacyo badan oo soomaali ah iyo guud ahaan dalalka dunida oo af qalaad lagu qoro. Bal arrimahan u fiirso: Aden (Aadan), Abdullahi (Cabdullaahi), Hargeisa (Hargeysa), Mogadishu (Muqdisho), Djibouti (Jabbuuti), Ethiopia (Itoobbiya), Germany (Jarmal), Japan (Jabbaan), China (Shiine) Europe (Yurub)...

Wargeys daabacan oo maanta af soomaali ku soo baxa, inta aan anigu og ahay, waxaa ugu af dheer Jamhuuriya, kaas oo ka soo baxa Hargeysa. Isagana af ingiriisida iyo soomaaliga ku qorani aad uma kala badna. Fikradaha iyo macluumaadka uu akhristaha u soo gudbiyaa kama duwana waxii lagu qori jirey Xiddigta Oktoobar. Kala duwanaanta keli ahi waa kii hore oo si buuxda gacanta xukuumadda ugu jirey iyo Jamhuuriya oo ka madax bannaan. Laakiin haddana xorriyadda feker ee uu isagu isa siiyey ayaa aad u xaddidan. Tabtii Xiddigta Oktoobar ayuu Jamhuuriya garashada akhristaha liidaa oo hafraa. Tabtii Xiddigta Oktoobar ayuu filashada akhristaha ka sokeeyaa ama ka weecsan yahay. Magaca wargeyska ee aan sidiisaba soomaaliga ahayn ayaa quus inoogu filan.

Marka horumarka ama dibudhaca af soomaaliga laga hadlayo, in ”af soomaali” uun la iska yidhaahdo ma aha, ee waxaa khasab ah in laga eego dhinacyo kala duwan, gaar ahaan saddexda dhinac ee kala ah: hadalka, qoraalka iyo halabuurka (halabuur halkan waxaan ka wadaa oo keliya suugaanta la curiyey laakiin aan daabacnayn). Waxaa kale oo waajib ah in loo kuurgalo kala duwanaanta gobollada iyo ururrada bulshada, taas oo fududaynaysa helista sababaha horumarka ama dibudhaca.

Waxaynu soo aragnay ururrada bulshada in ay wadaaddadu af soomaaliga ugu liitaan oo si daran af carbeedka ugu jabeen. Waxaynu kale oo argnay in ay jiraan qolyo ingiriisida wax ku bartay oo taa iskula weyn af soomaaligana ku yasa. Haddaba bal aynu arrinta degaan u eegno, oo soomaalida u qaybinno shanta qaybood ee loo qaybiyo, una fiirsanno sida uu af soomaaligu maanta meelahaas ku kala yahay. Taana aynu ku miisaanno saddexdii dhinac ee kala ahaa: hadalka, halabuurka iyo qoraalka.

Aniga oo aqoontayda iyo waayo-aragnimadayda shakhsiga ah kaashanaya waxaan ku dhiirran karaa mas’aladaas natiijadeeda in aan ku soo ururiyo sidan hoos ku qeexan, aniga oo saddexda qodob mid walba siinaya dhibco togan oo u dhexeeya eber ilaa shan. Waxaanan hubaa qiyaastani in aanay xaqiiqada ka durugsanayn.

  Hadal halabuur qoraal isugeyn
Koonfur 4 4 5 13
Waqooyi 5 4 3 12
Galbeed 5 4 1 10
Jabbuuti 2 3 0 5
NFD 2 1 0 3

Haddii aynu si gaar ah ugu sii dhabbogalno labada qaybood ee duruuf ahaan ilaalinta iyo horumarinta af soomaaliga maanta u xilsaaran, waqooyi iyo koonfur, waxaa inoo soo baxaysa natiijo ay koonfurtu guusha ku helayso. Taasi waxay lid ku tahay dabcigii bulshada soomaalida lagu yaqaanney ee ahaa wax kasta oo af soomaaliga iyo fankiisa ah in ay bulshada waqooyigu hormuud ka ahaato. Tusaale ahaan maanta waxgaradka koonfureed badankoodu fekerkooda waa ay ku soo gudbin karaan qoraal soomaali ah, laakiin kuwa la siman ee waqooyiga in yar ayaa taa samayn karta. Xasuusqorka aayaha leh ee Xuseen Cali Ducaale, Jaamac Maxamed Qaalib iyo Maxamed Siciid Gees, oo saddexduba soo bandhigay waayo-aragnimadooda siyaasadeed, dhammaantood ingiriisi ayey taa la magansadeen. Waxay tusaale u tahay sida ay waxgaradka gobolkaasi adeegsiga afkooda ugu fashilmeen. Dadka gobolkaas ku dhaqan buugga af ingiriisida ku qoran ayaa weli uga qiimo sarreeya ka soomaaliga ah.

Ku kala horraynta waqooyi iyo koonfur ee qoraalka af soomaaliga sababteeda waxaynu u aanayn karnaa:

1) Marxaladdii uu qoraalka af soomaaligu xoogaysanayey waxaa xarun u ahayd Muqdisho (koonfur), waana xilligii ay wax waliba halkaa ku koobnaayeen.

2) Madbacaddii keli ahayd waxay taalley Xamar, sidaas darteed wargeysyadii tirada iyo tayada yaraa iyo qoraalladii kale halkaas ayey ku egaayeen ama ka iman jireen.

3) Labadaa sababood dartood Xamar waxaa ka dhalatay firfircooni qoris iyo akhris ah, taas oo dabadeed gobolba ka uu Banaadir uga dhow yahay saamaysay.

4) Tobankii sano ee midnimada ugu dambeeyey waqooyiga waxaa lagu hayey cadaadis xoog leh, siiba dhinaca fekerka. Dabadeed bulshadaasi waxay nacday wax kasta oo dawladda iyo koonfur ka imanayey, sida dugsiyada, buugaagta iyo warbaahinta. Taas raadkeeda waxyeello ilaa maanta si aad ah ayuu u muuqdaa.

Dhaqan xaddaaradeed kastaa gobolka uu ka soo baxo muddo dheer ayey gobollada kale oo dhami higsadaan. Muusigga iyo masraxa (ruwaayadda) ee kontonaadkii qarnigii tegey waqooyiga sida weyn uga hanoqaaday waxay keentay in ilaa maanta taa lagaga daydo. Waxay kale oo keentay in ay dadkaasi wax kasta oo muusig iyo ruwaayad ku saabsan u niyadsamaadaan, isla marka ay buugga iyo wargeyska soomaaliga ah ka sharsanayaan dulmigii Xiddigta Oktoobar iyo Tusaalooyinka Madaxweynaha. Taas waxaa la mid ah sida ay reer koonfurku maanta qoraalka iyo akhriska ugu jajaban yihiin, isla markaana badankoodu maansada u arkaan “dhaqan baadiye”.

Legdanka af soomaaliga iyo afafka qalaad marka ay noqoto reer jabbuuti waxay gelayaan kaalin liidata. Waa dad soddon sano ku dhowaad dawlad ahaa, haddana aan wargeys keliya afkooda ku soo saarin, buugna hadalkiiba daa. Waa dad iyaga oo af, dhaqan iyo taariikh leh isku xukumay in ay intaba Faransiis magan iyo marti ugu noqdaan. Ugu yaraan dhawr iyo tobankii sano ee ay soomaalida kale burbursanayd gobolkaasi wuxuu helay fursad qowmiyadeed oo uu afka iyo dhaqanka door weyn ku yeelan kari lahaa. In kasta oo la moodo in uu Ismaaciil Cumar Geelle soomaalinnimada uga wacyi roon yahay odaygii uu talada ka dhaxlay, Xasan Guuleed Abtidoon, haddana waxa keliya ee uu taas u qabtay waa in uu mar soomaali badan dalkiisa ku shiriyey. Taasna adeerkiiba waa uu sameeyey sannadkii 1991. Haddii aanu jiri lahayn iftiinka yar ee fanka iyo maansada ah gobolkaasi wuxuu noqon lahaa xabaal madow.

Qolada kale ee dhawrista afkeeda ku guuldarraysatay waa bulshada Kiiniya laga xukumo. Waa arrin yaab leh in aanay bulshadaasi qoraal iyo maanso toona afkeeda wax muuqda ku soo biirin. Ma aan arag mana maqal, wargeys iyo buug toona, qoraal soomaali ah oo reer kiiniya ku abtirsada. Sidaas oo kale lama sheegin wax dadaal ah oo ay dadkaasi u sameeyeen in ay carruurtooda afkooda dugsiyada ku barato.

Reer jabbuuti iyo reer kiiniya waxaa ka duwan reer soomaaligalbeed oo leh awood af, suugaan, dhaqan iyo ku faanid dhalasho. Xataa haddii ay qowmiyad kale dusha ka haysato waa bulsho leh firfircooni dhaqan oo madax bannaan, joogtana ugu xidhan soomaalida kale.

Ugu dambayn aan ina xasuusiyo afka faransiisku in uu ka mid yahay kuwa dunida ugu tiirar adag. Waa kii qarnigii 18-aad shiday dabka ilayska iyo diirrimaadka badan ee reer galbeedka weli u baxaya, kaas oo ay waxgarad faransiis ahi huriyeen loona bixiyey Ifin (Enlightenment). Afkaa waxaa ku qoran qayb aad u weyn oo ka mid ah ilbaxnimada iyo waayo-aragnimada aadamiga, waxaa ku hadla boqollaal milyan oo dad ah, wuxuuna leh yahay dawlad iyo hay’ado xoog leh oo ilaaliya. Sidaas oo ay tahay dhawr sano hortood waxaa dalkaa laga soo saaray sharci xaarantimaynaya in uu mas’uul faransiis ahi afkiisa erey ingiriisi ah ku daro isaga oo mid faransiis ah heli kara. Dadkaasi waxay sidaas u yeeleen in ay wacyi u leh yihiin afku in uu yahay wax lumi kara ama nasakhmi kara.

Inteenna ay diinta iyo af carbeedku iskaga qaldan yihiin waxaan ku baraarujin lahaa: Af soomaaligu waa afkii Ilaahay, wuuna yaqaan oo jecel yahay, si la mid ah sida uu carabida u yaqaan una jecel yahay. Xikmadda uu abuuristiisa ka lahaana waxay la qiimo tahay tii uu abuurista carabida ka lahaa. Haddii la lumiyana waxaa meel lagaga dhacay xikmadda Eebbe.

Ibraahin Yuusuf Axmed
Hawd99@hotmail.com

 QORAALADII HORE EE IBRAAHIN YUUSUF

Faafin: SomaliTalk.com | Dec 5, 2003

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Warqad Furan oo ku Socota Abwaan Hadraawi iyo inta gabayda!!!... GUJI


Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
  

. FOGAANTA U DHEXAYSA MAGAALOOYINKA SOOMAALIYA....

.... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
kaah
Denmark: Saciid Wesing : “dabcan waxa ugu horreeya ee aan Allaah weydiisanayo waa Jannada, kadibna inuu soo islaamiyo dhammaan qoyskayga ee aan muslimka ahayn”... Guji..
Singapore:
500 oo Qof ayaa Sannadkiiba Soogala Diinta Islaamka..
Guji


USA: Dacwadii Aba Sheikh
Said Aba Shiekh oo koox gaangiistaro ah ay ku garaaceen Seattle afar sano kahor oo weli kujira coomo ayaa... Guji
London, UK: Nin Soomaali ah oo Lagu Xukumay 8 Sano kadib markii lagu soo oogey dacwad ah in uu HIV si u gudbiyey laba dumar ah oo mid kamid ah ay Soomaali tahay... Guji
XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI
BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987
wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD [an error occurred while processing this directive]