SomaliTalk DALSAN
Home | Zakaat | Siiro | Saxaabada | Salaat | Search | Allah Is Great |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m 
SOMALITALK - MAQAAL

SOOYAALKA TAARIIKHEED EE SOMALILAND IYO SARBEEBTA DAHSOON.

MOHAMED ABDI HASSAN (DIRIDHABA)  
diridhaba2001@hotmail.com
  
KARACHI, PAKISTAN.

Feb 1, 2003

Xikmadaha lagu manaystay luuqadda afka soomaligu aad ayey u farabadantahay waanay balaadhantahay, waxaa akhristow lagu tiriya hadii la koobi lahaa ama la keydin lahaa in ay noqon lahayd luuqadda afka soomaligu luuqadaha ugu qanisan dhamaan afafka lagaga hadlo bahwadaagta afrikada madow ee ku ceegagan qaarad weynta ilaahay ku manaystay nimcada iyo sooyaalka taariikheed ee marka dib loo darso darxumada iyo tiifto ka muuqato,. [qoraalka oo dhan.Hoos Akhri 

KAAH
Choose kaah for confidence, convenience & competitive, rapid, reliable & responsive

  
FAALLO: Maxamedoow inoo Yare Kaadi
Jawaab ku socota Qoraladii Maxamed Diridhaba. GUJI [Cali Shirwac] 

HANASHADII SOMALILAND IYO RIYADII SOMALIWEYN 

FAALLO: CEERYAANTA SIYAASADEED IYO CAHDIYADII SOMALILAND

FAALLO: HADAFKA SOMALILAND IYO HANAANKA SOMALIWEYN

SOCDAALKA RIYAALE IYO SAHAMINTA SHACABKA SOMALILAND ) 

FAALLO: HADAFKA SOMALILAND IYO HANAANKA SOMALIWEYN GUJI... 

Jaaliyada Somaliland ee Asia & BBC-Somaliga - GUJI

Warsaxaafadeed kasoobaxay Ururka XAX - GUJI

Taariikhda Lagama Been Sheego GUJI...

Ninkii malaa'igtu u sujuudey GUJI.

SOOL, SANAAG, BUUHOODLE, HAWD, AWDAL  GUJI..

<><><>  

Taariikhda Lagama Been Sheego... GUJI...

<><><>

Aan Wax Qalano Mindiyaha Qarsano... GUJI 
 

ma la isweydiin kara akhriste Sideeba looga faa,iidaystaa xikmadahaasi ku qoran afka Soomaliga, run ahaantii waxaan jeclaystay iyada oo sidaa aan kor u soo tiraabay u bayaansantahay in luuqadani tahay mid dahab ah marka dib loo raad raaco, inaan jawaab cad siiyo dadka qaarkood ee damca inay si dahsoon u isticmaalan sooyaalka taariikheed ee Jamhuuriyadda ku xaglan geeska beri ee afrika, waa jamhuuriyad badiba soo martay taariikh aan cidinaba looga faaloonayn oo gobonimo iyo geeri farabadan loo huray, waa jamhuuriyadda aan jecelahay ee SOMALILAND, waa haboonayd aadna waan u jecla inaan jawaab ku bixiyo luuqadda qalaad ee ay doorbidaan dadyowga qaarkood inay ku falanqeeyan lakabyada kala gedisan ee kolba danta gaar ahaaneed ee ay leeyahiin, balse akhristow anigu waxaan ka doorbiday inaan ku iftiimiyo wallow ay dad badan ila arkaan waxaan u gol leeyahay, kollay akhristow aadamaha ilaahay ku khalqay ama aan idhaahde dhigay dunida daafaheeda ma wada sinna, isku aarah, fikrad iyo xikmaddna ilaahay kama wada dhigin, waa run eh tallow hadii aduunyadani loo simi lahaa sida ulo is barbar yaal maxay noqon lahayd?, ma jecli inaan ku tiraabo xikmadaha sooyaalka reer galbeedka eh hadana nin dhalashadiisu british tahay oo lagu magacaabo "WILLIAM SHAKEASPEAR" oo badiba carada britain aad looga yaqaano laguna xasuusto sooyalka taariikheed ee uu kaga tagey suugaanta luuqadda english ka ayaa waxaa laga haya "THIS WORLD CONTAINS PROBLEM IF THE PEOPLE INSIDE SOLVED THEN THE WORLD WILL NOT GET ANY INTEREST" wuxuu u jeeday oo uga danlahaa "dhamaan dunidan aynu ku noolahay waxaa ku ceegagan mushkilado, caqabado, isfahmi waa hadii dadka ku dhex nooli intay iska kaashadaan ay odhan lahaayeen waar bal aynu meel iska dhigno waxani adduunyadani dhadhanba ma yeelateen" wuxuu William Shakeaspear ula jeeday inaan dhamaan adduunyadani ka dhamaan doonin muran iyo wareer looguna tallo gelay, waa sidaasi akhristow aan usoo noqdo dulucda maqaalkayga eh waxaa laga hayaa abwaankii weyna ee Maxamed Ibraahim Warsame hadraawi xikmadahani

"Talooy go'an baydahaa
Xujooy taran bedenbedkaa
Hawooy balaggaa furfuran
Sengow dhimay badalligaa
Biddoow camalkaa ku sheeg
Badeey adigana muggaa
Hirkaagiyo baaxaddii
Buraashad miyaan ku dhuray
Ballaadhkiyo mowjaddii
Bilaale miyaan dardaray
Shantaa hore bidix lisee

akhristow ninba nin la yaabye anigu waxaan aad iyo aad ula yaabay dhawaan waxaa indhaygu qabteen nin badana aan ka dhawri jiray inaan afka ku dhufto, run ahaantiina aan is odhan jiray malaha waaba dadka ugu aqoonta iyo xilkasnimada badan dhulkaad ka dhalatay, waxaan badana ku cel celin jiray maankayga inuu yahay nin ay hoosta wax ugu laabanyahiin, waxaan is odhan jiray malaha ninka odayga ahi waa ka badanyahay oo ka balaadhanyahay mug ahaan intaasi balse yaabka yaabkise waxaad isweydiinaysaan ninkan aan la yaabay wuxuu yahay lagama yaabo inaad ku margataan magaciisa iyo muuqaalkiisa badankiinba eh waa nin lagu magacaabo PREFESSOR SAMATAR, waa shakhsiyad u dhalatay isla jamhuuriyadda aan ka soo jeedo, waa shakhsi aan ka doorbidi jiray dadyowga qaarkood, waa shakhsi aan kala weyna waxyaabo qaarkood, balse waxaa laga haya ninkii odayga ahaa ee CIGAAL SHIIDAD "NINYAHOW MA WAXAAN KU MOODAY MISE WAXAAD NOQOTAY, Waxaan ku mooday bahal libaaxa oo aan ku hakanayn in uu i kala jaro, mise waxaad noqotay Kurtan meel ku yaalla!!!!!!!!) waa run eh Cigaal shiidad layaab ma lahayn oo waxaad wax moodo ayuunba dunidani is bedela, anigu Samatar garan maayo run ahaantii halkuu ka helay professor nimada, niyahow waxaan u haystay bahasha aqoonta ah in ay ku kala barto hufnaanta iyo hagardaamda, inay kuu kala saxdo asalkaaga iyo oodhaahdaada (your ethnic and culture), balse ninka lagu magacaabo samatar wuxuu u isticmaalay bahashii aqoonta ahayd inuu ku dumiyo qaranka uu ka dhashay, maxaa ka ayaan xun oo ka hagardaamo badan nin asalkiisa iyo hoygiisa la doorbida dulli iyo foolxumo, maxaa ka xun oo ka qadhaadh nin xorriyad ka doorbida cabdudhin iyo caga juglayn waar maxaa ka qalafsan oo ka liita nin ka doorbida aqoon jahaalnimo (illiterate), runtii taasi waxay ka dhigantahay waxyaabaha uu Mr. Samatar ku hadaaqayo.

waxay uun ahayd goor aan sii fogayn ka dib markii ninkaa odayga ahi waa Mr. Samatar eh uu warbixin been abuur ah u gudbiyey haayadda idaacadda B.B.C da isaga oo damaanad qaadaya falalkii foosha xuma ee uu ku kacay Madaxa laanta afka Soomaliga ee B.B.C da isaga oo ku qoray waraaq uu u soo diray qaar ka mid ah masuuliyiinta waaxda afrika ee B.B.C da "in aanay jirin wax la yidhaahdo Somaliland, aanay yahiin dad yar oo isku gashanbuuraysta duminta qaran wuxuu ugu yeedhay soomaliyeed", waxaa yaab igu noqotay Mr. Samatar oo sannadii 1999 si tamashlayn ah u dhex socday magaalooyinka Hargeisa, iyo Boorama oo ku hadaqayey "walle xorriyad tan la mid ah walligay ma arag" hadana uu ku hadlo waxyaabaha qaarkood waxaa laga ducaysta ilaahayow afkayga laba kalmadood oo aan iswaafaqsanayn ha ka wada yeedhsiinin. hadaba waxaan jecelahay inaan halkan ku raad raaco sifo guudna ka bixiyo siyaasadda Somaliland ee ku wajahan khaayimul qaranka guud ahaan meel wal oo uu joogo qaranka Somaliland.

waxay ahayd sannadii 1993 markii dawladdii uu dhisay alla ha u naxariistee Maxamed Ibraahim Cigaal, ay xukun dil ah ku xukuntay madaxweynahii hore ee Somaliland Cabdiraxmaan Axmed Cali (tuur) iyo ninkale oo siyaasi ah oo lagu magacaabo Jaamac Maxamed Qaalib (jaamac yare), waxaa labada ninba lagu eedeyey in ay galeen danbi khiyaamo qaran, weli sidii ayuu u taaganyahay xukunkii dilka ahaa, akhristow u fiirso labadaa oday ee aan soo sheegay midna ma uu ku kicin fikradaha aadka u qalafsan ee la iskaga danbayn doono ee uu sameeyey ninkan lagu magacaabo Mr. Samatar.

Waxaan hadaba halkan ku soo bandhigaya oo aan u cadaynaya dhamaan xukuumadda Somaliland, Golaha Baarlamaanka, Maxkamadda Sare ee Somaliland, Golaha Guurtida Somaliland, Golaha cadaaladda ee Somaliland in ay ka qaadan Mr. Samatar oo haatan ku sugan gobolka Mennisota ee waddanka maraykanka talaabo ka adag ta ay ka qaadeen siyaasiyiinta aan kor ku xusay.

waxaanan jecelahay inaan u sheego ninkaasi magaca beenta ah ee professor nimada ah ishuwiyey in la iskaga danbayn doono waxyaabo qaarkood. aan ku soo gunaanado tixdan gabayga ah ee uu tiriyey abwaan Hadraawi:-

Bulshoy adigaa milga leh
Ninkii boojimo ku yidhi
Shalaad barataannu nidhi
Bayluulida haw furfurin
Bariidana kaama geyo


Ninkii ballankaaga qaaday
Ka baaqday xilkaad u dhiibtay
Ka baydhay ujeedadaada
Ku boobay adoo sabool ah
Ku wiirsaday baaba'aaga
Adoo bogan waayey taada
Ninkii u buseelay raaxo
Huwaday bulbushii libaaxa
Buruudkiyo shaashka qaatay
U booday cirkaa dusheenna
Bilkeeday laboontidiisa
Buurtuu koray waarin mayso
Heddiisana baajin mayso
Kub iyo bawduu ka jabi


Shantaana umal fool bashiishtay
Berdaanka xusuusta ii dheh


Bulshooy adigay boqraday
Beerkayga adaa gogladey
Bogeyga adaa huwadey
wadnaha adigaa barkaday
bishmaha adigaa furfura
Markii lagu bililiqaysto
Markii baaqagu yeedho
Ayaan boholyoow gabyaa
Dareenku baraarugaa


Bulshooy adigay boqrday
Adaa bili igu shakalay
Baruudka adaygu xidhay
Haddaan ahay wiil bir kulul
Burjiga adigaa iska leh
Badheedhka adaa i faray
Dagaalka adaa i baday
Belaayo haddaanay dhicin
Dantaada haddaan la bi'in
Haddaan baradaadu guban
Miyaynu is baran lahayn


Haddaan wanka badhida weyn
Baraarkana loo qalqalin
Ninkii cunay booligaaga
Haddaan buro loogu darin
Saboolka haddan la badin
Haddaan boqol ruux la korin
Dhulkii beeraha lahaa
Haddaan basanbaas ka dhicin
Bal iyo xaab laga idlayn
Dadkii qabay berisamaadka
Haddaan badhax loo shubshubin
Barwaaqadu tuugsi noqon
Haddaan badar loo kaltamay
Biyaha sixin looga dhigin
Basaasta ninkii huwaday
Badhaadhnay haddaanu oran
Naftiisana been ku furan
Miyaynu is baran lahayn


Haddaan waa kuu beryaa
Bayuur iyo ummal ku tarin
Haddaan berritiyo sed maqan
Bushaara lagaaga dhigin
Baxnaanadu kugu adkaan
Haddaan sida Baar-caddaa
Baloolliyo badowyaley
Naftaadu ku ciil belbelin
Qabiilka haddaan la bilin
Haddaan boodhka laga tuntumin
Haddaan is bahaysigeenna
is biirsiga wada-jirkaaga
Budh iyo xoog lagu furfurin
Bartaada haddaan la dhicin
Bukaanka haddaan la nicin
Haddaan bogso lagu daweyn
Miyaynu is baran lahayn


Barbaarta haddaan la layn
Billaawuhu dhiig matagin
Ninkii ku bud dhigi lahaa
Haddaan baqayuhu ka lalin
Halyeyga badbaadadaada
Haddaan bahaluhu ku shirin
Haddaan bir ma geydadaada
rasaas loo berentensiin
Waraabuhu baan ka dhigan
Baroorta qofkii lahaa
Haddaanu u rogan bil-khayr
Belaayo xijaab ka dhigan
Wixii hadhay baylahdaada
Haddaan buntukh loogu talin
xanuun lagu baraq nuglayn
Nin bayr lihi salow ku gelin
Miyaynu is baran lahayn


Basaas iyo oon dartii
Haddaan dhulku baali noqon
Haddaan sida bagagidii
Banaadir indhuu ka nixin
Bariiso haddaan la qixin
Boqoolku is daba taxnaan
Bugaan bugtu gelin Xijaas
Badroolka haddaan la yu'an
Hablihii boqorkiyo dhacalaha
Baftada lagu wada yiqiin
Haddaan baxsadkooda dheer
Baxreyn laga soo qab qaban
Haddaan boqorrada Carbeed
Amiirada baalka xidhan
Kun jeer baryo loogu tegin
Miyaynu is baran lahayn


Haddaan bari ina qalayn
Haddaan bogox ina fantayn
Beelahaa ageheenna yaal
Haddaynaan buro ku noqon
Tukii baallaha caddaa
Adduunyadu baadideenna
Bannaanada kaga xeroon
Boogteenniyo dhaawaceenna
Haddaan baga laynna odhan

MOHAMED ABDI HASSAN (DIRIDHABA)  
diridhaba2001@hotmail.com
  
KARACHI, PAKISTAN.

Faafin: Feb 1, 2003

I  I  D  H  E  H

   Afeef: Aragtida qoraalkaan waa kuwo u gaar ah qoraaga ku saxiixan, kana tarjumi mayaan aragtida SomaliTalk

... Dirirdhaba: maxaa labada Professor loogu kala eexan?! 

... Qoraaladii Hore ee Diridhaba...

FAALLO: Maxamedoow inoo Yare Kaadi
Jawaab ku socota Qoraladii Maxamed Diridhaba. GUJI [Cali Shirwac]


WARARKA  SEPTEMBER - GUJI
AGOOSTO | JULY | JUNE | MAY | APRIL | MARCH | FEBRAAYO | Janaury 2002 | Wararkii 1999-2001 

com

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
..
..
Eldoret waa caynkee
ELdoret- Bishan
Eldoret-Nov 2002
Eldoret-Oct 2002



HTML CD