SomaliTalk DALSAN
Home | Zakaat | Siiro | Saxaabada | Salaat | Search | Allah Is Great |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m 
SOMALITALK - MAQAAL
"Maxamedoow inoo Yare kaadi" 

WQ. Ali Shirwa 
shirwa_ali@hotmail.com

FAALLO & JAWAAB QORAALADII MAXAMED DIRIDHABA

"Avoid Politicians to success their goals
through a cheap propaganda and bloodshed."


Akhrisatayaasha qaayaha leh ee websitekan Somalatalk weliba khaas ahaan Afhayeenka W/Galbeed Mr. Diridhaba, waad wada salaaman tihiin. Bacda salaan, Maxamedoow anigu kuma-laalab'to waxna kuma darsado qoritaanka Maqaalada, Jaraaidka iyo Website-yada. Wakhtigeyga yarna kuma lumiyo, dabagalka wararka beenta iyo sunta cagaaran oo Nimankaa Siyaasiyiinta ah la wereegiyaan, Suntaas na u walaaqan Shicibka masaakiinta ah ee Somaliyeed iyo inta dhabo dhilifka u noqotey weliba garan karin ujeeda-dooda. Waxaan dhibsadey oo qoraalkan igu khasbey Mohamedoow waa hadalada badan iyo u ololeenta zaidka ah ee maalmahan dambe kaa soo Burqamiyey ee ku wadayaala website-yaasha Somaliyed. Waxa hadaba nasiib darro ah, wakhtigan la joogo balance-kii bey ka wiiqeen. Caadifad lagugu tala galey baa lagu geliyey oo ku qaadey. Markii wax sheegii kugu batey waaba aad is-heyn weydey oo shaaraca baad ula soo baxdey suntii lagugu shubtey adoon ka fiirsan. Waxaa hadaba nagu waajibtey in aan ka jaahil bixino, oo ka saarno jibada iyo inta yar ee ku dhibteysa saxiib (Waxaad ogaata, Siyaasaddu waa cudur xun, oo aan ka duwaneyn cudurka loo yaqaano Mingiska. Malaha waadan ogeyn, ee waxaad u baahan tahay in laga tumo).
[qoraalka oo dhan.Hoos Akhri 

KAAH
Choose kaah for confidence, convenience & competitive, rapid, reliable & responsive

  
HANASHADII SOMALILAND IYO RIYADII SOMALIWEYN 

FAALLO: CEERYAANTA SIYAASADEED IYO CAHDIYADII SOMALILAND

FAALLO: HADAFKA SOMALILAND IYO HANAANKA SOMALIWEYN

SOCDAALKA RIYAALE IYO SAHAMINTA SHACABKA SOMALILAND ) 

FAALLO: HADAFKA SOMALILAND IYO HANAANKA SOMALIWEYN GUJI... 

Jaaliyada Somaliland ee Asia & BBC-Somaliga - GUJI

Warsaxaafadeed kasoobaxay Ururka XAX - GUJI

Taariikhda Lagama Been Sheego GUJI...

Ninkii malaa'igtu u sujuudey GUJI.

SOOL, SANAAG, BUUHOODLE, HAWD, AWDAL  GUJI..

<><><>  

Taariikhda Lagama Been Sheego... GUJI...

<><><>

Aan Wax Qalano Mindiyaha Qarsano... GUJI 
 

Hor iyo horaan, waxa waajib kugu ah in aad barato Degaamada dalkaga (waxaa kuuxigi India oo aad joogtid). Gobolada Woqooyi galbeed ee aad ula baxdeen S/Land; Iga Baro dadka dhega iyo sida loo kala dego. Wogooyi Galbeed waxaa degaa Ummad ku Abtirsataa Dir Woqooyi iyo Darood Woqooyi oo wax walba wadaaga, Is-wada dhaley oo xurmo iyo qadarin ka dhaxeyso si sahlan labadeenu (Diridhaba iyo Shirwa) ma’ kala diri karno (Wexey leeyiyiin dhaqan soo jireen aan Maalin ku kala daadan Karin. Wiilyar oo siyaasi ah oo isaguba sigtey iyo adiga oo kale oo iska hantaatagey marna ma bedeli kartaan soo jireenka).

Kororso Aqoontada, Gobalada Konfureed-na waxaa dega waalaalahood Dir iyo Daarood konfureed waxaa weheliya Somaliweyn leh Hawiye, Digil iyo midhifle and others. Waxa keliya naga burburey oo la cirib-tirey waa sharaftii iyo karamadii Ummada Somaliyeed ee mid Isaaq u gaar ah ma’aha. Dadka Ummadda u soo halgamey oo dhagaalka ku qaadey Keligii Taliyihii wadanka baabi-iyey Siyad Barre. Halgankaas Ummadu Somaaliyeed waa u wada dhammeed; Halgan SNM u gaar ah muusan ahayn; dhagaladaas waxa wadey Dir, Daarood iyo Hawiye. Weliba waxaan oran kara Halgamayaashii SNM waxaay ku dheydeen oo dhiira geliyey, waa Halgamyashii Daaroodka konfureed ahaa. Markii ay dhiidiyeen una aadkeysan waayeen Maamul xumada, silica iyo nacabka u Keligii Taliyuhu ku hayo Ummada Somaliyeed. Marna waxaan la iloobi karin kac-doonkii shicibkii reer Muduug dhibkii loo gestey, waxaan marna la iloobi karin saraakiishi Ciidamada Jiida ama Agaas Gaalkacyo heystey oo shicibka sidiii la ogaa u geystey leh dhil, dhac, kufsi, iyo mooro dhuug, (Markaad hadleysey maxaad isu dhaadafineysa ama iska indha tirisa xaqiiqada mise saqiir baad ahayd aan ogeen cawaaqib xumadii ay reebeen kuwa maanta aad u aqoonsan tahay Geesiyo iyo halgameyaal, sida Ina Kaahin, Dhegaweyne, Tanzania, iyo Ina Mirre oo markaas dhibtaasu dhaceysey toos ku amar taagleyniyey XASUUGA FOOSHA XUN. Nimankaas halgamayaasha ku ah, markey Taliyaasha ka ahayeen Ciidamadii Gaalkacyo fadhiyey oo umulo-dhoox ku sifmoodey hadii aad iloowdeen, waa wax hore loo arkii jirey. Horaa loo yiri, “Dhaqar qabe is moog, Dhibbane duudsi ma’ dhaco).

Mohamedoow, kolley maanta kuma habooneyn in aad wax aan jirin ku hadaaqtid, oo weliba qoraal daa-dheer oo wax kama jiraan ah soo qortid. Weheliso hanjabaad iyo cago jugleen ku xoojiya maqaalka (You lost valuable time and afford for no course and derailed yourself to the scrape dumping area. Bye Bye, you are lost this a healing moment. Shame of yourself you drive us back to 1982 overlooking the beautiful stragetegy adopted Feb. 1991 at Berbera conference of Deegaameenta process (Forget about Burco, that was politician conspiricy, which engineered by so and so we know. The demonstration was designed for political reasons and started from Boroma calling it SNM demonstration. Can you tell me who was SNM at time, check your references and send me the reply. Horaa loo yiri, “Ina rag, walaal wuxu ku dhamo ma jiro”. Waxaan kula socod siiniya niman badan oo reer Wogooyi ah khasahaan Isaaq u dhashey ba sheekooyin iyo doodo fara badani na dhax mareen. Markaan dhinac walba isla qaada dhigney, Eedoodi ay Ummada Somaliyeed kaga cawdaan wexey ka badin waayeen Dayuurad baa na soo weerartey. Markaan xusuusiyey oo idhi. Waar, Dayuurad la isku weeraro ma’ ugub baa? Miyaad iloowdeen heshiiskii Berbera aad la gasheen Ingiriska oo weliba ku soo Hogaamiseen Dayuurado lagu dugeeyey Carro Daarood sida Taleex. Dadka iyo dhalka oo aan hore dagaal Dayuuradeed looga ogoon.

Tan kale: Mar haddi aad ka badin-weydey Propaganda raqiis ah oo Ina Riyaale ku dhibtey oo kursi ku raadinaya, Isaga oo ku beer la-xawsaniya shicibka u dhashay Duriyadda Sheekh Isaaq. Aadna aad u guuxdey oo suug geyniso dacaayadaas raqiis. Sida 8000 oo ciidan ku hubeysan qoryaha loo yaqaano BM, madaaficda goobta iyo kuwa lidka dayuuradaha ayaa Laascaanood dul haganaaya.

Hadaladaas diciifka ah waxaan kaa idhi, The Empire of Great Britain, with all its mighty and modern confiscated weapons during that era could not conquer Daraawishland whom were in possesses with light weapons at the time “such as Qoriga loo yaqaano Doonbur” (ninkii kheykiis loo xiirayoow, adna soo qoyso. Expect the same if you have the guts not the pen). Walaal Hanjabaad kulul iyo psychological warfare la la isku xooxinaayo is not a right mode of winning the will of the people especially in politic in particular with the sons and daughters of the Darwish warriors. This will only destroying the dreams and objective and the achievement of you States-man such as marxuun Ina Cigaal, and will ultimately destabilize the struggle succeeded 42 years ago, based on negotiation and peace co-existence of which merited the successes in the early sixties (that is when Northerners had one goal at the Constitutional Conference at Lancaster House in London). What has happened in Las-Anod recently, is the new mode of Democracy you call it Democratization in Hargeisa? No! No! The language we people of Las-anod understand is “Birds of the same feathers fly to gather, DIR and DAAROOD are equal come with a good formula (I don’t say, H/J ,H/A ama H/Yoonis baa igu soo dhuuley, Aniga waa ii wada Isaaq and new partners. Danka kale, Dhulbahante, Wersengeli and Majertain are all Harti not even Daarood.

After you fail, why now taking big loudspeaker making this big noise, Majeertain baa nagu soo dhuulay. May I say, I love that kind silly wicked request for sympathies from the other Somali clan?

How dare can you simply forget what our Leaders signed at the conference table in formation of Somalia?

To broad your knowledge for future reference please read this Historical Information:

The motion adopted by the Protectorate Legislative Council of British Somaliland motivated to simplify the negotiation with Her Majesty Government to accelerated our freedom of which was Signed by the Secretary of States for the Colonies Rt. Hon. Iain Macleod on behalf of Her Majesty Government.

Please read report presented to the conference:

.In December 1959, The General Assembly of the United Nation Adopted a resolution that Somalia, under Italian Trusteeship, should become independence on 1st July, 1960. The U.K. voted for this resolution. The Protectorate Legislative Council met on 6th April 1960, and with the unanimous support of all the elected the following members passed resolution:

“THAT it is the opinion of this House that practical steps should be taken forthwith for the immediate unification of the Protectorate and Somalia, THAT prompt action is essential to achieve this most cherished aim, and can justified by the special important which popular feeling in this country attaches to its early achievement, THAT a bold and definite action be taken, and THAT the date of independence and unification with Somalia must be 1st July 1960, the date when Somalia will attain its full Independence.”

Walaal, Dowladnimadan sida sahlan loo hantiyey waxaa ka dambeeysey Burburkii Somalia. Shacabka Somaliliyeed meelna kuma badbaadin. Meel walba Ummadaas masakiinta ah xasuuq ba’an baa loo geystey; Sida dhil, dhac iyo kufsi. Dhibkaas culus ee wadanka oo dhan ku habsadey; Haddi aan si gaar ah uga hadlo tii ka dhacdey S/Land-tan aad la taahisid.Waar, miyaad iloowdey wixii ka dhacay Bariga Sanaag 1992, Hargeisa 1994, Burco 1996 iyo meelo kale oo Boorame la mid tahay. Dhimashada waxaa lagu qiyaasa ineyan ka yareen 20,000 oo ruux inta ku naf beeley dagaaladaas sokeye. Burburk hantiyeed loo geystey magaalooyinka Hargeisa iyo Burco, Lafteedu ma’yareen waxaa lagu qiyaasa in ka badan 90%, iney ku soo laban-laabama Inti u geystey Xukunkii Afweyne. Fadlan akhriso maqaalkan is fasiliya: -
http://maqaal.somalitalk.com/2001/august/1m06082001.html 

Ninyohoow, wadanka kama war heysid ee Ka fadhiso. Laas-canood waa meesha aan waxba la yeelin inti la is-qalanaayey iyo ka hor nabadna ku dhaqneyd. Dhibka aad maanta Maqashey waxa la soo doontey, ninkaas war-moogaha ah (Dahir Riyaale oo aad ku qarowdiid). Ninkaas oo qaba saldano ka doono mooye, wax kale u mugan karaaba ey isku yar tahay. Dhan iyo dheef u hore ugu kordhiyey ma’ jirin, miid uu isagu iskiis u leexsado mooyaane. Haddi u naftiisi la baxsadey isaga-ba buro sida.

Dhaqaale haddi ay noqoto, Somalia Guud ahaan, maanta waxba isma dhaanto, “waa marka aan ka hadloo shacbiga”; (ma’ sheegin Tobanka tuug ee dhiiga ku soo baxey). Shaley markii ay Dowladdii rasmiga jirtey, waxaanu ahayn Ummad ku nool macaawimo dibadeed, oo mar walba loo kabo Misaaniyadda. Ku fogaan aan mayo, ileen fieldkan waa la igaga fiican yahay oo khubaradhii baa inoo joogta oo ka hadli doonta. Hadan se aan tusaale yar ka bixiyo:

Markii Ingriisku naga tegey waxa u Misaaniyadda ku kabi jirey kharash dhan 1.2m Pounds, Talyaaniguna inta kale iyo Dammaanadda World Bank ayuu ku qebsana (ileen dahab meynaan leheey); Waxaa weheliyey Dowlado kale oo aanu saxiibo nahay oo Zekada shacaabkooda noo soo tur-tuura. Ugu-dambeynti, gortaan albaabada soo xiraney 1991 markaas waxaa lagu noolaa Dowladda Mareeykanka. Dawladdaas Mareeyka ah, misaaniyad-deena wexey ku kabi jirtey lacag dhan $ 150,000,000 sannadkii. Maanta oo la shufbeeley wax Dowlad ah oo wax na siisaa ma’ jiro. Deegda waxaa naloo soo mariya NGO’s oo hoos yimaada SACB saldhiggeeduna yahay Nairobi, Unicef, UNDP, WHO, iyo EU plays very limited role hagga horuumarinta Degaamada ileen uma gacan banana oo waxa hortaagan Maamulada ay la shaqeeyaan.

Mohamedoow, ma’ isweydiise reer Sool iyo Sanaag iyo Buuhoodle (ileen wax soo gaaraiyo mashaariic, waxaa ugu dambeysey 1991) wixii Haya’dahaas Samafalka ugu tala galey xagge baad mariseen?

Midda labaad Sheikha weyn (afkeygu ma’ geyo in aan wax ka sheego) Gudoomiyaha Guurtida ah, Inta uusan hadalku ka dhicin, ma’ is-weydiyey mase og yahay maamul xumada ka jira carriga uu Odeyga ka yahay iyo sida lacagahaas soo mara gacanta Hargeisa Administration; una soo gudbiso UN, EU, iyo NGO’s aaney sida loogu tala galey u bixin?

Isweydiintu ma xumee: Ma’ Hubka aad ka shanqarisey baad ku iibsateen, mise dad baad ku laaluushdeen? Ileen waa xeelad dowlad ku sheeg iyo marinkeed.

Hadal wuxuu ku eg-yahay, Wax sheeg sheeg, walax duub duub ba ka roon. Af-aamunsan waa dahab. Xawligan aad ku socotid laga fiican Mohamedoow inoo yare kaadi (speak-up your mind).

WQ. Ali Shirwa 
shirwa_ali@hotmail.com

Faafin: Jan 30, 2003

I  I  D  H  E  H

   Afeef: Aragtida qoraalkaan waa kuwo u gaar ah qoraaga ku saxiixan, kana tarjumi mayaan aragtida SomaliTalk

 Qoraaladii  Diridhaba...


WARARKA  SEPTEMBER - GUJI
»
AGOOSTO | JULY | JUNE | MAY | APRIL | MARCH | FEBRAAYO | Janaury 2002 | Wararkii 1999-2001 

com

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
..
..
Eldoret waa caynkee
ELdoret- Bishan
Eldoret-Nov 2002
Eldoret-Oct 2002



HTML CD