SomaliTalk DALSAN
Home | Zakaat | Siiro | Saxaabada | Salaat | Search | Allah Is Great |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m 
SOMALITALK - MAQAAL
DHULKII SOOMAALIYEED = BAROOR DIIQ
Maxamed Axmed,
Toronto, Canada,  
alhudaa1@yahoo.ca
  

Waxaan ahay geyigii Soomaaliyeed, dhaqan iyo dhul baan lahaa, hayeeshee dhurwaayaa Alle igu salladay. Waxaa astaantaydu ahayd martisoorka, maamuuska, maanso curiska, miyir wax uga heshiinta, hayeeshee mooryaan baa maradaydii gubtay oo magacaygii bi'isay. Markii laba wiil oo aan dhalay ismaandhaafaan, geed hoostiis iyo gar baa lagu kala bixi jiray, gabdhana waa laysa siin jiray, biyaha iyo baadkana si xasilloon ayaa loowada wadaagi jiray. [qoraalka oo dhanHoos Akhri 

KAAH
Choose kaah for confidence, convenience & competitive, rapid, reliable & responsive

  

Waxaa astaantaydu ahayd inaan soo saari jiray wiilal dhuudhuuban, hayeeshee bootin dheer, geesiyaal ah, gabay curin badan, islamarkaasna libaaxa kadhigta neefkooda, dhurwaaguna hadduu neef xalay kaqaatay ay raadkiisa saqda dhexe toosh kuqaadaan kaddibna ay tiigsadaan isagoo geed hoos hurda afkana dhiig uga yaal kaddibna ay waran kudhaabaan halkaas iyo dhul aakhirana ay udiraan. Hayeeshee maanta waxaa idhaxlay dhagar qabayaal dhiirranaan sheeganaya iyagoo kudhuumanaya 400 oo dhallinyaro ah dhabarkood, isla markaasna kudhahaya dhallinyarada dhimbilaha rida, dhallaanka mariya, guryaha dhaca, dhismaha dumiya, hooyooyinka dhiba, wixii dheef ahna aniga iikeena, idinkuna dhinta magiciinnuna meeshaas hakudhammaado!.

Haddaan ahay dhulkii Soomaaliyeed, dhagar baad iga gasheen, hadhoow iyo haddeerna idinma cafiyin, dhiigbaad iigu qubeeyseen, anigoo ahaan jiray mid ay dhirtu aad uga baxdo, miro badanna ay kadham-balmaan, biyuhuna ay dhacadiidaan, dhallaan badanina uu kudhasho, maantana dhallinyaradaydii qaarna waad dhammayseen, qaarna dhulgaalaad dhallin uga dhigteen, anna dhul gablan ah baad iga dhigteen. Haddaad rabtaan inaan idin dhaafo, oo dhibkii hore illoobo yeela dhawrkaan shay oo dhammaantiin si fiican uga soo dhalaala:

~ Marka aad tihiin kuwa dhumuca sida, iska dhiga oo rabbigiin kadhursuga, dheef wuxuu qoray waad dhadhaminaysaan, anaana idiin dhalaya oo dhaydaydaa idinku filan, dhammaantiinna ogaada inaad aniga iga hoosmari doontaan oo aad dhimanaysaan, waxaad dhumiseen oo naf iyo hanti ah Alle idinka dhaarin doono.

~ Marwooyinkii aan dhalay oo meelahaan agtayda ah dhooban iyo kuwa meel fog udhoofayba, waxaan dhagihiinna kushubayaa in aad dhaqankiinna iyo diintiinna dhawrtaan, dhibbane ayaad tihiin, anaase idinka dhib badan, hayeeshee qaanso-roobaad ayaan cirka ku arkaa, oo roob iyo kahyr baa soo socda ee bishaaraysta, iilmadana iska tira, waxaadna dhab u ogaataan in balaayo dheeraata ay barwaaqo daa'im ihi kadambayso sida qur'aankeennu dhigay.

~ Dhallinyarada waxaan leeyahay haddaan dhulkii ahay, kuwa qurbaha jiroow, markaad doolarkiinnii dayacdeen, oo dhiigyacab u dirteen, ogaada inuu dhulkiinnii gubay, idinkaana ku dhul-la', dhurwaayadaasi gogoshiinnii bay dhumiyeen, nin gogoshii uu kuseexan lahaa gubayna gorgor samada heehaabaya baa Alle kadhigaa, haddaad wadaninimo sheeganaysaan idhisa aniga oo idhaqaaleeya, cilmi adduun iyo mid aakhiro aan idiin dhalee, ubadkiinna barritana u dhiga wax dhaxal gal ah oo ay berrito kudhaataan.

~ Aqoonyahankayga waxaan oran lahaa, haddaad maskaxdaada dhay kabuuxisay, anaa kuubaahan, aniguba dambar baan kusiin jiray waagaad dhallaanka ahayd, maantana anoo dhibban baad iga dhaqaaqday, oo dhulkale dheeftaadii siisay, ogoow inaan kaa dhursugayo, dhakhsana aan rabo inaad iigu timaado, dhibaatadaanna iga mayrto.

~ Culumaa'uudiinkoow, idinku dhoowrsanayaal ayaad ubadan tihiin, oo dhiig uguma innaan daadin, dhallaankaygiina igama iinnaan cunin, gabdhahaygiina dhulka ma iinnan dhigin, laakiin ducadii baad iga dheerayseen, quusna waad qaadateen, waxaan idin oran lahaa iisoo duceeya, dadkiinana hanuunsha, qabiilakana kadheeraada.

~ Ninkii raba inuu aniga dhulka ah xukumo, waa inuu sifooyinkaan kasoo dhalaalaa, haddii kale waa dhurwaa dhurwaayii hore kamid ah ee yaan laygu siidayn. Waa inuu yahay nimaan dhagar qabin oo dhawrsan jiray, waa inuu yahay nin rabbigiis kudhaata diintana kudhaqma, waa inuu yahay nin xishood iyo xaqdhoowr maryihiisu ay yihiin. Waa inuu yahay nin carruurtaydii kala firdhatay iisoo uruuriya, gabdhahayga daryeela, duqaydayda darajeeya, dadkayga doojiya, dhaawiciina dhaya, maankiisuna uusan ahayn inuu maal xado ee uu yahay inuu maatida meel wanaagsan kuhago.

Haddaan dhulkii ahay, anaa idinkabadiya dadkayga, haddaad rabtaan inaad ogaataan geesiga qofka ah, iyo kan dhugta badan, ma aha dhiigyacab dagaal ooge ah, oo gadaal kafadhiya 400 oo wiil, xabbadana iska xijinaya iyaga, si uu uhelo waxa ay soo dhaceen inta dagaalka kasoo badbaadday, ee geesigu waa ninka kashaqeeya wanaagga waddankiisa iyo dadkiisa, una horseeda wixii khayr ugu jiro labada daaroodba, dadkaygoow idinkaan idiin fadhiyaa ee isku duubma, daarta dambana xusuusta, xalkana iisoo dadajiya.

Ilaah baa darajo leh iyo dambidhaaf.


Maxamed Axmed,
Toronto, Canada,  
alhudaa1@yahoo.ca
  

Feb 7, 2003

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

  »»Dirirdhaba: Maxaa Labada Professor Loogu kala eexan?!  
»»SOOYAALKA TAARIIKHEED EE SL IYO SARBEEBTA DAHSOON
»»26 Janaayo: Libta Saas Laguma Helo
»»BOGGA MAQAALADA DADWEYNAHA... GUJI 

I  I  D  H  E  H

Sucuudiga oo Bixiyey 1.3 million Visas Xajjka Sannadkan 1423
Sidaas waxaa shaaca ka qaaday Wasaaradda Arimaha gudaha ee Sucuudiga, waxa kale oo wasaaradu sheegtay in....  GUJI... Feb 2

DAREENKA DADWEYNAHA IYO TODDOBAADKAN
Maamulka Somaliland oo Xabsiga u Taxaabay Ergey Nabad Doon ah 

Dhanbaal Murugo leh: Gabadh ka soo Baxsatay Xabsiga Itoobiya: Wararka Radio Xoriyo GUJI...

WAR BIXIN KU SAABSAN SHIRKA ELDORET
Mr. Peter N. Nyagah ayaa maanta si cad u beeniyey warar ay jariidadaha Kenya qoreen oo ay ku sheegeen inuu shirka Eldoret qarka u saaran yahay in lagu kala huleelo...  Warbixintii Ibraahim Maxameddeeq.. 31/1com

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
..
..
Eldoret waa caynkee
ELdoret- Bishan
Eldoret-Nov 2002
Eldoret-Oct 2002



HTML CD